Sabti 17 jun 2026 {HMC} Qooyska Hogaamiyaha Mucaaradka Uganda oo la Afduubtay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA
Sabti 17 jun 2026 {HMC} Qooyska Hogaamiyaha Mucaaradka Uganda oo la Afduubtay.
Sabti 17 jun 2026 {HMC} Saddex askari ayaa ku dhaawacmay weerar lagu qaaday saldhigga dhexe ee ciidanka booliiska Garowe, saacado kaddib markii halkaas lagu xiray labo askari oo lagu qabtay maandooriyaha khamriga.
Weerarka ayaa waxaa ka dambeeyay askar kasoo dagaalamay Calmiskaad oo ka tirsan guutada Duufaan, kuwaas oo dhawaan dib ugu soo laabatay magaalada Garowe. kaddib markii lasoo afmeeray badi howlgalka lagu la dagaamayay Daacish.
Askartan ayaa doonayay inay si xoog ah uga sii daayaan saldhigga labada nin ee loo xiray khamriga, kuwaas oo la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidankooda, isla markaana mid kamid ah uu dhaawac ka soo gaaray howlgalkii lagu soo qabtay.
Ciidamada booliiska ee saldhigga dhexe ayaa isk caabiyay weerarkan oo loo adeegsaday hub fudud iyo mid culus. Saddexda askari ee ku dhaawacmay dhacdadan ayaa la xaqiijiyay inay ka tirsanaayeen ciidamadii weerarka soo qaaday, mana aysan ku guulaysan inay gudaha u galaan saldhigga ama ay la baxaan askarta la xiray.
Weerarkan ayaa abuuray qalqal amni oo si weyn looga dareemay magaalada Garowe, maaddaama uu ka dhacay barxadda magaalada Garowe oo uu saldhiggu kuyaalo, iyadoo weerarku uu dhacay xilli ay is dhex marayeen dadka iyo gaadiidka.
Laamaha amniga Puntland weli kama hadlin dhacdadan. Dhinaca kale, Guutada Duufaan ayaa ku andacooday in askar ka mid ah ciidankooda loo geystay dhaawac iyo jirdil. Waxay sidoo kale sheegeen inay qaadi doonaan tallaabo adag haddii uusan booliisku bixin jawaab ay ku qancaan.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay magaalooyinka Puntland dib ugu soo laabteen ciidamo muddo ku dhow hal sano kula dagaallamayay Daacish buuraha Calmiskaad. Sannadkii hore, askari ka mid ahaa ciidamadii kasoo laabtay dagaalladaas ayaa Garowe ku dilay laba askari iyo hal qof oo shacab ah oo ka tirsanaa Dowladda Hoose ee Garowe.
Sabti 17 jun 2026 {HMC} Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa baaritaan ku wadda laba mas’uul oo caan ka ah gobolka Minnesota, kadib eedeymo lagu soo oogay oo ah in ay isku dayeen in ay carqaladeeyaan howlgallada ciidamada socdaalka ee federaalka ee loo yaqaan ICE, waana tallaabo cusub oo sii hurinaysa xiisadda u dhaxaysa maamulka Trump iyo xisbiga Dimuqraadiyiinta ee maamula gobolkaasi.
Guddoomiye Tim Walz iyo Duqa Minneapolis Jacob Frey, labaduba waa hogaamiyeyaal liberal ah, waxaana ay wajahayaan baaritaan ku saabsan hadallo ay yiraahdeen oo ka dhah an Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE), sida laga soo xigtay bahwadaagta BBC ee CBS News.
Baaritaankani wuxuu daba socdaa xiisado ka dhashay dhimashadii haweeney Minneapolis uu dhowaan ku toogtay sarkaal ka tirsan ICE, taas oo keentay mudaharaadyo ka dhaca guud ahaan dalka ah
Sabti 17 jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu canshuur cusub kusoo rogi doono dalalka aan raacin damaciisa ah in uu la wareego Greenland.
Trump ayaa ka yiri kulan ka dhacay Aqalka Cad, “waxaan canshuur ku soo rogi karaa dalalka haddii aysan nagu raacin Greenland,” taas oo ah dhul iskiis isu maamulo hoos yimaada Denmark.
Wuxuu ka gaabsaday inuu sheego dalalka la saari karo canshuuraha cusub, ama awoodda uu adeegsan lahaa si uu u isticmaalo hiigsigiisa canshuuraha soo dejinta.
Denmark iyo Greenland waxaa ku weheliya dalal kale oo kasoo horjeeda qorshihiisa, waxaana dad badan oo Mareykanka ah ay muujinayeen shakiga ku aaddan iibsashada. Intii uu Trump ka hadlayay, wakiillo ka socday labada xisbi ee Kongresska ayaa booqanayay Greenland si ay taageero ugu muujiyaan dhulkaas.
Sabti 17 jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari kula kulmay wafdi ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti oo ka qaybgalaya caleemosaarka madaxda sare ee Maamulkaas.
Xubnaha Wafdiga ayaa ka kooban Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jabuuti, Muumin Xasan Barre, Wasiirka Isgaarsiinta, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.
Wafdiga ka socda Jabuuti ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku amaanay doorka uu ka qaadanayo ilaalinta Dalka si gaar ah midnimada iyo wadajirka, waxa ay la wadaageen fariin ay uga wadeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa bogaadiyay Jamhuuriyadda Jabuuti oo xaalad weliba ku garab istaagtay Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in ay taariikhda xusi doonno.
Jabuuti ayaa safka hore uga jirta dalalka ka dhiidhiyay faragelinta Soomaaliya ay ku samaysay Israa’iil, waxa ay ku baaqday in la ilaaliyo madaxbannaanida iyo midnimada Dadka isla markaana la dhowro axdiyada Caalamiga ah ee heshiiska lagu yahay.
Sabti 17 jun 2026 {HMC} Wiilka uu dhalay hoggaamiyaha mucaaradka Uganda, Bobi Wine, ayaa sheegay in ciidanka iyo xoogagga gaarka ah ay qafaasheen labadiisa waalid oo geeyeen meel aan la garanayn.
Goor sii horaysay, Bobi Wine wuxuu sheegay in lagu hayay xayiraad guri ka dib markii uu ka cabanayay khiyaano ka dhacday doorashadii madaxweynaha ee Khamiista.
Dowladdu kama aysan bixin wax faallo ah, iyada oo ay jirto xannibaada internet-ka oo guud, taasi oo ay ka dhigay mid adag in la helo faahfaahino dheeri ah.
Iyadoo ku dhowaad dhammaan codadkii la tiriyay, wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Museveni uu si wanaagsan ugu horeeyo nitiijooyinka soo baxaya, iyada oo markii toddobaad uu doonayo inuu dalkaasi hoggaamiyo.
Sabti 17 jun 2026 {HMC} Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa sheegtay in Dastuurka Maraykanka uu dhinacooda yahay ayna dagaalami doonaan si ay u difaacaan, iyada oo ku eedeysay maamulka Trump aargoosi siyaasadeed.
Barteeda bulshada ayay kusoo qortay ‘’Trump iyo maamulkiisa socdaalka kama badbaadin doonaan weerarada ay ku hayaan gobolkeena. Arrintan weligeed kuma saabsanayn fulinta sharciga — mar walbana waxay ku saabsanayd aargoosi siyaasadeed’’
Waxay intaasi ku dartay Trump iyo fulinta sharciyadiisa socdaalka kama badbaadi doonaan weerarradooda sharci-darrada ah ee ay ku hayaan gobolkeenna. Dastuurku waa dhinaceenna, waxaanan u dagaallami doonnaa inaan difaacno annagoo adeegsanayna wax kasta oo aan hayno’’
Jimco 16 jun 2026 {HMC} Baaritaan ay samaysay BBC ayaa muujinaya in khilaaf gudaha ah uu ka dhex taagan yahay ururka Taalibaan, kaas oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha ad-adag ee Kandahaar iyo kuwa Kaabuul jooga ee doonaya dabacsanaan.
Cod sir ah oo la faafiyay ayaa muujinaya hoggaamiyaha ugu sarreeya Taalibaan, Hibatullah Akhundzada, oo ka digaya in kala-qaybsanaanta gudaha ay keeni karto burburka maamulka Taalibaan. Inkastoo Taalibaan ay si rasmi ah u beeniyeen jiritaanka khilaaf, haddana BBC waxay sheegtay in ay si cad u aragtay laba dhinac oo iska soo horjeeda;
•Garabka Kandahaar wuxuu ku adkeysanayaa xukun aad u adag, go’doomin caalami ah, iyo in aan wax dabacsanaan ah la sameyn. Dhanka kale, garab ku sugan Kaabuul ayaa aaminsan in Taalibaana ay u baahan yihiin xiriir xaddidan oo caalami ah, xasillooni dhaqaale, iyo in wax yar la fududeeyo xannibaadaha, gaar ahaan kuwa la saaray waxbarashada gabdhaha.
Khilaafkan ayaa si cad u soo baxay bishii September 2025, markii Akhundzada uu amray in internet-ka Afgaanistaan oo dhan la xiro. Amarkaas ayaa markii dambe laga noqday, kaddib markii ay si wadajir ah uga horyimaadeen mas’uuliyiin sare oo Taalibaan ah, oo ay ka mid yihiin Sirajuddin Haqqani, Abdul Ghani Baradar iyo Mohammad Yaqoob Mujahid.
Tani waxay ahayd dhacdo aad u naadir ah, maadaama ay ka hor yimaadeen amar si toos ah uga yimid hoggaamiyaha ugu sarreeya. Warbixintu waxay sheegtay khilaafkan inuu yahay imtixaanka ugu adag ee Taalibaan ay marayso.
Jimco 16 jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari oo uu kala hadlay adkeynta midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta dowlad-dhiska.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Odeyaasha Dhaqanka ku adkeeyey doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin mideynta bulshada, ka hortagga khilaafaadka iyo xoojinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in midnimada iyo wadajirku ay saldhig u yihiin dowladnimo iyo horumar.
Dhankooda, Odeyaasha Dhaqanka ee uu la kulmay Madaxweynahu ayaa ku bogaadiyey dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, iyagoo muujiyey dareen Soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

Jimco 16 jun 2026 {HMC} Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay maalmahan hawada kaga soo daadiyeen waraaqo digniin ah, kuwaas oo loogu baaqayay shacabka rayidka ah inay ka baxaan magaalada ama ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka AS si looga badbaado waxyeello soo gaarta.
Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijinaya in waraaqahaasi ay si weyn cabsi iyo jahawareer ugu abuureen dadka shacabka ah, iyadoo qoysas badan ay bilaabeen barakac iskiis ah, kana guurayaan xaafado ay u arkaan kuwo halis ku jira.
Dhanka kale, waxaa muuqata in kooxda AS ay dareemeen cadaadis amni oo xooggan, iyagoo bilaabay dhaqdhaqaaqyo ciidan, beddelaya fariisimahooda, kuna sii qulqulaya deegaanno ka baxsan bartamaha magaalada.
Arrimahan ayaa kusoo beegmaya xilli habeenno ka hor ay ciidamo isugu jira kuwa Jubbaland iyo Kumaandooska Danab ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen gudaha Degmada Jilib, halkaas oo sida ay sheegayaan ilo amni khasaare culus lagu gaarsiiyay AS laguna dilay tiro ka mid ah maleeshiyaadkooda.
Sidoo kale duqeymo cirka ah ayaa xalay laga fuliyay naawaaxiga Degmada Jamaame, kuwaas oo lala beegsaday godad iyo xarumo qarsoodi ah oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan AS.
Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in weerarradaasi ay ahaayeen kuwo si gaar ah loo qorsheeyay, laguna bartilmaameedsaday xarumo muhiim ah.
Xaaladda amni ee Gobollada Jubbooyinka ayaa weli ah mid kacsan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay sii socdaan howlgallo iyo duqeymo dheeraad ah.
Xigasho Wariye Aadan Kismaayo