Isniin 26, Jan 2026 {HMC} Dagaal oo ka socda Galbeedka Somaliland.
Isniin 26, Jan 2026 {HMC} Dhaqdhaqaayo siyaasadeed oo ka dhan Saciid Deni oo ka Billowday Boosaaso.
Isniin 26, Jan 2026 {HMC} MW Obama oo Trump ugu baaqay inuu joojiyo Howlgalka Ciidamada ay ka wadaan Minnesota
Isniin 26, Jan 2026 {HMC} Kenya oo Ciidamo Badan geeysay Xadka ay la wadaagto soomaaliya.
Isniin 26, Jan 2026 {HMC} Banaanbaxyo waa weeyn oo ka socda Magaalada Soomaalida ay ku Badan tahay ee Minneapolis
Isniin 26, Jan 2026 {HMC} Madaxweynihii hore ee Dalka Maraykanka, Barack Obama oo ka falceliyay rabshadaha iyo dilalka dadka rayidka ah ee ka socda Gobolka Minnesota ayaa dhaliilay howlgalka Ciidanka Socdaalka iyo Kastamka dalkiisa ee ICE ay ka wadaan Gobolkaas.
Barack Obama ayaa musiibo qali jab ah ku tilmaamay dilkii Ciidamada ICE ay u gaysteen Alex Pretti, waxaana uu Madaxweynaha talada haya ee Donald Trump uu usoo jeediyay in uu si hoose u eego waxna uga qabto dhibaatooyinkaas jira.
Obama ayaa arrin aan indhaha laga daawan Karin ku tilmaamay waxa ka socda Gobolka Minnesota isaga oo is dhinac dhigay sharciga la ilaalinayo ee lagu raafayo Dadka sharci darrada ku jooga dalkiisa iyo dhiigga la daadinyo.
“Dadka oo dhan waxa ay si sax ah uga caroodeen muuqaalka shaqaale ICE ah oo waji-xiran iyo Wakiillo kale oo Federaalka ah oo si arxan darro ah u dhaqmaya oo ku howlan xeelado u muuqda in loogu talagalay in lagu cabsi geliyo, lagu dhibaateeyo, laguna kiciyo dadka, tani waa khatar weyn oo dadka & dalka kusoo wajahan” Ayuu yiri, MW hore Barac Obama.
Waa uu sii hadlay waxa uu Hadalkiisa sii raaciyay “Maamulka Trump waxa uu u muuqdaa in uu xiisaynayo in xaaladdu sii xumaato, ma jiro wax baaritan ah oo dhab ah oo lagu samayn doonno arrintaan, waa tallaab si cad uga hor imaanaysa Sharciga”.
Rabshadaha ka socda Gobolka Minnesota ayaa sii xooggaystay, waxaa markaan kusoo biiray Shirkadaha Ganacsiga waa wayn oo Madaxweyne Donald Trump ugu baaqay in uu ka dulqaado ciidamada ICE si dibadbaxyadu u joogsadaan una shaqaystaan.
Madaxweyne hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa eedeyn u jeediyey maamulka Madaxweyne Donald Trump, isagoo ku dhaliilay in been loo sheegay dadka Mareykanka taasoo ku aaddan toogashooyinkii ka dhacay Minneapolis oo ay geysteen saraakiisha ciidamada socdaalka Mareykanka ee ICE.
Clinton ayaa Axaddii bayaan uu soo saaray ku cambaareeyey “muuqaalada naxdinta leh” ee ka dhacay Minneapolis, oo uu ku tilmaamay wax aanu weligiis filayn in ay ka dhacaan Mareykanka.
Wuxuu sheegay in dadka, xitaa laga soo qabanayo guryahooda, goobahooda shaqada, iyo jidadka iyagoo askartu ay wajiyada qarsadeen isla markaana dad nabad ku banaanbaxaya ay ula dhaqmayaan si aan sharci ahayn lana xirayo.
Madaxweyne hore Clinton ayaa si gaar ah uga hadlay labadii qof ee lagu dilay magaalada Minneapolis ee Renee Good iyo Alex Pretti.
Clinton ayaa intaasi ku daray in dhammaan arrimahaasi yihiin kuwo aan la aqbali karin oo lagana fogaan karay ka hor inta aysan heerkaan gaarin. Wuxuu sheegay madaxweyne hore in shacabka been loo sheegay marka ay timaaddo toogashooyinka iyo ficillada ka dhacay gobolka Minnesota.,
Bayaanka Clinton waxaa sidoo kale ku jiray baaq ah in dadka Mareykanka ah ay codkooda u istaagaan si ay u muujiyan in dalku weli leeyahay mabaadi’da dimuqraadiyadda iyo inay ku jirto gacanta shacabka.
Isniin 26, Jan 2026 {HMC} Madaxweyne Trump ayaa tilmaamay in laga yaabo in uu ugu dambeyn magaalada ka saaro saraakiisha fulinta socdaalka ee Minneapolis, iyadoo ay sii kordhayaan carada ka dhalatay toogashadii dhimashada lahayd ee kalkaaliye, Alex Pretti, ay geysteen wakiilo federaal ah Sabtidii.
Wareysi uu siiyay joornaalka Wall Street, Mr Trump waxa uu sidoo kale sheegay in maamulkiisu uu “dib u eegayo wax walba” ka dib toogashada dhacday. Isagoo la hadlayay BBC, Taliyaha Booliska Minneapolis, Brian O’Hara, ayaa ku eedeeyay saraakiisha gobolka (oo loo xilsaaray inay baaraan toogashada la xiriirta bilayska) inay goor hore diideen in goobta uu dilku ka dhacay ay galaan wakiillo federaal ah, inkastoo ay haystaan warqad baaritaan.
Tiro sii kordheysa oo siyaasiyiin ah oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Mr Trump ayaa ku biiraya baaqyada ku aaddan baaritaan buuxa.
Dadweyne aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada Minneapolis si ay uga soo horjeedaan fulinta socdaalka federaalka.
Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa habeenkii Sabtidii nin ku toogtay magaalada Minneapolis, waana qofkii labaad ee si xun loogu toogto magaalada intii uu socday howlgalka maamulka Trump ee dhaqangelinta socdaalka bishan.
Saraakiisha deegaanka ayaa ninkan magaciisa ku sheegay Alex Pretti oo 37 jir ahaa, wuxuuna heystaa dhalashada Mareykanka, wuxuuna ku noolaa magaalada Minneapolis, wuxuuna ka ahaa kalkaaliye caafimaad.
Waxaa soo baxay muuqaallo u muuqday kuwo muujinaya gacan ka hadal dhexmaray wakiillada iyo ninkii hoggaaminayay ilaa toogashada. Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa sheegtay in wakiillada ay rasaas isku difaacayeen ka dib markii Pretti, oo ay sheegeen in uu haystay qori gacmeed, uu iska caabbiyay isku daygii ay ku doonayeen in ay hubka uga dhigaan. Maamulka deegaanka ayaa su’aal ka keenay arrintaas.
Dhacdadan, oo timid labo toddobaad kadib toogashadii dhimashada sababtay ee Renee Nicole Good oo uu gaystay wakiilka socdaalka, ayaa horseedday mudaaharaadyo dheeraad ah iyo baaqyo cusub oo ka imanaya hoggaamiyeyaasha maxalliga ah oo ku baaqaya in wakiilada federaalku ay baxaan.
Toogashada ayaa ka dhacday agagaarka waddada Nicollet Avenue iyo 26th Street ee koonfurta Minneapolis abbaare 09:000 xilliga maxalliga ah.
Greg Bovino, Taliyaha Ilaalada Xudduudaha, ayaa sheegay in wakiilladu ay wadeen hawlgal “la beegsaday” oo lagu fulinayay socdaalka markii ninku uu u dhawaaday wakiillada isagoo wata bastoolad.
Wakiilladu waxay isku dayeen inay hubka ka dhigaan, ayuu yiri Bovino, laakiin “si xoog ayuu isaga caabbiyay” kadibna wakiilka Ilaalada Xudduudaha ayaa “riday rasaas is difaac ah”.
Muuqaallo laga soo qaaday daqiiqado ka hor toogashada ayaa muujinaya Pretti oo duubaya wakiillada isaga oo taleefoonkiisa ku heysta bartamaha waddada. Foori iyo qeylo ayaa laga maqlayaa dadka meesha ka ag dhawaa.
Isniin 26, Jan 2026 {HMC} Dowladda Kenya ayaa xoojisay ciidamada ka jooga Xadka ay la wadaagto Soomaaliya si ay uga hortagaan weerarrada ‘AS’ ay ka gaysanayaan gudaha Dalkaas iyo saldhigyada Ciidamo ee u dhow Soohdinta sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Militariga Kenya oo wata Gaadiid badan ayaa la sheegay in ay usoo gudbeen dhinaca Xadka Soomaaliya, waxaana la kordhiyay Ciidamada ka howlgalla goobaha ay isaga kala gudbaan Gawaarada isaga kala gooshta labada Dal.
Ilo amni ayaa ku warramay in Madaxweynaha Kenya uu dhowaan la kulmay Saraakiisha Ciidamada Militariga, Sirdoonka iyo Booliiska isaga oo kala hadlay adkaynta nabadgalyada iyo kahortagga weerarrada ‘AS’ sida hadalka loo dhigay.
Kenya ayaa diidan in uu culays ka yimaado waddooyinka muhiimka u ah isu socodka ciidankeeda ka jooga Soomaaliya oo si joogto ah Sahayda u gudbista, sidoo kale arrinta labaad ayaa ah in haddii weerarrada sii kordhaan uu badanayo amni darrada gudaha dalkeeda.
Isniin 26, Jan 2026 {HMC} Markabka dagaalka ee xambaara diyaaradaha, Abraham Lincoln, kuna sii jeeda Gacanka Faaris, ayaa toddobaadkii la soo dhaafay kiciyay falcelinno badan, gaar ahaan tan iyo markii uu galay aagga amniga ee CENTCOM.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah mudaharaadayaasha Iiraan oo ka careysan dilka kumannaan qof intii lagu jiray tallaabooyinkii adkaa ee dhowaan la qaaday, ayaa laga yaabaa inay rajeynayaan in Maraykanku qaado tallaabo milatari oo ka dhan ah hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo kuwa cabburinta ku haya. Dhinaca kale, waxaa jira hadal-hayn ka jirta gobolka, iyo sidoo kale Yurub iyo Maraykanka, oo ku saabsan in dagaal cusub uu ka qarxi karo Bariga Dhexe.
Sunday 25, Jan 2026 {HMC} Warbaahinta Axios , ayaa soo bandhigtay cod qarsoodi ah oo laga helay senatarka Jamhuuriga ah ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka, Ted Cruz, oo iskudayaya inuu isku sharraxo xilka madaxweynaha Mareykanka ee doorashada sannadka 2028, oo si kulul u dhaleeceynaya madaxweyne ku-xigeenka JD Vance, isla markaana uu si jees-jees ah uga hadlay siyaasadda canshuuraha ee Donald Trump, intii lagu jiray kulammo gaar ah oo uu la yeeshay deeq-bixiyayaal dhaqaalaha ku taageerra xisbiga Jamhuuriga.
Cruz wuxuu si adag u weeraray Trump iyo Vance, isaga oo uga digay in siyaasadaha hadda socda ay keeni doonaan khasaare siyaasadeed oo ballaaran. Wuxuu sheegay in xisbiga Jamhuuriga uu lumin doono Golaha Wakiillada, Golaha Senetka, isla markaana labada sano ee xigta ay ku dhammaan doonaan isku dayo joogto ah oo xil-ka-qaadis ah.
Cruz wuxuu JD Vance ku tilmaamay inuu yahay qalab uu adeegsado weriyaha muxaafidka ah Tucker Carlson, isla markaana uu la wadaago aragti siyaasadeed oo ku saleysan go’doon iyo diidmo ku wajahan faragelinta militari.
Wuxuu sidoo kale uga digay deeq-bixiyayaasha in canshuuraha Trump ay halis ku yihiin dhaqaalaha Mareykanka, isla markaana ay sababi karaan xaalad horseeda xil-ka-qaadis madaxweyne.
Sida uu Cruz sheegay, kaddib markii Trump soo bandhigay canshuuraha horraantii bishii April 2025, isaga iyo dhowr senatar oo kale inay wicitaan dheer la yeeshay Trump, iyaga oo ku boorinaya inuu go’aankaas ka laabto.
Wuxuu tilmaamay in wicitaanku uu socday ilaa waqti dambe oo habeenkii ah, balse uusan ku dhammaan si wanaagsan.Cruz wuxuu sheegay Trump inta wacitaankaa ku jiray xaalad caro ah, isla markaana uu qaylinayay oo aflagaaddeynayay.
“Trump niyaddiisu ma fiicnayn,” ayuu Cruz u sheegay deeq-bixiyayaasha.
Cruz wuxuu sheegay inuu Trump si toos ah ugu sheegay in haddii la gaaro November 2026 iyadoo kaydka hawlgabka ee dadka (401k) uu hoos u dhacay 30%, halka qiimaha badeecaduhuna uu sare u kacay 10 ilaa 20%, ay taasi keeni doonto guuldarro doorasho oo ba’an oo gaarta xisbiga jamhuuriga. Sida uu sheegay Cruz, jawaabta Trump waxay ahayd hadal aflagaaddo ah oo toos ah.
Cruz wuxuu codkan marar badan ku xusay JD Vance, isaga oo ku eedeeyay inuu la socdo aragtida Tucker Carlson ee siyaasadda dibadda, taas oo uu ku tilmaamay mid go’doon ah oo ka soo horjeedda doorka caalamiga ah ee Mareykanka.
Wuxuu yiri: “Tucker ayaa sameeyay JD. JD waa ardaygii Tucker, labadooduna waa isku hal qof.”
Sidoo kale, Cruz wuxuu sheegay in JD Vance iyo Tucker Carlson ay ka dambeeyeen magacaabista Daniel Davis, oo ah askari hore oo si adag u dhaleeceeya taageerada Mareykanka ee Israa’iil, xil sare oo ka tirsan sirdoonka qaranka.
Cruz wuxuu Daniel Davis ku tilmaamay nin si cad u neceb Israa’iil, wuxuuna sheegay inuu gacan ka geystay in si degdeg ah xilka looga qaado.