Home Blog Page 174

Shirka Amniga Puntland oo laga soo saaray Qodobo Xasaasi ah.

0

Sabti 17 jun 2026 {HMC} Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Amniga Puntland, oo ay ka qeybgaleen Wasaaradda Amniga, Saraakiisha Ciidanka iyo Madaxtooyada.

Kulanka ayaa looga hadlay Amniga iyo Difaaca Puntland, iyadoo Ciidanka lagu boggaadiyey Hawlgalkii Hillaac ee Calmiskaad ee dhammaadka maraya iyo Diyaar-garowgooda Halwgalka Onkod ee Calmadow oo isna bilowmaya.

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 17 01 2026.

0

Sabti 17 junuary 2026 {HMC}  Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

{DAAWO SAWIRADA} Puntland oo soo bandhigtay maxaabiistii ajaanibta ahaa ee ay ku qabteen Dagaalkii ay la galeen Daacish.

0

Sabti 17 jun 2026 {HMC} Maamulka Puntland ayaa maanta soo bandhigtay maxaabiistii ajaanibta ahaa ee ay ku qabteen Dagaalkii ay la galeen Kooxda Daacish.

Waa Qaar ka mid ah maxaabiista Ajaanibta ah ee Daacish oo lagu qabtay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ka socda Calmiskaad, waxay u kala dhasheen Turkey , Saudi Arabia, Morocco , Ethiopia, Syria Iyo Tanzania.

Geesiyaasha Ciidankeenna Puntland oo taageero ka helaya saaxiibadeenna Imaaraadka iyo Maraykanka, ayaa ku guuleystay in Argagixisada Caalamiga ah ee ISIS laga sifeeyo Calmiskaad, wuxuuna hadda maraya hawlgalku meel gebogebo ah.

“Laascaanood waxaa loo aqoonsaday Caasimadda Midnimada Soomaaliyeed” Madaxweyne Xasan Sheekh.

0

Sabti 17 jun 2026 {HMC} Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay munaasabadda lagu caleema saarayay madaxda dowlad goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u jeediyay madaxda cusub ee maamulka Waqooyi Bari, isagoona si gaar ah ugu bogaadiyay dadaalada ay ku bixiyeen ee dhanka Midnimada iyo wadajir shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah uga shaaciyay in laga bilaabo maanta magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari ay noqoneyso Caasimadda Midnimada Soomaaliyeed.

“Maanta kadib magaalada Laascaanood waxaa loo aqoonsaday iney tahay Caasimadda Midnimada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa sidoo kale madaxweynahu uu ka hadlay askartii Somaliland looga qabtay dagaaladii ka dhacay Laascaanood iyo nawaaxigeeda ee wali ku xiran xabsiyada magaaladaas.

“Sax ma ahan in wiilal Soomaaliyeed iney xabsiyada ugu sii jiraan sababo la xiriira aragtiyo siyaasadeed, dowladdu waxay ka shaqeyn doonta sidii loo sii deyn lahaa dhalinyarada u xiran arrimo siyaasadeed oo qaloocan, kuwaas oo aan waafaqsanayn mabaa’diida cadaaladda iyo dowladnimada” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in cadaaladdu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee dowladnimada, islamarkaana aysan jiri karin horumar iyo xasilooni hadii muwaadiniinta lagu caburiyo aragtidooda siyaasadeed.

Somali president attends inauguration of Northeast state leader in Las Anod.

0

Saturday 17 jun 2026 {HMC} Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Hamza Abdi Barre have attended the inauguration of the first president of Somalia’s sixth Federal Member State, the newly recognised Northeastern State, in Las Anod.

The ceremony was attended by Türkiye’s Ambassador Alper Aktaş, alongside ambassadors from Saudi Arabia and Sudan, as well as a high-level Djiboutian delegation.

The visit marked the first time a sitting Somali leader has travelled to the city in over four decades, underlining renewed efforts toward federal unity and national reconciliation.

Abdikadir Ahmed Aw-Cali, widely known as Firdhiye, was elected president in August 2025, a month after the region’s formal recognition as a Federal Member State.

Las Anod, in northern Somalia, has historically rejected the secessionist claims of the breakaway region of Somaliland and supported a united Somali state.

On December 26, 2025, Israel unilaterally recognised the breakaway region of Somaliland, a move widely condemned worldwide as a violation of Somalia’s sovereignty.

SOURCE:TRT Afrika

Madaxweynaha Iyo RW Soomaaliya oo ka qeyb galay Caleemo-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya.

0

Sabti 17 Jun 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdulqadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo maanta ka qabsoomay magaalada Laascanood Xarunta Gobolka Sool.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, Guddoonka Golaha Wakiillada iyo dhammaan goleyaasha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo ku booriyey in ay ka shaqeeyaan u adeegidda dadka ku nool deegaannadooda, akeynta amniga xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo nabadeynta bulshada.

“Waxaan bogaadinayaa dowladda iyo shacabka reer Waqooyi Bari, dadaalka ay ugu jiraan midnimada iyo wadajirka dalkeeenna, kama aydan shaqayn kala fogaynta ummadda Soomaaliyeed, waxa aad xoogga saarteen sidii aad u heli lahaydeen nabad, isku duubni, waxaad xoogga saarteen daris wanaagga iyo dowlad-dhiska midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo farriin u diray ummadda Soomaaliyeed, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leeday difaaca dalkeenna, midnimadda shacabka iyo dowladda, isaga oo sheegay in Bahada Dhaqanka Soomaaliyeed iyo Haldoorkooda, looga baahanyahay u istaagidda Qaranimada.

“Waxa aan u baahannahay midnimo iyo wadajir dadka Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqaya in ay baraarugaan oo xaqiiqada aqbalaan, maanta dalkeenna waxa uu ku jiraa marxalad siyaasadeed oo u baahan dhiifoonaan, waxaa muhiim ah xilligan oo kale in hoggaanka dalka lagu garab istaago dadaallada joogtada ah ee ay ugu jiraan sidii ummadda Soomaaliyeed la isugu keeni lahaa midnimadana loo difaaci lahaa”.

Mudane Xamsa, ayaa ku amaanay bulshada ku nool deegannada Waqooyi Bari Soomaaliya dadaalkooda ay galiyeen nabadda, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay in ay waqti adag u hiiliyeen sidii mar-labaad Calanka Jamhuuriyadda looga taagi lahaa Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Ciidanka dawladda Suuriya ayaa billaabay howlgal milatari.

0

Sabti 17 Jun 2026 {HMC} Ciidanka dawladda Suuriya ayaa billaabay howlgal milatari oo bariga magaalada Xalab looga saarayo ciidanka kooxda Kurdida ee SDF, kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay weerarro ka dhan ah ciidanka dawladda ka waday gudaha Xalab ee waqooyiga Suuriya iyo bariga magaaladaa,

Sirdoonka Mareykanka ay baahiyeen inay ka war heleen howlgal ballaaraan oo ciidanka dawladda Suuriya oo taageerro ka helaya ciidanka Turkiga ay ku doonayaan in lagu burburiyo awoodda kooxda SDF, sida uu baahiyay wargeyska Wall Street Journal.

Deegaannada ku yaalla bariga Xalab, oo ay gaareen ciidanka dawladda , markii halkaa laga saaray SDF , waxaa laga arkayay muuqaallo ay dadka deegaannada ku soo dhaweynayeen ciidanka dawladda.

Sisi welcomes Trump offer to mediate Nile dam dispute with Ethiopia.

0

Sutarday 17 Jun 2026 {HMC} Egypt’s President Abdel Fattah al Sisi said he valued an offer by US President Donald Trump to mediate a dispute over Nile River waters between Egypt and Ethiopia.

In a post on X, Sisi said on Saturday that he addressed Trump’s letter by affirming Egypt’s position and concerns about the country’s water security in regard to Ethiopia’s disputed Grand Ethiopian Renaissance Dam.

On Friday, Trump said that he was ready to restart US mediation between Egypt and Ethiopia to resolve the dispute over the Ethiopian dam, which both Egypt and Sudan consider a serious threat to vital water supplies.

Egypt has long opposed the project because of worries about its future supplies of water from the Nile, on which it is heavily dependent.

Sudan, another downstream country, has expressed concern about the regulation and safety of its own water supplies and dams.

Sudan’s army leader Abdel Fattah al-Burhan also welcomed Trump’s mediation offer on Saturday.

Ethiopia, the continent’s second-most populous nation with more than 120 million people, sees the $5 billion dam on a tributary of the Nile as central to its economic ambitions. It has repeatedly rejected Egypt’s claims.

SOURCE:Reuters

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya “ayaa sheegay in Dowladdiisa ay dhinac taagan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

0

Sabti 17 jun 2026 {HMC} Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay in Dowladdiisa ay dhinac taagan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in Dowladda Turkiga ay doonayso Soomaali mid ah oo isku duuban, sidaas awgeed ay Ankara xoogga saarayso sidii loo gaari lahaa ujeedkaas sida uu hadalka u dhigay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş.

“Waxa aan doonaynaa Soomaali mid ah oo isku duuban, marweliba oo Walaalaheen Soomaaliyeed ay isku duubmaan waxa ay muujinaysaa midnimo & wadajir, Maanta waa maalin taariikh gaar ah inoo ah, maalin weliba waxa aan garab taaganahay Walaalaheen Soomaaliyeed” Ayuu yiri Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa kamid ah Danjireyaal ka qaybgalaya Caleemosaarka Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Ankara ayaa garab istaag u muujisay Muqdisho iyada oo sheegtay in ay ku dhinac taagan tahay sidii ay ilaalsato Midnimadeeda & wadajirkeeda.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay in Dowladdiisa ay dhinac taagan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in Dowladda Turkiga ay doonayso Soomaali mid ah oo isku duuban, sidaas awgeed ay Ankara xoogga saarayso sidii loo gaari lahaa ujeedkaas sida uu hadalka u dhigay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş.

“Waxa aan doonaynaa Soomaali mid ah oo isku duuban, marweliba oo Walaalaheen Soomaaliyeed ay isku duubmaan waxa ay muujinaysaa midnimo & wadajir, Maanta waa maalin taariikh gaar ah inoo ah, maalin weliba waxa aan garab taaganahay Walaalaheen Soomaaliyeed” Ayuu yiri Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa kamid ah Danjireyaal ka qaybgalaya Caleemosaarka Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Ankara ayaa garab istaag u muujisay Muqdisho iyada oo sheegtay in ay ku dhinac taagan tahay sidii ay ilaalsato Midnimadeeda & wadajirkeeda.

{DAAWO MUQAALKA} MW Xasan sheekh oo Maanta ka qeeyb Galayo Caleemasaarka Cabduqaadir Firdhiye.

0

Sabti 17 jun 2026 {HMC}  MW Xasan sheekh oo Maanta ka qeeyb Galayo Caleemasaarka Cabduqaadir Firdhiye.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA