Isniin 21-Oct-2024 {HMC} Kismaayo oo laga hirgaliyay astaanta joogsiga gawarida taasi oo kala xidideysa gadiidka.
{DAAWO MUUQAALKA} Shirib cajiib ah oo lagu soo bandhigay deegaanka biya cadde.
Isniin 21-Oct-2024 {HMC} Shirib cajiib ah oo lagu soo bandhigay deegaanka biya cadde.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Sababta madaxda Afrika ay u qariyaan xaaladooda caafimaad
Isniin 21-Oct-2024 {HMC} Sababta madaxda Afrika ay u qariyaan xaaladooda caafimaad.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Turkiga oo xiray sagaal isbitaal oo loo heysto in caruurta kusameenjireen….
Axad 20-Oct-2024 {HMC} Turkiga oo xiray sagaal isbitaal oo loo heysto in caruurta kusameenjireen….
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Itoobiya oo kulan isugu keentay Dalalka Ciidamada ka joogan Soomalia + qorshaha.
Isniin 21-Octo-2024 {HMC} Dowladda Itoobiya ayaa abaabushay oo kulan isugu keentay Dalalka Ciidamada ku Tabaruca (TCC) ATMIS, si ay u diidaan wax loogu yeeray “isku dayga halka dhinac ah” ee Soomaaliya ee ku saabsan qaab dhismeedka howlgalka cusub ee AUSSOM ee beddelaya ATMIS.
Itoobiya ayaa ku adkeysanaysa in ay ka sii mid ahaato howlgalkaas.
Iyagoo carabka ku adkeeyay in ay diyaar u yihiin ka qayb galka AUSSOM, dalalka TCC, oo ay ay hogaamineyso Itoobiya, ayaa ku adkaysanaya in ay ka qayb qaataan samaynta howlgalka cusub, iyaga oo ku doodaya in aan la iska indho tirin wax qabadkooda Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka oo ay isugu yimaadeen Wasiirada Difaaca ee TCC, Aisha Mohammed, Wasiirka Difaaca Itoobiya, ayaa sheegtay in dalkeeda uu aad u doonayo inuu sii wado caawinta Soomaaliya si loo xasiliyo.
War-murtiyeedka wadajirka ah ee wasiirada, ayaa qiray in “wax-u-hurnimadii ay TCC 17-kii sano ee la soo dhaafay u sameeyeen la-dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya iyo xasilinta dalka” ay qayb weyn ka qaadatay “horumarinta iyo tayeynta hay’adaha dowliga ah ee Dowladda Federaalka. Soomaaliya.”
Hase yeeshee, si howlgalka cusub uu u guuleysto, wasiiradu waxay sheegeen in Midowga Afrika looga fadhiyo in ay dib u eegis ku sameeyaan dhaqaalihii ay ku bixin jireen, maadaama ay jirto hoos u dhac dhaqaale oo saameynaya howlgallada ka dhanka ah kooxda AS oo weli ka taliya dhul badan oo miyi ah oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta.
Marka ay noqoto aasaaska AUSSOM, wasiirrada gaashaandhigga waxay ku nuux-nuuxsadeen in “cashiradii laga bartay ATMIS si fiican loogu tixgeliyo geeddi-socodka haray” waxayna iftiimiyeen “baahida loo qabo in lagala tashado TCC naqshadeynta howlgalka AUSSOM.”
Soomaaliya ayaa horay uga soo horjeesatay ka qeyb galka Itoobiya ee howlgalka cusub, iyadoo ku eedeysay Addis-Ababa in ay ku xad-gudubtay madax-banaanida dhuleed iyo qarannimada kadib markii ay heshiis bad la gashay maamulka Somaliland.
Xaaladda ayaa cirka isku sii shareertay markii Masar ay Muqdisho u soo dirtay ciidamo milateri iyo shixnado hub ah, taasoo keentay in Itoobiya ay walaac ka muujiso ka guuritaanka ATMIS oo ay ku tilmaantay inuu yahay mid khatar ku ah gobolka.
Dhawaanna, Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea waxay shir saddex geesood ah ku yeesheen Asmara, halkaas oo ay ku heshiiyeen tallaabooyin kor loogu qaadayo awoodda Soomaaliya ee ilaalinta xuduudaheeda berriga iyo badda.
Isra’il oo duqeymo culus ka gaysatay Beyrut.
Isniin 21-Octo-2024 {HMC} Isra’il ayaa xalay duqeymo culus ku bartilmaameedsaday qeybo ka mid ah magaalada Beyrut ee caasimadda Lubnan, waxyar kaddib marki ay ku dhawaaqday Axaddi shalay in ay beegsan doonto garabka maaliyadda ee Xisbullah.
Qaraxyo waaweyn oo ay sababeen madaafiic ay soo tuureen milatariga Isra’il ayaa laga maqlay Beyrut iyo meelo kale. Madaafiicda ayaa marka hore ka billowday nawaaxiga koofureed ee caasimadda kaddibna waxaa xalay la duqeeyay dhismayaal ku yaalla qeybo kale oo Beyrut ah.
Boqollaal ka mid ah dadka reer Beyrut ayaa xalay guryahooda ka cararay kaddib digniinta kasoo baxday Isra’il ee la xiriirta in ay billaabayaan duqeymaha cirka. Dadka ayaa ka cararay koofurta, bartamaha iyo deegaannada ku dhaw garoonka diyaaradaha caalamiga ah.
Muuqaallo ay baahisay wakaaladda wararka ee AP ayaa tusiyay, qaraxyo lala beegsanayo meel u dhaw garoonka kaliyah ee dalka Lubnan. Eraboorka ayaase sii wata howlahiisa caadiga ah.
Isra’il waxay sheegtay in duqeymahan cusub ay ku bartilmaameedsaneyso madaxa qeybta maaliyadda ee Xisbullah Al-Qard al-Hassan. Garabka uu maamulo ayaa lagu sheegaa qeybta socod siiya howlaha maaliyadda ee ay ku howlgasho Xisbullah.
Madaxweynaha Brazil oo dhaawac soo gaaray xilli uu kusii jeeday….
Isniin 21-Octo-2024 {HMC} Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa baajiyay safar uu Axaddi shalay ugu ambabixi lahaa Ruushka, kaddib marki ay dhaqaatiirtiisa caafimaadka kula taliyeen inuusan gali karin duulimaad saacado badan qaadanaya, sababo la xiriira dhaawac madaxa kasoo gaaray isaga oo gurgiisa jooga.
Bayaan kasoo baxay xarunta madaxtooyada Brazil ayaa lagu sheegay, in Lula oo 78 jir ah uu shirka uga qeybgali doono hanka fogaan-aragga ee dhinaca online-ka. Waxaa marki hore la filayay in uu ka baxo Brazil shalay 5-ti galabnimo.
Sida ku cad diiwaanka caafimaad ee isbitaalka Sirio Libanes ee magaalada Brasilia, Lula ayaa dhaawac kasoo gaaray jeegada madaxiisa Sabtidi. Lama faah-faahin waxa sababay dhaawacaasi.
Madasha diblamaasiyadeed ee loo soo gaabiyo BRICS ayaa la unkay muddo hadda laga joogo 15 sano. Waxaa xubno ka ah qaar ka mid ah dalalka ugu suuqyada waaweyn dunida sida Brazil, Ruushka, Hindiya, iyo Shiinaha. Waa marki danbe gadaal kaga soo biiray South Africa, Masar, Itoobiya, Iran iyo Imaaraadka Carabta.
Prepare for war – China President, Xi Jinping, orders military
Monday 21 Oct 2024 {HMC} Chinese President, Xi Jinping, has directed the military to enhance its preparedness for war and boost its combat capabilities, signalling a heightened emphasis on strategic deterrence amid rising tensions with the West.
Xi, during an inspection of a People’s Liberation Army (PLA) Rocket Force brigade, stressed the importance of “comprehensively strengthening training and war preparations” to ensure the military is battle-ready.
According to ISNA, the president emphasised that troops must develop “solid combat capabilities” and protect China’s “strategic security and core interests.”
His remarks come against the backdrop of ongoing tensions with the United States over Taiwan, which China considers an inalienable part of its territory.
Beijing asserts sovereignty over the self-ruled island and maintains that Taiwan cannot engage in official diplomatic relations or join international organisations independently.
The United States, however, has been fostering ties with Taiwan’s government and supplying it with military equipment, to Beijing’s displeasure. Last month, the US State Department approved a potential arms deal worth $228 million, intended to supply spare parts to Taiwan’s military. Taiwan’s defence ministry confirmed the deal would take effect shortly.
In addition to arms sales, high-profile visits by American officials to Taiwan have further strained relations between Beijing and Washington. A US congressional delegation visited the island last year, following the controversial trip by former House Speaker Nancy Pelosi in 2022, which prompted strong protests from China.
Although Washington formally recognises Beijing’s sovereignty under the “One China” policy, it continues to provide military and diplomatic support to Taiwan.
SOURCE

NISA oo Soo Bandhigtay 3 nin oo ku eedeeysan AS.
Axad 20 -Octo-2024 {HMC} Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa gacanta ku dhigtay Saddex dhagar-qabe oo ka tirsan Al-shabaab
Raggan ayaa lagu eedeeyey iney ku howlanaa falal ka soo horjeeda amniga Caasimada sida ku xusan war-saxaafadeed ka soo baxay NISA oo u qornaa sidatan hoose:

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo caawa gaaray Dalka Jabuuti.
Axad 20 -Octo-2024 {HMC} Jabuuti, 20, October, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa lagu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Dowladda Jabuuti.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri kulan la qaadan doono Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo ka wada hadli doono xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga iyo arrimaha ahmiyada u leh labada dowladood.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal shaqo ku maraya dalalka bahwadaagta la ah Soomaaliya ee gobolka ku yaalla.




