Home Blog Page 1779

Fire kills 147 people after fuel tanker crash in Nigeria

0

Thursday 17 Oct 2024 {HMC}  A fuel tanker exploded overnight in northern Nigeria, killing at least 147 people who rushed to the scene of the accident to collect leaking petrol, officials say.

The fire engulfed the overturned vehicle, which had been cordoned off by officers after it crashed, the police told the BBC.

About 100 other people injured in the explosion have been taken to hospital in the nearby town of Ringim in Jigawa state, many of them are in a critical condition.

Officers had warned people not to approach the tanker after the accident late on Tuesday night, but they were unable to contain the growing crowd, said police spokesman Lawal Shiisu Adam.

“We tried our best to stop people going to the vehicle to get petrol but despite cordoning [off] the area, we were overpowered and as people were scooping fuel, fire erupted,” he told the BBC.

The crash happened in the town of Majia in the northern state of Jigawa at around 23:30 local time (22:30 GMT), he said.

“The fuel tanker was coming from Kano and heading to Nguru in Yobe state when the driver lost control of the vehicle.”

The driver, who was not injured, has been taken into custody while the police conduct an investigation.

A distressing video has been shared on social media showing the moments after the fire erupted.

“Fire service and other emergency units rushed to the scene to help after the incident,” Mr Adam said.

Many of the victims have been burnt beyond recognition. The recovered bodies have been covered by tree branches to shield them from onlookers.

Rescue workers have been finding more bodies – some a considerable distance from the scene of the accident. They had presumably been trying to get help before succumbing to their injuries, a police spokesman told the BBC.

Most of those who died have been buried in a mass ceremony.

Fuel tanker explosions and accidents are common in Nigeria – often caused by the poor state of roads and badly maintained vehicles.

As the clear-up operation was under way in Jigawa, there was another fuel tanker accident in south-western Ogun state in the town of Ibafo.

It overturned on Wednesday morning on a main road in front of a commercial bank, spilling petrol before bursting into flames.

The fire ravaged the area damaging other lorries. No-one was injured in the incident, but it is estimated to have caused thousands of dollars’ worth of damage.

In September, 59 people died in Nigeria’s Niger state after a fuel tanker collided with a lorry carrying passengers and cattle.

SOURCE BBC

Farmaajo oo Sheegay in uu Fashilmay Shirka Wadatashiga Qaran

0

Arbaco 16-10-2024 {HMC} Shirkii uga socday Muqdisho hoggaanka dalka iyo qaar ka mid ah madaxda Dowlad-goboleedyada, Labadii Todabaad ee la soo dhaafay, in uu ku soo dhammaaday fashil iyo natiijo la’aan waa mid niyad jab Iyo kala qaybin u horseedaysa shacabka Soomaaliyeed, jahwareer iyo hubinti la’aan siyaasadeedna ka abuuraysa dalka.

Dowlad-gobeeldayada laga hortaagan yahay in ay qabsadaan doorashada iyadoo la dhaafay wakhtigoodii dastuuriga ahaa, laalidda dastuurka heshiiska lagu yahay, iyo damaca Madaxweynaha ee sii joogista xukunka sifo aan waafaqsanayn sharciga waxa ay caqabad ku noqonayaan dowladnimada, wadajirka iyo midnimada Soomaaliya.

Markale waxaan adkeynaynaa baaqyadii aan horey ugu soo jeedinay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulkiisa ee ku saabsanaa in uu ku soo laabto xeyndaabka sharciga iyo dowladnimada, gutona waajibaadka qaran ee kaga aaddan hirgelinta hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, lagagana gudbo marxaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay maanta la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed.

Natiijo la’aanta Madasha Qaranka oo Madaxdii Dowlad-goboleedyada sii kala qaybisay waxa ay ifafaalo aan wanaagsanayn ka bixinaysaa mustaqbalka siyaasadeed iyo dowladnimo ee dalkeenna, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Xildhibaannada heer Federaal in ay u istaagaan samata-bixinta dalka iyo badbaadinta dowladnimadeenna.

Ugu danbeyntii, hirgelinta doorashooyinka qaranka, yagleelidda Guddiyada ka shaqeynaya iyo dhammeystirka dib u eegista dastuurka waa masuuliyad wadareed u wada taalla shacabka, dowladda iyo hormuudka siyaasadda Soomaaliyeed, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, sidaas awgeed cid gaar ah laga aqbali maayo in ay ku jaan-gooyso danaheeda gaarka ah.

Doowladda Soomaliya oo war cusub kasoo saaray shirka golaha wadatashiga Qaran

0

Arbaco 16-10-2024 {HMC} Xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa shaaciyay in dib la isugu soo laaban doono shirka golaha wadatashiga qaran, oo maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho.

Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa dib la isugu soo laaban doono 26-ka bishan October, iyadoo ka horna ay sii socon doonaan wadatashiyada madaxda, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.

“Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho 2-dii bishaan ayaa weli sii wada wada wada-tashiyadii ku saabsanaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Shirkan oo madaxda qaranku diiradda ku saarayeen xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan dagaalka Khawaarijta, dhameystirka hanaanka dimuquraadiyeynta iyo fulinta heshiisyadii hore ee golaha ayaa waxaa sii socon doona wadatashiyada madaxda, iyadoo dib la isugu soo laabanayo 26-ka bishan October.”

Qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa imanaya xilli la filayay inay madaxda soo saaraan war-murtiyeedka shirka, maadaama uu horey u sheegay ra’iisul wasaare Xamza inuu si habsami leh ku socdo shirkaan oo soo bilowday horraantii bishaan.

Shirkaan ayaa wajahayay caqabado xoogan, kadib markii la’isku mari waayay qodobada qaar, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxaana dhawaan isaga baxay madaxweyne Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa ka biyo diiday in la sameeyo muddo kororsi, si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin qof iyo cod ah, wuxuuna ku adkeystay in Jubbaland uu ka qabanayo doorasho dadban oo ku dhacda waqtigeeda.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

0

Arbaco 16-Octo-2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Waxaa Caawa Warka So Jeedinaayo Wariye: Shugri Baryare Maxamuud

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} Dhisme cusub oo safaaradda Somaliland Ku yeelan Doonto Magaalada Adis Ababa ee Dalka Ethopia.

0

Arbaco 16-Octo-2024 {HMC} Dhisme cusub oo safaaradda Somaliland Ku yeelan Doonto Magaalada Adis Ababa ee Dalka Ethopia.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Intaan islahaa gaajo ka carar ayaan gaajo u dhiman gaaray tahriibayaasha Soomaalida ah ee Liibiya.

0

Arbaco 16-Octo-2024 {HMC} Intaan islahaa gaajo ka carar ayaan gaajo u dhiman gaaray tahriibayaasha Soomaalida ah ee Liibiya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxamed Qaasim Kaahiye ayaa sharaxay muhiimada uu leeyahay dagaalka AS.

0

Arbaco 16-Octo-2024 {HMC} Maxamed Qaasim Kaahiye ayaa sharaxay muhiimada uu leeyahay dagaalka AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu Yahay Adeega Xog qabashada ee uu soo kordhiyay Booliska Magaalada Jigjiga ?

0

Arbaco 16-Octo-2024 {HMC} Muxuu Yahay Adeega Xog qabashada ee uu soo kordhiyay Booliska Magaalada Jigjiga ?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu yahay Ganaaxa lagu riday Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ee Soomaaliland?

0

Arbaco 16-Octo-2024 {HMC} Muxuu yahay Ganaaxa lagu riday Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ee Soomaaliland?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Dowladda Federaalka waxay bilowday inay Puntland degenaasho la’aan ay ku rido ”MW Ilyaas Lugatoor”

0

Dowladda Federaalka waxay bilowday inay Puntland degenaasho la’aan ay ku rido ”MW Ilyaas Lugatoor”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA