Khamiis 17 -Octo-2024 {HMC} Magaalda Aw Barkhadle Waa magaalooyinka uu ka faa’iiday Madaxweyne Muuse Biixi”Wasiir Muuse Salaf
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis 17 -Octo-2024 {HMC} Magaalda Aw Barkhadle Waa magaalooyinka uu ka faa’iiday Madaxweyne Muuse Biixi”Wasiir Muuse Salaf
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis 17 -Octo-2024 {HMC} Maxay tahay sababta aabe iyo wiilkiisa loogu dilay bariga gobolka Galgaduud?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis 17 -Octo-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo::Dhaqane qaliif Cabdi
Farsamadii ::Muuse Cali Xerow
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Khamiis 17-10-2024 {HMC} Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab.
Dagaalku wuxuu yimid markii xubno ka tirsan al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed ku leeyihiin deegaanka Lukugooraw oo qiyaastii 20km u jira degmada xudur.
Dagaalka ayaa socday saacado badan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray labada dhinac. Sida ay sheegeen dadka deegaanka, waxaana la xaqiijiyay in hal askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka uu dhintay. Sidoo kale, warar kale ayaa sheegaya in al-Shabaab ay khasaare soo gaartay, iyadoo la qabtay xubno ka tirsan kooxda oo dhaawacmay.
Qoraal kooban oo lagu daabacay Bogga Warbaahinta ku hadasha Afka ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka hortageen weerarkaasi, isla markaasna ay hadda ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Xudur ayaa tilmaamaya in xaaladdu ay hadda deggan tahay, laakiin laamaha amniga ayaa ku howlan hawlgallo ay amniga ku xaqiijinayaan.
Maalmahan, ciidamada militeriga Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa howlgaladooda ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolada Bakool iyo Baay.
Khamiis 17-10-2024 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay xaaladda guud ee dalka ayaa sheegay in lagama maarmaan tahay in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
Ra’iisul wasaaraha oo ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in marka la eego guulaha la gaaray ee dhinacyda Amniga, dhaqaalaha iyo Dibedda in loo baahan yahay isbadal lagu sameeyo nidaamyadii hore wax loogu soo dooran jiray.
“Markaan waa goortii awoodda loo celin lahaa Shacabka Soomaaliyeed, qof la idiin magacaabayo way dhammaatay, dowladda guulo badan ayay gaartay sidaasi darted meeshii shalay ma taagnaan karno” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay Maqaamka Muqdisho ayaa sheegay in lagama maarmaan tahay in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banaadir in ay helaan Matalaad iyo Madax ay soo doorteen.
Khamiis 17-10-2024 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo shalay khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, ayaa ku dhawaaqay xirmo lacageed oo gaareysa 425 oo milyan oo dollar oo ay Washington ugu talagashay gargaarka dhanka milatariga ee Kiyiv.
Lacagtaan ayaa hubka lagu gadayo uu qeyb ka noqon doonaa, awoodaha difaaca cirka ee dalkaasi dhaca bariga Yurub iyo rasaasta hubka culus ee dhulka, gaadiidka gaashaaman iyo saanado kale oo millatari.
Mareykanka ayaa lagu wadaa in bilaha soo socda uu u daabulo Ukraine agab millatari oo u badnaan doona gantaallada difaaca cirka, madaafiicda riddada dheer iyo baabuurta qafilan ee dagaalka.
Madaxweyne Zelenskyy ayaa la qorsheynayaa in Khamiista maanta ah uu kiiska dalkiisa ee ku biirista NATO hor geeyo madaxda NATO oo uu shir uga billaabanayo magaalada Brussels.
Ukraine ayaa dagaal kula jirta Ruushka oo deris la ah. Dagaalkaas oo difaaciisa uu aad ugu taageerayo Mareykanka iyo dalalka xulafada la ah ee reer Yurub.
Khamiis 17-10-2024 {HMC} Saraakiisha Lubnan ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof lagu dilay duqeyn cirka oo ay ciidamada Isra’il ku garaaceen deegaanno ku yaalla koofurta Lubnan 24-ki saac ee lasoo dhaafay.
Magaalo ku taalla dhinaca koofureed, dadka la dilay ayaa la xaqiijiyay in uu ku jiray duqii magaalada, xilli ay wadeen howlo gurmad dhanka bani’aadannimada ah.
Duqeynta lagu dilay meeyarka magaalada Nabatiyah ayaa ah tii ugu horreysay oo ay ciidanada Isra’il ku bartilmaameedsadaan xarumaha dowladda Lubnan, tan iyo marki ay billowday olalaha duqeymaha cirka iyo dagaalka dhulka ah ee Luban bishi hore.
Weerarka ayay saraakiishu sheegeen in lagu 16 qof laguna dhaawacay 50 kale. Wali ma aysan ka hadlin ciidanka Isra’il duqeyntaasi.
Laakin, milatariga Isra’il waxay sheegeen in weerar cirka ahaa oo ay Talaaddi ku garaaceen degmada Qana ay rabeen in ay ku khaarijiyaan abaanduule ka tirsan Xisbullah. Weerarkaas ayaa lagu dilay ilaa 15 qof Talaadadi.
Thursday 17 Oct 2024 {HMC} A fuel tanker exploded overnight in northern Nigeria, killing at least 147 people who rushed to the scene of the accident to collect leaking petrol, officials say.
The fire engulfed the overturned vehicle, which had been cordoned off by officers after it crashed, the police told the BBC.
About 100 other people injured in the explosion have been taken to hospital in the nearby town of Ringim in Jigawa state, many of them are in a critical condition.
Officers had warned people not to approach the tanker after the accident late on Tuesday night, but they were unable to contain the growing crowd, said police spokesman Lawal Shiisu Adam.
“We tried our best to stop people going to the vehicle to get petrol but despite cordoning [off] the area, we were overpowered and as people were scooping fuel, fire erupted,” he told the BBC.
The crash happened in the town of Majia in the northern state of Jigawa at around 23:30 local time (22:30 GMT), he said.
“The fuel tanker was coming from Kano and heading to Nguru in Yobe state when the driver lost control of the vehicle.”
The driver, who was not injured, has been taken into custody while the police conduct an investigation.
A distressing video has been shared on social media showing the moments after the fire erupted.
“Fire service and other emergency units rushed to the scene to help after the incident,” Mr Adam said.
Many of the victims have been burnt beyond recognition. The recovered bodies have been covered by tree branches to shield them from onlookers.
Rescue workers have been finding more bodies – some a considerable distance from the scene of the accident. They had presumably been trying to get help before succumbing to their injuries, a police spokesman told the BBC.
Most of those who died have been buried in a mass ceremony.
Fuel tanker explosions and accidents are common in Nigeria – often caused by the poor state of roads and badly maintained vehicles.
As the clear-up operation was under way in Jigawa, there was another fuel tanker accident in south-western Ogun state in the town of Ibafo.
It overturned on Wednesday morning on a main road in front of a commercial bank, spilling petrol before bursting into flames.
The fire ravaged the area damaging other lorries. No-one was injured in the incident, but it is estimated to have caused thousands of dollars’ worth of damage.
In September, 59 people died in Nigeria’s Niger state after a fuel tanker collided with a lorry carrying passengers and cattle.
SOURCE BBC
Arbaco 16-10-2024 {HMC} Shirkii uga socday Muqdisho hoggaanka dalka iyo qaar ka mid ah madaxda Dowlad-goboleedyada, Labadii Todabaad ee la soo dhaafay, in uu ku soo dhammaaday fashil iyo natiijo la’aan waa mid niyad jab Iyo kala qaybin u horseedaysa shacabka Soomaaliyeed, jahwareer iyo hubinti la’aan siyaasadeedna ka abuuraysa dalka.
Dowlad-gobeeldayada laga hortaagan yahay in ay qabsadaan doorashada iyadoo la dhaafay wakhtigoodii dastuuriga ahaa, laalidda dastuurka heshiiska lagu yahay, iyo damaca Madaxweynaha ee sii joogista xukunka sifo aan waafaqsanayn sharciga waxa ay caqabad ku noqonayaan dowladnimada, wadajirka iyo midnimada Soomaaliya.
Markale waxaan adkeynaynaa baaqyadii aan horey ugu soo jeedinay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulkiisa ee ku saabsanaa in uu ku soo laabto xeyndaabka sharciga iyo dowladnimada, gutona waajibaadka qaran ee kaga aaddan hirgelinta hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, lagagana gudbo marxaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay maanta la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed.
Natiijo la’aanta Madasha Qaranka oo Madaxdii Dowlad-goboleedyada sii kala qaybisay waxa ay ifafaalo aan wanaagsanayn ka bixinaysaa mustaqbalka siyaasadeed iyo dowladnimo ee dalkeenna, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Xildhibaannada heer Federaal in ay u istaagaan samata-bixinta dalka iyo badbaadinta dowladnimadeenna.
Ugu danbeyntii, hirgelinta doorashooyinka qaranka, yagleelidda Guddiyada ka shaqeynaya iyo dhammeystirka dib u eegista dastuurka waa masuuliyad wadareed u wada taalla shacabka, dowladda iyo hormuudka siyaasadda Soomaaliyeed, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, sidaas awgeed cid gaar ah laga aqbali maayo in ay ku jaan-gooyso danaheeda gaarka ah.

Arbaco 16-10-2024 {HMC} Xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa shaaciyay in dib la isugu soo laaban doono shirka golaha wadatashiga qaran, oo maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho.
Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa dib la isugu soo laaban doono 26-ka bishan October, iyadoo ka horna ay sii socon doonaan wadatashiyada madaxda, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.
“Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho 2-dii bishaan ayaa weli sii wada wada wada-tashiyadii ku saabsanaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka
Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Shirkan oo madaxda qaranku diiradda ku saarayeen xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan dagaalka Khawaarijta, dhameystirka hanaanka dimuquraadiyeynta iyo fulinta heshiisyadii hore ee golaha ayaa waxaa sii socon doona wadatashiyada madaxda, iyadoo dib la isugu soo laabanayo 26-ka bishan October.”
Qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa imanaya xilli la filayay inay madaxda soo saaraan war-murtiyeedka shirka, maadaama uu horey u sheegay ra’iisul wasaare Xamza inuu si habsami leh ku socdo shirkaan oo soo bilowday horraantii bishaan.
Shirkaan ayaa wajahayay caqabado xoogan, kadib markii la’isku mari waayay qodobada qaar, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxaana dhawaan isaga baxay madaxweyne Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa ka biyo diiday in la sameeyo muddo kororsi, si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin qof iyo cod ah, wuxuuna ku adkeystay in Jubbaland uu ka qabanayo doorasho dadban oo ku dhacda waqtigeeda.
