Home Blog Page 166

Gudoomiyaha California oo soo jeediyay in ay la eryo huggaanka howlgallada ICE

0

Axad 25, Jan 2026 {HMC} Gudoomiyaha California Gavin Newsom, oo xubin ka ah xisbiga Dimuqraadiga, ayaa ugu baaqay Kristi Noem inay isaga tagto kursiga xoghayaha Amniga Gudaha.

“Kristi Noem waa inay is casishaa,” ayuu ku qoray bartiisa bulshada ee X.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay sarkaalka ilaalada xuduudaha Greg Bovino in “la eryo”, iyo in la joojiyo weerarrada masaafurinta ballaaran.

“ICE mar dambe ma masaafurinayo dambiilayaasha khatarta ah… Jooji militari ka dhigista ICE ,” ayuu qoray.

WAR DEG-DEG AH Xil ka qaadis lagu sameeyay Madaxii laanta socdaalka ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

0

Axad 25, Jan 2026 {HMC} Axad 25, Jan 2026 {HMC} Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow, ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Laanta Socdaalka ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, Cartan Maxamed Cartan, kadib markii lagu eedeeyay ku takrifal awoodeed, musuq-maasuq, iyo ku lug lahaanshaha tahriibinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, maanta ayaa Xeer Ilaalinta Qaranka u yeertay Cartan Maxamed Cartan, si baaritaan rasmi ah loogu sameeyo eedeymaha loo jeediyay, kuwaas oo si weyn u saameeyay amniga iyo sumcadda hay’adda.

Shiinaha oo saacadihii u dambeeyay 16 diyaaradood oo xamuul ah u diray Iiraan

0

Axad 25, Jan 2026 {HMC} Shiinaha ayaa saacadihii u dambeeyay 16 diyaaradood oo xamuul ah u diray Iiraan , taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda bariga dhexe , xilli ay sare marayso suragalnimada weerar lagu qaado Iiraan,

halka sida deg degga ah ee Shiinaha u billaabay inuu diyaaraddo xamuul ah u diro Iiraan , ay sidoo kale dhalinayso is waydiinta doorka Shiinaha ee colaadda bariga dhexe, sida ay baahiyeen Defense Arabic iyo wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Maariv.

Bariga dhexe ayaa ku jira marxalad dib u qaabeyn ah oo la aaminsanyahay inay qeyb ka tahay isbeddelada ka dhacaya caalamka , waxaana dhici taan kasta oo nidaamka Iiraan ku yimaada uu meesha ka saarayaa saameyntii Shiinaha uu ku lahaa gobolka bariga dhexe , kaasoo 80% shidaalka Iiraan ku hela qiimo jaban ,

mar kasta oo shidaalkaa uu gacanta u galo Mareykanka iyo xulafadiisa waa go’doomin dhaqaale iyo istaraatijiyadeed oo Shiinaha uu wajahayo , xilli markii horaba uu Shiinaha dhaleeceyn kala kulmayay aamusnaantiisa howlgalkii Mareykanka uu ka fuliyay Venezuela oo lagu beddelay nidaamkii ka jiray dalkaa.

Maxay kawada hadleeen Turkiga iyo Soomaaliya kulankii gaar ahaa ay maanta yeeshen ?

0

Axad 25, Jan 2026 {HMC}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa manta kulan gaar ah la yeeshay wafdi sare oo ka socda Dowladda Turkiga, kuwaasi oo uu hoggaaminayo Agaasimaha waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Danjire Cali Onaner.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Danjire Alper Aktaş, iyadoo looga hadlay xiriirka labada dal gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, iyo la-dagaallanka argagixisada, si loo xaqiijiyo xasilloonida dalka iyo guud ahaan gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa, ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada hagar-la’aanta ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo xusay in Turkigu yahay saaxiib istiraatiiji ah oo door muuqda ka qaatay taageerada dhanka amniga, ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa Amb. Ali Onaner, oo ka mahadceliyay qaabiladda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa adkeeyay in dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Turkiga ay mar walba garab taaganyihiin dowladda Soomaaliya, ayna sii xoojinayaan xiriirka wada-shaqayneed ee labada dowladood.

{DAAWO MUQAALKA} Banaanbaxyo looga soo horjeedo Israa’iil oo ka socda Burco.

0

Axad 25, Jan 2026 {HMC}  Banaanbaxyo looga soo horjeedo Israa’iil oo ka socda Burco.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Dagaal Culus oo ka socda Gobolka Awdal

0

Axad 25, Jan 2026 {HMC}  FAAH FAAHIN Dagaal Culus oo ka socda Gobolka Awdal

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} Khasaaraha AS lagu gaarsiiyey Deegaanka kudhaa oo sii korortay.

0

Axad 25, Jan 2026 {HMC} Khasaaraha AS lagu gaarsiiyey Deegaanka kudhaa oo sii korortay.

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

DFS ayaa sheegtay inay xal ka gaartay khilaaf kii u dhexeeyay safaaradaha Kenya iyo Tanzania

0

Axad 25, Jan 2026 {HMC} – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xal ka gaartay khilaaf si fagaare ah u dhex maray safaaradaheeda Kenya iyo Tanzania, taasoo yareysay walaac laga qabay kala qeybsanaan gudaha ah oo ku timid hay’adda diblomaasiyadda dalka.

Khilaafka ayaa soo baxay bishii Sebtembar ee sanadkii hore, kaddib markii safaaradda Soomaaliya ee Tanzania ay soo saartay bayaan ay ku dhaliilayso booqasho uu safiirka Soomaaliya ee Kenya ku tagay magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Safaaradda Tanzania ayaa booqashadaas ku tilmaantay mid ka hor imaanaysa xeerarka diblomaasiyadda Soomaaliya isla markaana faragelin ku ah waajibaadkeeda. Hase yeeshee, safaaradda Kenya ayaa difaacday booqashada, iyada oo sheegtay in ujeeddadeedu ahayd xoojinta xiriirka ganacsi si ay uga faa’iidaystaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Cumar oo inta badan loo yaqaan Cali Balcad, ayaa dadweynaha u xaqiijiyay in arrinta la xalliyay.

“Arrinta waa la xalliyay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay magacowday guddi latalin ah oo ka kooban safiirro hore si ay u baaraan arrinta. Labada safiir waa loo yeeray, waxayna la kulmeen guddiga, kaddibna guddigu wuxuu soo saaray talooyin,” ayuu Cali Balcad ku sheegay wareysi uu siiyay Mizan Podcast.

Wuxuu dhacdadaas ku tilmaamay mid “nasiib-darro ah,” balse wuxuu intaas ku daray in casharro laga bartay, isla markaana uu rajaynayo in aanay mar kale dhicin. “Waxay ahayd nasiib-darro in qaladkaasi dhaco, balse waan ka barannay. Waxaan rajaynaynaa inaanay mar kale dhicin,” ayuu yiri wasiirku.

Cali Balcad wuxuu qirtay inay jireen gaabisyo la xiriira tababarka iyo awaamiirta gudaha ee adeegga diblomaasiyadda, balse wuxuu ballanqaaday in la qaadi doono tallaabooyin wax ku ool ah si looga hortago khilaafaad la mid ah mustaqbalka.

President Laftagareen Chairs Meeting of South West State Directors General

0

Sunday 25, Jan 2026 {HMC}   The President of the South West State of Somalia, H.E. Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, chaired a meeting of Directors General from South West State ministries, held at the Presidential Palace in Baidoa.

The meeting focused on accelerating ministerial work plans, strengthening coordination among government institutions, addressing the impact of drought, and implementing development priorities with a particular emphasis on social services.

Participants also discussed existing challenges and explored sustainable solutions aimed at improving effective and accountable governance. President Laftagareen commended the Directors General for their efforts and urged them to further enhance transparency, accountability, and public service delivery.

The President emphasized the need to fast-track the implementation of government policies and development programs, underscoring the importance of continuous cooperation, strong leadership, and responsibility to ensure sustainable development and the provision of quality services to the people of South West State.

Source Sonna

Somalia, Pakistan sign agreement abolishing visas for Diplomatic Passport holders

0

Sunday 25, Jan 2026 {HMC}  The Minister of Interior, Federal Affairs and Reconciliation H.E. Ali Yusuf Ali Hosh held a high-level meeting with the President of the Islamic Republic of Pakistan, H.E. Asif Ali Zardari.

Minister of Interior Affairs Ali Yusuf and Pakistani President Asif Ali Zardari witnessed the signing of an agreement abolishing visas for diplomatic passport holders, a move that strengthens the bilateral relations between the two nations. The meeting discussed law enforcement cooperation, counter-narcotics efforts, economic ties and regional issues.

The talks addressed Somalia’s sustained counterterrorism campaign, regional security cooperation, and Pakistan’s continued political and diplomatic support for Somalia.

H.E. Asif Ali Zardari reaffirmed Pakistan’s principled position in support of Somalia’s sovereignty, unity, and territorial integrity, and expressed readiness to deepen cooperation in advancing peace, stability, and state-building efforts.

Source Sonna