Home Blog Page 1745

{DAAWO MUUQAALKA} Waa muhiim in carruurta aragooda la qiimeeyo si aysan waxbarashada uga saameyn.

0

Isniin 21-Oct-2024 {HMC} Waa muhiim in carruurta aragooda la qiimeeyo si aysan waxbarashada uga saameyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maxeey Ka Wada Hadleen Madaxweeynayaasha Soomaalia iyo Jabuuti

0

Isniin 21-Octo-2024 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ka kooban wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya Wexeey Ku Tageen Dalka Jabuuti

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti waxay yeesheen shir laba geesood ah oo ay ku xaqiijiyeen inay ka go’an tahay nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo gobolka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diiran ugu hambalyeeyay dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle dadaalka hagar la’aanta ah ee uu ugu jiro horumarinta nabadda iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, iyo sidoo kale doorka muuqda ee uu ka qaatay soo celinta nabadda, iyo amniga. Amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka Ciidamada Difaaca Qaranka Jabuuti,Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,iyo Ciidamada Midowga Afrika ee ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah AS.

Labada Madaxweyne ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda amni ee Soomaaliya iyo tan gobolka, waxayna ku nuuxnuuxsadeen in loo baahan yahay in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, isla markaana la ilaaliyo nabadda, amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan Geeska Afrika. Qaaradda Afrika guud ahaan.

6. Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa bogaadiyay abuuritaanka howlgalka cusub ee taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) waxayna qireen guulihii uu gaaray hogaamiyihii ka horreeyay ee ATMIS. Waxa ay sidoo kale carabka ku adkeeyeen in howlgalku uu bilaabanayo 1-da Janaayo 2025, ayna muhiim tahay in la sahmiyo dhammaan fursadaha maalgelinta, oo uu ku jiro qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2719. Madaxdu waxay carrabka ku adkeeyeen in AUSSOM ay tahay inay hesho dhaqaale la saadaalin karo oo waara.

7. Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la taageero sidii in ku filan loogu hirgelin lahaa Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo Xoojinta Awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SSF). Waxay ugu baaqeen beesha caalamka inay taageeraan dhisidda awoodahaas si loo xaqiijiyo kala-guurka fudud ee dhammaadka howlgalka AUSSOM.

Madaxdu waxay carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in si habsami leh looga gudbo ATMIS-ka loona gudbo AUSSOM.

Si loo xoojiyo, loona adkeeyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya labada dal, labada Madaxweyne waxay ku nuuxnuuxsadeen in degdeg loo qabto kalfadhiga Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (CMC) waqtiga ugu macquulsan. Markaa waxay ku wargeliyeen wasiiradooda arrimaha dibadda inay abaabulaan fadhigii CMC, taariikhda iyo goobta lagu xaqiijinayo si diblumaasiyadeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhiggiisa Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u sheegay in Jabuuti ay mar walba garab taagan tahay walaalnimada iyo garab istaagga walaalaha Soomaaliyeed.

Xukuumadda Soomaaliya oo Maanta Yeelatay RW Ku Xigeen

0

Isniin 21-Octo-2024 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeen labaad oo ay yeelanayso Xukuumaddiisa.

Xamse ayaa Cabdisalaan Cabdi Cali oo ahaa Wasiirka Hawlaha guud u magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka sida uu shaaciyey afhayeenka Xukuumada Farxaan Maxamed Jimcaale

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale Wasiirka Hawlaha guud oo uu banneeyay Cabdisalaan Cabdi Cali waxa uu u magacaabay Cilmi Maxamuud Nuur oo hore u soo noqday Wasiirka Maaliyadda DFS.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa noqotay Xukuumaddii u horeysay oo yeelatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeen labaad, kaddib Dowladdii KMG aheyd

Mudda xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xukuumaddii u horraysay ee uu magacaabay waxay yeelatay hal Ra’iisul Wasaare kuxigeen taasoo meesha ka saartay Ra’iisul Wasaare ku xigeenadii labada ahaa oo haatan dib loo soo cedliyey.

Sidoo kale Xamse magacaabay Wasiiro iyo Wasiiru dowleyaal cusub oo kala ah:-

1-Wasiirka Shaqada & arrimaha Bulshada
Yuusuf Maxamed Aadan

2-Wasiirka gaadiidka badda iyo dekedaha
Maxamuud Axmed Aadan

3-Wasiiru dowlaha Cadaalada iyo dastuurka
Ilyaas Shiikh Cumar Abubakar

4-Wasiiru dowlaha Batroolka iyo macdanta
Ismaaciil shire Jaamac

5-Wasiiru dowlada qoyska iyo xuquuqda aadanaha
Maxamed Cusman Cumar

6-Wasiiru dowlaha shaqada & arrimaha bulshada
Ceynaanshe Yusuf Xuseen

7-Wasiiru dowlaha kaluumeysiga & dhaqaalaha buluuga ah
Maxamed Yusuf Xasan

8-Wasiiru dowlaha Wasaarada ganasiga & Warshadaha
Maxamed Nuur Abubakar

Xildhibaanada Soomaaliya oo Ka Dooday Xisaab Xirka Sanad Maaliyadeedkii 2023

0

Isniin 21-Octo-2024 {HMC}  Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa wadajirka ah ee sedaxaad,waxaana shir Guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee warbixinta xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023,waxaanna Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ee Baarlamaanka uu xubnaha labada Aqal u faahfaahiyay warbixinta xisaabxirka miisaaniyaddii 2023.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023,waxaana Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare oo kulanka soo xiray uu sheegay in maanta lasoo gaba gabeeyay ka doodista xisaabxirka sanad maaliyadeedkii 2023 islamarkaana guddiga maaliyadda ee labada Aqal dib loogu celiyay si uu usoo diyaariyo Akhrinta sedaxaad dibna Golaha uu ugu soo celiyo.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Biixi oo duuliyay diyaarad yar ee Somaliland leedahay

0

Isniin 21-Oct-2024 {HMC} Madaxweyne Biixi oo duuliyay diyaarad yar ee Somaliland leedahay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dalka maanta kama maarmi karo in Maamul Gobaleed kasta uu wada-tashi ugu yeerto xildhibaanadiisa

0

Isniin 21-Oct-2024 {HMC} Dalka maanta kama maarmi karo in Maamul Gobaleed kasta uu wada-tashi ugu yeerto xildhibaanadiisa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Qofka dhintay iyo qofka noolba markii la yiraahdo 10 dollar baa laga rabaa ” Xildhibaan Jeesow

0

Isniin 21-Oct-2024 {HMC} Qofka dhintay iyo qofka noolba markii la yiraahdo 10 dollar baa laga rabaa ” Xildhibaan Jeesow

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Hoggaamiyihii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga oo Maraykanka ku geeriyooday

0

Isniin 21-Oct-2024 {HMC} Hoggaamiyihii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga oo Maraykanka ku geeriyooday

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliland oo Shaaciyey Dambiyadii ka dhacay Deegaanadeeda.

0

Isniin 21-Oct-2024 {HMC} Soomaaliland oo Shaaciyey Dambiyadii ka dhacay Deegaanadeeda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka.

0

Isniin 21-Oct-2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN