Home Blog Page 169

DFS oo shaacisay in ku dhawaad 30 xubnood As lagu dilay Jubbada Hoose

0

Sabti 24 Jun 2025 {HMC}  Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ay si wadajir ah wali uga wadaan gobolka Jubbada Hoose cidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland.

War qoraal ah oo goordhaw kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalada ciidamadu kusii baacsanayaan Al-shabaab ee ka socda deegaanada ka fog fog Kudhaa in lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

“Howlgalladii ugu dambeeyay ee la sameeyay ilaa xalay ayaa lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, ayadoo sidoo kale lagu soo qabtay labo xubnood oo dhaawac ah, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee Kudhaa” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Waxaa sido kale warka kasoo baxay dowlada lagu sheegay in aroornimadii hore ee saakay ciidamo howlgal qorsheysan ka fuliyay isla deegaankaas ay dileen afar xubnood oo ka mid ahaa firxadkii kooxda ee ka baxsaday dagaaladii hore.

Dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in ciidamadeeda ay weli ku raad joogaan horjooge Fu’aad Shangole oo ay sheegtay in la xaqiijiyay inuu qabo dhaawac culus.

Ugu dambeyntii howlgaladaan ciidamada iskaashanaya ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan uu ka dhacay magaalada Kudhaa dagaal jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab oo looga dilay in ka badan 130 xubnood.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay aqbalay gogosha DFS

0

Sabti 24 Jun 2025 {HMC}  Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wadatashi dheer kaddib uu go’aansaday inuu aqbalo gogosha wadatashiga siyaasadeed ee ay soo bandhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).

Warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha, ayaa lagu sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay ka hortagga firaaq dastuuri ah iyo in la helo xal loo dhan yahay oo badbaadiya dowladnimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Goluhu wuxuu xusay in Soomaaliya ay marayso marxalad xasaasi ah oo khatar ku ah dowladnimada iyo wadajirka ummadda, iyadoo khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa dastuuriga ah ee jira ay sii wiiqi karaan midnimada dhuleed iyo tan bulsho. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa digniin ka bixiyay in xaaladdan ay fursad siin karto kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab, Daacish iyo cid kasta oo dano gurracan ka leh Soomaaliya, si ay u waxyeelleeyaan amniga iyo jiritaanka dowladnimada curdanka ah.

Goluhu wuxuu si cad u adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu qaado tallaabooyin lagu xaqiijinayo in shirka wadatashiga uu ku qabsoomo jawi kalsooni leh, niyad-sami ku dhisan, isla markaana wada-hadalladu noqdaan kuwo miro dhal ah.

Tallaabooyinkaasi waxaa ka mid ah in gebi ahaanba la joojiyo wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Federaalka ee la ansixiyay sannadkii 2012-kii, iyo in ajandayaasha shirku noqdaan kuwo mudnaan gaar ah u leh xaaladda dalka.

Ajandayaasha ay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ku baaqeen in diiradda la saaro waxaa ka mid ah amniga guud ee dalka, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish; in heshiis loo dhan yahay laga gaaro hannaanka doorasho ee lagu soo dooranayo hay’adaha Dowladda Federaalka; xoojinta midnimada iyo wadajirka dalka; iyo wax ka qabashada xaaladda abaaraha ee ka taagan guud ahaan Soomaaliya.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in guddiga farsamada ee golaha, oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab), loo xilsaaray dhammaan diyaargarowga farsamo ee la xiriira ka-qaybgalka shirka.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidmada jubaland oo Dhulka Howdka ah ugu tagay meeydad iyo dhaawacyo ka tirsan AS

0

Sabti 24 Jun 2025 {HMC} Ciidmada jubaland oo Dhulka Howdka ah ugu tagay meeydad iyo dhaawacyo ka tirsan AS

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

 

{DAAWO MUQAALKA} Soomaaliya oo Shaacisay Hal Arin oo Dalka looga Ceeriyay imaaraadka Carabta.

0

Sabti 24 Jun 2025 {HMC} Soomaaliya oo Shaacisay Hal Arin oo Dalka looga Ceeriyay imaaraadka Carabta.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

 

{DAAWO MUQAALKA} Banaanbaxyo looga soo jeedo Ciidamada ICE iyo MW Trump oo ka socda Minneapolis

0

Sabti 24 Jun 2025 {HMC} Banaanbaxyo looga soo jeedo Ciidamada ICE iyo MW Trump oo ka socda Minneapolis

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

 

{DAAWO MUQAALKA} Ruushka oo Duqaymo aan kala joogsi laheyn ka wada Ukraine.

0

Sabti 24 Jun 2025 {HMC} Ruushka oo Duqaymo aan kala joogsi laheyn ka wada Ukraine.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

 

Dowlada Soomaaliya oo Si Adag udifaacday sababta ay Imaaraadka dalka uga Cayrisay.

0

Sabti 24 Jun 2025 {HMC}  Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dalkiisu uusan marnaba ogolaan doonin cid kasta oo ku xadgudubta madaxbannaanidiisa ama ixtiraam darrada ku samaysa xuduudihiisa. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in go’aanka lagu joojiyay dhammaan heshiisyadii Imaaraadka Carabta uu ka dhashay “ku xadgudubyo si toos ah u taabanaya qarannimada Soomaaliya”, isla markaana saldhig kasta oo ciidan shisheeye ah uu khasab ku yahay inuu hoos yimaado kormeer buuxa oo ay leedahay dowladda Soomaaliya, kuna dhisnaado ixtiraam buuxa oo madaxbannaanida dalka ah.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray, wareysi gaar ah oo uu siiyay Aljazeera Net in Imaaraadku mar hore taageero siin jiray ciidamada Soomaaliya, balse taageeradaasi ay istaagtay ku dhowaad laba sano ka hor. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in taageeradaasi mararka qaarkood aanay mari jirin hay’adaha rasmiga ah ee dowladda, balse lagu wareejin jiray kooxo hubeysan oo ka jira qaar ka mid ah gobollada dalka, taas oo ujeeddadeedu ahayd in la wiiqo awoodda dowladda dhexe lana dhaawaco midnimada iyo madax-bannaanida qaranka.

Isagoo ka hadlayay arrinta Somaliland, ayuu wasiirku caddeeyay in Somaliland ay tahay qayb aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana heshiis kasta oo ay keligeed la gasho dalal shisheeye uu yahay mid ka hor imanaya Dastuurka Soomaaliya iyo sharciga caalamiga ah. Wuxuu ka digay in aqoonsi loo fidiyaa maamulka gooni-goosadka ah uu sababi karo khilaafyo gudaha ah, khatarna gelin karo xasilloonida guud ee dalka iyo gobolka.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale si adag u diiday isku dayga Israa’iil ee ku doonaysa inay ka faa’iideysato muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya, isla markaana ku xadgudubto madaxbannaanideeda iyada oo aqoonsanaysa Somaliland ama qorshaynaysa in Falastiiniyiin loo raro halkaas. Wuxuu sheegay in arrintaasi ay si cad uga hor imanayso qiyamka iyo mabda’a qaran ee ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuu sharaxay in xiisaha ay dalal badan u qabaan dhismaha saldhigyo ciidan oo ku yaalla Soomaaliya uu ka yimaado arrimo ay ka mid yihiin la dagaallanka argagixisada iyo burcad-badeedda, iyo sidoo kale muhiimadda juqraafiyeed ee dalka oo ku yaalla marinno badeed caalami ah sida Gacanka Cadmeed iyo Bab-al-Mandab. Waxaa intaas dheer, ayuu yiri, damaca ku aaddan khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya sida shidaalka, macdanta dhifka ah iyo kalluunka.
Wareysigan waxaa lagu qabtay intii uu socday Shir iyo Bandhigga Difaaca Badda “DIMDEX 2026” oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Wasiirku wuxuu halkaas ku shaaciyay in Soomaaliya iyo Qatar ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashi militari, isagoo ku tilmaamay shirka DIMDEX inuu yahay madal muhiim ah oo lagu arko horumarka difaaca badda iyo tignoolajiyada casriga ah ee lagula tacaalo khataraha amni ee badda.

Ugu dambayn, Wasiir Axmed Macallin Fiqi wuxuu xusay in mustaqbalka dhow ay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya diiradda saari doonto dhismaha ciidan qaran oo xirfad leh, qalab casri ahna ku hubeysan, isla markaana ay dalka ka hirgelin doonto xarumo tababar iyo warshado u suurtageliya inuu yeesho awood difaac oo isku filan, si loo xaqiijiyo amni waara, madaxbannaani buuxda, iyo midnimo qaran.

Wararkii ugu dambeeyay Dibadbax ka dhan ah Ciidanka ICE oo ka dhacay Minnesota

0

Sabti 24 Jun 2025 {HMC}  Dibadbax ka dhan ah Ciidanka Maraykanka u qaabilsan socdaalka & Kastamyada ee loosoo gaabiyo ICE ayaa ka dhacay Gobolka Minnesota, waxaa inta uu dibadbaxu socday la xiray Boqolaal Ganacsi oo ku yaalla Gobolkaas.

Dadka soo qabanqaabiyay dibadbaxa ayaa sheegay in ay dhibaato ku qabaan howlgallada ciidanka ICE, waxa ay soo jeediyeen in laga dulqaado maadaama maalin weliba rabshado iyo buuq ay ka dhex wadaan Minnesota.

Waxa ay wateen boorar lagu qoray ereyo ka tarjumaya sida ay u diidan yihiin culayska Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump uu saaray Gobolka Minnesota iyo ficillada aan habbooneen ee Ciidanka Socdaalka samaynayaan.

Labada Magaalo ee sida isku midka ah looga dibadbaxay waxa ay kala yihiin Saint Paul & Minneapolis, waxaana u badan Dadka Soomaalida ah oo goobo Ganacsi oo waa weyn ku leh Magaalooyinkaas waana Bulshada sida gaarka ah loo beegsanayo.

Mustaqbal

600 maxbuus xabsiyada laga sii daayay Venezuela

0

Sabti 24 Jun 2025 {HMC} Madaxweyne ku-meel-gaarka ee Venezuela, Delcy Rodríguez, ayaa sheegtay in 626 maxbuus la sii daayay toddobaadyadii u dambeeyay. Waxay ka gaabisay inay faahfaahiso nooca maxaabiista la sii daayay.

Hay’adaha u dooda xuquuqul aadanaha ee Venezuela waxay sheegayaan in tiro maxbuus siyaasadeed ah la sii daayay, balse tiradaasi way ka yar tahay tan ay dowladdu sheegtay.

Madaxweyne Rodríguez ayaa sheegtay inay weydiisan doonto Volker Türk, Guddoomiyaha Sare ee Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, inuu xaqiijiyo liiska dadka xabsiga laga sii daayay.

Madaxweyne Trump oo ka laabtay casuumaadii Golaha Nabadda ee Canada.

0

Sabti 24 Jun 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka noqday casuumaad uu u fidiyay Canada si ay uga mid noqoto Golaha Nabadda ee uu dhawaan dhisay, taasi oo ah muran cusub oo ka dhex dhalisay deriska Waqooyiga Ameerika.

“Fadlan warqaddan ha matasho in Golaha Nabadda uu ka noqday casuumaadii lagu casuumay Canada,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social, isagoo qoraalka u diray Ra’iisul Wasaare Mark Carney, kaas oo toddobaadkan warbaahinta ka dhigtay markii uu ka digay “fashil” ka dhex dhaca nidaamka caalamiga ah ee Mareykanka hoggaamiyo.

Canada ayaa tilmaantay in inkastoo aysan lacag bixin doonin si ay xubno uga noqoto golaha, haddana ay diyaar u tahay inay ku biirto.

Dhanka kale, hoggaamiyaha Midowga Yurub, Antonio Costa, ayaa sheegay in madaxda Yurub ay ka qabaan shaki weyn baaxadda golaha, balse ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan hay’addaasi gaar ahaan arrimaha Qaza.