Home Blog Page 181

Madaxweynaha Soomaaliya oo Cadeeyay Sababta Dalka looga Ceeriyay Dowladda Imaaraadka.

0

Arbaco  14 jun 2026 {HMC}  Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee Shalay Shacabka Soomaaliyeed u jeediyay khudbad uu kaga hadlayay xaalada guud ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka oo ay ugu horreyso xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa Imaaraadka Carabta, isagoona bogaadiyay go’aankii Golaha Wasiirada ee lagu buriyay dhamaan heshiisyadii iskaashiga dhinacyada kala duwan lahaa ee lagu la jiray dowladda Imaaraadka Carabta.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Madaxweyne Xasan Sheekh in Soomaaliya ay xiriir wanaagsan la laheyd Imaaraadka Carabta, ha yeeshee uu xiriirkaasi si togan uga socday dhanka Soomaaliya oo keliya, isagoona Abu Dhabi ku eedeeyay inaysan Soomaaliya ula dhaqmin, sidii madaxbannaan oo kale.

“Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed u caddeeyo in Dowladda Imaaraadka Carabta aan la lahayn xiriir wanaagsan, oo dhankeenna aan u galnay si niyad samaan ah oo qalbi furnaan ah, nasiib darro Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta noo lama dhaqmin, sidii dowlad mid ah oo madaxbannaan.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay in ay marar badan Imaaraadka Carabta ka dalbadeen iney Soomaaliya ula macaamisho hal dal oo madaxbannaan, islamarkaana ay joojiyaan fara gelinta qaawan oo ay dalka ku hayaan, hayeshee dalabaadkaasi ay Imaaraadka Carabta dhagaha ka fureysteen, taasna ay kenetay in Soomaaliya joojiso dhamaan heshiisyadii kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta.

“Marar badan ayaan ka dalbanay Dowladda Imaaraadka in ay noo la macaamilaan in aan nahay hal dal oo madaxbannaan masuul ah, ayna joojiyaan habka doc faruurka ah ee ay albaabada kala duwan uga soo gelayeen dalkeenna, iyagoo ku kacaya arrimo aanay mararka qaarkood ka war hayn Dowladda Federaalka Somaliya, kana dhex fuliya Somaliya gudaheeda, kuwaas oo xadgudubna ku ahaa haybadda iyo qaranimada dalkeenna.” ayuu yiri Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u cadeeyay shacabka Soomaaliyeed in go’aanka dowladda loola jeedin in dadka Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo, wuxuuna balanqaaday in dowladdiisu ay xil weyn iska saari doonto wax kasta oo taabanaya nolosha dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan rabaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inaan u caddeeyo go’aanka dowladda inaan marnaba loola jeedin in dadkeenna dhibaato ka soo gaarto. Sidaa daraadeed dowladdu waxay masuuliyad weyn iska saareysaa in wax kasta oo taabanaya nolosha dadka Soomaaliyeed ay ilaalineyso oo weliba ay horumarineyso. Waxaan masuuliyad buuxda iska saari doonnaa, sidii dadku u dareemi lahaayeen xorriyad, madaxbannaani dhaqaale iyo mid siyaasadeed, iyagoo kalsooni buuxda ku qaba dalkooda qaniga ah iyo dowladdooda daacadda ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo saaxiibada Soomaaliya inay garab istaagaan dadaalada dowladda ee ku aaddan difaaca madax banaanida dalka, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay dhisto dowlad ku shaqeysa sharci, midnimo iyo go’aan qaran oo madaxbanaan.

Turkiga Miyaa dhax dhaxaadinayo Soomaaliya iyo Imaaradka.?

0

Arbaco  14 jun 2026 {HMC}  Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Turkiga, Hakan Fidan ayaa maanta billaabaya safar uu ku tagayo Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta si uu ula kulmo Madaxda Dalkaas oo dhexda ka galay Mowjado Siyaasadeed oo dhinacyo kala duwan uga yimid.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu xaqiijiyay safarka Wasiir Hakan Fidan, mana la raacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta safarkiisa kusoo beegmay waqtigaan Xasaasiga ah.

Ilo kala duwan ayaa sheegay in Dowladda Turkiga ay Isutagga Imaaraatka Carabta kala hadlayo xoojinta Iskaashiga gaarka ah ee labadaan Dal iyo in xal siyaasadeed la raadiyo si loo dejiyo xaaladaha culus ee Abu Dhabi wajahayso.

Meelo kala duwan oo Soomaaliya ay kamid tahay ayaa kulankaan Indhaha lagu hayaa maadaama Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Turkiga uu yahay mid wanaagsan isla markaana maalin kahor Xukuumadda Dan-Qaran ay baabi’isay heshiisyadii ay kula jirtay Imaaraatka.

 

Maalqabeeynka Mareeykanka Oo sii hurinaya dibadbaxyada Iiraan

0

Arbaco  14 jun 2026 {HMC}  Ninka dhaqaalaha badan haysta ee u dhashay Dalka Maraykanka ee lagu magacaabo Elon Musk ayaa baasiin ku sii shubaya dabka ka dhex ololaya gudaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan kaddib markii dadka dibadbaxaya uu u fasaxay Internet bilaash ah.

Elon Musk ayaa sheegay in markii Dowladda Iiraan ay qaadatay go’aan ah Xayiraadda Internetka ee Dadka dibadbaxaya in uu isna ka dabaqaatay go’aankaan culus ee bilaashka uga dhigay dadka helitaanka Starlink ee Dayax-gacmeedka ku xiran.

Musk ayaa culays xooggan kala kulmaya waaxda Iiraan ee dhinaca maamulka Hawada iyo Internetka oo dhowr jeer isku dayday in ay joojiso adeeggiisa, waxaa intaas dheer in dadka lagu wargeliyay inuu damacsan yahay howlo basaasid ah.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhowaan la sheegay in uu ka fakiray qorshaha culus uu ku fulin karo duullaan ka dhan ah Iiraan, waxa uu maamulkiisa taageeray dibadbaxyada rabshadaha wata ee Dalkaas ka socda.

 

Wararkii ugu Dambeeyay Tirada dhimashada dibedbaxyada Iiraan oo korortay

0

Arbaco  14 jun 2026 {HMC}  Kooxda xuquuqul insaanka ee Hrana, oo saldhigeedu yahay Maraykanka, ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhintay dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay guud ahaan dalka Iran ay ka badan tahay laba kun iyo shan boqol oo qof.

Kooxdu waxa ay sheegtay in laba iyo toban ka mid ah dadka dhintay ay yihiin carruur.

Tiradani ayaa la shaaciyay xilli madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku boorriyay dadka reer Iran inay sii wadaan dibadbaxyada.

Waxa uu tii talaadada u sheegay weriyeyaasha, inuu isku dayayo inuu soo ururiyo tiro sax ah oo ku saabsan tirada dadka dhintay oo uu si waafaqsan uga jawaabi doono.

Mr. Trump wuxuu la tashanayay la taliyayaashiisa amniga qaranka.

Horay ayuu ugu hanjabay tallaabo adag, wuxuuna uga digay Iran inay qofna daldalaan.

Iran ayaa ku eedaysay inuu hurinayo rabshado.

 

Mareykanka oo digniin amni u diray muwaadiniintiisa jooga Iiraan

0

Arbaco  14 jun 2026 {HMC}  Safaaradda Mareykanka ee Iiraan ayaa digniin amni u dirtay muwaadiniinta Mareykanka eek u sugan dalka Iran, iyadoo ku amartay inay si degdeg ah uga baxaan Iiraan

Bayaanka lagu daabacay bogga internetka ee Safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri in: “mudaharaadyada ka socda Iiraan ay sii kordhayaan, waxaana jira cabsi laga qabo inay isu beddelaan rabshado, taasoo keentay kororka tirada dadka la xiray iyo dhaawacyada. Tallaabooyinka amniga ayaa la adkeeyay, waddooyinka waa la xiray, gaadiidka dadweynaha ayaa hakad galay, adeegyada internetkana waa la joojiyay”.

“Dowladda Iiraan waxay xaddiday adeegsiga taleefannada. Shirkadaha diyaaradaha waxay xaddideen ama joojiyeen duulimaadyadii u socday iyo kuwii ka imanayay Iiraan, halka dhowr shirkadood oo diyaaradeed ay joojiyeen adeegyadooda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa muwaadiniintooda ku amray inay si degdeg ah uga baxaan Iiraan, sida lagu sheegay bayaanka, iyagoo intaas ku daray haddii ay suurtogal tahay, inay maraan dhulka oo ay tegaan dalalka Turkiga ama Armenia.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in helitaanka xogta saxda ah ay adag maadaama uu Khadka go’an yahay, laakiin xogaha la helay ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay sii korodhay.

Kooxda xuquuqul insaanka ee Hrana, oo saldhigeedu yahay Maraykanka, ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhintay dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay guud ahaan dalka Iran ay ka badan tahay laba kun iyo shan boqol oo qof.

Kooxdu waxa ay sheegtay in laba iyo toban ka mid ah dadka dhintay ay yihiin carruur.

Tiradani ayaa la shaaciyay xilli madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku boorriyay dadka reer Iran inay sii wadaan dibadbaxyada.

 

Wararkii ugu dambeeyey Dagaalkii ka dhacay Baladweyne.

0

Arbaco  14 jun 2026 {HMC}  Faah Faahin dheeraad ah ayaa Laga helayaa Weerar ay kooxda Al-shabaab ay kusoo qaadeyn Saldhig Ciidamada deegaanka ay ku lahaayeen Xaafada Buunda-weyn ee Magaalada Baladweyne Xalay saqdii dhaxe.

Saraakiisha Ciidamadan ayaa sheegay in ay iska difaaceeyn Weerarka Hoobiyaal iyo dagaalka Tooska ah ee Al-shabaab ay kusoo qaadeyn Saldhigooda. Waxaana ay intaasi ku dareeyn in ay ka war haayeen Weerarka kusoo wajahnaa.

Saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegayn in Al-shabaabkii Weerarka soo qaaday ay gaarsiiyeen khasaaro dhimasho iyo dhawac ah. Waxaan ay intaasi raaciyeen in saakay ay socdaan Howgalo lagu xaqiijinayo Xaafada Buunda-weyn ilaa deegaanka Gambar laawe.

Sidoo kale waxaa jiro Hoobiyaal kusoo dhacay Xaafadaha qaar ee Baladweyne, kaasi oo aanan geeysan wax Khasaaro nafeed ah marka laga Reebo burbur Hantiyadeed.

US ends protection for Somalis amid escalating migrant crackdown.

0

Tuesday 13 jun 2026 {HMC} The United States said on Tuesday it would end a special protected status for Somalis, telling them they must leave the country by mid-March.

There is a large Somali community in Minnesota, the mid-western US state at the forefront of raids and searches by immigration officers.

In recent weeks Washington has targeted Somali immigrants, alleging public benefit fraud in Minnesota’s Somali community, the largest in the country with around 80,000 members.

The Department of Homeland Security said on X it was “ENDING Temporary Protected Status for Somalians in the United States.”

Trump’s post

“Our message is clear. Go back to your own country, or we’ll send you back ourselves,” it said.

“Temporary Protected Status” (TPS) shields certain foreigners from deportation to disaster zones and allows them the right to work.

In November 2025, US President Donald Trump wrote on social media: “I am, as President of the United States, hereby terminating, effective immediately, the Temporary Protected Status (TPS Program) for Somalis in Minnesota.”

On Tuesday, the president took to his Truth Social channel to criticise Democrats who lead Minneapolis, its twin city of St. Paul, and Minnesota.

Migrant pursuit

Immigration and Customs Enforcement (ICE), meanwhile, has kept up its large-scale migrant pursuit across Minnesota, including the city of Detroit Lakes on Monday.

The Minneapolis Police Department said its overtime bill between January 8 and January 11 was $2 million.

That period marked the height of anti-ICE protests sparked by the dramatic killing of a woman, which was filmed and widely shared online.

Renee Nicole Good, 37, was shot dead in her car by an Immigration and Customs Enforcement (ICE) officer in Minneapolis last Wednesday.

Protests

Students have protested against the situation in Minnesota, including in the Minneapolis suburb of Maple Grove, local media reported.

Federal charges have been filed against 98 people accused of embezzlement of public funds in Minnesota.

Fifty-seven people have already been convicted in the scheme to divert $300 million in public grants intended to distribute free meals to children – but the meals never existed, prosecutors said.

SOURCE:AFP

Sacuudiga oo Trump ku qancinaayo in uusan weerarin Dalka Iran.

0

Talaado 13 jun 2026 {HMC} Dhaxal sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa hoggaaminaya isbahaysi ay ku midoobeen Dhowr dal oo ay kamid yihiin Sacuudiga, Qatar iyo Cumaan ayaa qorsheynaya in ay ku qanciyaan Madaxweyne Trump in uu joojiyo weerar uu Mareykanka ku qaadayo Dalka Iran, sida uu baahiyay wargeyska Wall Street Journal.

Sababata ay ay Mareykanka uga joojinayaan Duulaanka Iran ayeey ku sheegeen weerar kasta oo waqtigan lagu qaado Iiraan inuu qalqal gelin doono suuqyada shidaalka isla markaana ugu dambayn waxyeello u geysan doonto dhaqaalaha Mareykanka.

 

Soomaaliya iyo Turkiga oo Bilaabay Hirgelinta Heshiiskii Iskaashiga ee 2016.

0

Talaado 13 jun 2026 {HMC} Magaalada Ankara ayaa lagu qabtay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiiskii iskaashiga (MoU – June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Shaqada iyo Ammaanka Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga.

Munaasabadda ayaa si rasmi ah u guddoomiyay Wasiirka Shaqada iyo Ammaanka Bulshada ee Turkiga, Prof. Dr. Vedat Işıkhan, iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS, Prof. Salim Aliyoow Ibro, waxaana goob-joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Turkiga,

Agaasimaha Guud Mudane Yuusuf Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan wafdiyada labada dal.
Kadib munaasabadda saxiixa, waxaa xigay kulan farsamo oo diiradda lagu saaray 15-ka qodob ee lagu hirgelin doono muddada 2026–2027, kuwaas oo saldhig u noqon doona xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada shaqada, tababarka xirfadaha, badbaadada shaqaalaha iyo goobaha shaqada (OSH), iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la dardargeliyo hirgelinta qodobada heshiiska, si loo xoojiyo hay’adaha shaqada ee Soomaaliya loona adkeeyo wada-shaqeynta joogtada ah ee Dowladda Turkiga.

President Mohamud asserts ‘Somalia belongs to Somalis’ in bold address to the nation.

0

Tuesday 13 jun 2026 {HMC} Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud says Mogadishu severed defence and security ties with the United Arab Emirates on Monday because the UAE was not acting in Somalia’s best interests.

Somalia’s Council of Ministers approved the termination of Mogadishu’s defence and security pact with the UAE, citing “compelling evidence” of actions deemed detrimental to Somalia’s sovereignty and national unity.

The council did not specify the particular breaches.

In an address to the nation on Tuesday, President Mohamud said the UAE’s actions “violated Somalia’s national unity.” Reaffirming his commitment to Somalia’s unity, the president stated: “We say loudly and clearly: Somalia belongs to Somalis. Let Somalia unite.”

Somalia had acted ‘in good faith’: Mohamud

“The UAE government’s actions did not reflect respect for Somalia’s national unity and sovereignty,” Mohamud said, adding that when Mogadishu entered into a pact with Abu Dhabi, the Horn of Africa nation did so in “good faith.”

The wide-ranging agreements spanned economic cooperation, infrastructure development, security, and defence partnerships, Mohamud stated.

The president said that, during implementation of the said-agreements, Somalia established that the UAE was engaging in actions that breach the unity, sovereignty, and dignity of the Somali people.

“Even after establishing that fact, we did not make a rushed decision. On multiple occasions, we implored upon the UAE to deal with us as one sovereign country, and also to stop their attempts to weaken our national fabric,” Mohamud said.

Left with no other choice

He added that Abu Dhabi, nonetheless, “engaged in actions that, at times, were carried out without the knowledge of the Federal Government of Somalia, and whose deliberations were implemented within Somalia.”

Mohamud stated that Mogadishu was left with no other choice but to “take the decisions announced yesterday (January 12, 2026),” referring to the annulling of several agreements with the UAE government.

“These necessary decisions are taken to defend the national interests, sovereignty, and the preservation of Somalia’s territorial integrity,” he said, emphasising that the continued engagement with Abu Dhabi “posed a threat to our sovereignty.”

On Tuesday, Somalia’s State Minister for Foreign Affairs, Ali Omar, told Al Jazeera that Mogadishu terminated several agreements with Abu Dhabi after the UAE-backed Yemeni separatist leader, Aidarous al-Zubaidi, illegally entered the Horn of Africa country through the breakaway region of Somaliland.

‘Last straw’

Omar said the entry of al-Zubaidi, leader of the now-defunct Southern Transitional Council (STC), into Somali territory on January 8 was “the last straw” that occasioned the cancellation of all deals with Abu Dhabi.

“Using Somalia’s airspace, Somalia’s airfields to smuggle a fugitive is not something that Somalia condones,” Omar said.

The state minister added that Somali authorities had received the passenger manifest, but al-Zubaidi’s name was not listed among those on board the plane, suggesting he was hiding aboard.

The government further said that there were “other reasons” why Somalia made the decision on Monday.

Mohamud slams Israel’s recognition of Somaliland

The UAE was yet to officially issue a statement regarding the developments in Somalia, though on June 6, Abu Dhabi had voiced its “support for Somalia’s sovereignty, territorial integrity, security, and stability,” following Israel’s widely condemned recognition of Somaliland.

In his address to the nation on Tuesday, President Mohamud vowed to protect the country’s dignity in the wake of Israel’s recognition of Somaliland, a breakaway region in Somalia’s north.

“Since Israel announced its reckless decision to recognise parts of our country as a so-called independent state, we have taken various measures related to defending the unity of the country.

We have engaged with countries around the world and with international organisations of which we are members, in order to gain support for our just cause of defending our nation against the blatant aggression of (Israeli Prime Minister Benjamin) Netanyahu,” Mohamud said.

“By the grace of God, all the steps we have taken have been successful, and it has been possible for the world to unanimously, and in the strongest terms, reject Israel’s attempt to divide the Federal Republic of Somalia,” he asserted.

SOURCE:TRT Afrika