Sabti 19-Octo-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo::Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Sabti 19-Octo-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo::Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
Sabti 19-Oct-2024 {HMC} Heshiis laga gaaray Dhibaatadii ka dhalatay Dabaqyadii ku dumay Suuqa Bakaaraha.
Sabti 19-Oct-2024 {HMC} Duqa Muqdisho “Ciyaaraha Waa Isdhaxgal Bulshada ee Ma ahan Is dhagax yeeynta.”
Sabti 19-Oct-2024 {HMC} Gabar Soomaali ah oo ku guuleysatay doorasho ka dhacday Dalka Belgium
Sabti 19-Oct-2024 {HMC} Waa kuma wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee Itoobiya?
Sabti 19-Oct-2024 {HMC} Ceelbiyood laga Hirgaliyay Degaanka Dhugiile ee Gobolka Hiiraan oo la xarig jaray.
Sabti 19-Octo-2024 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa oo ay taariikhdu tahay 18/10/2024 waxa uu soo saaray saddex wareegto oo la xidhiidha isticmaalka hantida Qaranka, Warbaahinta maamulkw iyo Fagaarayaasha Ololaha, Reebbanaanta Adeegsiga Hantida Danta Guud, Shaqaalaha maamulka iyo Ciidammada Qalabka-sida iyo Gacan-siinta Komishanka Doorashooyinka waqtiga lagu jiro ololaha doorashada Madaxtooyada iyo ururada Siyaasadda ee u muddaysan 13-ka bisha November ee soo socota.
Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegtada Koowaad
Ku: Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ujeeddo: Isticmaalka War-baahinta maamulka iyo Fagaarayaasha Ololaha
Sida aad la socotaan, dalka waxa ku soo fool leh doorashooyinka Madaxtooyada iyo Axsaabta oo qorshaysan 13-ka November 2024.
Sidaa darteed, aniga oo cuskanaya Qodobka 31aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2023, waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka in Xisbigyada Qaranka iyo Ururada Siyaasaddu u sinnaadaan War-baahinta Dawladda ee kala duwan iyo baahinta wararka muddada ololaha doorashooyinka innagu soo foolka leh.
Sidoo kale, waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland in loo sinnaado isticmaalka fagaarayaasha ololaha muddada ololaha doorashooyinka, isla markaana la sugo ammaanka shacabka iyo masuuliyiinta Axsaabta Qaranka iyo Ururrada Siyaasadda Somaliland ee ku sugan fagaarayaasha ololaha.
Wareegtada Labaad
Ku: Golaha Wasiiradda Somaliland
Ku: Hay’adaha Madaxa-bannaan ee maamulka
Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ujeeddo: Reebbanaanta Adeegsiga Hantida Danta Guud, Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidammada Qalabka-sida
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, dalka waxa ku soo fool leh doorashooyinka Madaxtooyada iyo Axsaabta Qaranka ee qorshaysan 13-ka November 2024.
Sidaa darteed, aniga oo cuskanaya Qodobka 101aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka Qaranka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2023, waxa reebban in Hantida Danta Guud ee Qaranka nooc kasta oo ay tahay loo adeegsado Ololaha Doorashooyinka innagu soo foolka leh.
Sidoo kale, waxa reebban in shaqaalaha maamulka iyo Ciidammada kala duwan ee Qalabka-sidaa ay ku lug-yeeshaan, kana qayb-galaan ololaha Doorashooyinka qorshaysan 13-ka November 2024.
Cid kasta oo baal-marta awaamiirtaasi, waxa aan farayaa masuuliyiinta u xil-saaran in ay ka qaadaan tallaabo sharciga waafaqsan.
Wareegtada Saddexaad
Ku: Golaha Wasiiradda Somaliland
Ku: Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Dawladda
Ku: Taliyayaasha Ciidammada Qalabka-sida
Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ujeeddo: Gacan-siinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, dalka waxa ku soo fool leh doorashooyinka Madaxtooyada iyo Axsaabta Qaranka ee qorshaysan 13-ka November 2024.
Sidaa darteed, idinka oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda aad Qaranka u haysaan, waxa aan idin farayaa in aad gacan ku siisaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland gudashada waajibaadkooda Qaran ee qabsoomidda doorashooyinka Madaxtooyada iyo Axsaabta Qaranka, idinka oo raacaya shuruucda iyo xeerarka dalka.
Waxa aan si gaar ah u farayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliyayaasha Ciidammada Qalabka-sida ee Jamhuuriyadda Somaliland in ay Komishanka Doorashooyinka Qaranka ku gacan siiyaan sugidda amniga muddada ay socdaan ololaha iyo doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland
Sabti 19-Octo-2024 {HMC} Dowladda Masar ayaa gaartay go’aan ay uga qeyb qaadaneyso dhismaha iyo hubaynta ciidamada xoogga Soomaaliya, waana go’aan walwal ku abuuray Itoobiya.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in arrimaha Masar iyo Soomaaliya ay Itoobiya ku abuureen cabsi joogto ah oo ku timid kadib heshiiskii difaaca ee August.
Masar ayaa wixii ka dambeeyey markii ay heshiiskaas la gashay Soomaaliya waxay toos u bilowday qorshayaal ay ka hortageyso saamaynta Itoobiya ee Geeska Afrika, iyadoo adeegsanaysa joogitaan ciidan oo khatar ku ah amniga Itoobiya.
Xiisadaan ayaa qaraxday markii Itoobiya ay heshiis qar iska tuurnino ah la gashay Somaliland, bishii January 2024, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa abaabuleysa xiisad diblomaasiyadeed iyo mid ciidan oo ka dhan ah Itoobiya.
Dhanka Itoobiya walaac badan ayaa jira, wuxuuna Raii’sul Wasaare Abiy Axmed maanta bedelay wasiirkiisii arrimaha dibadda, isagoo soo magacaabay Dr. Gideon Timothy, kadib isku shaandheyn uu ku sameeyay golaha wasiirrada Itoobiya.
Kahor inta aan loo magacaabin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Timothy waxa uu ahaa Wasiirka Cadaaladda ee dalka Itoobiya, waxayna magacabisiisaan ku soo beegmaysa xilli Itoobiya ay xiisad kala dhaxeeyso qaar ka mid ah dalalka dariska la ah oo Soomaaliya ay ugu horeyso.
Xiisadaha diblomaasiyadeed ee Itoobiya ay dhex maquuraneyso waxaa ugu wayn midda kala dhaxeeysa Soomaaliya ee ku saabsan heshiiska sharci darrada ah ee badda gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ah mid muhiim u ah diblamaasiyadda iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda, iyadoo haatan ay Itoobiya khilaaf diblomaasiyadeed uu soo kala dhex galay dalalka deriskeeda ah, khatarna ay ugu jirto inay dagaal la gasho dalal ay ugu horeeyaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.
Sabti 19-Octo-2024 {HMC} Ururka Xisbullah ayaa Jimcihii wacad ku maray in uu kordhin doono dagaalka ay kula jirto Israa’iil, maalin uun ka dib markii ciidamada Isra’il ay sheegeen in ay dileen hoggaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar, kaas oo ahaa ninki amray weerarki ay Xamaas ku qaadday koofruta Isra’il 7-dii October.
Bayaan kasoo baxay Xisbullah shalay, ayay iyaga oo aanan soo hadal qaadin dilka Sinwar ku dhawaaqeen in ay u gudbeen marxalad cusub oo kor u qaadaysa iska horimaadyada ay kala soo horjeedaan Israel, kaas oo ay sheegeen in uu ka muuqan doono dhacdooyinka maalmaha soo socda.
Isra’il ayaa Khamiisti sheegtay, in si lama filaan ah ay ciidamadooda ka dagaallamaya Gaza ay dileen Sinwaar. Waxay sheegeen in aysan ka warqabin goobta uu joogay. Milatariga Isra’il ayaa sheegay in marki la dilayay Sinwaar ay isaga iyo laba nin oo kale oo la socotay ay si lama filaan ah loogu arkay dhismo ku yaalla Koofurta Gaza.
Xamaas waxay xaqiijisay dilka Sinwaar shalay. Khudbad laga baahiyay telefishannada ayuu madaxa Xamaas ee Gaza Khalil Al Xayya ku xaqiijiyay dilka hoggaamiyahoodii. Isaga oo ku tilmaamay geesi si sugan u sagaallamay oo ku dhintay shahiidnimo.
Sabti 19-Octo-2024 {HMC} Falastiiniyiin ah lagu dilay 85 kalana ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo ay ciidamada Isra’il Jimcihi shalay ku garaaceen guryo ku yaalla xerada Jabaaliya oo ah kaamka ugu weyn xerooyinka qaxootiga ee Gaza.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in taangiyo lagu gubo guryaha qaar isla markaana lagu burburiyay waddooyinka.
Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in tirada dhimashada ay intaasi ka badan karto maadaama laga cabsi qabo in dadka qaar ay wali ku hoos jiraan burburka hoostooda. Wakaaladda wararka Falastiin ee loo soo gaabsho WAFA ayaa sheegtay in dadka la dilay ay ku jiraan carruur.
Ma jiro war war ah oo kasoo baxay dhinaca Isra’il oo ku saabsan dilka dadkaasi Falastiiniyiinta ah.
Laakin Israa’iiliyiintu waxay sheegeen in howlgallo ay ka socdeen Jabaaliya labadi todobaad ee lasoo dhaafay, kuwaas oo ay ku sheegeen in ay ku dileen tobnaan ka mid ah dagaalyahannada Xamaas.
Khamiisti waxay sheegtay Isra’il in ay dishay hogaamiyihii Xamaas Yaxya Sinwar.