Talaado 14, January 2025 {HMC}Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 13-01-2026
HOOS KA DAAWO MUQAALKA
Talaado 14, January 2025 {HMC}Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 13-01-2026
HOOS KA DAAWO MUQAALKA
Talaado 13 jun 2026 {HMC} Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Itoobiya iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa manta gaaray magaalada Muqdisho.
Ridwan Xuseen, ayaa kulan albaabada u xirnaa la yeeshay madaxweyne Xassan Sheekh, waxaana lagu soo warramayaa inuu gaarsiiyay farrin uu ka siday raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Lama oga faahfaahinta farrinta, balse waxaa loo badinayaa inay ka wada hadleen isbedellada ka jira gobolka.
Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Axaddii gaaray dalka Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Qoraal uu soo dhigay barta X, ayuu Abiy ku yiri “Waxaa aan imid dalka Jabuuti oo uu si diiran iigu qaabilay madaxweynaha.
Wada-hadalkeennu wuxuu diiradda saaray dhaqdhaqaaqyada juqraafiyeedka, nabadda iyo amniga gobolka, iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan ganacsiga, saadka, iyo horumarinta, annagoo xaqiijinayna sida ay nooga go’an tahay xasilloonida, is-dhexgalka dhaqaalaha, iyo barwaaqada labada dhinac”.
Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayso xiisadda Geeska Afrika ka dib markii ay Israa’iil aqoonsatay Somaliland.
Ilaa hadda war ah kama soo bixin dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan safarka uu taliyaha sirdoonka Muqdisho ku tegay maanta.
Talaado 13 jun 2026 {HMC} Dalka Imaaraadka Carabta ayaa dhanka dhaqaalaha si wayn uga horeeya inta badan dalalka kahliijka ee dariska la ah.
Militariga Imaaraadka ayaa lagu tilmaamaa in ay ka mid yihiin ciidamada ugu tababarka wanaagsan dalalka Khaliijka.
Ciidamada Imaraadka ayaa ka dagaalamay dalal badan sida iibiya, Yemen iyo Afqaanistaan.
Dowladda Imaaraadka ayaa sanooyiinkii u dambeeyay waxa ay dhaqaala badan galisay dhanka militariga, iyada soo iibsatay hub badan oo casri ah, balse lama oga miisaaniyadda rasmiga ah ee gaashaandhiga.
Awoodda ciidamada Cirka
In uu dalku leeyahay ciidamo cir oo awood leh ayaa sanooyiinkii u dambeeyay ay khubarada militariga u arkayeen midda ugu muhiimsan qarnigan aanu ku jirno.
Imaaraadka ayaa waxaa sanooyiinkii u dambeeyay ay aad u xoojiyeen tayeynta ciidamadooda cirka.
Waxay Imaraadka soo iibsadeen diyaaradaha ugu casrisan waqtigan oo ay ka mid tahay nooca laga daba dhacay ee F-16 ee ay Mareykanka farsameeyeen.
Sanadkii 2021-kii, waxay Imaaraadka ka dalbadeen Faransiiska diyaaradda dagaal ee lagu magacaabo Rafale.
Dowladda Imaraadka ayaa sidoo kale waxaa sanooyiinkii u dambeeyay ay xoojisay adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dronis-ka loo yaqaano.
Dalka Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka ay Imaraadka ka soo iibsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Dronis-ka.
Ciidamada cirka ee Imaaraadka ayaa sidoo kale haysta gantaalo casri ah oo ah kuwa lidka diyaaradaha.
Awoodda ciidamada Dhulka
Dowladda Imaraadka ayaa si wayn u maalgalisay awoodda ciidamada dhulka.
Ciidanka Imaaraadka ayaa sidoo kale leh madaafiicda goobta ee loo yaqanao Artilariga
Awoodda ciidamada badda
Ciidamada badda ee dalka Imaaraadka ayaan lahayn awood sidaasi u sii ballaaran.
Ciidanka badda ee Imaaraadka ayaa waxaa ay ku howlgalaan dhowr isugu jira doomo iyo Maraakiib.
Talaado 13 jun 2026 {HMC} Somaliland ayaa si rasmi ah uga jawaabtay hadal ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay ku sheegatay in ay ku burisay dhammaan heshiisyadii lagula jiray Imaaraatka Carabta, oo uu ku jiro heshiiska DP World iyo Dekeda Berbera.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Berbera ay tahay qayb ka mid ah dhul madax-bannaan oo hoos yimaada Somaliland, isla markaana Soomaaliya aanay wax sharci, awood maamul, ama gacanta ku hayn midna ku lahayn.
“Dowladda Somaliland waxay si cad u diidaysaa sheegashadaas, Berberana waa dhul si buuxda uga tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, Soomaaliya-na wax awood ah kuma laha,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.
Somaliland waxay sidoo kale sheegtay in Soomaaliya aanay dhinac ka ahayn, isla markaana aanay damaanad ka ahayn heshiisyada ay Somaliland la gashay dalalka ama hay’adaha kale. “Sidaa awgeed, Soomaaliya ma laha awood sharci ah oo ay ku joojin karto, ku beddeli karto, ama ku faragelin karto heshiisyadaas.”
War-saxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in dhammaan heshiisyada u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ay yihiin kuwo sharci ah, ansax ah, isla markaana ay ogolaadeen hay’adaha dastuuriga ah ee Somaliland, ujeeddadooduna tahay horumarinta ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xasilloonida gobolka.
Somaliland ayaa uga mahadcelisay Imaaraadka Carabta, gaar ahaan hoggaankiisa Madaxweyne Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, “doorkii muuqday ee ay ka qaateen nabadda, xasilloonida, iyo horumarka dhaqaale ee Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.
Ugu dambayn, Somaliland waxay sheegtay inay tahay dal mas’uul ah oo ku dhaqma ixtiraam, is-faragelin la’aan, iyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana sii wadaya iskaashiga saaxiibbadiisa caalamiga ah.
Tuesday 13 jun 2026 {HMC} Somalia’s federal cabinet said on Monday that it had voided all agreements previously signed with the United Arab Emirates, including deals covering defense cooperation, port management and security assistance, escalating a long-running dispute over Abu Dhabi’s direct dealings with Somalia’s regional authorities.
Government officials said the decision followed what they described as repeated breaches of Somalia’s sovereignty, citing agreements the UAE had concluded with regional administrations without the approval of the federal government. Under Somalia’s provisional constitution, foreign relations are reserved for the federal state.
The announcement came as the UAE began withdrawing military assets from Somalia, according to federal officials, days after Mogadishu barred Emirati military and cargo flights from Somali airspace. The government said the ban was imposed amid concerns about the use of strategic airfields and the expansion of foreign security activities beyond federal oversight.
Cabinet members framed the annulments as an effort to reassert national authority over international partnerships and critical infrastructure. At the same time, officials acknowledged that enforcement could be difficult, particularly in regions where Emirati-backed projects are already in operation.
Somaliland and shifting regional alignments
The dispute has unfolded against a changing regional backdrop, including Somaliland’s expanding ties with Middle Eastern countries. Earlier this month, Israel’s foreign minister visited Hargeisa shortly after Israel announced that it would recognize Somaliland’s claim of independence, a move that drew condemnation from Somalia’s federal government.
Mogadishu rejected the decision, saying it violated Somalia’s sovereignty and territorial integrity, and reiterated that Somaliland — which declared independence in 1991 — remains part of the Somali state. Officials in Hargeisa welcomed Israel’s decision, describing it as a diplomatic opening that could bolster security and economic prospects. They denied reports circulating in regional media that the relationship would involve foreign military bases or the relocation of refugees.
Ports, foreign investment and Somalia’s federal system
The UAE has for years been Somaliland’s most significant external partner. It maintains a trade mission in Hargeisa and has supported major infrastructure projects, including the expansion of the Berbera port, managed by the global port operator DP World. Berbera’s position along major shipping routes between the Red Sea and the Indian Ocean has increased its strategic value.
Somalia’s federal government has repeatedly objected to such arrangements, arguing that they bypass constitutional authority and encourage Somaliland’s push for international recognition. Similar disputes have surfaced in Puntland, where the UAE has supported port development and maritime security initiatives, and in Jubaland, where Mogadishu has expressed concern about foreign security assistance to regional administrations.
Analysts say the cabinet’s decision reflects a broader struggle over power, resources and foreign engagement within Somalia’s federal system. While federal leaders insist that all international agreements be handled through Mogadishu, regional authorities argue that security pressures and economic needs require direct engagement with foreign partners.
The annulment of the UAE agreements is likely to further strain relations between the federal government and regional administrations, even as Somalia seeks stability, investment and international support amid shifting alliances in the Horn of Africa.
Source Hiiraan online
Tuesday 13 jun 2026 {HMC} Somali National Army forces, working with international partners, carried out an overnight airstrike in the Middle Shabelle region that killed 17 militants and destroyed weapons and vehicles used in attacks on civilians, the military said Tuesday.
The strike took place late Monday in the Jabad Godone area, a location the army described as a planning site for militant operations, particularly bombings targeting civilians and public infrastructure.
In a statement, the Somali National Army said the operation eliminated fighters linked to the al-Qaida-affiliated group al-Shabab, which Somali officials often refer to as the Khawarij, a term used to describe extremist factions. The military said the strike also destroyed equipment and vehicles used to carry out attacks.
Officials said the operation was part of a broader campaign aimed at disrupting the group’s ability to organize and execute bombings in central Somalia, where militants continue to target civilians, security forces and government officials.
The army reaffirmed its commitment to sustaining planned operations against the group, saying the goal remains to restore security and stability and protect the Somali population.
Middle Shabelle has been a key battleground in Somalia’s long-running fight against al-Shabab. Despite sustained pressure from Somali forces backed by international partners, the group continues to operate in rural areas, using them as staging grounds for attacks.
The Somali government has said intensified military operations, including airstrikes and ground offensives, are essential to weakening the group’s operational capacity and preventing further attacks on civilians.
Talaado 13 jun 2026 {HMC} Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay amar cusub oo ku saabsan la-wareegidda hubka loo adeegsado dambiyada ka dhanka ah nabadgelyada guud, kaddib marka ay maxkamaddu xukun ku riddo dambiilaha.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in amarkan uu dhaqan-gelayo, islamarkaana uu ka tarjumayo masuuliyadda dastuuriga ah ee Wasaaraddu ka saaran tahay sugidda amniga guud iyo xakamaynta hubka sharci-darrada ah.
Wasaaraddu waxay sheegtay in hub kasta oo loo adeegsado fal dambiyeedyo wax u dhimaya nabadgelyada muwaadiniinta Galmudug, hantidooda iyo sharaftoodaba, laga la wareegi doono dambiilaha marka ay maxkamaddu xukun rasmi ah ku riddo.
Sida lagu caddeeyay amarkan, marka xukunka maxkamaddu dhaqan-galo, hubkii lagu galay dambigaas waxaa si rasmi ah maxkamaddu ugu wareejin doontaa Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug, si looga hortago in mar kale loo adeegsado falal amni-darro ah.
Wasaaradda Amniga Gudaha Galmudug ayaa fartay dhammaan hay’adaha ay khusayso amarkan, oo ay ku jiraan laamaha amniga iyo garsoorka, in ay si buuxda u fuliyaan amarkan, si loo xoojiyo nabadgelyada iyo kala dambeynta bulshada.
Talaado 13 jun 2026 {HMC} Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay shabaab ka abaabuli jireen falal argagixiso, gaar ahaan qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka, waxaana howlgalkaas lagu khaarajiyay 17 dhagarqabe oo ka tirsanaa argagixisada, sidoo kale waxaa howlgalka lagu burburiyay gabi ahaan hubkii iyo gaadiidkii ay Al shabaab u adeegsan jirtay falalkooda guracan, si loo xakameeyo dhagartooda.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ah in ay sii wadaan howlgallada qorsheysan ee lagu ciribtirayo shabaab, si loo ilaaliyo amniga, xasilloonida, iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.
Talaado 13 jun 2026 {HMC} Ugu yaraan 648 mudaharaadayaal ah ayaa la dilay intii uu socday olole xooggan oo lagu cabburinayo mudaharaadyada ka dhanka ah dowladda ee ka socda Iiraan, sida ay sheegtay hay’ad xuquuqda aadanaha ah.
Hay’adda Iran Human Rights oo fadhigeedu yahay Norway ayaa ka digtay in tirada dhimashadu ay aad uga sarreyso tan la sheegay, balse isgaarsiinta oo go’an darteed dalka oo dhan ayaa adkaynaysa in si madax-bannaan loo xaqiijiyo macluumaadka.
Horay, Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu ka fiirsanayo “khiyaarro aad u adag” oo uu ku faragelinayo dalka Iran, kaddib markii uu horay uga digay inuu tallaabo qaadi doono haddii mudaharaadayaal la dilo.
Talaado 13 jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Baarlamaanka Yurub, Roberta Mitzola, ayaa ku dhawaaqday mamnuuc guud oo lagu soo rogay dhammaan diblomaasiyiinta iyo wakiillada Iiraan ee doonaya inay galaan dhismayaasha baarlamaanka, taasoo ay ku tilmaantay jawaab celin ka dhan ah cabburinta mudaharaadyada Iiraan .
“Xaaladda sidan ma sii socon karto,” ayay Mitsola u sheegtay baarlamaanka. “Iyada oo shacabka Iiraan ee geesiya ahi ay sii wadaan halgankooda xuquuqdooda iyo xorriyaddooda, maanta waxaan go’aansaday in la mamnuuco dhammaan shaqaalaha diblomaasiyadeed iyo wakiillada kale ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan inay galaan dhammaan dhismayaasha Baarlamaanka Yurub.”
Guddiga Yurub ee arrimaha dibadda iyo Taliska Sare ee Midowga Yurub ayaa hore u sheegay in Midowga Yurub uu ka fiirsanayo in uu soo rogo cunaqabatayn dheeraad ah oo ka sii “adagsan” Iiraan, si looga jawaabo cabburinta xooggan ee mudaharaadyada dalkaas ka socda.