Home Blog Page 168

Dowladda oo eedeyn Culus U-jeedisay UAE.

0

Axad 25, Jan 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in kaalmooyin hore oo ka yimid Imaaraadka Carabta ay hareer mareen hay’adaha dowladda federaalka, mararka qaarna ay gaareen kooxo hubeysan oo ku sugan dowlad goboleedyada, taasi oo uu sheegay ay wiiqday awoodda qaran, khatarna gelisay midnimada dalka.

 

“Marka laga hadlayo taageerada Imaaraadku siiyay Soomaaliya, waxaa muhiim ah in la xuso in taageeradaasi aysan mar walba soo marin waddooyinka rasmiga ah ee dowladda,” ayuu yiriFiqi.

Wuxuu intaas ku daray in kaalmada qaar si toos ah loogu hagaajiyay “kooxo hubeysan oo ka hawlgala gobollo gaar ah,” isagoo arrintaas ku sifeeyay qayb ka mid ah dadaallo ballaaran oo lagu wiiqayo dowladda dhexe, laguna carqaladeynayo madax-bannaanida Soomaaliya.

Fiqi wuxuu caddeeyay in iskaashiga hadda lala sameynayo saaxiibada shisheeye uu ku socdo kormeer adag oo dowladda federaalka ah. Wuxuu xusay in kadib ku dhawaad labo sano oo hakad la geliyay taageerada Imaaraadka, wixii kaalmo ah ee soo haray hoos loo dhigay ilaa heerka ugu yar.

Hadallada wasiirka ayaa kusoo beegmaya maalmo uun kadib markii dowladda federaalku ku dhawaaqday inay joojisay, gebi ahaanba, heshiisyadii difaaca iyo amniga ee ay la lahayd Imaaraadka, iyadoo sabab uga dhigtay walaac la xiriira ilaalinta madax-bannaanida qaranka iyo wax ay ku tilmaamtay faragelin lagu hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Go’aankan ayaa astaan u ah xumaanshihii ugu darnaa ee soo kala dhex gala xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi tan iyo sannadkii 2018-kii, xilligaas oo mas’uuliyiinta Soomaaliya ay garoonka Muqdisho ku qabteen lacag malaayiin doollar ah oo saarnayd diyaarad Imaaraadku leeyahay, taas oo keentay in Imaaraadku joojiyo howlgalkiisii tababarka ciidamada.

Khilaafkan cusub ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda gobolku ay cakiran tahay. Xiisadda ayaa sii kululaatay tan iyo markii Israa’iil ay dhammaadkii bishii December ku dhawaaqday inay aqoonsanayso Somaliland — oo ah maamul gooni-u-goosad ah oo ku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya 1991-kii balse aan haysan aqoonsi caalami ah.

Muqdisho ayaa tallaabadaas si kulul u cambaareysay, kuna tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo weerar lagu qaaday midnimada dhulkeeda.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa sheegay in Abu Dhabi ay door laf-dhabar ah ku lahayd abuurista jawiga siyaasadeed iyo amni ee suurtogeliyay tallaabadaas, iyagoo tixraacaya xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Imaaraadka iyo madaxda Somaliland, iyo sida qotada dheer ee ay ugu lug leeyihiin mashaariicda dekedaha, amniga, iyo ganacsiga ee gobolkaas.

Dhankeeda, dowladda Imaaraadku waa ay beenisay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Trump oo ka qoomameynaya Arin uu sameeyay

0

Sabti 24, Jan 2026 {HMC} Madaxweyne Donald Trump ayaa u saariyay nabar muuqda oo kaga yaalla gacantiisa bidix isticmaalka badan ee daawada aspirin.

Nabarku wuxuu soo baxay kadib markii uu ku dhacay miis intii uu ku sugnaa Shirka Dhaqaalaha Adduunka ee ka dhacay magaalada Davos ee dalka Switzerland.

Trump ayaa sidaas u sheegay wariyeyaasha isagoo saaran diyaarada Air Force One xilli uu dib ugu laabtay Maraykanka.

Trump ayaa la il-daranaa xanuunkan ka xididdada kaga dhacay, kaasoo aad u daran, sida uu Aqalka Cad ku dhawaaqay sanadkii la soo dhaafay, ka dib maalmo warar la isla dhex marayay kuwaasoo la xiriiray sawirro muujinayay nabar ka muuqda gacanta madaxweynaha Maraykanka.

Ka dib markii uu xilligaas la kulmay barar lugaha ah, Trump ayaa maray “baaritaan dhamaystiran” oo ay ku jiraan baaritaanka xididdada dhiigga, sida ay sheegtay xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karoline Leavitt.

Leavitt waxay sheegtay in gacanta nabarku kaga yaallo Trump uu ka dhashay “salaanta gacanqaadka ee joogtada ah” isagoo dhanka kalena qaata aspirin, kaas oo ay sheegtay in uu yahay “qayb ka mid ah dawooyinka ka hortagga xanuunnada wadnaha”.

Trump, oo 79 jir ah, waxa uu si joogto ah u sheegay in caafimaadkiisu wanaagsan yahay, waxaana uu mar isku tilmaamay in uu yahay “madaxweynihii ugu caafimaadka badnaa ee abid noolaa”.

Xanuunka xididdada dhiigga ee uu madaxweynuhu dhawaan ogaaday waa mid yimaada marka xididdadu ay ku guul-darraystaan inay dhiigga ku shubaan wadnaha, taasina ay keento in dhiiggu ku uruuro qaybaha hoose, ka dibna ay xubintu bararto.

Xididdada “dhiigga ayey sare u riixaan lugta ayeyna ka soo saaraan” waxayna dib ugu noqdaan wadnaha, Dr Meryl Logan, oo ah kaaliyaha borofesar qalliinka xididdada dhiigga ee Jaamacadda Texas ee Austin ayaa u sheegtay BBC.

Lugaha bararsan iyo nabarka ka muuqda ayaa keenay in internetka uu ku faafo iyo warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in madaxweynaha uu la soo dersay xanuun aan si rasmi ah loo shaacin.

Ka dib baaritaan jireed oo sanadle ah bishii Abriil, Barbabella wuxuu qoray in Trump “uu muujiyey caafimaadka garashada iyo jirka in uu wanaagsan yahay”.

Trump waxa uu jiray 78 sano iyo toddobo bilood markii loo dhaariyay xilka markii labaad bishii Janaayo, taasoo ka dhigtay inuu noqdo madaxweynihii ugu da’da weyn ee abid loo caleemo saaro hoggaanka Mareykanka.

Dhakhaatiirtu waxay BBC-da u sheegeen inay ku raacsan yihiin qiimaynta Barbabella ee ku aaddan sida uu xanuunkan xididdada u daran yahay.

“Waxa lala xiriirin karaa xaalado halis ah, laakiin xaaladdan nafteeda ma aha xaalad halis ah, waana mid aad u badan,” Dr Matthew Edwards, oo ah madaxa qaybta qalliinka xididada ee jaamacadda Wake Forest, ayaa u sheegay BBC.

“Dadka da’diisa ah, waxaan dhihi lahaa malaha inta u dhaxaysa 10 iyo 35% ayey arrintan haysataa”

Waxa ay khubaradu sheegeen in khataraha kale ay ka mid yihiin miisaanka oo yaraada, isla markaana uu leeyahay taariikh xinjiro dhiig ah, iyo in uu qofku leeyahay shaqooyin u baahan in bukaanku uu meel cagaha ku hayo muddo dheer.

Xirashada sigsaanta caafimaadka ah oo si gaar ah loo sameeyay ayaa kaa caawin karta maaraynta xaalada, khubarada ayaa sidoo kale ku taliyay bukaanada inay kor u qaadaan lugahooda habeenkii.

“Waxaan u sheegaa bukaanadayda inay kareem mariyaan lugaha iyo cagaha maalin kasta, ka dibna la xakameeyo waxyaabaha kale ee khatarta ah sida cayilka,” ayuu yiri Dr Logan.

Xanuunkan xididdada ee Trump haya wuxuu ku dhacaa oo kaliya qeybta hoose ee jirka, sidaas darteed xaaladdu kuma xirna nabarka ka muuqda gacanta madaxweynaha, taasoo dhalisay hadal heyn maalmihii u dambeeyay.

Dhakhaatiirta madaxweynaha ayaa sheegay in nabarkan uu ka dhashay gacan qaadka salaanta, iyo sidoo kale qaadashada aspirinka, taasoo ka caawin karta ka hortagga wadne xanuunka, xinjirowga dhiigga, iyo faaligga.

XIGASHO BBC

FAAH FAAHIN Ninka ay ku Dileen Ciidamada ICE Minneapolis.

0

Sabti 24, Jan 2026 {HMC}  Ninka ay saraakiisha federaalku ku toogteen saaka subaxdii magaalada Minneapolis koonfurteeda, waxaa loo aqoonsaday inuu yahay Alex Jeffrey Pretti, 37 jir, sida ay ilo ku dhow baaritaanku sheegeen.

Brian O’Hara, taliyaha booliiska Minneapolis, ayaa sheegay in Pretti uusan lahayn taariikhda dambiyo culus, diiwaanaduna muujinayaan inaanuu systemka ugu jirin wax ka badan ganaaxyada baarkinka. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inuu ahaa milkiile sharci ah oo hubkiisu rukhsad leeyahay.

Diiwaannada gobolka waxay muujinayaan in Pretti wax ka bartay Jaamacadda Minnesota, isla markaana la siiyay shatiga kalkaaliye ee shaqada sanadkii 2021, kaas oo wali shaqaynaya ilaa Maarso 2026. Dhacdadu weli waa waxa ku socda baadhitaan.

Madaxweyne Al-Sisi oo Ka Hadlay Midnimada Gobolka iyo Khatarta Aqoonsiga Israaiil ee Somaliland. 

0

Sabti 24, Jan 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Cabdifataax Al-Sisi, oo hadal ka jeedinayay munaasabadda sannad-guurada Maalinta Ciidanka Booliska dalkaas, ayaa si adag uga hadlay xaaladda ammaan ee gobolka.

Madaxweynuhu wuxuu ku nuux-nuuxsaday in Masar ay si cad u diidantahay in la kala qaybiyo dalalka gobolka, isagoo sheegay inaan marnaba la aqbali doonin ama aan la aqoonsan doonin hay’ado ama ururro barbar-socod ah oo loolan geliya madax-bannaanida dawladaha.

Isagoo sii hadlayay, Al-Sisi wuxuu farta ku fiiqay in dhinacyada ku hawlan samaynta, faafinta iyo taageeridda maleeshiyaadka hubeysan ay mas’uul ka ahaayeen burburka weyn ee ku habsaday dalal dhowr ah oo ka tirsan gobolka.

Wuxuu xusay in fiditaanka kooxahan hubeysan ay tahay sababta koowaad ee keentay xasillooni darrada ka jirta gobolka, taas oo caqabad ku ah nabadda iyo horumarka.

Alsiisi, ayaa inta uu hadlayay adkeeyay inaan dowlad-na aan laga aqbalayn inay farageliso madaxbannaanida dalalka gobolka, Masar-na ay dedaalkasta gelinayso inay xaqiijiso wadajirka dalalka Carabta iyo kuwa Gobolka.

Hadalka Madaxweynaha Masar ayaa xilli ay sare u kacday xiisadda gobolku, Masar-na ay hormuud u tahay ilaalinta Midnimada iyo Wadajirka Soomaaliya.

Ilhaan Cumar oo ka hadashay waxa ka dhacay Minneapolis.

0

Sabti 24, Jan 2026 {HMC} Ilhaan Cumar oo ah wakiilka xisbiga Dimuqraadiga ee degmada 5-aad ee gobolka Minnesota ayaa sheegtay in toogashadii ka dhacday magaalada Minneapolis ay ku reebtay qalbi jab, argagax iyo naxdin.

“Maamulka Trump wuxuu isku dayayaa inuu na gayeysiiyo inaan is dhiibno halkii uu na ilaalin lahaa,” ayay tiri.

Xusuusin ahaan, Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka – bayaan hadda la sii daayay – waxay ku sheegtay in saraakiisha federaalku ay isku dayeen in ay hubka ka dhigaan ” tuhmane hubeysan ” oo “si xoog leh iska caabbin u sameeyay”.

Ilaa hadda ma cadda sida ay wax u dhaceen.

Trump oo u hanjabay Dowladda Canada.

0

Sabti 24, Jan 2026 {HMC} Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay Canada , haddii ay heshiis ganacsi la galaan Shiinaha inuu saarayo canshuur 100% ah , dhammaan badeecooyinka ay Canada keento Mareykanka.

waxaa kaloo uu ka digay iskuday kasta oo Canada ay ku noqon karto goob uu Shiinaha badeecooyinkiisa ka soo dejiyo , si Mareykanka loo galiyo, wuxuu intaa ku daray;

“Shiinaha wuxuu si buuxda u dhaawaci karaa Canada , isagoo burburin kara ganacsigeeda, isku-xirka bulshadeeda, iyo qaab-nololeedkeeda guud.”

Kenya oo dib ugu Celisay 22 Qof oo Soomaali ah Dalka Koofur Africa.

0

Sabti 24, Jan 2026 {HMC} Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee ku Xirnayd garoonka Jomo Kenyatta ee magalada Nairobi ayaa Dib ugu soo Laabtay Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika.

22-kii Qof ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhawaan ka tagay Koonfur Afrika Laguna Xiray Magaalada Nairobi ayaa la sii daayay, iyagoona Raacii Ugu dambeeyay ay Maanta kasoo dageen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Magaalada Cape Town.

Is the UK playing a double game in Sudan and Somalia?

0

Saturday 24, Jan 2026 {HMC} In December, as it often has during the ongoing war between the Sudanese army and the Rapid Support Forces (RSF), the British government urged accountability, expressing concerns about the mass-scale death and devastation that civilians have suffered.

But reporting has shown that, behind the scenes, the United Kingdom rejected more ambitious plans to prevent atrocities as violence escalated.

Further east, the UK has officially backed the territorial integrity of Somalia – while holding a stake in a strategic port in the breakaway region of Somaliland that it does not recognise.

These decisions and moves by the UK, say analysts, raise doubts about whether its words are in keeping with its actions in the Horn of Africa.

Amgad Fareid Eltayeb, a Sudanese policy analyst, said the UK’s credibility is increasingly judged by the risks it is willing, or unwilling, to take.

“When people believe your words and your actions diverge, they stop treating you as a broker and start treating you as an interest manager,” he told Al Jazeera.

‘Enabler of aggression’ in Sudan

That judgement, analysts argue, now colours how the UK’s actions elsewhere in the region are being read.

In Sudan, earlier reports show how the UK government opted for what internal documents describe as the “least ambitious” approach to end the bloodshed, even as mass killings by the RSF mounted in Darfur, including around el-Fasher.

Eltayeb argues that this has led the UK to be viewed not as a marginal or distracted actor, but as a central one whose diplomatic posture has helped shape how the war is framed internationally.

He referred to reports that the United Arab Emirates has armed or supported RSF – allegations documented by UN experts and international media and denied by Abu Dhabi – and said the UK had emerged as “an enabler of the Emirati aggression in Sudan”. The aim: To “whitewash RSF atrocities in the diplomatic framing of the war”.

Asked about its approach to Sudan, the UK Foreign Office told Al Jazeera: “The crisis in Sudan is the worst we have seen in decades – the UK government is working with allies and partners to end the violence and prevent further atrocities from occurring.

“We need both the parties to support a ceasefire; this means unrestricted humanitarian access and a peace process with transition to a civilian government.”

Recognise Somalia, do business with Somaliland

The Foreign Office did not respond to questions about the UK’s role in Somalia or its commercial engagement in Somaliland, where scrutiny has increasingly centred on the port of Berbera.

The British government co-owns the port through its development finance arm, British International Investment (BII).

The port is jointly owned by the UAE-based logistics firm DP World and the government of Somaliland – even though the UK does not officially recognise that government. The UAE, too, formally does not recognise Somaliland.

Berbera sits near one of the world’s most important maritime corridors linking the Red Sea and the Indian Ocean.

An impact assessment commissioned by the UK Foreign Office described it as “a strategic gateway” to Somaliland and a potential alternative trade corridor for Ethiopia, language that places it firmly within the region’s geopolitical architecture.

The port’s strategic value is not new. Matthew Sterling Benson, a social and economic historian of Africa at the London School of Economics (LSE), noted that Berbera has repeatedly been treated by external powers as strategic infrastructure first, and a political community second.

It has served at different points as a British coaling station, a Soviet naval base during the Cold War, and now a commercial logistics hub shaped by Gulf and Western interests.

The Sudan-Somaliland link

That wider architecture has become more politically charged as Sudan’s war has spilled across borders.

Observers have suggested that Berbera is part of a broader Emirati logistics network that United Nations experts and international media have linked to alleged supply routes used to arm the RSF. The UAE has consistently denied these allegations.

For critics, the UK’s commercial entanglement with that alleged network raises uncomfortable questions.

While London publicly calls for accountability in Sudan, it remains financially tied, via the BII, to a port operated by the UAE, a close regional partner accused of backing one side in the war next door.

Abdalftah Hamed Ali, an independent Horn of Africa analyst, said this highlights what many critics see as “a gap between principle and practice”.

“Even if London disputes those linkages,” he said, “the perception problem remains.”

The sensitivity has deepened as Somaliland’s political status has returned to the diplomatic spotlight.

Last month, Israel became the only country to formally recognise Somaliland’s independence, a move condemned by Mogadishu and rejected by the wider international community.

For analysts, these developments underscore why claims that economic engagement can be kept separate from politics are increasingly difficult to sustain.

Ali said Berbera cannot be treated as a neutral commercial asset.

“Ports in the region are not just economic assets; they are nodes in a security and influence ecosystem,” he said. “When investment touches ports, free zones, and long-term trade access, it becomes politically legible.

People interpret it as strengthening one authority’s bargaining position, whether that is the intention or not.”

In Somaliland’s case, that political legibility cuts several ways: Reinforcing its de facto autonomy, reshaping regional alliances, and entangling external actors, the UK included, in a dispute London – officially – says should be resolved through dialogue rather than external alignment.

Ali described the UK’s approach as a “dual-track” policy.

“Britain maintains its formal diplomatic line with the recognised Somali state, but it also works with Somaliland as a de facto authority because it is stable and functions and controls territory,” he said.

LSE’s Benson explained that after declaring independence in 1991, Somaliland was excluded from international recognition and large-scale foreign aid.

Early governments were forced to rely on locally raised revenue, particularly taxation linked to Berbera port, a dependence that gave domestic actors leverage to demand representation and accountability.

In 1992, when a transitional government attempted to seize control of Berbera by force, local clan authorities resisted. The standoff ended in compromise, helping to entrench Somaliland’s power-sharing system.

Benson, who also serves as Sudan’s Research Director at LSE, described this dynamic as a “revenue complex”, in which fiscal control and political legitimacy are tightly intertwined.

Large external infrastructure investments, he warned, risk undermining that bargain.

“When states can finance themselves through deals with external investors rather than negotiations with local constituencies, the fiscal contract changes,” Benson said.

Such projects, he added, reconfigure who controls revenue flows, who benefits from the port economy, and who gains political leverage.

In territories with unresolved political status, infrastructure investment can enable what he described as “governance through commercial presence” – allowing external actors to extract strategic value while avoiding explicit political responsibility.

Ambiguity by choice

The UK’s position, Benson argued, exemplifies this ambiguity.

British formal support for Somalia’s territorial integrity, paired with deepening commercial and security engagement with Somaliland, he said, gives it port access, counterterrorism cooperation and commercial returns, while avoiding the political costs of a clear position.

Over time, this can undermine institutional consolidation on both sides: Allowing Mogadishu to avoid meaningful negotiations over Somaliland’s status, while weakening Somaliland’s domestic accountability mechanisms by bypassing local political bargaining.

The UK’s posture in Somaliland has drawn scrutiny before. In 2023, Declassified UK reported that the British government suppressed the release of a report into the killing of civilians during clashes in Somaliland, a decision critics then said prioritised political relationships over transparency and accountability.

British officials said at the time that decisions around the report were taken in line with diplomatic and security considerations.

Read together, analysts say the UK’s decisions in Sudan and Somalia reflect a single approach applied in different contexts: Preserving access and partnerships while avoiding moves – diplomatic pressure, public confrontation or policy shifts – that would narrow its room for manoeuvre.

Ali argued that while this approach may secure short-term influence, it carries longer-term costs, particularly in a region as politically entangled as the Horn of Africa.

“In the Horn, where alliances overlap with regional rivalries and the conflict economy, mixed signals can quickly become a liability,” he said.

“You lose the moral authority to press for political compromise if local actors think your incentives lie elsewhere.”

Al Jazeera Logo
By Indlieb Farazi Saber

Madaxweyne Xasan Shiikh & 4 Dowlad-goboleed iyo Gobolka Banaadir oo isku raacay sii wadista doorashada Qof iyo Cod ah.

0

Sabti 24, Jan 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag ah ku yeesheen maanta oo taariikhdu tahay Janaayo 24, 2026. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Axmed Aw-Cali iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga hadley xaaladahii ugu dambeeyay dalka gaar ahaan dadaalada Dowladda Federaalka ee adkeynta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xaaladda abaaraha, la dagaalanka aragagixisada iyo dardargalinta doorashooyinka qof iyo cod ee Golaha deegaanka iyo Dowlad Goboleedyada.
Goluhu Wadatashaga Qaran markuu arkey:

Wuxuu soo saarey qodobadan:-
1. Goluhu wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si buuxda ugu garabsiinayaa gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ee ku aaddan ilaalinta iyo dhowrista gobonnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo midda bulsho ee dalkeena.

2. Goluhu wuxuu bogaadiyey qabsoomiddii doorashadii Golaha deegaanka Gobolka Banaadir iyo waaya-aragnimadii laga dhaxlay, wuxuuna isla gartay dardar gelinta doorashooyinka golayaasha deegaannada ee dowlad goboleedyada.

3. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa ayidaada Golaha Mustaqabalka ee casuumadii gogosha wadatashiga Qaran ee ay ku baaqday Xukuumadda 1-da Febraayo 2026.

4. Goluhu wuxuu bogaadinayaa guulaha ay ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaaladii u dambeeyay ee Khawaarijta lala galay.
5. Goluhu wuxuu ku baaqay gurmadka xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka.

6. Ugu danbeyn, Goluhu wuxuu ugu mahadcelinayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD iyo saaxiibbada caalamka ee garab istaagaa xaqqa Soomaaliya ee ilaalinta gobannimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

RW Ingiriiska, oo si adag uga jawaabay hadallo toddobaadkii hore uu jeediyay madaxweyne Trump

0

Sabti 24, Jan 2026 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa si adag uga jawaabay hadallo toddobaadkii hore uu jeediyay madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo sheegay inta howlgalkii Afgaanistaan uu socday inuusan Mareykanka waxba uga baahan dalalka kale ee NATO, isagoo ku tilmaamay in ciidanka ka socday ay ku sugnaayeen meelo ka fog furimaha dagaalka.

Starmer, ayaa hadalkan ku sheegay mid aad looga xumaado oo wax u dhimanaya qoysaska 457 Askari oo Ingiriis ah oo ku dhintay inta howlgalkaa uu socday , isagoo intaa ku daray ; “ Haddii ay hadalladan anniga iga soo bixi lahaayeen hubaal waxaan ka bixin lahaa raalligelin.”

Trump ayaa joogteeyay dhaleeceynta dalalka Yurub ee xubnaha ka ah NATO, wuxuuna mar kasta ku sifeeyaa kuwa aan lahayn awood ay ku taageerraan Mareykanka.!