Home Blog Page 164

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda DFS.

0

Isniin  26, Jan 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhismahan cusub oo noqon doona mid casri ah ayaa beddeli doona xaruntii hore ee la dhisay sanadkii 1980, waxaana ujeeddadiisu tahay in uu daboolo baahiyaha shaqo iyo waajibaadka Wasaaradda Maaliyadda, si waafaqsan kobaca iyo ballaarinta howlaha maaliyadeed ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in tallaabadani ay qeyb ka tahay siyaasadda Xukuumadda DanQaran ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka laguna xoojinayo hay’adaha dowliga ah. Waxa uu tilmaamay in dhismahani uu si weyn uga qeyb qaadan doono fududeynta howlaha shaqo ee wasaaradda ay u hayso bulshada Soomaaliyeed, isla markaana uu yareyn doono ciriirigii ka jiray xafiisyada iyo goobaha shaqada.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay tahay halbowlaha dhaqaalaha iyo horumarka dalka, wuxuuna bogaadiyay dadaalka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, iyo dhammaan bahda wasaaradda ee ku aaddan casriyeynta iyo dib-u-habaynta kaabeyaasha dakhliga.

“Waxaan ku faraxsanahay in maanta aynu dhagax-dhigno xarun dhexe oo badqabkeeda iyo tayadeeda si buuxda loo hubiyay, loona qalabeeyay si heer sare ah. Marka uu dhismahani dhammaado, waxa uu yeelan doonaa xafiisyo ay ku howlgeli doonaan dhammaan shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda. Waxaan idiinku hambalyeynayaa tallaabadan wanaagsan ee aad u qaadday tayeynta adeegga,” Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa diyaarisay naqshad casri ah oo ka tarjumaysa qaabka xafiisyada loo dhisi doono, iyadoo la hubiyay badqabka deegaanka, adeegsiga tamarta, iyo helitaanka koronto joogto ah. Dhismaha xaruntan cusub waxaa gacan ka geysanaya Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), oo door muhiim ah ka qaata horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Saadaq ” Halaceliyo Sharciga Dhismaha Hay’adda Qaran”

0

Isniin 26, Jan 2026 {HMC} Xildhibaan Saadaq ” Halaceliyo Sharciga Dhismaha Hay’adda Qaran”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Garaad ”Sharciyada qaar waa inaanan la horkeenin baarlamaanka”

0

Isniin 26, Jan 2026 {HMC} Xildhibaan Garaad ”Sharciyada qaar waa inaanan la horkeenin baarlamaanka”

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

House of the People of the Federal Parliament of Somalia Approves Cybersecurity Bill

0

Mondey 26, Jan 2026 {HMC} – Members of the House of the People of the Federal Parliament of Somalia, who convened today, approved the Somalia Cybersecurity Bill. A total of 144 lawmakers voted in favor of the bill, one voted against it, and no abstentions were recorded.

The bill aims to safeguard data security and the country’s telecommunications infrastructure. It also focuses on preventing cyberattacks, strengthening coordination among security institutions, and enhancing trust in Somalia’s digital systems.

SOurce Sonna

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu aa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 26-01-2026

0

Isniin 26, Jan 2026 {HMC} Wararka Ugu aa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 26-01-2026

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

Speaker of the House Meets Constitutional Review Committees on Proposed Amendments

0

Mondey 26, Jan 2026 {HMC} The Speaker of the House of the People of the Federal Parliament of Somalia, H.E. Sheikh Adan Mohamed Nur (Madobe), accompanied by the First and Second Deputy Speakers of both Houses of Parliament, held a meeting with the committees tasked with the Constitutional Review process.

During the meeting, the committees formally presented the leadership of both Houses with proposed amendments to Chapters Five through Nine of the Constitution, along with the timetable for deliberations on the proposed changes.

The meeting forms part of ongoing efforts to accelerate the review of the Provisional Constitution, with the aim of adopting a finalized constitution based on consultation, accountability, and inclusive national representation.

Source Sonna

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka jira in Ciidamo meela kala Duwan laga keenay la geeyey Gobolka Awdal.?

0

Isniin 26, Jan 2026 {HMC} Maxaa ka jira in Ciidamo meela kala Duwan laga keenay la geeyey Gobolka Awdal.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

Madaxweyne Xasan Shiiq oo ka baaqday shirguddoominta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

0

Isniin  26, Jan 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday shirguddoominta fadhiga guud ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay maadaama Soomaaliya ay tahay Dalka hoggaanka u hayaha.

Shirka Golaha Ammaanka ayaa Caawa ka dhacay Xarunta Golahaas balse Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u baaqday barafka xooggan ee Maraykanka ka da’ay oo sababay in la joojiyo duullimaadka in ka badan 10 kun oo safar.

Soomaaliya ayaa billowgii Bishaan Janaayo 2026 noqotay Shirguddoonka ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, maalmo kaddib waxaa ka idlaanaya muddada ay hoggaaminta haysato, waxa ay awood u haysataa in ay maamusho hannaanka shirka uu u socdo.

Guddoominta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Fadhiga Golaha ammaanka ayaa ah mid la sugayay, Soomaaliya ayaa wacdaro ka dhigtay kursiga doorashada ku yimaado ee Golahaas iyada oo kasoo muuqatay doodo kala duwan dhowaan qabsoomay.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyay Sharciga Saybarka Soomaaliyeed oo saameynaya Amniga Qaranka

0

Isniin  26, Jan 2026 {HMC} Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Sharciga Saybarka Soomaaliyeed oo saameynaya Amniga Qaranka.

Guddoomiye Shiikh Aadan Madoobe ayaa guddoomiyay Kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 32-aad, iyadoo ay soo xaadireen 145 Xildhibaan.

Golaha ayaa cod u qaaday sharciga Seybarka Soomaaliyeed, 144 Xildhibaan ayaa oggolaaday sharciga, hal Xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin.

Dhinaca kale Xildhibaanada ayaa akhrinta labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiga ku shaqada leh Hindise Sharciyeedka Sharciga dhismaha Hay’adda Qaran ee Maareynta Deegaanka inuu soo diyaariyo akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka dibna uu Golaha ugu soo celiyo.

Ugu dambeyn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa loo qeybiyey warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Macmiilka Danabeysan.

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka jira in Ciidamo meela kala Duwan laga keenay la geeyey Gobolka Awdal.?

0

Isniin 26, Jan 2026 {HMC} Maxaa ka jira in Ciidamo meela kala Duwan laga keenay la geeyey Gobolka Awdal.?

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA