Home Blog Page 1795

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiyaha Madaale oo sheegay in soo dhawaynayaan cid kaste oo Maalgashanayso Caasimadda.

0

Isniin 14-Oct-2024 {HMC} Guddoomiyaha Madaale oo sheegay in soo dhawaynayaan cid kaste oo Maalgashanayso Caasimadda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Gabadha awoodda badan ee Kuuriyada Waqooyi oo digniin dirtay

0

Isniin 14-Oct-2024 {HMC}Gabadha awoodda badan ee Kuuriyada Waqooyi oo digniin dirtay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {14.10.2024}

Isniin 14-Oct-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo::Abdi Ahmed Hussein

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda degmada LUUQ oo dagaal kasoo cusbonaaday.

Isniin 14-Oct-2024 {HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed xoogan oo xalay ka dhacay gudaha degmada Luuq, kaas oo gaystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo u cuslaa ayaa u dhexeeyay maleeshiyaad ku wada sugan gudaha degmadaas oo ay in muddo ah ay u dhexeysay colaad xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu saameyn xoogan ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa magaalada, isla markaana ay xaaladda faraha ka baxday kadib markii ay is fara saareen maleeshiyaadka labada beelood.

Xaaladda ayaa saaka ah mid kacsan, waxaana weli is horfadhiya maleeshiyaadkii xalay dagaalamay, ayada oo mar kasta la filan karo inay mar kale ku dagaalamaan halkaasi.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalka ka qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Horay ayay maleeshiyaadka ugu dagaalameen Luuq, waxayna isku haystaan arrimo la xiriira maamulka degmada iyo dilal aanooyin qabiil ah oo ay horay isugu gaysteen labada dhinac.

Si kastaba, mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo uu ugu horreeyo madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan oo ku baxay xiisaddan ayaa ku guuleysan waayay xalkeeda, waxaana mar kale dib u qarxay dagaalka labada beelood.

Is rasaaseyn khasaaro badan geesatay oo ka dhacay magaalada Badhan.

Isniin 14-Oct-2024 {HMC} Iska horimaad khasaaro geestay ayaa saakay ka dhacay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, waxaana wali halkaasi laga soo sheegayaa in ay ka jirto xiisad u dhaxeysa ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamo kale oo sheegtay Maakhir State.

Sida aan wararka ku helnay is raasaasaynta saakay ka dhacday magaalada Badhan ayaa ka dhalatay , kaddib markii loo diiday magaalada in ay galaan guddiga siyaasadda Maakhir, kuwaasi oo maalmahan socdaal ku marayay degaanno ka tirsan gobolka Sanaag.

Inta la xaqiijiyay laba askari oo kamid ahaa ciidamada dagaallamay ayaa ku dhaawacantay is rasaasayntaasi oo ka dhacday duleedka waqooyi ee degmada Badhan, waxaana wali taagan cabsi laga qabo in mar kale ay dagaallamaan labada dhinac.

Wafdigii doonayay in ay galaan magaalada Badhan , ayaa wali jooga bannaanka magaalada , waxaana loo diida in ay gudaha magaalada galaan iyaga oo huwan magac maamul ahaan kan Puntland oo magaaladaasi maamula.

Xisbulah oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Israel.

Isniin 14-Oct-2024 {HMC} Weerar ka mid noqonaya weerarradii ugu dhimashada iyo dhaawaca badnaa ee gudaha Israa’iil ay ka geystaan Xisbullah ayaa caawa ka dhacay koonfurta magaalada Haifa, kaddib markii diyaarad aan duuliyaha lahayn oo ay soo direen Xisbullah ay ku qaraxday deegaanka Biniyamina oo ka tirsan Haifa halkaasoo 3 qof ay ku geeriyoodeen qiyaastii 100 kale oo 9 ka mid ah ay dhaawacyo culus soo gaareen ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay raadiyaha ciidanka Israa’iil.

Sida laga arkay weerarkan waa mid lagu beegsaday bartilmaameed sax iyo waqti si ku tagal ah loogu beegay, weerarka waxaa fuliyay ururka Xisbullah oo u adeegsaday diyaarad aan duuliyaha lahayn, laakin waxa ku cusub weerarka ayaa ah inuu dhacay iyadoo nidaamyada difaaca aysan ka hortagin oo wax digniin ah aysan bixin.

Waqtiga weerarka ayaa sidoo kale muujinaya in bartilmaameed sax uu ahaa, waxaana lala eegtay xilli boqollaal ka mid ah ciidanka Israa’iil ay ku sugnaayeen hoolka lagu casheeyo ee ku dhex yeella saldhigga, halkaasoo ah goobta diyaaradda ay ku qaraxday . Wuxuu u dhacay weerarkan hab bartilmaameed sirdoon oo sax ah.

Wargeyska Walla ayaa xaqiijiyay in su’aallo la waydiinayo saraakiisha ciidanka cirka gaar ahaanna kuwa qaabilsan difaaca hawada, waxaana wax laga waydiinaya sida aysan u aqoonsan weerar lagu beegsaday bartilmaameed muhiim ah. Dhinaca kale raadiyaha ciidanka Israa’iil ayaa laga soo xigtay in hab khiyaamo ah ay weerarkan u fulisay Xisbullah, kaddib markii la soo diray xilli tobannaan gantaal lagu soo riday Haifa oo ay nidaamyada difaaca ku mashquuleen gantaallada, balse weerarka caawa ayaa sii quus geynaya Israa’iil iyo in si dhammeystiran nidaamyadeeda difaaca ay ugu fashilmeen inay awood u yeeshaan ka hortagga weerarrada

Xisbullah ayaa markii u horreysay waxyar ka hor baahisay warsaxaafadeed ay ku sheegtay inay ciidanka Israa’iil u adeegsadaan dhismayaasha rayidka goobo ay ka soo weerarraan Lubnaan! Hadalkan Wuxuu u muuqda inay sharciyad ugu raadinayaan sidii ay u beegsan lahaayeen dhismayaasha la deggan yahay

Bankiga Adduunka oo soo saaray Dalalka ugu saboolsan dunida xilli ay…..

Isniin 14-Oct-2024 {HMC} Warbixin cusub oo Axaxddii shalay kasoo baxday Bankiga Adduunka ayaa muujisay, in 26-ka waddan ee ugu saboolsan caalamka oo ay ku noolyihiin boqolkiiba 40 dadka ugu faqrisan dadyoowga caalamka, lagu leeyahay deyn ka badan inti hore laga tan iyo 2006-dii.

Warbixinta ayaa intaasi raacisay in waddamadaasi ay sii kordhayso u nugulaanta masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa kale ee qarracnka leh.

Warbixintan ayaa lagu ogaaday in dhaqaalaha dalalkaasi uu celcelis ahaan hadda ka liito sidi ay ahaayeen, ka hor inti uusan dunida ka dillaacin masiibadi cudurka COVID-19, xilli dunida inteeda kale ay weyn uga soo kabsadeen COVID oo ay dib u bilaabeen qaabka koritaanka dhaqaalaha.

Warbixinta oo ka hadleysa mushkiladaha heysta dalalkaasi ayaa sheegtay, in saddex meelood laba meel 26 ka waddan ee ugu saboolsan dunia ay ka jiraan iskahorimaadyo hubaysan ama ay ku adag tahay ilaalinta nidaamka sababo la xiriira habacsanaanta hay’adaha iyo bulshada, taas oo xannibaysa maalgashiga shisheeye, iyo in la dhoofiyo badeecooyinka laga soo saaro dalalkaasi.

Inta badan dalalka daraasaddan laga sameeyay ayaa u badan dalalka Africa ee saxaraha ka hooseeya, laga soo billaabo Ethiopia, Chad ilaa Congo, waxaase liiska sidoo kale ku jira dalal ay ka mid yihiin Afghanistan iyo Yemen.

Mareykanka oo gantaallada difaaca cirka u diraya Isra’il

Isniin 14-Oct-2024 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa Axaddii shalay ku dhawaaqday in ay gantaallo casri ah oo nuuca difaaca cirka ah iyo ciidamo Mareykana ah u direyso Isra’il, si ay u xoojiso nidaamka difaaca cirka Isra’il, maalmo kaddib marki ay Iran madaafiic ku garaacday Isra’il.

Madaxweyne Joe Biden ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid lagu difaacayo Isra’il. Waxana tani ay ku soo beegantay iyada oo la filayo in Isra’il ay jawaab ka bixisyo duqeynti cusleyd ee ay 1-di bishan October kala kulantay Iran oo ku garaacday in ka badan 180 gantaallada guuxooda ka dheereeya.

Afhayeen u hadlay Aqalka Pentagon-ka ee looga arrimiyo Waaxda Difaaca Mareykanka, Major General Patrick Ryder, ayaa ku tilmaamay daabulista hubkan in ay qeyb ka tahay taageero ballaaran oo uu Mareykanka bilihi lasoo dhaafayay siinayay Isra’il, si buu yiri looga difaaco Iran iyo kooxaha ay taageero danaha Mareykanka ee gobolka.

Dhanka kale, ciidamada Isra’il ayaa sii xoojiyay weerarka ay ka wadaan maalmahaan waqooyiga Gaza, iyada oo taangiyadooda ay gunta u sii galayaan magaalada, gaar ahaan degmada Sheekh Ridwaan halkaas oo qoysas badan ay ka carareen guryahooda.

Aroornimadi hore ee Isniinta maanta ah, duqeyn cirka ah oo ay ciidanka Isra’il ku beegsadeen teendhooyin ay jiifeen dad barakac ah oo ku taalla gudaha Isbitaalka Al Aqsa ee bartamaha Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 3 qof, halka 40 kalana ku dhaawacmeen.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in bartamaha Gaza gaar ahaan Deyral Balax ay ku nool yihiin ugu yaraan hal milyan oo Falastiinyiin u badan barakac.

XASAASI: Somaliland oo heshiis kale la saxiixatay Imaaraadka Carabta.

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee maamulka Somaliland ayaa heshiis isfahan wada shaqeyn ah la saxiixatay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, shirkaddaas oo lagu magacaabo Emirates Industrial Laboratory ayaa ka shaqeysa arrimaha Macdanta.

Heshiiskaan waa mid shirkadda laga leeyahay Imaaraadka Carabta u oggolaanaya in deegaanada Somaliland ay ka hirgaliso qalab sheybaar oo lagu baarayo macdanta kala duwan ee deegaannadaas laga qodo.

Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo heshiiskaan la saxiixatay shirkadda Emirates Industrial Laboratory, ayaa sheegtay in baahi weyn loo qabay qalabka sheybaarka ah iyo baaritaanka macdanta Somaliland, isla markaana hadda xal loo helay caqabadihii jiray.

Somaliland ayaa sheegtay in markii hore Macdanta laga qodo deegaanadooda loo qaadi jiray dibadda, si loo ogaado nooceeda iyo tayadeeda sheygaas, balse hadda waxay heshiis la galeen shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

“Waxaan kala saxiixannay heshiis isfahan ah oo ay maalgalin ku sameeyaan laabka macdanta ee wasaaradda, haddii ay dhisme noqoto iyo haddii ay qalab noqotaba,” ayuu yiri Agaasimaha guud ee wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Soomaali) oo BBC u waramay isagoo ku sugan magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta.

Deegaanada Somaliland horay waa looga qodi jiray Macdanta, waxaana dhowr jeer dadkii qodayey ku soo dumay godad waaweyn, maadaama aysan heysan qalab, aqoontiina aysan laheyn.

Qolada ay Somaliland heshiiska cusub la gashay ee Emirates Industrial Laboratory waa hay’ad bixisa adeegyo kala duwan oo ay kamid tahay baarista goobaha ay ku jiraan macaadinta, shidaalka iyo saliidda, sidoo kale waxaa lagu sheegay inay qeyb ka qaadato soo saarista injineero ku xeel dheer shaqooyinkaan iyo qalab kala duwan oo wax lagu baaro.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay uga carootay, aadna uga gilgilatay heshiis ay bilowgii sanadkaan Somaliland la gashay Itoobiya, kaas oo khatar ku ah badda Soomaaliya, mar kale waxaa soo shaac baxay heshiiskaan ku saabsan macdanta ee Somaliland ay la gashay Imaaraadka.

Inkastoo aysan cadeyn mowqifkooda, Imaaraadka ayaa loo arkaa inuu u janjeero dhanka Itoobiya, isla markaana uu ku jiro dowladaha khatarta ku ah Soomaaliya, kana soo hor jeeda dib u soo kabashadeeda, dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa sida ay uga jawaabto heshiiska cusub ee Somaliland ay la gashay Imaaraadka.

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {13.10.2024}

Axad 13-Oct-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO