Home Blog Page 1796

XASAASI: Somaliland oo heshiis kale la saxiixatay Imaaraadka Carabta.

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee maamulka Somaliland ayaa heshiis isfahan wada shaqeyn ah la saxiixatay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, shirkaddaas oo lagu magacaabo Emirates Industrial Laboratory ayaa ka shaqeysa arrimaha Macdanta.

Heshiiskaan waa mid shirkadda laga leeyahay Imaaraadka Carabta u oggolaanaya in deegaanada Somaliland ay ka hirgaliso qalab sheybaar oo lagu baarayo macdanta kala duwan ee deegaannadaas laga qodo.

Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo heshiiskaan la saxiixatay shirkadda Emirates Industrial Laboratory, ayaa sheegtay in baahi weyn loo qabay qalabka sheybaarka ah iyo baaritaanka macdanta Somaliland, isla markaana hadda xal loo helay caqabadihii jiray.

Somaliland ayaa sheegtay in markii hore Macdanta laga qodo deegaanadooda loo qaadi jiray dibadda, si loo ogaado nooceeda iyo tayadeeda sheygaas, balse hadda waxay heshiis la galeen shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

“Waxaan kala saxiixannay heshiis isfahan ah oo ay maalgalin ku sameeyaan laabka macdanta ee wasaaradda, haddii ay dhisme noqoto iyo haddii ay qalab noqotaba,” ayuu yiri Agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Soomaali) oo BBC u waramay isagoo ku sugan magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta.

Deegaanada Somaliland horay waa looga qodi jiray Macdanta, waxaana dhowr jeer dadkii qodayey ku soo dumay godad waaweyn, maadaama aysan heysan qalab, aqoontiina aysan laheyn.

Qolada ay Somaliland heshiiska cusub la gashay ee Emirates Industrial Laboratory waa hay’ad bixisa adeegyo kala duwan oo ay kamid tahay baarista goobaha ay ku jiraan macaadinta, shidaalka iyo saliidda, sidoo kale waxaa lagu sheegay inay qeyb ka qaadato soo saarista injineero ku xeel dheer shaqooyinkaan iyo qalab kala duwan oo wax lagu baaro.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay uga carootay, aadna uga gilgilatay heshiis ay bilowgii sanadkaan Somaliland la gashay Itoobiya, kaas oo khatar ku ah badda Soomaaliya, mar kale waxaa soo shaac baxay heshiiskaan ku saabsan macdanta ee Somaliland ay la gashay Imaaraadka.

Inkastoo aysan cadeyn mowqifkooda, Imaaraadka ayaa loo arkaa inuu u janjeero dhanka Itoobiya, isla markaana uu ku jiro dowladaha khatarta ku ah Soomaaliya, kana soo hor jeeda dib u soo kabashadeeda, dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa sida ay uga jawaabto heshiiska cusub ee Somaliland ay la gashay Imaaraadka.

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {13.10.2024}

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Muxuu sharciga ka qabaa xil ka xayuubinta lagu sameeyay Raysal wasaare ku xigeenka Dalka.

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa ka horyimid talaabadii guddoomiyaha Aqalka sare uu Shalay uga xayuubiyay xubinimadii kursiga Golaha Aqalka sare.

Bayaan uu soo saaray maanta ayuu Mr Saalax wax lala yaabo ku tilmamaay go’aanka gudoomiyaha aqalka sare.

Waxaa uu farta ku fiiqay in tallaabada gudoomiyaha ay tahay mid baal-marsan shacriga iyo dastuurka dalka.

“Waxaan halkan ka caddeynayaa in warqadda uu soo saaray guddoomiye Cabdi Xaashi inaanay lahayn wax saldhig sharci ah oo ay tahay waxba kama jiraan” ayuu yiri bayaankiisa ku yiri Saalax Axmed Jaamac.

Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa carabka ku adkeeyay in uusan jirin sanatar awood u leh in u aqalka ka saaro senatar kale.

“Waxaa ayaan-darro ah in gudoomiyaha aqalka sare uu soo saaro go’aan shaqsi ah oo baalmarsan go’aanka golaha aqalka sare soo-jeedintii gurracneyd, ma jiro sanatar awood u leh in uu aqalka ka saaro sanatar kale” ayuu yiri mr Salax.

Hadalka Raysal wasaare ku xigeenka ayaa ka dambeeyay ka dib markii uu shalay gudoomiyaha golaha shacabka shaaciyay in uu xilka ka qaaday.

“Sida ku cad qodobka 59aad farqadda 1aad ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Qaar ka mid ah sanatarada ayaa si wayn uga horyimid go’aanka gudoomiyaha aqalka sare.

Arrinta doodda ugu wayn ay ka dhalatay ayaa waxaa ka mid ahaa markii uu gudoomiye Cabdi Xaanshi uu aqalka ugu wargaliyay in uu doonayo in isla kalfadhigaa shalay xilka loogu dhaariyo sanatarkii badali lahaa Mr Saalax.

Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) oo aqalka ka hor hadlayay ayaa sheegay in qofka xilka loo doorainayo ay tahay in uu doorasho ku yimaado islamarkana digeeto aysan cidna senatar ku noqon kari.

“Waxaan ka hadlayaa haddii uu qofka xilka waayo siduu kursiga ku soo qaadan karaa waxaa uu ku soo qaadan karaa doorashii uu ku soo qaatay qofkii xilka waayay in kan badalayana uu ku soo qaato, hal qof o digreeto lagu dhaarin karo kuma jiro golayaasha marka gudoomiye adigaa noogu wayn sharcigana haya, hadii midka hore qaloocdana midka dambana waa qaloocanayaa marka waxay dhalaysaa in anaga oo dhan anaga oo maqan digreeto nagula badalo,” ayuu yiri Senatar Dhagdheer.

Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa dhankiisa yiri” “Haddii Senator walba uu Cabdi Xaashi badali karo mid kalena soo magacaabi karo… waxay noqoneysaa taariikh qaran jab ah, Bal waa kaase badal 54-ta senator oo idil”

Maqnaanshaha senatarada ee kalfadhiyada

Abukate zakariye oo ah khabiir dhanka dastuurka ayaa sheegaya in hay’ad walba oo dowladda ka tirsan ay leedahay xeer hoosaadyo ay tahay in lagu dhaqmo.

Waxaa uu sheegay in hay’adaha dowladda oo ay ka mid yihiin aqalada sharci dajinta ay leeyihiin xeerar u dagsan oo lagu shaqeeyo islamaarkana lagu nidaamyo habka ay shaqada u soconayso.

“Hay’ad kasta oo jirta wuxuu leeyahay xeer hoosaadyo oo lagu nidaaminaayo shaqada la qabanayo, waxa qofku qabanayo, fasaxyada, waqtiga shaqada waxaasi oo dhan lagu nidaamiyo,” ayuu yiri abukate Zakariye.

Waxaa uu dhanka kale sheegay in aqalada sharci dajinta ay leeyihiin waqti cayiman oo qofka haddii uusan kalfadhiyada ka soo qeyb galin uu xilkiisa ku waayni karo.

“Waxaa la dhihi karaa in la yiraahdo kalfadhi kasta ama bilooyinka ay kalfadhiyada socdaan waa in ugu yaraan in uu hal kulan yimaado, haddii uu labo kalfadhi uu imaan waayo hal kulan, xilka ayuu waayi karaa, kalfadhi kastana waxaa uu socon karaa ilaa 20 kulan,” ayuu intaa ku daray.

Abukate zakariye ayaa dhanka kale xusay in haddii uu xildhibaanak ama senatarka uu ka maqnaanayo kafadhiyada ay tahay in uu haysto fasax ama cudur daar.

“Waa laga yaabaa in qiil ay sameystaan oo ay kensadaan oo warqado dhakhtar ay soo dirsadaan inay cudur-daar sameystaan oo ay yiraahdaan fasax saddex bilood ah ha nala siiyo, wxaas oo dhan ayaa dhici kara marka taasi baaritaan ayay u baahan tahay,” ayuu yiri Abukate Zakariye.

Isha: BBC

Ciidanka xoogga iyo Daraawiishta Jubbaland oo la wareegay deegaano Istaraatiiji ah.

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta la wareegay deegaanka Qudus ee gobolka Jubbada Hoose.

Deegaankan oo kooxda AS u aheyd meel istaraatiiji ah ayaa waxaa haatan si buuxda gacanta ugu haya ciidanka xoogga dalka.

Howl-galka qorshaysan ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyay saldhigyo kooxda ku lahaayeen deegaanno badan oo hoostaga degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Goobaha la burburiyay ayaa waxaa la sheegay in kooxda ku baadi jireen dadka shacabka ah, waxaana halkaasi weli ka socda baacsiga kooxda AS.

Howl-galkan ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay taliye ku-xigeenka ururka 162-aad ee kumaandooska Danab Cabdirisaaq Maxamed Ismaaciil, isagoo xaqiijiyay in ciidanka ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Qudus.

“Waxaa jira howl-gal soo bilowday xalay saqdii dhexe kana soo bilowday deegaanno hoostaga degmada Kismaayo oo kow ka tahay Leel-kuus, Qudus, Yaaq Caleen, wuxuuna ahaa howl-gal burburin ah, inta uu socday wax iska-caabin ah kalama kulmin Khawaarijta,” ayuu yiri taliyaha Danab ee la hadlay warbaahinta dowladda.

Ciidanka xoogga dalka ayaa qeybo badan oo kamid ah gobollada dalka ka wada howl-gallo ka dhan ah AS, kuwaas oo kooxda looga fara-maroojiyay deegaano iyo degmooyin ay sanado badan gacanta ku hayeen.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan maraya heer geba-gebo ah ayaa waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan, iyada oo mudadaas ay kooxda qaaday weeraro rogaal celin ah oo khasaare uu kasoo gaaray ciidanka.

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay hanjabaad Itoobiya Ka soo yeertay

0

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay hanjabaad Itoobiya Ka soo yeertay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Musuuliyiin ka tirsan DF ayaa qeybgalay xuska maalinta Aragga adduunka oo lagu qabtay Muqdisho

0

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Musuuliyiin ka tirsan DF ayaa qeybgalay xuska maalinta Aragga adduunka oo lagu qabtay Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Trump oo ku baaqay in la toogto muhaajiriinta dila muwaadiniinta Mareykanka.

0

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Trump oo ku baaqay in la toogto muhaajiriinta dila muwaadiniinta Mareykanka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Sudan rescuers say air strike killed 23 in Khartoum market

0

Sunday 13 Oct 2024 {HMC} A Sudanese network of volunteer rescuers said on Sunday the military carried out an air strike a day earlier on a marketplace in Khartoum, leaving 23 people dead.

The market is near one of the main camps in the Sudanese capital, where the paramilitary Rapid Support Forces (RSF) have been fighting the military as part of a civil war that has killed tens of thousands of people.

“Twenty-three people were confirmed dead and more than 40 others wounded” and taken to hospital after “military air strikes on Saturday afternoon on the main market” in southern Khartoum, the youth-led Emergency Response Rooms said in a post on Facebook.

Fierce fighting has raged since Friday around Khartoum, much of which is controlled by the RSF, with the military pounding the center and south of the city from the air.

The military is advancing towards Khartoum from nearby Omdurman, where clashes erupted on Saturday, eyewitnesses said.

World’s largest displacement crisis

Since April 2023, when war broke out between army chief Abdel Fattah al-Burhan and his former deputy, RSF commander Mohamed Hamdan Daglo, the paramilitaries had largely pushed the army out of Khartoum.

The World Health Organization says at least 20,000 people have been killed in the civil war, but some estimates put the toll much higher at up to 150,000.

The war has also created the world’s largest displacement crisis, the U.N. says.

More than 10 million people, around a fifth of Sudan’s population, have been forced from their homes, according to U.N. figures.

A U.N.-backed assessment in August declared a famine in the Zamzam refugee camp in Darfur near the city of El-Fasher.

The government loyal to the army is based in Port Sudan on the Red Sea coast, where the army has retained control.

The RSF meanwhile has taken control of nearly all of the vast western region of Darfur, rampaged through the agricultural heartland of central Sudan and pushed into the army-controlled southeast.

SOURCE VOA

Ciidamo Kawada Tirsan Nisa oo Ku Dagaalamay Degmada Afgooye

0

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu weeraray sargaal ciidan oo katirsanaa laamaha amniga degmada Afgooye, waxaana halkaasi dil iyo dhaawac loogu geestay qaar kamid ah ilaalada sargaalka.

Sida ana xogta ku heleyno ciidamo kale oo katirsan dowladda Soomaaliya lana sheegay in ay ka baxeen magaalada Muqdisho ayaa xalay saqdii dhaxe weeraray guriga sargaal katirsanaa ciidanka NISA, waxa ayna halkaasi ku dileen sargaalka iyo saddex nin oo ilaaladiisa kamid ahaa, halka tiro kalana la dhaawacay.

Weerarkan xalay ka dhacay degmada Afgooye , ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen ciidamo kale oo katirsan hay’adda nabadsugida Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gaashaan, lamana oga ilaa hadda sababta ciidankan u weerareen sargaalka ciidan.

Xiisad ka dhalatay dilka askartan katirsanaa ciidanka dowladda ayaa maanta ka taagan degmada Afgooye, waxaa sidoo kale dibadbax dhigay qaar kamid ah ehelada ragga la laayay iyo dadka ku dhaqan aagga askartan xalay lagu dilay.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaan wali ka hadlin falkan dilka ah ee xalay loo geestay askarta katirsan ciidanka dowladda , waxaana filinjeer la galiyay meydadka askarta la dilay, kuwaa oo ehelkooda sheegeen in aan la aasi doonin ilaa xaqooqa ka helaan.

DFS oo mamnuucday in Diyaaradaha Dronka ay usoo dhawaadaan Garoonka Muqdisho

0

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa ka mamnuucday in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kusoo dhawaadaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drons-ka.

Qoraal kasoo baxay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , ayaa lagu sheegay in la mamnuucay in diyaaradaha aan duuliyaha laheyn garoonka Aadan Cadde usoo dhawaadaan masaafo dhan 9 niyuutikaal mile oo dhan walba ah.

Waxaa sidoo kale qoraalka kasoo baxay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed lagu sheegay in diyaaradaha fasaxa ka haystay ha’adda duulista kaliya ay adeegsan karaan garoonka, balse mamnuuc yihiin kuwa aan fasaxa heysan.

Go’aankan kasoo baxay dowladda Soomaaliya, ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan cabsi laga qabo in kooxda Al Shabaab garonka Aadan Cadde ku weerarto diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.