Home Blog Page 177

Mandheera Ayaa Waxaa Kudagalamay Xubno katirsan AS & Ciidanka Kenya

0

Jimco 16 Jun 2026 {HMC} Ciidamada Ammaanka ee Kenya iyo AS ayaa ku dagaalamay Ismaamulka Mandheera kaddib markii xubno katirsan ‘AS’ ay weerar toos ah ku qaadeen ciidamo Kenyan ah oo roondo kawaday meel u dhow saldhig ay ku leeyihiin goobta uu weerarka ka dhacay.

Ciidan dheeraad ah oo katirsan Booliiska hubaysan ee Kenya ayaa dagaalka ku biiray, waxaana la xiray isu socodka waddada uu weerarkaas ka dhacay muddo kooban inkasta oo saakay dib loo fasaxay Gaadiidka iyo Isu socodka Dadka.

Kenya ayaa heegan buuxa gelisay ciidamadeeda kaddib markii ay heshay xogo muujinaya dhaqdhaqaaqa ay samaynayaan xubno katirsan ‘AS’ kuwaas oo beegsanaya Saldhigyada, Askarta Roondada ah iyo kuwa Gaadiidka Safarka.

Ma jiro war kasoo baxay dhinaca Kenya oo lagu faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday ciidankooda iyo xeradooda, waxaana Xukuumadda Nairobi laga sugayaa in ay xog kasoo saarto waxyeellada ka dhalatay iyo halka uu ku dambeeyay howlgalka.

Maamulka Waqooyi Bari ayaa soosaaray in bandow la geliyay Magaalada Laascaanood .

0

Jimco 16 Jun 2026 {HMC}  Amar kasoo baxay Maamulka Waqooyi Bari ayaa soosaaray amar ku socda Dadka Magaalada Laascaanood oo maanta sugaya Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku wajahan Magaaladaas, waxaana la adkeeyay amniga iyada oo lasoo saaray qodobo dhowr ah.

48 saac ayaa la xayiray isu socodka Gaadiidka iyo Dadka Magaalada Laascaanood, waxaa Ciidamada jooga xuduudaha Maamulkaas la faray in ay joojiyaan Gaadiidka ka baxaya xarunta Maamulka Waqooyi Bari iyo kuwa soo galaya.

Dadka ayaa lagu faray in ay dulqaad muujiyaan Maadaama ay marti u yihiin madaxda Qaranka sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo tagaya Magaalada Laascaanood.

Wasiirro katirsan Xukuumadda Federaalka, Taliyaha Booliiska, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka, Madax xilal kala duwan Dalka kasoo qabtay, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa jooga Laascaanood.

Hoggaamiyaha kooxda Xuuthiyiinta ee Yemen oo Si adag uga Hadlay Arinta Israaiil ee Soomaaliya.

0

Khamiis 15 Jun 2026 {HMC} Hoggaamiyaha kooxda Xuuthiyiinta ee Yemen, Cabdul-Maalik al-Xuuthi, ayaa sheegay in ay si adag uga soo horjeedaan joogitaan kasta oo Israa’iil ay ku yeelato dhulka Soomaaliya, ha noqoto saldhig ciidan ama xarun kale oo rasmi ah.

Isagoo hadal jeedinayay TV-ga kooxda, Al-Xuuthi waxa uu tilmaamay in kooxdiisu ay u aragto arrintaasi mid halis ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay qaadi karaan tallaabooyin millatari haddii ay helaan joogitaan Israa’iil oo ay gaari karaan.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha gobolka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, kuwaas oo la xiriira loollanka istaraatiijiyadeed iyo isbeddellada ku socda isbahaysiyada caalamiga ah ka dib aqoonsigii Israel ee Somaliland.

Somali, Ugandan, AU troops kill at least 30 Al Shabab terrorists in southern Somalia.

0

Thuesday 15 jun 2026 {HMC} Somali, Ugandan and African Union (AU) forces on Thursday killed more than 30 Al Shabab terrorists and injured several others during a joint operation in southern Somalia, the AU peacekeeping mission said.

The operation was carried out near the Bulunagaad forward operating base to target Al Shabab positions and weaken the group’s operational capabilities in Lower Shabelle region, the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) said in a statement.

This came after terrorists attacked the Somali army and AUSSOM forces pursuing Al Shabab terrorists, who had been driven out of towns along the coast during the Somali army-led Operation Hidden Sword.

The peacekeeping mission vowed that joint forces would continue efforts to weaken Al Shabab’s capabilities and advance lasting peace, stability, and security across the Horn of Africa.

Concerted efforts to defeat Al Shabab

The terrorist group, which largely operates in southern and central Somalia, has waged terrorism against the Somali government for more than 16 years, frequently targeting security forces, officials, and civilians.

Since July 2025, the Somali army, with the support of the AUSSOM and other international partners, has stepped up operations against Al Shabab.

The AU mission’s mandate was renewed by the UN Security Council in December for another year, extending its authorisation until December 31, 2026.

SOURCE:AA

Itoobiya oo qabatay rasaas ay Eritrea u dirtay jabhado ka dagaallama gobolka Amxaarada.

0

Khamiis 15 jun 2026 {HMC} Booliiska Federaalka Itoobiya ayaa sheegay in ay qabteen rasaas ay Eritrea u dirtay jabhado ka dagaallama gobolka Amxaarada ee Itoobiya.

Eeddaas ayay Eritrea si adag u beenisay, iyadoo ku tilmaamtay sheeko aan sal lahayn oo Itoobiya ku doonayso inay u adeegsato marmarsiyo bilowga dagaal, sida ay maanta werisey Reuters.

Madaxweynaha Al Jeeriya Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Wasiir Farah.

0

Khamiis 15 jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Al Jeeriya Abdelmadjid Tebboune ayaa qaabilay Farah Sheikh Abdulkadir Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirka Waxbarashada XFS, kaasoo farriin uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay Madaxweyne Tebboune.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Mudane Boualem Boualem, Agaasimaha Golaha Wasiirada ee Madaxtooyada; Mudane Amar Abba, La-taliyaha Madaxweynaha ee u qaabilsan Arrimaha Diblomaasiyadda iyo Mudane Mohamed Seghir Saadaoui, Wasiirka Waxbarashada Qaranka.

RW Abiy Axmed oo lagu soo warramayaa inuu wajahayo xaalad aad u xasaasi ah.

0

Khamiis 15 jun 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa lagu soo warramayaa inuu wajahayo xaalad aad u xasaasi ah, kaddib go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, arrintaas oo Itoobiya gelisay loollan istiraatiiji ah oo u dhexeeya Shiinaha iyo Imaaraadka Carabta.

Sida uu qoray wargeyska The Africa Report, Shiinaha ayaa si cad uga digay in cid kasta oo ay Itoobiya ku jirto ay taageerto ama aqoonsato Somaliland, maadaama Beijing ay arrintaas u aragto mid khatar ku ah mabda’a midnimada dalalka.

Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa leh joogitaan ballaaran oo dhaqaale iyo amni oo ka jira Somaliland, waxaana lagu eedeeyay inuu qeyb ka yahay qorshaha aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil.

Warbixintu waxay tilmaamtay in Abiy Axmed uu qaatay mowqif dhexdhexaad ah, isagoo ka fogaanaya inuu si cad ula safto midkood ajandaha iska soo horjeeda ee Shiinaha ama Imaaraadka. Ujeeddadiisu waa inuu ilaaliyo dheellitirka xiriirka labadaas quwadood, si Itoobiya aysan u lumin midkoodna, sabab la xiriirta xilli ay Itoobiya miiska u saaran yihiin heshiisyo deymo iyo maalgelin ah oo ay ka helayso Shiinaha, halka Imaaraadkuna uu u ballanqaaday taageero dhaqaale iyo mid milatari, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Sidaas awgeed, Addis Ababa waxay ku jirtaa xaalad ay khasab ku tahay inay si xeeladaysan u maareyso loollanka quwadahaas, iyada oo aan midna si buuxda u cadho gelin.

Madaxweynaha Faransiiska oo Sheegay in nabadda caalamka ay halis ku jirto.

0

Khamiis 15 jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay in cutubyadii ugu horreeyay ee askarta Faransiiska ay gaareen jasiiradda Greenland, oo Trump uu ku hanjabay inuu qabsanayo.

Macron ayaa sidoo kale markii u horreysay si cad u sheegay in nabadda caalamka ay halis ku jirto, isagoo carrabka ku adkeeyay in Faransiiska iyo Yurub ay waajib ku tahay inay joogaan meel kasta oo danahooda lagu hanjabayo.

Wuxuu tilmaamay in askarta la diray lagu xoojin doono ciidammo dhulka, cirka iyo badda ah maalmaha soo socda, isagoo intaa ku daray ; “Waxaan ku noolnahay adduun ay soo baxayaan quwado carqaladaynaya xasilloonida…Yurub waxay wajahaysaa cadow ay marna filayn.”

Egypt shared intelligence with Saudi_Arabia on UAE activities in Yemen, sources say.

0

Thuesday 15 jun 2026 {HMC} Cairo sent Riyadh recordings of Emirati officials ‘discussing their objectives in Yemen and coordination with leaders of the STC’, says presidency official.

Egypt passed intelligence on recent Emirati operations in Yemen to Saudi authorities as part of efforts to rebuild strained relations with Riyadh, a senior Egyptian presidential source told Middle East Eye.

The move came amid rising tensions between Saudi Arabia and the United Arab Emirates (UAE), with Egyptian officials viewing Emirati backing of armed and separatist groups in Yemen, Sudan and Somaliland as a growing threat to Egypt’s national security.

“Egypt offered the UAE as a sacrifice to restore Saudi support and preserve national security,” the source said, describing the step as a “carefully planned manoeuvre”.
Saudi Arabia’s partnership in Yemen with the UAE has dramatically unravelled in recent weeks.

Early in January, Saudi Arabia launched strikes on the UAE’s ally in Yemen, the separatist Southern Transitional Council (STC), in response to its unilateral takeover of key eastern governorates. Saudi-backed forces subsequently advanced, STC control collapsed, and government troops retook Aden and surrounding areas.

Egyptian officials also briefed Saudi Arabia about what they described as Abu Dhabi’s support for Sudan’s Rapid Support Forces (RSF), drawing parallels with Emirati activities in southern Yemen, the source said.

The intelligence-sharing coincided with closer coordination between Cairo and Riyadh, reflected in a visit earlier this month by Saudi Foreign Minister Prince Faisal bin Farhan to Egypt, where he met Foreign Minister Badr Abdelatty and President Abdel Fattah el-Sisi.

{DAAWO MUQAALKA} Harti kala tagi maayo Intu Suldaan Garaase noolyahay” Garaad Cabdullaahi

0

Khamiis  15jun 2026 {HMC}   Harti kala tagi maayo Intu Suldaan Garaase noolyahay” Garaad Cabdullaahi

HOOS KA DAAWO MUQAALKA