Home Blog Page 167

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya caalamka 25-01-2026

0

Axad 25, Jan 2026 {HMC} Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya caalamka 25-01-2026

 

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Dagaalkii kadhacay Kudhaa Ayaa lagu Sheegay In Lagu dilay In kabadan 200 AS

0

Axad 25, Jan 2026 {HMC}  Gudoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose Xasan Nuur Cabdi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha kooxda As lagu gaarsiiyay dagaaladii ka dhacay magaalada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose iyo nawaaxigeeda.

Guddoomiye Xasan Nuur ayaa sheegay in tirada xubnaha As ee lagu dilay Jasiiradda Kudhaa iyo nawaaxigeeda ay kor u dhaaftay laba boqol oo xubnood, islamarkaana sidoo kale nolosha looga qabtay sideed nin oo maxaabiis.

“Nimankaasi sidaad ogtihiinba weerar bay nagu soo sameeyeen, runtii waan iska caabinay dib ayaana u celinay, dhimashadooda hadda waxay mareysaa 250, weli waxyaalo kale oo la soo qaadayo way jiraan oo saacaddan lagu maqan yahay oo la soo wado, laakiin dhimashadooda hadda aan xaqiijinay waa 250.” ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Badhaadhe Xasan Nuur Cabdi.

Wuxuu sidoo kale xusay gudoomiyaha degmada Badhaadhe inuu indhihiisa ku arkay sideed ka mid ah baabuurta dagaalka ah ee maleeshiyadka  As looga burburiyay dagaalkii ka dhacay Kudhaa iyo nawaaxigeeda.

“Runtii khasaare aysan kasoo kabsan doonin baa meeshaa kasoo gaaray AS, mana u maleynayo inay dib dambe u soo haweysan doonaan deegaanada Jubbaland” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Badhaadhe Xasan Nuur Cabdi.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamadu wali ay ku daba jiraan firxadka Kooxda As , islamarkaana xaaladda Kudhaa ay haatan degan tahay ayna dib ugu soo laaban hayaan guryahooda dadkii barakacay.

Muxu yahay heshiis ay kala saxiixden Soomaaliya iyo Pakistan ?

0

Axad 25, Jan 2026 {HMC} – Soomaaliya iyo Pakistan ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay heshiis rasmi ah oo dhigaya in la is-dhaafo shuruudda fiisaha ee dadka haysta baasaboorrada diblomaasiyadeed, taas oo fududeynaysa isu-socodka mas’uuliyiinta labada dal.

Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed, fududaynta safarrada rasmiga ah, iyo xoojinta iskaashiga laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan.

Munaasabadda saxiixa ayaa ka dhacday kulan rasmi ah oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Asif Ali Zardari, la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf, halkaas oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin sar-sare oo ka kala socday labada dal.

Heshiiska waxaa dhankooda u kala saxiixay Xoghayaha Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo La-Dagaallanka Maandooriyaha Pakistan, Dawood Muhammad Baraech, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Hamza Aadan Haadoow.

Kulanka dhexmaray labada dhinac, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa guddoomiyay farriin rasmi ah oo ka timid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo muujinaysay rabitaanka Soomaaliya ee ah in la adkeeyo lana ballaariyo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee kala dhexeeya Pakistan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Dowladda iyo shacabka Pakistan soo dhaweynta iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, waxayna rajo ka muujisay in iskaashiga labada dal uu horseedo kulammo joogto ah oo heer sare ah, wada-tashi miro-dhal ah, iyo mashaariic wadajir ah oo u adeegaya danaha labada shacab.

Somalia reports 250 As militants Killed in Kudhaa town

0

Sunday 25, Jan 2026 {HMC} Somali officials say the number of As militants killed during a foiled attack on the coastal town of Kudhaa in the Lower Juba region has risen to about 250, marking one of the deadliest setbacks for the group in recent months.

The governor of Badhaadhe district, Hassan Nur Abdi, said Saturday that government and allied forces inflicted heavy losses on the militants after repelling their assault on Kudhaa Island and surrounding areas.

“The enemy attacked us and we pushed them back decisively,” Abdi said. “The confirmed death toll among Al-Shabab fighters is now 250. Additional bodies are still being recovered, but this figure has been verified.”

 

Abdi said eight As militants were captured during the fighting and that at least eight of the group’s combat vehicles were destroyed. He described the losses as “irreparable” for the militant group and suggested the scale of the defeat would significantly weaken its ability to operate in Jubbaland.

“The Khawarij have suffered a crushing blow here,” he said, using a term commonly applied by Somali officials to As . “I do not believe they will be able to return to Jubbaland areas in the near future.”

The fighting followed a coordinated Al-Shabab attack on Kudhaa, which Somali forces said was aimed at overrunning the town. Government troops, including elite Danab units and Jubbaland forces, responded with sustained ground operations supported by international partners.

Officials said pursuit operations are continuing in nearby areas to prevent surviving militants from regrouping. Abdi said the security situation in Kudhaa has stabilized and that civilians displaced by the fighting have begun returning to their homes.

Al-Shabab has not commented on the reported casualty figures. The group frequently launches complex attacks on military targets in southern Somalia but rarely acknowledges losses on this scale.

The Kudhaa battle comes as Somali authorities intensify operations across Lower and Middle Juba, seeking to dismantle militant strongholds and secure key coastal and rural areas.

Source hiiraan Online

Arab Parliament pledges political action to back Somalia and Yemen, rejects foreign interference

0

Sunday 25, Jan 2026 {HMC}  The Arab Parliament has announced it will pursue regional and international political measures to support the security, stability and sovereignty of Somalia and Yemen, while firmly rejecting any foreign interference in the internal affairs of the two countries.

The position was set out in an official statement issued on Saturday during the opening of the Arab Parliament’s second general assembly session of its second cycle, held at the headquarters of the Arab League’s General Secretariat in Cairo.

In the statement, the Arab Parliament underscored the importance of respecting state sovereignty and territorial integrity, stressing that non-interference in internal affairs is a cornerstone of international relations. It called for peaceful solutions to ongoing crises that preserve national unity and stability across the Arab world.
The body urged Arab governments and national parliaments to demonstrate full solidarity with Somalia and Yemen, and to take concrete steps to help safeguard their security and political independence. It reiterated its categorical rejection of any external actions that undermine the authority of legitimate state institutions in either country.

The declaration comes amid heightened regional diplomacy following Israel’s recognition of Somaliland, a move that Somalia has condemned as a violation of its sovereignty. Arab and Islamic countries have since intensified political pressure against the decision, bolstering the Federal Government of Somalia’s diplomatic campaign to defend its territorial integrity.

Somalia has received strong backing from Arab League institutions and member states in recent weeks, as Mogadishu seeks to consolidate international support at a time of growing geopolitical tensions in the Horn of Africa.

Source Hiiraan online

{DAAWO MUQAALKA} Ciidanka Dowladda iyo kuwa Jubaland oo sii Xoojiyey Howlgalka ka soconaya Duleedka Kudhaa.

0

Axad 25, Jan 2026 {HMC} Ciidanka Dowladda iyo kuwa Jubaland oo sii Xoojiyey Howlgalka ka soconaya Duleedka Kudhaa.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

 

{DAAWO MUQAALKA} Maxay isku hayaan Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.?

0

Axad 25, Jan 2026 {HMC}  Maxay isku hayaan Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.?

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

 

Baarlamaanka Carabta oo Ku dhawaaqay Go’aan Lagu Taageerayo Soomaaliya.

0

Axad 25, Jan 2026 {HMC}  Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed oo heer gobol iyo heer caalami ah, kuwaas oo lagu taageerayo amniga, xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka Yemen iyo Soomaaliya, isagoo si cad u diiday faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha labada dal.

Go’aankan ayaa lagu ansixiyay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Baarlamaanka Carabta intii lagu guda jiray furitaanka kalfadhigii labaad ee fadhiga guud ee wareegga labaad, ee cutubka sharci-dejinta afaraad, kaas oo ka dhacay xarunta Xoghaynta Guud ee Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira.

Bayaanka ayaa xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo mabda’a ah in aan lagu faragelin arrimaha gudaha dowladaha, isla markaana lagu dadaalo xalal nabadeed oo lagu ilaaliyo madax-bannaanida, amniga iyo midnimada dhuleed ee dalalka Carabta.

Baarlamaanka Carabta ayaa ugu baaqay dowladaha iyo baarlamaannada Carbeed inay muujiyaan midnimo iyo garab istaag buuxa oo ay la garab taagan yihiin Yemen iyo Soomaaliya, ayna qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida labada dal, isagoo markale ku celiyay diidmada buuxda ee faragelin kasta oo shisheeye.

Tan iyo markii Israa’iil ay u istaagtay ictiraafka Somaliland waxaa jiray cadaadisyo xoogan ay sameeyeen wadamada Carabta iyo kuwa islaamka kaa oo xoojiyay dadaalada diplomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Trump oo hanjabaad culus u diray Canada.

0

Axad 25, Jan 2026 {HMC}  Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu 100% canshuuro ku soo rogi doono badeecadaha Canada, haddii waddanku uu heshiis ganacsi la galo Shiinaha.

“Haddii Kanada ay heshiis la gasho Shiinaha, isla markiiba waxaa lagu soo rogi doonaa 100% canshuur oo ka dhan ah dhammaan badeecadaha Kanada iyo badeecadaha soo gala USA,” ayuu Trump ku yiri bartiisa Truth Social.

Ma cadda heshiiska uu Trump kaga hadlayo qoraalkiisa baraha bulshada. Toddobaadkii hore, Ra’iisul Wasaaraha Canada Carney ayaa ku dhawaaqay “iskaashi istiraatiiji ah” oo ay la leeyihiin Shiinaha, waxayna ku heshiiyeen in la dhimo canshuuraha.

Waqtigaas, Trump ayaa tallaabadaas ku tilmaamay “wax wanaagsan”. Balse xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Canada ayaa sii kordhaysay maalmihii la soo dhaafay, ka dib markii Carney ay khudbad uu ka jeediyay magaalada Davos ku sheegay in la jabsaday nidaamkii adduunka ee uu Maraykanku hoggaaminayay.

Xiisadda Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka oo dib u qaraxday.

0

Axad 25, Jan 2026 {HMC} Aqoonyahan caan ah oo u dhashay dalka Sacuudi Carabiya ayaa eedeymo culus u jeediyay Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo ku tilmaamay inay “isku tuurtay gacmaha Sahyuuniyadda (Zionism)” isla markaana ay u dhaqmayso sidii “jaajuus cadow ah oo Israa’iil u dhex joogay dunida Carabta.”

Ujeeddada tallaabooyinkan ayuu ku sheegay inay tahay sidii loo wiiqi lahaa awoodda Sacuudiga, si Imaaraadku u noqdo quwadda ugu sarreysa gobolka.

Maqaal aad u kulul oo maalintii Khamiista lagu daabacay wargeyska Al Jazirah ee kasoo baxa Sacuudiga, ayuu Axmed bin Cuthmaan At-Tuwaijri ku eedeeyay madaxda Imaaraadka (gaar ahaan Abu Dhabi) in ay indho-tirtay “nacayb iyo xaasidnimo,” ayna dhabarka u jeediyeen Boqortooyada inkastoo Sacuudigu uu tobanaan sano garab taagnaa.

Tuwaijri, oo horey hormuud uga soo noqday Jaamacadda King Saud, xubinna ka ahaa Golaha Shuurada, ayaa dhaleeceyntiisa si gaar ah ugu jiheeyay Imaaradda Abu Dhabi. Wuxuu sheegay inay waddo “shirqoollo cadaawadeed oo ku hoos gabbanaya diblomaasiyad,” isla markaana ay ka dambayso isku dayo dhowr ah oo lagu xasillooni-darreynayo gobolka.

Golaha Shuurada waa gole la-talin iyo sharci-dejin oo Boqorka kala taliya arrimaha sharciga, siyaasadda, iyo maamulka, waana nidaam la mid ah dhaqanka soo jireenka ah ee Carabta.

Isagoo tallaabooyinka Imaaraadka ku tilmaamaya kuwo halis ku ah jiritaanka iyo mabda’a Carabta, ayuu Tuwaijri sheegay in Imaaraadka—oo uu maamulo Maxamed bin Zayed, oo ah nin si weyn u diidan Islaamka siyaasiga ah—ay la safatay Israa’iil si ay u wiiqdo danaha Carabta.

“Waxay isku dayayaan inay daacadnimadii loo hayay midnimada Carabta iyo Islaamka u weeciyaan dhanka saamaynta shisheeye,” ayuu qoray Tuwaijri. Wuxuuna intaas ku daray, “Tani waa khiyaano laga galay Alle, Rasuulkiisa, iyo guud ahaan ummadda, mana aha wax la iska indho-tiri karo.”

Weerarrada lagu hayo kooxaha iska-caabinta
Tuwaijri ayaa ku andacooday in shirqoolladan ay ka mid yihiin iskaashi toos ah oo dhanka milatariga iyo sirdoonka ah, taageerada hawlgallada Israa’iil ee Gaza, iyo in saldhigyada milatari ee Imaaraadku ku leeyahay Badda Cas iyo Geeska Afrika loo isticmaalo in lagu fududeeyo weerarrada Israa’iil ku hayso “kooxaha iska-caabinta” Falastiiniyiinta.

Isagoo tusaale u soo qaadanaya dalka Yemen, wuxuu Abu Dhabi ku eedeeyay inay halkaas ka abuurayso fowdo iyadoo taageeraysa kooxo ku sugan koonfurta dalkaas, kuwaas oo si ula kac ah uga horyimid dowladda caalamku aqoonsan yahay.

Bishii la soo dhaafay, dagaalyahanno taabacsan Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC) ayaa qabsaday magaalooyin, saldhigyo milatari, dekedo, iyo goobo shidaal oo ku yaalla koonfurta iyo bariga Yemen, iyagoo ka qabsaday dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero.