Home Blog Page 184

Shirkadaha Israa’iil ee ku dhawaaqay heshiis ganacsi ay la galaan Somaliland

0

Talaado 13 jun 2026 {HMC} Sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil, laba shirkadood oo Israa’iili ah oo kala ah VisiRight iyo Amore Capital, ayaa ku dhawaaqay iskaashi istaraatiiji ah oo lagu taageerayo ganacsiyada Israa’iil ee doonaya inay galaan suuqa jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

Hindisahan ayaa imanaya kaddib aqoonsigii dhowaan ay Israa’iil siisay somaliland, tallaabo diblomaasiyadeed oo soo jiidatay indhaha caalamka isla markaana iftiimisay fursado dhaqaale oo cusub oo ka curtay gobolka.

VisiRight iyo Amore Capital waxay qorsheynayaan inay ka caawiyaan shirkadaha Israa’iil, kuwaasoo u dhexeeya shirkadaha ka shaqeeya kaabayaasha dhaqaale iyo guryaha illaa shirkadaha cusub ee ku takhasusay maaraynta biyaha, tamarta la cusboonaysiin karo, iyo teknoolojiyada casriga ah, inay si wanaagsan u dhex galaan suuqa Somaliland.

Iskaashiga ayaa looga gol leeyahay ama higsanayaa fududeynta xiriirada hay’adaha dawladda, maamulayaasha, iyo ganacsatada maxalliga ah.

Somalia cancels all agreements with UAE over alleged sovereignty violations.

0

Monday 12 jun 2026 {HMC} Somalia has severed all agreements with the United Arab Emirates, annulling deals spanning key port operations, security cooperation and defence, citing “harmful actions” that undermine the country’s unity and sovereignty.

After the Council of Ministers announced the decision on Monday, Defence Minister Ahmed Moallim Fiqi said in a post on X that the move was based on “reliable reports and evidence indicating practices linked to the United Arab Emirates that undermine the sovereignty of the Somali Republic, its national unity and political independence”.

Somalia’s announcement appears to be linked to Israel’s recognition in December of Somaliland, a self-declared independent region in northwestern Somalia that broke away in 1991 but lacks international recognition, said Abdinor Dahir, an independent Somalia analyst.

“Many Somalis believe the UAE facilitated Israel’s recognition of Somaliland,” Dahir told Al Jazeera.

“The Somali cabinet’s decision [to cancel agreements] is therefore widely seen as a pushback against the UAE, which is accused of backing non-state actors and separatist forces in Africa, including the [paramilitary] RSF in Sudan,” Dahir said.

Abu Dhabi has long denied accusations that it is arming the Rapid Support Forces (RSF) in its war with Sudan’s military rulers.

While the UAE declined to sign a joint Arab-Islamic statement in December condemning Israel’s recognition of Somaliland, on January 7 it released a joint statement with the African Union pledging “support for Somalia’s sovereignty, territorial integrity, security and stability”.

Somaliland, which has declared independence from Somalia, has over the past decade emerged as a key hub for Emirati commercial and security investment, including a 30-year concession at the strategic Berbera port held by the UAE company DP World.

A government source close to the decision told Al Jazeera there was anger in Mogadishu at the UAE consolidating influence in Somalia’s breakaway and autonomous regions.

The Africa Center for Strategic Studies, a US-based think tank, estimates UAE investments across East Africa at roughly $47bn, representing 60 percent of all Gulf capital inflows into the region.

Somalia’s move also comes days after reports that Aidarous al-Zubaidi, leader of the south Yemeni separatist group the Southern Transitional Council, travelled to the UAE via Berbera port in Somaliland on January 8 after rejecting Saudi calls to attend talks in Riyadh.

Somalia’s immigration authority subsequently announced an investigation into what it described as the “unauthorised use of Somalia’s national airspace and airports”.

Somalia operates a federal system that grants member states significant autonomy, so it is not clear if they will abide by Monday’s decision.

Two states, Puntland and Jubaland, which have close ties to the UAE, have recently been in a dispute with the federal government over constitutional changes they oppose and issues surrounding the conduct of Somalia’s upcoming elections.

Meanwhile, Somaliland’s Minister of the Presidency Khadar Hussein Abdi dismissed Mogadishu’s authority.

“Somalia’s daydreaming changes nothing,” he said.

“The UAE is a trusted friend of Somaliland. They invested in Berbera when others doubted us. We are a nation of principles, and we stand by our friends.”

SOURCE Aljazeera

Somalia Ends All Agreements with the United Arab Emirates

0

Monday 12 jun 2026 {HMC} The Federal Government of Somalia has terminated all agreements with the United Arab Emirates, covering port operations, government institutions, and security and defense cooperation.

The Council of Ministers said the decision is necessary to protect Somalia’s sovereignty, territorial integrity, and national unity. It affects arrangements at the ports of Berbera, Bosaso, and Kismayo, as well as collaborations involving federal institutions and member states.

The government cited hostile and destabilizing actions by the UAE that threaten Somalia’s independence and political stability, violating international principles of sovereignty and non-interference under the UN, African Union, Organization of Islamic Cooperation, and League of Arab States.

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation will formally notify the UAE and inform Somalia’s regional and international partners. Somalia reaffirmed its commitment to cooperation based on mutual respect, recognition of its sovereignty, and adherence to constitutional and international law.

Farmaajo oo soo dhaweeyay Goaanka wadanka looga saaray imaaraadka carabta

0

Isniin 12 jun 2026 {HMC} Madaxweyne hore Farmaajo ayaa soo dhoweeyey go’aannada DFS ay kaga baxday heshiisyadii ay kula jirtay Imaaraadja Carabta:

 

“Dadka iyo Dowladda Soomaaliya waxa ay waajib ugu leeyihiin dalalka aan la wadaagno iskaashiyada iyo xiriirka saaxiibtinimo in ay dhowraan qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, laguna saleeyo xiriirrada labo geesoodka ah danaha wadajirka ah si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah.”

Soomaaliya oo xiriirka u jartay dawlada Imaraadka.

0

Isniin 12 jun 2026 {HMC} Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo cuskanaya  awoodahooda dasturiga ilaalinayana madaxbannaanida dalka,waxay qaateen go’aan ay ku difaacayaan midnimada, wadajirka dhuleed, iyo nidaamka dastuuriga ah ee dalka.

Golaha Wasiirada, iyaga oo si taxaddar leh u qiimeeyay xaaladihii u dambeeyay isla markaasna isticmaalaya awoodahooda dastuuriga ah, waxay burriyeen dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan hay’adaha maamulka dowladeed, kuwa la xiriira, iyo maamul-goboleedyada ka jira gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Go’aankaan wuxuu khuseeyaa dhammaan heshiisyada iyo wadashaqaynta ay ku joogeen dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo.

Golaha Wasiiradu waxay sida oo kale burriyeen dhammaan heshiisyada jira ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan heshiisyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.

Go’aankaan wuxuu la xiriiraa warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka.

Dhammaan falalkaan waxay ka soo horjeedaan mabaadil’ da gobonnimada, faragelin la’aanta, iyo ixtiraamka nidaamka dastuuriga ah ee dalka, sida ku cad Axdiga Qaramada Midoobay, Axiga Midowga Afrika, Axdiga Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Axdiga Jaamacadda Carabta oo dhammaantooda Soomaaliya ay qayb ka tahay.

Sida oo kale, waxay ka soo horjeedaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo caddeeyay mowqifkooda ay ku diidan yihiin falalka gurracan ee lagu dhibaataynayo madaxbannaanida iyo wadajirka dalka.

Sidaas daraadeed, Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxaa la farayaa in ay si rasmi ah u gaarsiiso Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta go’aannadaan kalana shaqayso hirgelintooda iyada oo sida oo kale gaarsiinaysa saaxiibada caalamiga iyo kuwa gobolka sida Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay isla markaasna caddaynaysa xuquuqda madaxbannaani ee dalka iyo awoodihiisa dastuuriga ah.

Go’aankaan waxay Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku caddaynaysaa masuuliyaddeeda iyo xuquuqdeeda madaxbannaani ee la xiriirta dhulkeeda, dekadaheeda, arrimaheeda amniga, iyo arrimaheeda dibedda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay oggoshahay iskaashi caalami ah oo ku dhisan is ixtiraam, aqoonsiga gobonnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya oo mid ah, iyo u hoggaansanaanta mabaadii da dastuuriga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Go’aankaan waxaa loo qaatay si waafaqsan danta guud ee Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya.

 

4 kamid ah Dowlad Gobleedyada dalka oo xiriirkii u jaray Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee DFS.

0

Isniin 12, Jan  2026 {HMC} Wasaaradaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowlad goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari ayaa maanta Warsaxafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ku shaaciyay inay gabi ahaanba joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxaysay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Warsaxafadeedka ay sida wadajirka ah u soo saareen afarta Wasaaradood ee dowlad goboleeyda Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Waqooyi Bari ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yahay mid ku yimid khilaaf soo jiitamayay oo la xiriira qaabka loo wajahayo wada shaqeynta, wadatashiga iyo is waafajinta arrimaha diinta iyo awqaafta ee dowladda goboleedyada iyo dowladda Fedaraalka.

Ilaalada Maduro wixii dhacay Markii mareykanka Soo xiraayeen Madaxweyanaha Venezuela.

0

Isniin 12, Jan  2026 {HMC} Ilaalada Maduro , ayaa markii u horreysay soo bandhigay wixii dhacay markii ciidanka Mareykanka ay ka soo ka xeysteen gurigiisa, xilli boqollaal askari oo ilaali ah ay joogeen, iyadoo sheekada laga soo bandhigay mid ka mid ah ilaalada madaxweynihii Venezuela oo hadda ku xiran Mareykanka uu sheegay , waxa habeenka dhacay inay ahayd wax aysan horey usoo arag, isla markaana ay awooddi waayeen inay ka hortagaan ciidanka ka xeystay Maduro.

Wuxuu intaa ku daray marka la waydiiyay sababta aysan u adeegsan hubkooda si ay uga hortagaan in Maduro la ka xeysto; ““Arrintu hub oo keliya ma ahayn. Hal mar waxay adeegsadeen wax aanan si fiican u sharrixi karin.

Waxay u ekeyd cod aad u xoog badan. Waxaan dareemay madaxayga oo gudaha ka qarxaya. Dhammaanteen sanka ayaan dhiig badan ka daadinay. Qaar baa dhiig matagayay.

Dhulka ayaan ku dhacay, mana dhaqaaqi karin.”

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt oo marka sheekadan warbaahinta ay baahisay dib ula wadaagtay , waxay tiri ; “Joojiya waxaad ka hadlaysaan oo akhriya sheekadan.” Hadal u muuqda ; Arag awoodda uu Mareykanka leeyahay!

Wafdi sare oo ka socda DFS Oo Qadar kulan kula yeesheen Madaxda sare ee Dowladda Qadar

0

Isniin 12 Jun 2026 {HMC}  Wafdi sare oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Dooxa, halkaasi oo ay kulan kula yeesheen Madaxda sare ee Dowladda Qadar.

Wafdigaan ayaa ka kooban Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ahna Ergay ka socda Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Cali Maxamed Cumar, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale, dhinaca Qadar waxaa matalaayay Dr. Maxamed Bin Cabdulcasiis Bin Saalax Al-Khulayfi, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qadar, waxaana laga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dowladood iyo aqoonsiga ISL ay sheegtay in ay siisay Somaliland.

“Qadar iyo Soomaaliya waxaa ay ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo arrimo muhiim u ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Dowladda Qadar.

Sidoo kale, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa mar kale xaqiijiyay mowqifka Qadar ee ah taageerada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, midnimadeeda iyo ka hortagista wax kasta oo kala goyn kara dalka.

Dalalka caalamka ayaa ku baaqay in la ixtiraamo midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, iyagoo ka hor yimid aqoonsiga Somaliland.

Dowladda Soomaaliya oo dalka ka mamnuucday diyaarado ay leeyihiin Imaaraadka Carabta

0

 

Isniin 12 Jun 2026 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday dhammaan diyaaradaha milatari iyo kuwa xamuulka ah ee ay leeyihiin ama ay kireysteen Imaaraadka Carabta inay galaan hawada sare ee Soomaaliya.

 

Go’aankaan dowladda Soomaaliya ayaa yimid ka gadaal markii la tuhmay in ay si qarsoodi ah u daabuleen hoggaamiyihii golaha goonigoosadka Koofurta Yamen oo taageero ka heleyay Imaaraadka Carabta Caliduruus Qaasin Cabdicasiis Al-Zubeydi, iyada oo aan wax ogeysiis ah la siin hay’adaha dowladda Soomaaliya, sida ay  saraakiil ka tirsan Hay’adaha Amniga.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil sar sare mid ka mid ah lix diyaarad oo xamuul iyo milatari ah oo Imaaraadku ku dejin jiray garoomada diyaaradaha ee Soomaaliya ayaa horey u jebiyay amarka dowladda federaalka laba jeer Jimcihii iyo Sabtidii.

Dowladda federaalka ayaa ku hanjabtay inay qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah. Go’aankan lagu mamnuucay duullimaadyada Imaaraadka ma saameynayo diyaaradaha rayidka ah, oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Go’aanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa yimid ka gadaal markii todobaadkii hore Caliduruus Qaasin uu ka soo baxsaday magaalada Cadan, isaga oo Berbera ku soo gaaray Doonmaha dheereeya, halkaas oo diyaarad ay leedahay Imaaraadka ka soo qaaday iyada oo ka dajisay Abu Dhabi, xilli ay sii martay garoonka Aadan Cadde.

Dowladda Soomaaliya oo arintaan ka hadashay ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waxaa lagu sheegay in ay socdaan baaritaanno la xiriira diyaaradda ama gaadiidka siday Ceydaruus Al-subeydi oo baxsad ka ah dadaallada nabadeynta dalka Yemen ee ay wado Dowladda Sacuudiga.

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty.

0

Monday January 12, 2026 {HMC}  The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held virtual bilateral talks on Monday with his counterpart, H.E. Dr. Cho Hyun, the Minister of Foreign Affairs of the Republic of Korea.

The discussions focused on strengthening bilateral relations and expanding cooperation between the two countries.

The ministers also reviewed several issues of mutual interest, including the presence of Republic of Korea naval forces in the Gulf of Aden, alongside broader regional and international developments.

The South Korean Foreign Minister reaffirmed the Republic of Korea’s full respect for the sovereignty and territorial integrity of the Federal Republic of Somalia and emphasized its commitment to international law and the principle of non-interference in the internal affairs of other states.