Home Blog Page 1743

Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay madax katirsan Bangiga adduunka iyo IMF

Talaado 22-Octo-2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya ku matalaya shirka sanad laha ah ee Bangiga Adduun iyo IMF oo ay ka soo qayb galayaan in ka badan Boqol Dal ayaa ka hor furitaanka guud ee shirka waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madaxda Bangiga iyo IMF, si looga gungaaro natiijada iyo geediga horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wafdiga uu hogaaminayay Wasiir Biixi ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Koofurta iyo Bariga Afrika Marwo Victoria Kwakwa, Kulanka ayaana diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka ah ee iskaashiga, oo ay ku jirto qorshaha dib-u-cusbooneysiinta Barnaamijka Horumarinta Caalamiga ah (IDA), dib-u-habaynta koboca dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Kulan kale oo muhiim u ahaa horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayey wafdigu la qaateen Mudane Jihad Azour oo ah Agaasimaha Waaxda Bariga dhexe iyo Dalalka Bartamaha Asia, kaae oo si gaar ah loogu lafa guray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo hada meel wanaagsan maraya, kadib deyn cafintii iyo qorshaha Istaraatiijiga ah ee kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya oo IMF ay door weyn ku leedahay, kulanka labada dhinac ayaana kusoo dhamaaday guul iyo is-afgarad.

Shirka sanad laha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ee 2024 oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Washington DC, oo socon doona muddo toddobaad ah ayaa la filayaa marka laga tago kulamada guud ee loo dhanyahay in Wafdiga dowladda Soomaaliya ay yeelan doonaan kulamo docoodyo lagu hormarinayo xiriirada dalalka iyo hey’adaha dhaqaalaha caalamiga ah, kuwaas saldhig u noqon doona horumarinta tiirka Dhaqaalaha Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {22.10.2024}

Talaado 22-Octo-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo::Mohamed Baryare Haamud

Farsamadii ::Mustaf Ali Addow

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Warbixin ay Qaramada Midoobay Soomaaliya ka sugaysay oo dib udhacday.

Talaado 22-Octo-2024 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Soomaaliya in ay soo gudbiso warbixin waqtigii laga sugayay ay ka dib-dhacdey, sidda ay sheegayaan illo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Warbixintan ayaa waxaa doonaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isaga oo cuksanaya qaraarka 1540-aad ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Sidda ay xogta tilmaameyso, dowladda Soomaaliya ayaa waxay kamid tahay siddeed waddan oo caalamka oo dhan ah oo aan weli gudan warbixintan oo ah waajibaad aad muhiim u ah.

Warbixinta ayaa lagama maarmaan u ah in la qeexo tillaabooyinka ay dowladda Soomaaliya qaadeyso si ay uga hortagto hay’adaha aan dowliga ahayn, oo ay ku jiraan ururada argagixisada, ay helaan hubka wax gumaada (WMD), sida bayooloji, kiimiko, shucaac, iyo hubka nukliyeerka.

Waajibka ayaa lagu waramay in ay sidoo kale kamid tahay wax ka qabashada alaabta loo isticmaali karo in lagu soo saaro hubkaas, kaas oo laga heli karo wadamada intooda badan.

193-da waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, 185 ka mid ah ayaa horay u soo gudbiyay warbixintooda, oo ay ku jiraan inta badan dalalka Afrika.

Soomaaliya, si kastaba ha ahaatee, waxay weli ka mid tahay koox yar oo waddamo ah oo aan weli soo gudbin warbixintoodii ugu horreysay—ku dhawaad 20 sano kaddib markii qaraarka UNSCR 1540 la ansixiyay 2004-tii.

Wadamada kale ee ku guuldareystay inay soo gudbiyaan warbixintooda waxaa ka mid ah Waqooyiga Kuuriya, Gambia, Eswatini, Mauritania, Chad, Mali, iyo Guinea.

Sikastaba ha ahaatee, haddii dowladda Soomaaliya aysan gudbin warbixintan waxay keeni kartaa cawaaqib-xumo ay kamid tahay in hoos loo dhigo awooda ay ku heli karto hubka ay haatan u baahan tahay.

Madaxwayne Xasan sheikh oo billaabay galaangal siyaasadeed oo cunaqaybtayn ku ah ITOOBIYA.

Talaado 22-Octo-2024 {HMC} Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu maalmo kooban ku maray dhowrkii dal oo ka mid ah kuwa ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa bixiyey macne culus oo ka mug-weyn sida loo arko ama xogta laga helay, saameynta ugu weyna wuxuu ku yeeshay Itoobiya.

Marka koowaad Xasan Sheekh liiska safaradiisa ka reebay Itoobiya oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka, balse dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay qorshaha kala guurkana ku darsatay in ciidamada Itoobiya ay gabi ahaanba dalka ka baxayaan dhamaadka sanadkaan.

Xasan Sheekh wuxuu heshiisyo ku saabsan howlgalka cusub ee Soomaaliya ka bilaabanaya horaanta sanadka soo socda ee 2025 lasoo galay madaxweynayaasha Uganda, Burundi iyo Jabuuti, hadana wuxuu ku sugan yahay Kenya.

Heshiisyada uu Madaxweynaha Soomaaliya la soo galay dalalkaas ayaa meesha ka saaraya damaca Itoobiya oo hadda olole ka dhex wada dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, iyadoo ka dhaadhicineysa inay diidaan, si ciidamada Itoobiya ay u sii joogaan gudaha Soomaaliya.

Prof. Liibaan Ciise oo bare ka ah Jaamacadda Muqdisho, kana faalooda arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika ayaa la hadlay VOA, isagoo sheegay ololaha iyo qorshaha Xasan Sheekh uu meesha ka saarayo riyada Itoobiya oo ku hamineysa in ciidamadeedu sii dhex-joogaan Soomaaliya.

Sidoo kale Prof. Liibaan wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu doonayo inuu Jabuuti ku soo daro isbaheysiga cusub ee Geeska Afrika ay ka abaabulayaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea, culeyska kaliya ee Jabuuti isbaheysigaas ka hor taagan waa xiisadda dagaal ee dhiigga badan ku daatay ee sanadaha badan ka dhex taagan dowladaha Jabuuti iyo Eritrea.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku howlan sidii meesha looga saari lahaa colaadda ahliga ah ee ka dhaxeysa dowladaha Jabuuti iyo Eritrea, wuxuuna dhowaan safar isbaheysi lagu sameeyey ku tegay Asmara caasimadda Eritrea.

Madaxweynihi hore ee Peru oo lagu xakumay 20 sano oo xabsi ah

Talaado 22-Octo-2024 {HMC} Madaxweynihi hore ee Peru Alejandro Toledo ayaa Isniinti shalay lagu xakumay 20 sano ito lix bil oo xabsi ah, kaddib marki lagu helay eedo la xiriira musuq maasuq.

Dacwad-oogayaasha ayaa Toledu ku eedeeyay in uu laaluush gaaraya 35 milyan oo dollar ka aqbalay shirkadda ka shaqeyso dhismaha ee Odebrecht ee laga leeyahay Brazil, taas oo lagu eedeeyo in ay lacago badan oo laaluush siisay madax iyo saraakiil sare oo ka tirsan dhowr dowladood oo ku yaalla Larin America.

Lacagta ku kaceysa dhismaha jidka ayaa aheyd qiyaasti $507 oo milyan, laakin Peru ayaa marki danbe lagu qasbay in ay bixiso1 bilyan iyo 250 milyan oo dollar.

Toledo waxaa lagu eedeeyay in lacagaha laaluushka uu kaga badashay shirkaddan ogolaasha ruqsad ay ku dhiseysay jid weyn oo ku yaalla dalkaasi dhaca koofurta America.

Toledo oo soo xakumay Peru inti u dhaxeysay 2001 to 2006, ayaa laga soo xiray Mareykanka sannadki 2019-ki, waxaana dowladda Peru lagu wareejiyay sannadki 2022-ki.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo markiisii 11-aad booqanaya Isra’il.

Talaado 22-Octo-2024 {HMC} Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Talaadada maanta ah gaaray Isra’il, halkaas oo uu ka billaabayo booqasho uu ku mari doono dalal ku yaalla Bariga Dhexe.

Blinken ayaa isku dayi doona in uu soo nooleeyo wadahadallada xabbad-joojinta Gaza iyo mustaqbalka siyaasadda ee Marinka Gaza, kaddib dilka hogaamiyihi Xamaas Yaxya Sinwaar.

Socdaalkan ayaa noqonaya kiisii kow iyo tobnaan ee uu ku tagayo Isra’il, tan iyo marki ay billaabatay colaaddka Isra’il iyo Xamaas todobadi bishi October ee sannadki 2023-ki, markaas oo ay Xamaas weerartay Isra’il, taasoo kicisay duullaanka wali socda ee ay Isra’il ka waddo Gaza iyo Lubnan.

Isra’il ayaa sii xoojisay duqeymaha ay ka waddo Gaza iyo Beyrut todobaadyadi u danbeeyay, halkaas oo ay saraakiisha caafimaadka labada dhinac ay sheegeen in la dilay boqollaal qof.

Qorshaha socdaalka Blinken ee Bariga Dhexe oo qaadan doono hal todobaad ayaa waxaa qeyb ka ah, safar uu maalinta Arbacada berrito ah isugu mari doono Urdun iyo Qatar.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan muddo la la’aa oo meydkiisa la Geeyay Wajeer

0

Talaado 22-Oct-2024 {HMC}  Xildhibaan muddo la la’aa oo meydkiisa la Geeyay Wajeer

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} SSC-Khaatumo oo bulshada u soo bandhigay Calaamadaha Gaadiidka ee khataraha wadooyinka.

0

Talaado 22-Oct-2024 {HMC}  SSC-Khaatumo oo bulshada u soo bandhigay Calaamadaha Gaadiidka ee khataraha wadooyinka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Kaah ee Somaliland oo manta marti qaaday Warbaahinta madaxa banaan

0

Talaado 22-Oct-2024 {HMC} Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Kaah ee Somaliland oo manta marti qaaday Warbaahinta madaxa banaan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Masar Oo Ku Dhawaqaday In Dalkeeda….

0

Talaado 22-Oct-2024 {HMC} Dowladda Masar Oo Ku Dhawaqaday In Dalkeeda….

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA