Home Blog Page 173

Wadaad xabsi la dhigay kadib markii uu isku guuriyay lammaane aan qaan-gaarin.

0

Talaado 20 Jun 2025 {HMC} Maxkamad ku taalla dalka Britain ayaa xukun xabsi ah ku ridday imaam masaajid, kaddib markii lagu eedeeyay inuu isu-guurin sharci-darro ah u sameeyay “lammaane Muslim ah oo da’yar.”

Markii xafladda guurka lagu qabtay masaajidka bishii Nofeembar 2023, gabadha iyo wiilkuba waxay ahaayeen 16 jir.

Imaamka masaajidka, oo lagu magacaabo Ashraf Usmani, ayaa u sheegay Maxkamadda Northampton Crown Court inuusan ogeyn in da’da ugu yar ee guurka ee England ay tahay 18 sano, sagaal bilood ka hor taariikhda guurka la sameeyay.

Ashraf Usmani, oo 52 jir ah, ayaa hore u qirtay labo dacwadood oo la xiriira abaabulka guur carruur ah intii lagu guda jiray dhageysi maxkamadeed oo ka dhacay Masaajidka Dhexe ee Northampton.

Garsooraha maxkamadda ayaa aqbalay in dhacdadani aysan ku lug lahayn “rabshad ama qasab”, isla markaana wiilka iyo gabadhu ay si iskood ah ugu yimaadeen masaajidka Ashraf Usmani si la isugu meheriyo.

Arrintaas awgeed, imaamka masaajidka waxaa lagu xukumay 15 toddobaad oo xabsi ah, balse xukunkaas waa la hakiyay muddo 12 bilood ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale loo sheegay in labada dhalinyaro, oo magacyadooda aan la shaacin karin sababo sharci awgood, ay horay u tageen masaajid kale, balse maamulka masaajidkaasi uu diiday inuu isu guuriyo maaddaama ay yaraayeen. Kadib ayay lammaanuhu u tageen Ashraf Usmani.

Waxaa kale oo maxkamadda loo sheegay in Ashraf Usmani uu oggolaaday inuu guurka u qabto si sharci-darro ah, isla markaana uu ka qaatay lacag dhan £50 oo shahaadada guurka ah.

Maxkamadda ayaa intaas ku dartay in guurka kaddib, lammaanuhu ay farxadda guurka la qeybsadeen saaxiibbadood.

Intii ay maxkamaddu socotay, qareenka difaaca James Gray ayaa ku dooday in Ashraf Usmani uu lahaa 20 sano oo waayo-aragnimo ah oo uu ku qabanayay xafladaha guurka, isla markaana tani ay ahayd khaladkiisii ugu horreeyay muddadaas.

Qareenka difaaca ayaa sidoo kale sheegay in Ashraf Usmani uu codsaday baasaboorrada labada qof si uu u hubiyo taariikhda dhalashadooda, buuxiyay foomamka, isla markaana si sax ah ugu diiwaangeliyay guurka diiwaanka masaajidka.

“Arrimahan oo dhan waxay caddeynayaan in khaladkani uu ka dhashay aqoon-la’aan ku saabsan isbeddelka sharciga. Haddii ay ogaan lahaayeen in sharcigu isbeddelay, marnaba ma samayn leheen,” ayuu yiri.

Munaasabaddan, garsooraha ayaa Ashraf Usmani kula hadlay isagoo leh: “Dhaqankaaga waxaa lagu tilmaami karaa oo keliya dayacnaan. Waxay ahayd inaad ogaato in sharcigu isbeddelay.”

Ashraf Usmani ayaa markii dambe ka baxay maxkamadda isaga oo aan wax faallo ah bixin, isla markaana wejigiisa ku daboolay gacmihiisa iyo cimaamad uu watay.

Xigasho BBC

Madaxda Xisbiga Dimoqaraadiga ee gobolka Minnesota oo wajahaayo Baaritaan.

0

Talaado 20 Jun 2025 {HMC} Labo ka mid ah xubnaha caanka ah ee xisbiga Dimoqaraadiga ee gobolka Minnesota ayaa wajahaya baaritaan la doonayo in lagu ogaado eedeymo loo jeediyey oo ah isku day la xiriira is hortaagid howlaha hay’adda socdaalka ee federaalka, ayadoo uu sii kordhayo isku dhaca u dhaxeeya maamulka Trump iyo hogaamiyeyaasha gobolka.

Barasaabka gobolka Tim Walz iyo Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa wajahaya baaritaan ay waaxda cadaaladda Mareykanka ku sameyneyso hadallo ay jeediyeen oo ku saabsan waaxda socdaalka iyo dhaqangelinta kastamka (ICE), sida laga soo xigtay warbaahinta Maraykanka ee CBS oo bahwadaag la ah BBC.

Baaritaanka ayaa imaanaya iyadoo garsooraha federaalku uu xaddiday tabaha ICE iyo saraakiisha kale ee fulinta sharciga ay ku isticmaali karaan Minneapolis, iyagoo ka hortagaya isticmaalka buufinta basbaaska iyo xiritaanka dibadbaxayaasha sida nabadda ah u mudaaharaadaya.

Mudaaharaadyada ayaa ku soo batay magaalada ka dib markii Renee Good, oo 37 jir ah, uu toogtay oo dilay askari ka tirsan ICE todobaadkii hore.

Faahfaahin cusub ayaa sidoo kale soo shaac baxday Jimcihii taasoo ku saabsan geerida Good. Haweeneydaas oo ka soo jeedda Minneapolis ayaa waxaa helay shaqaalaha caafimaadka iyadoo ugu yaraan qabta saddex dhaawac, lagana yaabo in mid afraad uu madaxa ka gaaray, sida lagu sheegay warbixino rasmi ah oo ay eegtay warbaahinta CBS.

Gudomiye Walz ayaa jimcihii ka jawaabay warka ku saabsan weydiinta isaga ka dhanka ah isagoo soo dhigay barta X: “Hubinta nidaamka cadaalada ee ka dhanka ah kuwa kaa soo horjeeda waa xeelad awood leh.

“Qofka kaliya ee aan laga baarin toogashada Renee Good waa askariga federaalka ee toogtay”.

Hadal uu BBC-da siiyay duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey wuxuu ku yiri “la ima cabsi gelin doono”.

“Tani waa isku day cad oo lagu cabsi gelinayo in aan u istaago Minneapolis, sharci fulinta deegaanka, iyo dadka deegaanka ee ka soo horjeeda qaska iyo khatarta uu maamulkani u horseeday waddooyinkayaga,” ayuu yiri.

BBC-da ayaa la xiriirtay waaxda cadaaladda si ay wax uga ogaato baaritaanka.

Guddoomiyaha ayaa ku booriyay dadka reer Minnesota inay si nabad ah u mudaaharaadaan, balse xubno ka tirsan maamulka Trump ayaa ku eedeeyay hadalo xanaf leh, sida isagoo ICE ku sifeeyay “Gestapo-hii wakhtiga casriga ah”. Frey ayaa dalbaday in askarta socdaalka ay ka baxaan Minneapolis.

Baaritaanka ayaa diiradda saaraya sharciga federaalka, 18 U.S.C. § 372, kaas oo dembi ka dhigaya in laba qof ama in ka badan ay maleegaan ka hortagga saraakiisha federaalka in ay gutaan waajibaadkooda rasmiga ah “xoog, cabsigelin ama hanjabaad”, sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay CBS.

Mudaaharaadyada ayaa ka sii socday Minneapolis Jimcihii iyadoo xaakimka degmada Mareykanka Katherine Menendez ay ka hor istaagtay mas’uuliyiinta federaalka inay u adeegsadaan buufin basbaaska iyo xoog kale ee aan geerida sababin inay u adeegsadaan mudaaharaadayaasha.

Amarka oo ka kooban 83 bog ayaa hakad ku haya kumannaanka saraakiisha federaalka ah ee hadda la geynayo magaalada kuwaas oo qeyb ka ah howlaha socdaalka in ay xiraan dibadbaxayaasha sida anabadda ah u mudaaharaadaya.

Waxa kale oo ay ka horjoogsanaysaa inay joojiyaan ama xiraan kuwa wada ama rakaabka saaran baabuurta “halkaas oo aanu jirin tuhun macquul ah oo ah inay si khasab ah u horjoogsanayaan ama ay faragelinayaan”.

Ka hor inta aan la dilin, muuqaalku wuxuu muujinayaa Good oo ku jirta gaarigeeda, oo muuqatay inay garaacday hoonka baabuurka si ay ugu digto dadkii deganaa agagaarka joogitaanka hay’adaha socdaalka.

Maamulka Trump ayaa sheegay in Good ay caqabad ku ahayd sharci fulinta federaalka oo ay isku dayday in ay gaariga jiirsiiso askariga ka hor inta uusan rasaasta furin. Saraakiisha maxalliga ah ayaa sheegaya in Good ay ahayd qof sharci ahaan dusha ka eegayey oo aan wax khatar ah geysan.

Fiidiyowga laga duubay dhacdada ayaa muujinaya askariga ICE oo ku soo wajahan baabuur, kaas oo xannibaya isu socodka dadka iyo gaadiidka oo la dhigay bartamaha waddada. Askariga ayaa ku amray inay ka degto baabuurka.

Ayadoo Good ay isku dayeysay inay leexiso taayirka gaariga ayaa gaarigu wuxuu u muuqday inuu u dhaqaaqay dhanka askariga hor taagnaa. Ka dibna bastoolad ayuu la soo baxay isagoo rasaas ku riday.

Warbixin ka soo baxday waaxda dab damiska ee Minneapolis oo ay aragtay CBS News, ayaa lagu sheegay in markii ay ka jawaabeen goobta toogashadu ka dhacday usbuucii hore, ay u muuqatay Good in laba xabadood lagaga dhuftay xabadka, midna ay kaga dhacday gacanta, halka dhaawaca afaraadna uu ka gaaray “dhinaca bidix ee madaxa “.

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa arkay Good oo aan dhaqaaqayn garaaca garaaca wadnaheedana aanu caadi ahayn, waxaana lagu dhawaaqay in ay ku dhimatay ambalaasta intii loo sii siday isbitaalka, sida lagu sheegay warbixinta ay aragtay CBS.

Muuqaal laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya askariga oo sii baxaya ka dib.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa sheegay in sarkaalka uu soo gaaray dhiigbax gudaha ah ka dib dhacdada. Faah faahin dheeri ah lagama bixin inta uu la egyahay dhaawaca.

FBI-da ayaa baaraysa dhacdadan, inkastoo aysan jirin wax baaritaan ah oo dhanka xuquuqda madaniga ah oo federaal ah oo lagu sameeyay askariga rasaasta furay. Saraakiisha deegaanka iyo maamulka ayaa sheegay in laga xannibay baaritaanka.

Dhanka kale, madaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii weerar ku qaaday dibadbaxayaal iyo hoggaamiyeyaasha maxalliga ah.

Barta Truth Social ayuu ku eedeeyay mudaaharaadayaasha inay yihiin “xirfadleyaal mushahar sare qaata”, isagoo raaciyay in Walz iyo Frey ay “gabi ahaanba lumiyeen koontoroolka”.

Trump wuxuu wariyeyaasha ugu sheegay Aqalka Cad in uusan qorsheyneynin inuu isticmaalo sharciga kacdoonka oo uu u diro ciidamo si ay u dejiyaan rabshadaha ka socda Minnesota, ka dib markii horaantii todobaadkan uu soo jeediyay inuu sidaas sameeyo.

“Haddii aan u baahdo, waan isticmaali lahaa, uma maleynayo inay jirto sabab hadda loo isticmaalo,” ayuu yiri. “Aad ayay taasi u awood badan tahay,” ayuu raaciyay.

Kumanaan askarta ICE ah ayaa wali lagu daabulaya gobolka.

Sharci-dajiyeyaasha dimuqraadiga ah ayaa magaalada gaaray ayagoo dhaleeceeyey hawlagallada waaxda socdaalka ee federaalka ay ka waddo gobolka, waxayna ku eedeeyeen inay xilkasnimo xumo ka jirto halkaa.

Ilhaan Cumar oo Minnesota laga soo doorto, xun=binna ka ah Congresska ah oo ay colaad dheer kala dhexeyso Trump ayaa sheegtay in ICE ay isku dayeyso inay “qalalaaso iyo cabsi abuurto”.

Adriano Espaillat, oo ka tirsan Congress-ka kana soo gala New York, ayaa sheegay in ICE ay noqotay “hub wax dila”.

Haweenay ka tirsan Congress-ka kana soo jeedda Washington, Pramila Jayapal, ayaa iyadana sheegtay in askarta ICE aan loo ogolayn inay xiraan waji-xir.

Sharci-dajiyayaasha Dimuqraadiga ayaa sidoo kale wareystay dhowr qof oo deggan gobolka kuwaas oo ku eedeeyay in lagu xiray katiinado oo ay xireen ICE saacado in kastoo ay ahaayeen muwaadiniin Mareykan ah.

Bayaan ay soo saartay, afhayeenka DHS, Tricia McLaughlin waxay ku sheegtay in kuwani ay yihiin “sheegasho been abuur ah”, iyadoo ku eedaysay inay sameeyeen “kicin” kuwaas oo carqaladaynaya askarta ICE.

“ICE ma xirto mana masaafuriso muwaadiniinta Mareykanka. Haddii muwaadin Mareykan ah la xiro, waxaa sabab u ah waxay hor istaageen ama weerareen sharci fulinta,” ayay sii raacisay.

Xigasho BBC

Ruushka oo Diiday dalab uga yimid Mareykanka oo ku aadan Iran.

0

Talaado 20 Jun 2025 {HMC} Ruushka ayaa sheegay in uu sii wadayo xiriirka ganacsi ee kala dhexeeya Iran

Ruushka waxay sheegen in aysan jirin sabab ay u jaraan xiriirka ganacsi ay la leeyihiin Iran.

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa shir jaraa’id ka sheegay si kasta oo ay ji raan hanjabaadaha canshuuraha uu ku soo rogayo Mareykanka saaxiibada iran hadana Moscow way sii wadeysaa xiriirka ganacsi ay la leedahay Iran hadii ay u aragto in ay haboon tahay

“Go’aanka ganasigeena anaga ayaa iska leh. Qorshooyin wanaagsan ayaa nagala dhexeeya Iran, ganacsi oo kaliya ma ahan, ee sidoo kale waxaan la leenahay maalgashi.

Warshadda korontada ee Bushehr ayaan hadda kala shaqeyneynaa. Waxaan kala shaqeyneynaa qeybaha ugu muhiimsan ee marinka waqooyiga iyo koonfurta ee isku xiri doona Iran, Ruushka iyo Azerbaijan”.

Madaxweynaha Mareykanka Donalnd Trump ayaa sheegay toddobaadkii la soo dhaafay in dalalka la leh xiriirka ganacsi Iran la saarayo canshuur gaareysa 25 boqolkiiba ganacsi ay la leeyihiin Mareykanka

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 20 01 2026.

0

Talaado 20-Jun 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

Mareykanka oo shaaciyay in ay dhammaatay ujeeddadii loo dhisay ciidanka Kurdida Suuriya.

0

Talaado 20 Jun 2025 {HMC} Mareykanka ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inay dhammaatay ujeeddadii loo dhisay taageerrada Mareykankana ay ku helayeen ciidanka Kurdida Suuriya ee SDF oo ahayd la dagaallanka Daacish, taa beddelkeedana looga baahanyahay inay ka mid noqdaan dawladda Suuriya , waxa uu Mareykanka ku caawin karana ay tahay in dawladda Suuriya laga codsado ilaalinta xuquuqda Kurdida , sida uu waxyar ka hor sheegay ergayga Mareykanka ee Suuriya, Tom Barrack.
Fiiro gaar ah;

Hadalkan wuxuu ka soo baxay Mareykanka , xilli 15 sanno kadib SDF laga saaray deegaannada ay maamulayeen ee waqooyiga iyo bariga Suuriya , waxayna gacanta ku hayeen 80% khayraadka shidaalka,gaaska iyo biyo xireennada laga dhaliyo korontaa Suuriya , muddadaa kooxdan waxay ku tiirsanayd taageerrada Mareykanka , waxay u dhaqmayeen sida awood aan la burburin karin, waxay iska diideen dalabaad uga yimid Axmed Sharac oo la xiriira inay dawladda ku soo biiraan is maamulna yeeshaan, laakin iyagoo isku haleynaya Mareykanka waxay diideen codsiga, taa oo dhalisay dawladda Suuriya inay adeegsato xoog milatari oo ay ka saarto dhulka ay heysteen Kurdida.

Waxaa wax ku filan ku tiirsanaanta iyo isku haleynta taageerrada shisheeye cawaaqibka ka dhalanaya. Farrin ay wadaageen Trump iyo madaxweynaha Faransiiska , Macron ayaa laga arkay inay jirto heshiisyo quwadaha u dhaxeeyay oo la xiriira arrimaha Suuriya, taa oo meesha ka saaraysa in cid aan ahayn nidaamka Axmed Sharac , aan la taageerrin, arrin suragalisay in guud ahaan dhulka Suuriya ay la wareegto dawladdu.

Booliska Dhuusamareeb oo Ganata ku dhigay shan Edeysane.

0

Talaado 20 Jun 2025 {HMC} Taliska Qaybta Guud ee Booliska Galmudug, gaar ahaan Taliska Booliska Caasimadda Dhuusamareeb, ayaa gacanta ku soo dhigay shan (5) eedaysane, kuwaas oo ku eedaysan fal dhaawac naxariis-darro ah oo loo geystay dhibane Ibraahim C/nuur C/qaadir, oo ahay arday jaamacadeed isla markaana macallin iskuul ah.

Mareykanku wuxuu raadinayaa inuu wiiqo awoodda Yurub” Madaxweyne Macron.

0

Talaado 20 Jun 2025 {HMC} Kaddib markii Trump , uu baahiyay farriin uu telefoonkiisa ugu soo diray madaxweynaha Faransiiska , Emmanuel Macron — waxaa soo baxay Macron oo u muuqda inuu caraysanyahay, wuxuuna yiri inta uu ku jiray hadal jeedintiisa shirka dhaqaalaha adduun ee ka socda magaalada Davos ee dalka Switzerland;“Dunidu waxay u gudbaysaa xilli aan lahayn xeerar iyo nidaam cad.

Mareykanku wuxuu raadinayaa inuu wiiqo awoodda Yurub…

.Waxaa ina hortalla laba ikhtiyaar: inaan aamminno, ama inaan u hoggaansanno Mareykanka ,

Arrintaasna lama aqbali karo. Sidaas awgeed, Yurub waxay u baahan tahay in la xoojiyo lana kordhiyo maalgelinta Shiinaha, gaar ahaan waaxaha muhiimka ah ee istiraatiijiga ah.”

Dowladda Aljeeriya oo koobtay Xiriirkii Imaaraadka Carabta.

0

Talaado 20 Jun 2025 {HMC} Madaxweynaha Aljeeriya, Cabdelmajiid Tebboune ayaa go’aansaday inuu yareeyo heerka matalaadda diblomaasiyadeed ee Aljeeriya ku leedahay Imaaraadka Carabta , isaga oo ka dhigay mid aad u kooban.

Safiirkii Aljeeriya u fadhiyay Abu Dhabi, Amor Fritah ayaa dib loogu yeeray, mana jiro diblomaasi kale oo loo magacaabay inuu beddelo.

Laga bilaabo xiriirka diblomaasiyadeed ee Imaaraadku la sameeyay Israa’iil, ilaa siyaasado loo arkay kuwo colaad ku ah gobolka Saaxil, iyo sidoo kale arrimaha Suudaan iyo booqasho uu dhawaan ku tagay Aljeeriya ,

Ergayga madaxweynaha Soomaaliya oo halkaa geeyay warqad ka socotay madaxweynaha Soomaaliya ,

Talaabadan waxaa loo arkaa arrimaha ay ka dhasheen go’aanka Aljeeriya ay hoos ugu dhigtay xiriirkii diblomaasiyadeed ee Imaaraadka Carabta, sida uu sheegay wargeyska Africa Intelligence.

Israaiil oo Mareykanka ku cadaadineyso in ay Iran weerarto.

0

Talaado 20 Jun 2025 {HMC} Netanyahu ayaa ku cadaadinaya Trump, in la qaado tallaabooyin dhalinaya in meesha laga saaro nidaamka kacaanka Iiraan ee Cali Khamenei, uu hoggaamiyo,

Ra iisulwasaaraha Israaiil isagoo xataa u sheegay inay Israa’iil diyaar u tahay inay wajahdo dhammaan gantaallada Iiraan ay heysato in lagu soo weerarro gudaha dhulkeeda.

khasaare kasta oo ay la kulmaan, wuxuu sheegay inay ku beddelanayaan in la rido nidaamka Khamenei,

Mareykanka ayaa baarayo habab lagu ridi karo nidaamka Iiraan, sida ay baahiyeen wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth iyo telefishinka dawladda Ruushka ee RT.

Trump oo Bilaabay Faafinta Fariimaha ay gaarka ugu soo diraan Madaxda Yurub.

0

Talaado 20 Jun 2025 {HMC} Trump ayaa shaaciyay fariin uu sheegay in uu ka helay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Fariintaas oo u qornayd qaab farriin qoraal ah, ayaa Macron ku muujiyay in labada dhinac ay isku aragti ka yihiin arrimaha Suuriya, isla markaana ay wada shaqeyn ka sameyn karaan xaaladda Iiraan.

Macron ayaa sidoo kale sheegay inuusan fahmin mowqifka Mareykanka ee ku aaddan arrinta Greenland, balse uu rajeynayo in labada dal ay sii xoojiyaan iskaashigooda si loo gaaro guulo waaweyn.

Intaa waxaa dheer, Madaxweynaha Faransiiska ayaa soo jeediyay in la qabto kulan G7 ah oo ka dhaca Paris kadib shirka Davos, kaas oo ay ka qayb geli karaan dalal ay ka mid yihiin Ukraine, Denmark, Suuriya iyo Ruushka, inkastoo ay noqonayaan ka qaybgal dhinac ah.

Sidoo kale, Macron ayaa Trump ku casuumay casho ay wada qaataan magaalada Paris ka hor inta uusan dib ugu laaban Mareykanka.

Fariintan ayaa muujinaysa xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Faransiiska iyo Mareykanka, iyo sida ay labada dal uga wada hadlayaan arrimaha caalamiga ah ee xasaasiga ah.