Home Blog Page 182

Mareykanka oo ku dhawaaqay inuu Dalka Qatar ka hirgeliyay xarun cusub oo isku-duwid difaaca cirka.

0

Talaado13 jun 2026 {HMC} Mareykanka ayaa maanta ku dhawaaqay inuu Qatar ka hirgeliyay xarun cusub oo isku-duwid difaaca cirka iyo gantaallada Bariga Dhexe, taas oo ay si wadajir ah uga howlgeli doonaan dalalka gobolka ee xulafada la ah.

Xaruntan ayaa loogu talagalay xoojinta wada-shaqeynta iyo ka hortagga weerarro kasta oo ka dhaca gobolka.

Tallaabadan ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha amni ee Bariga Dhexe, gaar ahaan iyadoo laga cabsi qabo isku dhac milatari oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, xilli Iiraan ay ku hanjabtay in weerar kasta oo lagu qaado ay kaga jawaabi doonto beegsiga Israa’iil iyo saldhigyada Mareykanka ee gobolka.

Imaaraadka oo Qorsheynaayay in ay israaiil adeegsato saldhigyadeeda milatari.

0

Talaado13 jun 2026 {HMC} Dukumenti sir ah oo la dusiyay ayaa daaha ka rogay in Dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) ay qorsheynaysay in ay adeegsato Israel saldhigyadeeda milatari si ay u “xoojiso Israa’iil dagaalkeeda ka dhanka ah waxa ay ugu yeereen argagixisada Falastiin.”

Dukumentigan, oo ay heshay isla markaana ay faafisay mareegta Emirates Leaks, ayaa si weyn u kiciyay warbaahinta ka soo horjeedda Israa’iil. Dukumentiga oo la qoray bishii Oktoobar 2023, laguna socodsiiyay Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Ciidamada Imaaraadka,

wuxuu muujinayaa in Imaaraadku damacsanaa in ay ka faa’iideystaan saldhigyadooda milatari ee ku yaalla koonfurta Badda Cas, gaar ahaan kuwa ku yaalla Yemen, Eritrea iyo Soomaaliya, si ay Israa’iil u siiyaan taageero dhinacyada milatariga, saadka (logistics) iyo sirdoonka, una gacan siiyaan dagaalka ay kula jirto XMS.

Dowladaha Turkey, Sucuudiga, Masar iyo Pakistan oo La qorsheeyay in ay gaaraan heshiis difaac oo wadajir ah.

0

Talaado13 jun 2026 {HMC} Dowladaha Turkey, Sucuudiga, Masar iyo Pakistan ayaa ku dhaw in ay gaaraan heshiis difaac oo wadajir ah balse maahan mid sida NATO kale ah sida ay ku warameen Bloomberg iyo MEE.

Heshiiska amni ee u dhexeeya Riyadh iyo Islamabad wuxuu labada dal ku waajibinayaa in fal kasta oo gardarro ah oo midkood lagu sameeyo loo tixgeliyo mid labadoodaba lagu qaaday.

Markii heshiiska la saxiixay bishii Sebtembar 2025, masuuliyiin Sacuudi ah ayaa sheegay in “dhammaan awoodaha militari” ay ku jiraan qodobada heshiiska, taasoo si dadban u tilmaamaysay hubka nukliyeerka ee Pakistan.

Ilo Turkish ah ayaa u sheegay Middle East Eye in Ankara ay sannadihii u dambeeyay aad ugu soo dhowaatey Sacuudiga, isla markaana ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka militari iyo amni ee ay la leedahay Boqortooyada.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la filayaa inuu booqdo dhowr dal oo Khaliijka ah horaanta sanadkan, laga yaabo bisha Maarso.

Socdaalkiisa waxaa ka mid noqon doona Sacuudi Carabiya iyo Pakistan, sida ay sheegeen ilo arrinta la socda oo la hadlay MEE.

Erdogan ayaa la filayaa inuu kala hadlo arrimaha amniga Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman.

Qof xog-ogaal u ah walaacyada Sacuudiga ayaa qiray in isbeddellada juqraafi-siyaasadeed ee ka socda gobolka ay dhab ahaantii labada dal isu soo dhoweynayaan.

Dubai’s DP World says operations at Somaliland’s Berbera port unaffected by UAE-Somalia dispute.

0

Tuesday 13 jun 2026 {HMC}  Dubai-owned ports and logistics company DP World said on Tuesday its operations at Berbera port in Somalia’s breakaway region of Somaliland were continuing under existing agreements, amid regional tensions following an escalation in nearby Yemen.

Somalia’s government said on Monday it was annulling all agreements with the UAE, including port deals and defence and security cooperation, accusing the Gulf country of undermining its national sovereignty.

 

The move followed an investigation that Mogadishu launched last week after a Saudi-led coalition in Yemen, where tensions between global oil heavyweights Saudi Arabia and the UAE have been running high, said the UAE had spirited a separatist leader out of Yemen via Somalia.

A crisis erupted last month in Yemen when the separatists swept through the south of the country, including the port city of Aden, advancing within reach of the border with Saudi Arabia, prompting Riyadh to declare the move a threat to its national security.

“DP World remains focused on the safe, efficient operation of the port and on delivering trade facilitation and economic benefits for Somaliland and the wider Horn of Africa region,” it said in a statement to Reuters, adding that questions on “political decisions,

intergovernmental discussions, or diplomatic positions should be directed to the relevant authorities.”

The UAE has cultivated deep economic and security ties with Somaliland.

The centrepiece of this strategy is a $442 million investment by Dubai-based logistics company DP World to develop and operate the Port of Berbera in the breakaway region.

Last month, Israel became the first country to officially recognise Somaliland’s independence, a diplomatic breakthrough that was facilitated by Abu Dhabi, according to an Axios report that cited Israeli officials.

SOURCE reuters

WAR DEG DEH AH: Maraykanka oo Ikhwaanul Muslimiin u aqoonsaday ‘argagixiso caalami ah’

0

Talaado 13 jun 2026 {HMC} Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday inuu qaaday talaabo uu ugu aqoonsanayo ururka Ikhwaanul Muslimiin urur argagixiso, wuxuuna intaa ku daray in lagu taageerayo qorshaha madaxweyne Trump uu ku wiiqayo awoodda iyo hawlgallada Ikhawwnul Muslimiinka oo ay sheegeen inuu khatar ku hayo amniga Maraykanka sida lagu xusay wareegto madaxweyne oo lambarkeedu yahay 14362.

Maraykanku wuxuu sheegay inuu u asteeyey argagixiso Ikhwaanul Muslimiinka ka jira dalalka Urdun, Lubnaan iyo Masar.

Waaxda arrimaha dibadda ayaa u aqqoonsatay uur argagixiso ajnabi ah, iyo argagixiso calami ah, hogaamiyaha kooxda Maxamed Fawzi Taqqosh ayaa isna loo aqoonsaday inuu yahay argagixiso calami ah.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shaaciyay qaladka ay ka galeen Imaaraadka Dalka.

0

Talaado 13 jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya , Xasan Sheekh oo sharraxay sababtii ka dambeysay go’aamadii ay uga baxeen heshiisyadii dawladda Imaaraadka Carabta, wuxuu yiri

“Dawladda Imaaraadka Carabta , si niyad sami leh ayaan heshiisyada ula galnay, balse Imaaraadku noolama dhaqmin sidii dawlad mid ah oo madax bannaan… ma aanan deg degin marar badan ayaan ka dalbanay inay noola macaamilaan inaan nahay hal dal , ayna joojiyaan habka doc-faruurka ah ee ay albaabada kala duwan uga soo galayaan dalkeenna , iyagoo ku kacaya arrimo aysan dawladda federaalka ka war heyn , kana dhex fulinayaan Soomaaliya gudaheeda, kuwaasoo xad gudub ku ah haybadda iyo qaranimada Soomaaliya, ka baaran-dagis dheer iyo qiimeyn kadib waxaa qasab noqotay inan qaadano go’aammadii shalay aan qaadanay oo lagu baabi’iyay heshiisyadii aan la galnay dawladda Imaaraadka.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA MADAXWEYNE XASAN SHIIKH

Galaha wasiiradda Sucuudiga: Ma aqbalayo dowlada barbar socda DFS.

0

Talaado 13 jun 2026 {HMC} Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in Sacuudiga uu si adag uga soo horjeedo isku day kasta oo lagu doonayo in lagu dhiso hay’ado ama maamullo isbarbar socda oo ka hor imaanaya midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wadajirka dhulkeeda.

Goluhu sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay diidmada Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan kala-qaybin kasta ama fal kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo dhoweysay go’aannada geesinimada leh ee horay uga soo baxay Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, kuwaas oo si buuxda u taageeraya midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda oo Fulisay Weerar lagu Dilay AS

0

Talaado 13, January 2025 {HMC} Dowladda oo Fulisay Weerar lagu Dilay AS

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Eritrea oo ku hanjabtay ineey si adag ula dagaalami doonto itoobiya

0

Talaado 13, January 2025 {HMC}  Eritrea oo ku hanjabtay ineey si adag ula dagaalami doonto itoobiya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Intee ayey la egtahay Awooda Ciidamada Imaaraadka.?

0

Talaado 14, January 2025 {HMC} Intee ayey la egtahay Awooda Ciidamada Imaaraadka.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA