Home Blog Page 1755

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka

0

Sabti 19-Oct-2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN

{DAAWO SAWIRADA} Saraagiil Booqatay Ciidamo Dhawan AS la Dagaalamay

0

Sabti 19-Octo-2024 {HMC} Taliyaha Qeybta 60-aad CXDS Generaal Hassan Baydhabo ayaa maanta booqasho dhiirigelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ee fadhigoodu yahay deegaanka Lukugooraw, halkaas oo habeenkii khamista ahayd ee 17-10-2024 ay ka fuliyeen howlgal tariikhda galay oo lagu dilay in ka badan 20 AS ah.

Taliyaha guutada 9-aad G/le dhexe Yoonis aadan Xasan ayaa ugu horeeyn Taliyaha Qeybta ugu waramay Guud ahaan xaalada ciidanka iyo Howlgalada ka socda Gobolka Bakool.

Taliyaha Qeybta 60-aad oo uga mahad celiyay Ciidamada geesiyada ah guusha ay ka gaareen dagaalkaas, isagoo xusay in guushaas ay tahay mid ay ku faanayaan dhammaan ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in la joogteeyo oo halkeeda laga sii wado.

{DAAWO MUUQAALKA} Safiirka Soomaaliya ee Washington oo gaaray gobolka labaad ee Soomaalida ugu badan Mareykanka.

0

Sabti 19-Oct-2024 {HMC} Safiirka Soomaaliya ee Washington oo gaaray gobolka labaad ee Soomaalida ugu badan Mareykanka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Doowladda Soomaliya oo War Kasoo Saartay Howlgalo Laga Fuliyay Gobalka Mudug

0

Sabti 19-Octo-2024 {HMC} War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya , ayaa lagu shaaciiyay in Ilaa 30 ka tirsan Al Shabaan lagu dilay tiro intaasi ka badana lagu dhaawacay howlgal ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Qaycad ee Koofurta gobalka Mudug.

Howlgalkaan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Horjoogayaal Ka Tirsan AS iyo Xubna badan oo ay wateen, kadib markii la helay xogtooda, waxaana ka mid ah horjoogayaasha nafta la dhaafiyay:-

1-Horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo AS ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobalka Mudug.

2-Horjooge Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha AS u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Gobalka Mudug.

In ka badan 40 AS ah oo dhaawacyo ay ka soo gaareen howlgalkaan aadka loo qorsheeyay ayaa la geeyey deegaanno ku dhow-dhow magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ay hadda u la’yihiin meel ay kula tacaalaan xaaladooda.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka sameeyeen Koofurta Gobalka Mudug ayaa gabi ahaanba waxaa lagu bur-buriyay Godad iyo Fariisimo muddo dheer Khawaarijtu isku qarinayeen.

Guriga RW Yahuudda Netanyahu oo Diyaarad lagu weeraray

0

Sabti 19-Octo-2024 {HMC} Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa lagu weerarray saacado ka hor guriga Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ee ku yaalla magaalada Tel Aviv gaar ahaan aagga xeebta Mediterranean-ka ee Caesarea, iyadoo diyaaradan ay awoodan inay ku qaraxdo guriga Ra’iisul wasaaraha, balse waqtigaa waxaa la sheegay Netanyahu iyo xaaskiisaba inay ka maqnaayeen guriga.

Diyaaradda ku dhacday dhismaha Netanyahu ayaa la sheegay inay Xisbullah ka soo direen meel 70 km u jirta xadka Lubnaan iyo gobolka waqooyi ee ay Israa’iil heysato, mana jirin wax digniin ah oo ay bixiyeen nidaamka difaaca iyo raadarrada, taasoo mar kale muujinaysa sida ay Xisbullah u awooddo inay jabiso nidaamyada difaaca. Wuxuu sheegay afhayeenka ciidanka Israa’iil in labo diyaaradood oo kale laga hortagay, balse ay baarayaan sida ay u awooday diyaaradda ku dhacday dhismaha Ra’iisul wasaaraha inay halkaa gaarto.

Isla waqtigaa ay garaacday diyaaradan dhismaha guriga Ra’iisul wasaaraha , wuxuu seeriga ka yeeray saldhigga ciidanka Israa’iil ee Glilot, balse ma jirin wax weerar ah oo saldhiggaa ka dhacay , tan oo ka dhigan inay dhacday jabin lagu sameeyay nidaamka difaaca iyo raadarrada.

{DAAWO SAWIRDA} Abdixaashi oo Shir Gudoomiyay Kulanka Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare

0

Sabti 19-Octo-2024 {HMC} Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka todobaad ee Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa dib u qaabaynta ajandayaasha Golaha Aqalka Sare.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) ayaa ugu horreyn warbixin looga dhagaystay Guddoomiyaasha guddiyada arrimaha Bulshada iyo Garsoorka, kuwaas oo faahfaahiyay halka ay marsiinayaan waajib gudashada hindise sharciyeedyada kala ah Xeerka Shaqada Soomaaliya oo ay ka shaqaynayaan Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare iyo sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada oo ay ka shaqaynayaan Guddiga Garsoorka Aqalka Sare, waxayna xuseen in ay dhowaan fadhiga golaha guud horkeeni doonaan, si loo marsiiyo akhrinta labaad.

Sidoo kale xubnaha guddiga joogtada ah ayaa dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay jadwalaynta ajandayaasha kale ee Golaha horyaala, si looga shaqeeyo inta aan la xirin kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka 11.

Ugu dambeyn Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa bogaadiyay shaqada ay hayaan guddiyada Golaha Aqalka Sare, wuxuuna go’aamiyay in la jadwaleeyo sharciyada Golaha horyaala, si loo gudo-galo ka doodistooda, maadaama waqti kooban uu ka harsan yahay xiritaanka kalfadhiga shanaad.

{DAAWO MUUQAALKA} kulan ku saabsan wadataashiga diyaarinta miisaaniyadda 2025 oo lasoo xeray.

0

Sabti 19-Oct-2024 {HMC} kulan ku saabsan wadataashiga diyaarinta miisaaniyadda 2025 oo lasoo xeray.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Beelaha Dega Gobolka Awdal oo taageeray Xisbiga kulmiye.

0

Sabti 19-Oct-2024 {HMC} Beelaha Dega Gobolka Awdal oo taageeray Xisbiga kulmiye.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dab ka kacay Magaalada Baladwyne.

0

Sabti 19-Oct-2024 {HMC} Dab ka kacay Magaalada Baladwyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ninka Aadka Iskugu Dhowyihiin Abii Axmed Ee Loomagacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya

0

Sabti 19-Oct-2024 {HMC} Ninka Aadka Iskugu Dhowyihiin Abii Axmed Ee Loomagacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA