Home Blog Page 170

Taliyaha ciidanka Dhulka oo tagay deegaano laga saaray Al-shabaab.

0

Sabti 24 Jun 2025 {HMC}  Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa gaaray deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan laga saaray maleeshiyaadka Al-shabaab, kadib howlgallo guulo laga gaaray.

Ujeeddada safarka Taliyaha ayaa ahayd dhiirrigelinta iyo bogaadinta geesiyada Ciidamada XDS iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo door muuqda ka qaatay xoreynta deegaanadaasi.

Intii uu ku sugnaa goobaha laga saarayay, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulamo la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa howlgalada, isaga oo ka xaal wareystay xaaladda guud ee amniga, isla markaana dhageystay warbixino la xiriira howlgallada socda, baahiyaha jira iyo qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga deegaanadaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa si gaar ah u bogaadiyay geesinimada, adkaysiga iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada isgarabsanaya, isaga oo xusay in guulaha la gaaray ay caddeyn u yihiin wada-shaqeyn miro dhal ah iyo go’aan adag oo lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sidoo kale ciidamada ku boorriyay inay sii laba-jibaaraan dadaalkooda, isla markaana ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaanada laga xoreeyay, loogana hortago isku-day kasta oo cadowgu dib ugu soo laaban karo.

Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobolka Shabeellaha Hoose ayaa weli sii socda, iyada oo dowladda Soomaaliya ay adkeynayso dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo in adeegyada dowliga ah dib loogu celiyo deegaanada la xoreeyay.

Cali Balcad “Isbahaysi Sacuudi iyo Masar waa lama huraan xilligan”

0

Sabti 24 Jun 2025 {HMC}  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Cumar, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayso caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale oo aad u adag, kuwaas oo u baahan iskaashi goboleed oo mideysan, gaar ahaan mid lala yeesho Boqortooyada Sacuudiga iyo Jamhuuriyadda Masar.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Al-Majalla, ayaa tilmaamay in mudnaanta koowaad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee dalka, la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sugidda amniga marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Cali Cumar ayaa sheegay in khataraha amni ee gudaha dalka iyo faragelinta dibadeed ay qasab ka dhigayaan in la helo iskaashi goboleed oo xooggan, si looga hortago argagixisada loona xoojiyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Dhanka kale, wasiirka ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay ku sheegtay aqoonsiga waxa ay ugu yeertay “madax-bannaanida Somaliland”, isagoo ku tilmaamay mid jebinaya sharciga caalamiga ah isla markaana halis ku ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Wuxuu sheegay in arrintaasi ay saameyn taban ku yeelan karto amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana aysan u adeegayn danaha guud ee dunida Carabta.

Sidoo kale, Cali Cumar ayaa adkeeyay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya uusan siinayn maamul-goboleedyada wax xuquuq ah oo ku saabsan matalaadda dibadda, taasoo si cad ugu xusan Dastuurka dalka. Wuxuu xusay in xiriirka caalamiga ah uu yahay mas’uuliyad gaar u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Marka laga hadlayo xiriirka Mareykanka, wasiirku wuxuu sheegay in isbeddellada siyaasadeed ee ka jira Washington, gaar ahaan xilligii madaxweyne Donald Trump, aysan si gaar ah u beegsan Soomaaliya, balse ay qayb ka yihiin siyaasad guud oo Mareykanku ku dhimayo kaalinta gargaarka caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in inkasta oo ay jiraan caqabado dhanka amniga ah, haddana dowladda Soomaaliya ay gaartay horumar la taaban karo, isagoo tilmaamay in ku dhawaad 80% dalka laga xoreeyay kooxaha hubeysan, islamarkaana ay sii socdaan howl-gallada lagu ciribtirayo argagixisada, kuwaas oo barbar socda dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Xildhibaan xisbiga Jamhuuriga oo Trump u sheegay inuu khaldan yahay.

0

Jimc 23 Jun 2025 {HMC} Xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Don Bacon ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu ku “qaldanaa” hadalladii uu ka sheegay ciidammada NATO ee Afgaanistaan, isagoo intaas ku daray in uu “malaha uusan garanayn xaqiiqda dhabta ah.”

“Anigu si toos ah ayaan u ogahay in xulafadeenna Yurub ay garab nagula dagaallameen Afgaanistaan iyo Ciraaq, isla markaana ay waayeen wiilal iyo gabdho badan oo qaali ah.”

Wuxuu sii raaciyay inuu lasoo shaqeeyay “askar badan oo British ah oo aad u wanaagsan, rag iyo dumarba,” isagoo ku daray inuu “si shaqsi ah ugu mahadcelinayo Boqortooyada Ingiriiska.”

Bacon ayaa la filayaa inuu dhowaan ka fariisto Congress-ka, wuxuuna horey marar badan si cad uga soo horjeestay madaxweynaha Maraykanka.

Somaliland president pitches business opportunities to Trump’s son.

0

Friday 23 Jun 2025 {HMC} The president of Somaliland has held separate talks with his Israeli counterpart and the second son of the US leader, as the breakaway region continues to seek international recognition and foreign investment.

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi met Isaac Herzog and businessman Eric Trump at the World Economic Forum in Davos, Switzerland.

”Our discussions focused on strengthening and advancing bilateral relations between the Republic of Somaliland and the State of Israel,” Abdullahi said in a post on X about the meeting with Herzog.

Last month, Israel became the first country to recognise Somaliland – 35 years after it declared independence from Somalia.

President “Cirro”, as he is known in Somaliland, shared images on social media of the closed-door event, which was reportedly organised by the Greek House Davos programme, a private forum for discreet high-level gatherings.

Abdirahman Bayle, an advisor to Somaliland’s leader, told the BBC that Eric Trump had ”expressed interest in Somaliland and the opportunities it offers”.

”Among the issues we discussed were global investors in the livestock and agriculture sectors, so that we can industrialise these sectors and export to the rest of the world,” Bayle added.

Livestock is the territory’s main export, primarily to Saudi Arabia.

Eric Trump does not have any official US government position but holds a senior role at the Trump Organization, which runs the family’s businesses. The BBC has approached his representatives for comment but has not received a response.

Somaliland sits in a strategic position on major Red Sea and Gulf of Aden shipping routes.

During the talks, the president emphasised Somaliland’s openness to investment, pointing to the deep-water port of Berbera as a potential logistics hub for trade and energy infrastructure.

Bayle told the BBC that his government’s approach had shifted.

“For the first time, we are not asking the world for aid,” he said. “We are offering our resources.”

Israel’s president described the talks as positive, posting on X: “I was pleased to meet here in Davos with the President of Somaliland.

“I welcome the establishment of diplomatic relations between us and look forward to deepening cooperation for the benefit of our two peoples.”

Earlier this month, Israel’s Foreign Minister Gideon Saar visited Somaliland for the first time and said Israel was determined to advance relations with Somaliland “with momentum”.

Somaliland has governed itself since it broke away from Somalia in 1991 after the collapse of the central government in Mogadishu. It has held its own elections, issued its own currency and built its own security forces, maintaining relative stability compared with much of southern Somalia.

However, its declaration of independence had not been recognised internationally until Israel’s move in December. The recognition drew criticism from Somalia, the African Union and countries including China and Turkey, which said it violated Somalia’s territorial integrity.

The US defended Israel, accusing its critics of double standards.

SOURCE  BBC

South Sudan army chief gives soldiers seven days to crush rebellion.

0

Friday 23 Jun 2025 {HMC} The head of South Sudan’s armed forces has given soldiers seven days to “crush the rebellion” in the east that is a potential threat to the capital, Juba.

Recently, the Sudan People’s Liberation Army in Opposition (SPLA-IO) has attacked and captured several areas in Jonglei state, a local journalist told the BBC, though this could not be independently verified. The latest fighting has threatened Jonglei’s capital, Bor, two hours’ drive from Juba.

SPLA-IO’s leader, suspended First Vice-President Riek Machar, is currently on trial on charges of murder, treason and crimes against humanity, which he denies.

There are fears that the fighting could re-ignite a full-blown civil war in the country.

Conflict in South Sudan, the world’s youngest nation, broke out in 2013, two years after independence, when President Salva Kiir accused Machar of plotting to overthrow him.

A 2018 peace deal ended the civil war that had killed nearly 400,000 people, but it has never been properly implemented and the relationship between Kiir and Machar has become increasingly strained amid ethnic tensions and sporadic violence.

Reinforcements from the South Sudanese army have now been deployed to Bor, which was the first place to be captured by opposition forces in the 2013-2018 conflict. The town is seen as a strategic staging post on the way to the capital.

“We brought you here for a mission,” chief of the defence force Gen Paul Nang Majok told his troops.

“I am giving you seven days only to finish the mission – to crush the rebellion in those areas and recapture them.”

The South Sudanese army is being supported by soldiers from Uganda. Their exact number is not known. One report put the figure at 4,000, but this has not been confirmed.

The soldiers are now preparing to advance into the areas held by SPLA-IO forces, national broadcaster SSBC has reported.

Analysts believe the threats by the SPLA-IO forces to advance towards Juba with the aim of occupying it are meant to put pressure on the government to release Machar.

Earlier this week, Kiir sacked Machar’s wife, Angelina Teny, from her position as interior minister in the unity government and replaced her with someone from his own party. The move sparked criticism and worries that it could escalate the conflict.

The UN’s peacekeeping mission in South Sudan, Unmiss, has called for an immediate cessation of hostilities in Jonglei and other areas experiencing violence in the country.

Unmiss acting head of mission Kiki Gbeho urged the leaders of South Sudan to commit to “immediately ceasing hostilities, de-escalating tensions, and advancing reconciliation and peace through inclusive dialogue under the framework of the peace agreement”.

The UN Commission on Human Rights in South Sudan also expressed alarm at the deteriorating political and security situation and had a similar message to Unmiss.

Commission chair Yasmin Sooka expressed deep alarm at the reports of repeated airstrikes in parts of Jonglei, which have killed and injured civilians, destroyed homes, markets and medical facilities, and triggered large-scale displacement.

Earlier this month, SPLA-IO acting chief of staff, Lt Gen Peter Thok Chuol Luak, issued a warning to Juba’s residents, saying its forces would launch attacks near the city.

“This warning precedes imminent military confrontations in Juba.

We strongly recommend that all South Sudanese citizens in areas on the outskirts of Juba either evacuate or remain indoors,” Gen Thok wrote.

The governor of the state that includes Juba, Emmanuel Adil Anthony, has urged residents to ignore the threats made by the SPLA-IO.

SOURCE BBC

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo Gaaray Deegaano dhawaan laga Xureeyay Kooxda AS.

0

Jimco 23 Jun 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar ayaa Gaaray Deegaano ka tirsan Gobalka Shabellaha hoose kuwaa oo dhawaan laga Xureeyay Kooxda Al shabaab.

Taliyaha ayaa halkaa u tagay dhiirrigelinta Geesiyada Ciidamada XDS iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha dagaalka

Intii uu ku sugnaa deegaanada la xoreeyay Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa kulamo la qaatay saraakiisha isagoo ka xaal wareystay Xalaadaha guud ee amniga, Sido kalana warbixino ka dhageystay,

Geesta kale Taliyaha ayaa bogaadiyay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada Isgarabsanayo.

Howlgal ka dhacay Badhaadhe oo Lagu dilay 25 AS ah, Halka Nolosha lagu qabtay 13 Kale.

0

Jimco 23 Jun 2025 {HMC} Ciidamada Dowlad-goboleedka Jubaland oo garabsanaya Ciidamada Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa boqolaal Shabaab ka tirsan ku dilay howlgal wadajir ah oo ay ka fuliyeen deegaanno hoos yimaada Degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday dagaalamauyaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa deegaanada ay ku dhuumaaleysanayeen.

Wararka rasmiga ah ayaa sheegaya in howlgalka lagu dilay in ka badan 250 ka tirsan Al-Shabaab, halka 13 xubnood oo kale lagu qabtay iyagoo nool.

Jubbaland waxay sheegtay in ccidamadu ay la wareegeen hub iyo gaadiid ay Alshabaab u adeegsanayeen falalka amni darrada ah.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe ayaa bogaadiyay ciidammada fuliyay howlgalka, isaga oo xusay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu sii socon doono ilaa laga xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada Jubaland.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in dowladdu ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab, isla markaana ay sii wadi doonto iskaashiga laamaha amniga si loo sugo nabadda iyo xasilloonida shacabka.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay Alshabaab weerareen jazeeradda Kudhaaa, halkaas oo ay qabsadeen inkastoo markii dambe ay ciidamada Jubbaland dib uga qabsadeen.

“Ma Ogolaaneyno Xadgudub Lagu Sameeyo Madaxbannaanida Dalkeena” Wasiir Fiqi

0

Jimco 23 Jun 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin ilaalinta madaxbannaanida dalka, isla markaana ay si adag uga hortagi doonto cid kasta oo ku xadgudubta ama hoos u dhigta sharafka iyo xuduudaha qaranka.

Wasiirka ayaa hadalkan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey Aljazeera Net, xilli uu ku sugnaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu uga qeybgalay Shirka iyo Bandhigga Difaaca Badda ee DIMDEX 2026.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in go’aankii dhowaan dowladda Soomaaliya ku joojisay dhammaan heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka Carabta uu yimid kaddib xadgudubyo si toos ah u taabanayay madaxbannaanida Soomaaliya.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dhammaan saldhigyada militari ee ku yaalla dalka ay tahay in ay hoos yimaadaan dowladda federaalka ah, isla markaana lagu dhiso ixtiraam buuxa oo la siiyo qarannimada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa qiray in Imaaraadka Carabta ay hore u taageeri jireen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, balse taageeradaasi ay istaagtay ku dhowaad laba sano ka hor.

Waxa uu intaa ku daray in marar badan taageeradaasi aan loo marin hay’adaha rasmiga ah ee dowladda.

Isagoo ka hadlay sababaha ay dalalka shisheeye u daneynayaan joogitaanka militari ee Soomaaliya, Wasiirka Difaaca ayaa tilmaamay in arrimahaasi ay salka ku hayaan la-dagaallanka argagixisada iyo burcad-badeedda, istaraatiijiyadda juqraafiyeed ee dalka oo ku yaalla marinno muhiim ah sida Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab, iyo sidoo kale damac ku aaddan kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, sida shidaalka, macdanta iyo kalluunka.

Wasiirka ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta Somaliland, isagoo ku adkeeyay in ay tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, isla markaana heshiis kasta oo ay si gooni ah u gasho uu yahay mid baalmarsan dastuurka dalka iyo sharciga caalamiga ah.

Waxa uu ka digay in aqoonsi loo fidiyo Somaliland ay horseedi karto qalalaase hor leh iyo carqaladeyn ku timaadda dadaallada dib u dhiska qaranka.

Sidoo kale, Wasiirka Difaaca ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan waxa uu ku tilmaamay isku dayga Israa’iil ay ku doonayso in ay ku lug yeelato arrimaha Somaliland, isagoo sheegay in arrintaasi ay halis ku tahay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Waxa uu intaa ku daray in Israa’iil ay doonayso in ay ka faa’iideysato goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland, iyada oo aan wax tixgelin ah u hayn danaha shacabka deegaanka, isla markaana ay jiraan warar ku saabsan qorshe lagu doonayo in lagu soo raro Falastiiniyiin dhibaatooyin soo gaaray.

Ciidanka NISA oo Sheegtay in ay Gacanta ku Dhigtay Shabakad Argagixiso.

0

Jimco 23 Jun 2025 {HMC} Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad argagixiso oo isku xiran, kana kooban illaa shan (5) xubnood, kuwaas oo qorsheynayay in ay si qarsoodi ah ku soo galaan magaalada Muqdisho, si ay uga fuliyaan falal lid ku ah amniga iyo xasilloonida caasimadda.

Sirdoonka Qaranka oo si dhow ula socday dhaq-dhaqaaqyada shabakaddan iyo dhagaraha ay maleegayeen, ayaa sidoo kale hawlgalkaas ku soo qabtay nuucyo kala duwan oo qaraxyo ah, hub, iyo gaadiid, kuwaas oo ay qorsheynayeen in ay u adeegsadaan falalkooda argagixiso.

Shabakaddan ka tirsan Khawaarijta ayaa loo gudbin doonaa hay’adaha caddaaladda, si loo marsiiyo sharciga, waxayna Hay’adda NISA uga mahadcelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed wada shaqeynta joogtada ah iyo taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada amniga oo mar walba u taagan difaaca shacabka.

Fadlan muwaadin, haddii aad hayso xog ama aad aragto wax khatar ku ah amniga, ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish, la wadaag NISA lambarradan hoos ku qoran:

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis oo lagula dagaallamo argagixisada.

0

Jimco 23 Jun 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cali Yuusuf, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan, Mohsin Naqvi, intii uu ku guda jiray booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Pakistan, halkaas oo labada dhinac ay ku heshiiyeen in la qaato istaraatijiyad wadajir ah oo lagu ciribtirayo argagixisada iyo xagjirnimada.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Pakistan, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan.

Labada wasiir ayaa isla qaatay in la ballaariyo wada-shaqeynta dhinacyada tababarrada ciidamada, maareynta xuduudaha, iyo maaraynta masiibooyinka.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la sii xoojiyo iskaashiga ku aaddan amniga gudaha, la-dagaallanka argagixisada, iyo wada-shaqeynta guud ee amniga, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay is-dhaafsiga khibradaha iyo xogta amni.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto waayo-aragnimada Pakistan ee la-dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga gudaha, isagoo muujiyay diyaar garow buuxa oo ku aaddan in la xoojiyo iskaashiga labada dal.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan, Mohsin Naqvi, ayaa ballanqaaday in Pakistan ay si buuxda u taageeri doonto Soomaaliya, gaar ahaan dhanka booliska, tababarrada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Cali Yuusuf ayaa sidoo kale ammaanay horumarka kaabayaasha dhaqaale ee ka socda magaalada Islamabad, isagoo xusay in Soomaaliya ay wajahayso duruufo adag islamarkaana ay si toos ah ugu jirto dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada, isla markaana booqashadan ay gacan ka geysan doonto xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Mohsin Naqvi ayaa sheegay in Pakistan ay si buuxda u fahamsan tahay caqabadaha amni ee heysta Soomaaliya, wuxuuna shaaciyay in la fududeyn doono fiisayaasha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safraya Pakistan daaweyn caafimaad iyo waxbarasho.