Axad, 27 October, 2024 {HMC} Xisbiga Wadani Oo Fariin udiray Bulshada Gobolka Sanaag.
{DAAWO MUQAALKA} Doomaha looga gudbo kanaalka Ingiriiska ee ay ka ganacsadaan mukhalasiin joogta Jarmalka- ah
Axad, 27 October, 2024 {HMC} Doomaha looga gudbo kanaalka Ingiriiska ee ay ka ganacsadaan mukhalasiin joogta Jarmalka- ah
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {27.10.2024}
Axad 27-Octo-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo::Mustaf Ali Addow
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Madaxda Laamaha amniga oo laga dhagaytay warbixin ku saabsan amniga Caasimada.
Axad 27-Octo-2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyidiin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Asad Cusmaan Cabdullaahi, Taliye ku xigeenka Booliska, Kaaliyaha dhanka amniga ee hay’adda NISA iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska Gobolka Banaadir ayaa kormeer wadajir ah ku tagay degmooyinka Dharkenley iyo Kaxda ee gobolka Benaadir.
Kormeerkan waxaa sidoo kale ka qayb galay Guddoomiyaha degmada Dharkenley Yuusuf Xundubay, iyagoo socod dheer oo amni xaqiijin ah kusoo maray dhammaan waaxyaha labada degmo, waxayna wasiirka iyo saraakiishu u kuur galeen hannaanka shaqo ee Ciidamada Ammaanku ay waajibaadkooda u gudanayaan.
Dadka shacabka ee intii kormeerku socday ay la kulmeen ayey madaxda amnigu kala hadleen sidii ay u gudan lahaayeen doorkooda arrimaha amniga iyo caqabadaha ay la kulmaan, si loo wanaajiyo xiriirka bulshada iyo Hay’adaha Amniga ee dowladda.
Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Sirdoonka Qaranka iyo Saraakiil kale ayaa xalay Ciidamada ammaanka kala qayb galay, howgallo saf ballaaran ah oo lagu xaqiijinayay ammaanka caasimadda Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta ayaa ciidamada kala qayb galay socod dheer oo amni xaqiijin ah oo lagu soo maray dhammaan degmooyinka gobolka Benaadir iyo deegaanada dhaca duleedka caasimadda, iyaga oo u kuur galay hannaanka shaqo ee ciidamadu u gudanayaan waajibaadkooda isla markaana shacabka ka xog wareystay caqabadaha amni ee ay la kulmaan.
Wasiirka iyo Taliyeyaasha ayaa wadajir u faray Saraakiisha ciidamada in ay dardar galiyaan howgalada lagu sugayo amniga magaalada, iyaga oo xusay in ay joogteyndoonaan kormeerada loogu kuur galayo shaqada ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka argagixisadu ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.
Goorma Soomaaliya SHIDAAL laga soo saari karaa?
Axad 27-Octo-2024 {HMC} Markabka Oruc Reis ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ugu dambeyn ku xirtay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, isaga oo ay galbinayaan maraakiib dagaal.
Munaasabad weyn ayaa ka dhacday dekedda Muqdisho taa soo lagusoo dhaweynayay markabka, waxana ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax ka socota dalka Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Dr. Alparslan Bayraktar.
Markabka Oruc Reis ayaa bilaabaya howlaha shidaal sahminta ah uu u yimid Soomaaliya.
Haddaba maxan ka ognahay markabka Oruc Reis?
Markabkaan lagu magacaabo Oruc Reis, ayaa dhismihiisa daaha laga furay sanadkii 2017, waxaa lagu naqshadeeyay oo lagu dhisay dalka Turkiga, ujeedka loo sameeyay ayaana ahaa sahminta juquraafiga badaha iyo naqshada oo loo yaqaan ‘oceanographic’ kaas oo muhiim u ah dadaallada sahminta badda ee Türkiye.
Oruç Reis ayuu dhererkiisu yahay 87-mitir oo dherer ah una dhiganta 285-fiit , halka ballaciisu yahay 23-mitir oo u dhiganta 75-fiit, waxa uuna kor u dhisanyahay 34-mitir oo u dhiganta 111-fiit.
Sidoo kale waxa uu leeyahay afar matoor oo nafto ah kuwaas oo kiiloowaatkoodu yahay 2,520-KW, waxa uuna awood u leeyahay sahminta seismic ee 2-D iyo 3-D, oo lagu sameeyo saliidaha iyo gaaska badda hoostiisa ku jira.
Markabkaan ayaa awood u leh ku jirista badda muddo dheer, qaadista qalabka loogu talagalay sahminta laga sameynayo gudaha biyaha, waxaa kale oo uu leeyahay qeyb barxad ah oo ay ku soo dagi karaan diyaaradaha la shaqeynaya inta uu howlaha sahminta ku jiro.
Goorma ayey soo dhammaan karaan howlahan sahminta ee uu u tagay Soomaaliya?
Oruç Reis ayaa haddaba guda galaya howlaha sahminta shidaal ee u tagay Soomaaliya, haddaba si aan howlaha baariseed wax markan qadka taleefanka ayaan kula xiriirnay Injineer Faarax Siciid oo ka la shaqeeya shirkad laga leeyahay dalka Norway kana howl gasha arrimaha shidaalka kana mid ahaa mas’uuliyiintii Turkiga kasoo sagootiyay markabkan Oruç Reis.
“Markabkan Oruç Reis ee gaaray Soomaaliya haddaba waxaa uu howl gelayaa howlaha sahminta taas oo qaadan karta muddo 5 ilaa 6 bilood ah, kadib waxa uu ula noqon doonaa dalka Turkiga si loogu baaro macluumaadkii uu soo uruuriyay taas ooiyadana qaadan karta dhowr bilood oo kale”, ayuu yiri Injineer Faarax Siciid.
Waxa uu sharraxay in shirkaddan dowliga ah ee markabkan ay tahay markii ugu horreysay ee dal dibadda ah ay ka sameyso howlo shidaal sahmineed taasna ay fursad u tahay Soomaaliya iyo shirakaddaba.
Wakhti intee la’eg ayaa Soomaaliya shiidal looga soo saari karaa?
Bulsho weynta Soomaaliyeed ayaa u hanqal taagaya ogaanshada xilliga rasmi ah ee Soomaaliya shidaal lagasoo saarayo wallow xitaa qaarkood uu jahwareer uga jiro sababta uu hadda markabkan Oruç Reis u yimid in ay tahay shidaal qodis amaba sahmin.
Injineer Faarax Siciid oo ka sheekeynaya in ay qaadan karto in shidaal laga qodo Soomaaliya marka lasoo tago sahminta hadda la guda galayo ayaa yiri,“In soomaaliya shidaal laga qodo waa barnaamij aad u weyn waxana ay qaadan kartaa waqti ku xiran shaqada la qabanayo, haddii sida hadda wax lagu wado ay u socdaan waa ifafaalo fiican, shirkadda hadda heshiiska lagula jirana waa shirkad macquul ah iyadana ay fursad u tahay in wadan kale ay shidaal ka qoddo”.
“Waxa aan aminsanahay in wakhtiga ugu fiican ay kusoo saari karaan haddii ay si toos ah uga guda galaan, waa ilaa 6 ama 7 sano laakiin waqtigu mushkliyo malaha haddiiba la bilaabo waxa ay ku socon doontaa heerar wanaagsan”, ayuu sii raaciyay Injineer Faarax Siciid.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in kala qayb sanaanta iyo is qab-qabsiga marka lagasoo tago ay tani Soomaaliya u tahay natiijo wanaagsan oo la xiriirta mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Horraantii sanadkaan dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo is-afgarad ah oo shatti u ogolaanaya in saddax aag oo xeebaha Soomaaliya lagu sameeyo baaritaan la siiyay shirkadda Turkish Petroleum, oo ah shirkadda shidaalka qaranka ee Turkiga.
Markabka sahminta ayaana ka soo dhaqaaqay dekedda Filyos ee Zonguldak, oo ku taala waqooyi-galbeed Turkiga kaas oo dhawaan soo gaaray Soomaaliya.
Oruç Reis oo uu marinkiisu ahaa badda Mediterranean-ka, waxa uu u soo gudbay kanaalka Suweys, kadibna waxa uu ku soo dhacay Badda Cas si uu ugu soo xirto biyaha Soomaaliya.
DENI oo sheegay qorshaha laga lahaa’ qariiraddii muranka dhalisay.
Axad 27-Octo-2024 {HMC} Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay gobolka Mudug ka hurinayso colaad salka ku haysa muran dhuleed.
Madaxweynaha Puntland Deni ayaa ka jawaabayay khariirad la sheegay in ay adeegsatay dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo waqooyiga gobolka Mudug ku calaamadisay degaanno lagu muransan yahay.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay colaad ku dhisan muran dhuleed oo dhexmarta Puntland iyo Galmudug ay ka hurinayso gobolka Mudug, si ay halkaasi dagaallo uga riddo.
“Gobolka Mudug laguma muransana uma dulqaadan karno waxa ay waddo Dowladda Federaalku, Galmudug iyo Puntland dagaal kama dhexeeyo, qaybtada Mudugna laguma muransana” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay sida ay timid qariiradda oo lagu soo bandhigay munaasabaddii lagu qabtay dekedda Muqdisho ee lagu soo dhaweynayay markabka Turkiga ee baaraya shidaalka Soomaaliya.
Wasiirka oo arrintan raalligelin ka bixiyay ayaa shaaciyay inuu yahay khalad farsamo oo dhacay, isla markaana ka yimid dhanka shirkadda qaban-qaabineysay munaasabadda.
“Shalay waxaa dhacday arrin farsamo oo ahaa Qariidad aan markaas habooneen in lagu soo daray Qariidadihii meesha yaallay wixii tiknino ahaa iyo agaasinka waxaa u xil saarnaa agaasimaha guud, aniga baaritaan ayaa sameeyay saaka agaasimaha waxaan ka codsaday inuu xog sax isoo siiyo sida ay wax u dhaceen,” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq Cumar.
Dhanka kale wasiirka oo u jawaabay madaxweynaha Puntland ayaa yiri “Madaxweynaha Puntland waxa uu garan waayey MAP-2015-kii la sameeyay, Deni Sahminta Puntland isaga ayaa diiday oo horistaagay.”
IRAAN oo hanjabaad culus udirtay Israel iyo halka la kala maraayo
Axad 27-Octo-2024 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Arakchi ayaa sheegay in aysan jirin wax xad ah marka ay timaado difaaca dalkiisa, maalin kaddib marki ay Isra’il duqeysay Iran Sabtidi shalay.
Isra’il waxay sheegtay in weerar xadidan oo ku bartilmaameedsatay saldhigto millatari oo ku yaalla Iran, weerarkaas oo ay sheegtay in ay uga jawaabeysay, duqeymihi cuslaa ee Iran uga yimid 1-di bishan October.
Iran waxay xalay sheegtay, in duqeymihi Sabtidi ay kala kulantay Isra’il lagu dilay afar ka mid ah ciidankeeda milatariga.
Howlgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa bayaan kasoo baxay shalay galab ku sheegay, in Isra’il ay martay hawada Ciraq ka hor inta diyaaradaheeda dagaalka aysan duqeyn Tehran. Waxay ku eedeysay Mareykanka in uu raalli ka ahaa, maadaama bay yiraahdeen uu millatarigiisa kor ka maamulo hawada sare Ciraq, sida ay hadalka u dhigeen.
Mareykanka ayaa horay u sheegay in lagu wargeliyay weerarka ay Isra’il ku qaadday Iran, ka hor inta aanan la fulin.
124 qof oo lagu dilay dalka Sudan.
Axad 27-Octo-2024 {HMC} Ilo wareedyo ku sugan Sudan iyo kooxaha dhaq-dhaqaaqayaasha madaniga ayaa xaqiijiyay, in Xoogaga Gurmadka Degdega Sudan ee loo soo gaabsho RSF ay Jimcihi dileen ilaa 124 qof oo u badan rayid.
Weerarkan ayaa ka dhacay tuulo ka tirsan gobolka Al Jazira, waxana lagu tilmaamay mid ka mid ah dhacdooyinka ugu dhiig-daadashada badnaa tan iyo inti uu billowday dagaalka sokeeye ee Sudan muddo hadda laga joogo 18 bilood.
Jaziira ayaa marki horaba dhibane u aheyd dilal joogta ah, dhac iyo boob iyo barakac loo geystay boqollaal kun aoo ruux, falalkaas oo lagu eedeeyay kooxda RSF.
Guddiga wax iska caabbinta Wad Madani ee taageersan kooxaha u dhaqdhaaqa dimoqraadiyadda Sudan ayaa sheegay, in weerarki ugu ba’naa ee gobolka Jaziira uu Jimcihi ka dhacay tuulada Al-Sireha oo ku taalla waqooyiga gobolka, halkaas oo lagu dilay 124 qof, laguna dhaawacay in ka badan 100 kale.
RSF wali kama aysan hadlin eedaha loo soo jeediyay. Kooxdan ayaa qabsatay inta badan gacan ku heynta dalka Sudan, walina waxa ay dagaal kula jiraan ciidanka millatariga Sudan.
{DAAWO MUQAALKA} Shirkadda diyaaradaha soo saarta ee Turkiga yaa ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday
Axad, 27 October, 2024 {HMC Shirkadda diyaaradaha soo saarta ee Turkiga yaa ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka
Axad, 27 October, 2024 {HMC Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Waxaa Caawa Warka So Jeedinaayo Wariye: Shukri baryare



