Home Blog Page 1815

Madaxweynihii Afrika ugu da’da weynaa oo shaki badani dul hoganayo

Jimco 11-Oct, 2024 {HMC} – Falanqaynta ku saabsan xaalka caafimaad iyo halka uu ku sugan yahay madaxweynaha Cameroon Paul Biya oo 91 jir ah ayaa noqday mawduuc aad looga hadal hayo guud ahaan Afrika toddobaadkan.

Ka dib markii uu ka qayb galay shirkii Shiinaha iyo Afrika ee Beijing horraantii Sebtembar, dadku aad ugama ay shakinin in uu shirkii loo dhamma ee Qaramada Midoobay ee New York ka dhacayey uu seegay..

Laakiin waxaa xaalku isbeddelay markii shirkii toddobaadkan ee dalalka Faransiiska ku hadla (La Francophonie) ee Viller Cotterêts, waqooyiga Paris, laga dhex arki waayey taas oo ka dhigan in aan lagu arag meel fagaare ah muddo bil ah.

Safiirka Cameroon ee Faransiiska ayaa se sheegay in madaxweynaha xaaladdisu fiican tahay, oo shaqadiisa wato.

Arrintan ayaana gaadhay heer Afhayenku dawladdu soo saro warsaxaafdeed uu arrinta la isla dhex marayo ku beeninayo.

Marka laga tago, xanta dul hoganaysa, waa madaxa ugu da’da weyn Afrika iyo kan labaad ee ugu muddada dheer, oo uu si dirqi ah kaga sarreeyo rikoorkaas madaxweyne Teodoro Obiang Nguema e dalka ay deriska yihiin Equatorial Guinea.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan Muxuu kusoo arkay xerada ay ku tababaranayaan Ciidamada Cirka Soomaaliyeed.

0

Jimco 11 Oct 2024 {HMC} Madaxweyne Xasan Muxuu kusoo arkay xerada ay ku tababaranayaan Ciidamada Cirka Soomaaliyeed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay Yaaku Sugan Goobahii Saakay Dagaalada ka dhaceeyn ee Baladweyne.?

0

Jimco 11 Oct 2024 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyay Yaaku Sugan Goobahii Saakay Dagaalada ka dhaceeyn ee Baladweyne.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Israa’iil oo Xalay Duqeymo Cirka ah ku ekeysay Magaalada Bayruut.

Jimco 11-Oct, 2024 {HMC} – Labo iyo labaatan qof ayaa ku dhintay 117 kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen bartamaha Bayruut fiidnimadii Khamiista, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.

Qaraxyo waaweyn Ayaa ka dhacay goobta weerarku ka dhacay ee Bachoura, oo ah deegaan yar oo Shiicadu ku badan yihiin oo ku yaalla caasimadda. Kooxaha gurmadka ayaa la arkayay iyagoo qodaya burburka goobtaasi.

Gawaadhida ambalaasta ayaa dad badan oo dhaawac ah ula cararay cisbitaalka jaamacadda Maraykanka.

Warar aan la xaqiijin oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in bartilmaameedka u muuqday inuu ahaa Wafiq Safa, oo ah sarkaal ay xidid ahaayeen hoggaamiyihii kooxda Xisbullah ee la dilay Xasan Nasrallah kaas oo dhanka ammaanka ee kooxda ka tirsan. Xafiiska warbaahinta ee Xisbullah ayaan ka hadlin.

Duqaymaha Israa’iil ayaa ku dhacay dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla xaafadaha Bachoura, Nweiri iyo Basta.

Weerarrada ayaa yimid ka dib laba maalmood oo degganaan ah caasimadda Lubanaan ka dib weerarro xooggan oo toddobaadyadii la soo dhaafay halkaasi ka dhacay.

Ma jirin wax digniin ah oo horay loo sii sheegay, ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaan ka hadlin.

Waa markii saddexaad ee Israa’iil ay duqaymo xagga cirka ah ku qaaddo magaalada ku taalla duleedka koonfureed ee Dahieh, halkaas oo ay marar badan ka geysatay duqeymo ay ku dishay taliyeyaasha Xisbullah, isla markaana ay burburisay bakhaaro rasaas ah.

Weerarka Beyruut ayaa yimid saacado kadib markii labo askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Indonesia lagu dhaawacay koonfurta Lubnaan kadib markii taangiyada Israa’iil ay ku garaaceen tawaarka ilaaalada , sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Taawarka indha-indhaynta ah oo ku taal saldhigga Qaramada Midoobay ee Naqoura ayaa si toos ah loo garaacay, taasoo keentay in nabad-ilaalinta ay dhacaan, sida ay bayaan ku sheegeen ciidamada ku meel gaadhka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan (Unifil).

Unifil waa ciidamo nabad ilaalin ah oo la abuuray 1978, kuwaas oo la socodka colaadaha iyo caawinta si loo hubiyo helitaanka bini’aadantinimo ee dadka rayidka ah ee koonfurta Lubnaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ciidamada Israel ay si isdaba joog ah u garaaceen fariisimaha Qaramada Midoobay 24-kii saac ee la soo dhaafay. Askarta Israa’iil ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay si ula kac ah u toogteen kamaradaha iyo nalalka laba saldhig oo kale oo Unifil ah.

IDF ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay rasaas ka soo rideen agagaarka saldhigga kadib markii ay ku amreen xubnaha saldhigga in ay ku sugnaadaan “goobo la ilaaliyo.”

Ku dhawaad 190 gantaal ayaa laga soo tuuray Lubnaan oo galay Israa’iil kooxda Xisbullah Khamiistii, sida ay IDF sheegtay.

Horaantii Khamiista, wasaaradda caafimaadka dadweynaha ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay tuulada Karak ee bariga Lubnaan ay ku dhinteen afar qof, ayna ku dhaawacmeen 17.

Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in dad gaaraya 1.2 milyan ay ka qaxeen guryahoodii sanadkii la soo dhaafay.

Colaadda gobolka ayaa sii kordhaysay tan iyo markii Xisbullah ay billaabeen inay gantaallo ku garaacaan waqooyiga Israa’iil 8-dii Oktoobar 2023, maalin kaddib dhammaan weerarradii lagu dilay Xamaas ee koonfurta Israa’iil, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 1,200 oo qof. 251 kale ayaa loo qaaday marinka Qaza oo hoy ahaan loo dhigay.

Labada nabad-ilaaliye dhaawacyo halis ah ma gaarin, laakiin waxay weli ku jiraan isbitaal, QM ayaa tiri, iyadoo intaas ku dartay in weerarrada ula kaca ah ee lagu qaaday nabad-ilaaliyadooda ay tahay “xadgudub weyn oo sharciga caalamiga ah.”

Dhacdo kale, askarta Israa’iil waxay rasaas ku fureen saldhig ku yaalla Naqoura, “waxay ku dhufteen albaabka godka ay nabad ilaalintu gabaad ka dhiganayeen, waxayna waxyeello u geysatay baabuur iyo nidaam isgaarsiineed,” ayay Qarammada Midoobay ku dartay.

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa sidoo kale lagu arkay iyada oo dul duulaysa albaabka laga galo.

Sidoo kale magaalada Naqoura, Xisbullah waxay sheegtay inay gantaallo ku garaacday askarta Israa’iil ee ku sugan dhulka, ayna adeegsatay gantaallo hagaya inay burburiyaan taangi ku sii jeeday aaggaas, taasoo keentay khasaare nafeed.

Hadda waxaa jira afar qeybood oo askarta Israa’iil ah oo ka dagaalamaya gudaha Lubnaan iyadoo ay sii wadayaan howlgallada dhulka ah ee ka dhanka ah Xisbullah, oo billowday 30-kii Sebtembar.

Afhayeen u hadlay Unifil ayaa sheegay Khamiistii in ciidanku “ay ka naxeen” ayna “aad uga walaacsan yihiin” dhaq-dhaqaaqa ciidamada Israa’iil ee aagga ay ku sugan yihiin ciidamada nabad ilaalinta.

Goobaha ay garaaceen ciidamada Israa’iil ayaa si aad ah loogu yaqaanaa goobaha Qaramada Midoobay, Andrea Tenenti ayaa tiri, isagoo intaas ku daray inay muhiim tahay in wadahadal lala yeesho mas’uuliyiinta Israa’iil “si loo fahmo waxa dhacay.”

XIGASHO BBC SOMALI

Muxuu Noqon Karaa Go,aanka Israel Kaga aargosaneyso Iran?

Jimco 11-Oct, 2024 {HMC} – Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in weerarka ay kaga aargoosan doonaan Iiraan uu noqon doono “mid halis ah, oo sidii loogu talogalay loo dhaca islamarkana la yaab leh”.

Yoav Gallant ayaa intaa ku daray in Tehran aysan fahmi doonin sida ay wax u dhaceen – laakiin ay arki doonaan uun natiijada.

Erayadiisa kulul ayaa daba socday wada hadal dhanka teleefoonka oo si aad ah loo wada sugayay oo dhex maray madaxweyne Biden iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa yeeshay wadahadlakan oo la rumeysan yahay inuu ahaa wadahadalkoodii ugu horreeyay muddo toddobaadyo.

Benjamin Netanyahu iyo Madaxweyne Biden ayaa loo rumeysan yahay inay ka wadahadleen jawaabta ay Israa’iil ka bixinayso weerarkii gantaallada ee Iiraan toddobaadkii hore iyadoo ay sii kordhayso xiisadda Bariga Dhexe.

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ay sidoo kale ku soo biirtay wadahadalka dhanka telefoonka ahaa muddo 30-daqiiqo ah.

Waxaa loo malaynayaa in wadahadalka uu daarnaa si Biden uu ugu qanciyo Israa’iil inay xaddiddo jawaabta ay ka bixinayso weerarka Iran. Iyadoo ka hadlayay shir jaraa’id, xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad – Kariin Joon-Pia – ayaa sheegtay in wadahadalku uu ahaa mid miro dhal ah:

Wax yar ka dib markii la soo gabagabeeyay kulankaas, wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in weerarkooda aargoosiga ah ee Iran uu noqon doono “mid adag oo aan khasaarihiisa la saadaalin karin.

“Ma fahmi doonaan waxa dhacay iyo sida ay wax u dhaceen, keliya waxay arki doonaan natiijada,” ayuu yiri Gallant.

Dhinaca kale waxaa weli socda dagaalka u dhexeeya Xisbullah iyo Israa’iil, iyadoo afar qof lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay tuulo Lubnaan ku taal meel u dhow magaalada koonfureed ee Sidon.

Magaalada yar ee Israa’iil ee Kiryat Shmona, lamaane ayaa lagu dilay gantaallo ay Xisbullah ka soo tuurtay Lubnaan.

Waxaana la sheegayaa inay yihiin shacabkii ugu horreeyay ee reer Israa’iil ah oo ku dhinta tan iyo markii uu dagaalka xudduudaha uu sii xoogeystay 12 maalmood ka hor.

Gantaallo ayaa sidoo kale lagu garaacay magaalada dekedda leh ee Haifa ee Israa’iil, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan shan qof.

Xisbullah ayaa labadii maalmood ee u danbeysay waxa ay bartilmaameed toos ah ka dhigteen magaalada dekedda leh ee Haifa oo ah magaalada seddexaad ee ugu wayn Israa’iil.

Xisbullah ayaa sidoo kale sheegtay inay fuliyeen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kuwaas oo ay ku ku garaaceen magaalada Haifa.

Magaaladaan ayaa leh dekedda ugu weyn Israa’iil waxaana mararka qaarkood ku soo xirta ciidamada badda ee Mareykanka.

Haifa ayaa sidoo kale leh warshado kiimikooyinka iyo goobo lagu sifeeyo shidaalka, waana magaalo uhiim u ah Israa’iil.

Gantaalada lagu weeraro magaaladaan ayaa sababi kara dhibaatooyin ballaaran oo soo gaara xarumo kala duwan oo muhiim u ah Israa’iil.

Dhanka kale haddii la weeraro xarumaha sifeeya shidaalka iyo kuwa kiimikooyinka waxaa ka dhalan kara khatar ku timaadda dadka iyo deggen magaalada Haifa.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay fulisay in ka badan 1,100 weerar oo dhanka cirka ah tan iyo markii duullaankeeda dhulka ah uu ka billowday koonfurta Lubnaan 30-kii Sebtembar.

Duqeynta Israel ee Lubnaan waxaa ku barakacay boqolaal kun guud ahaan dalka. Dowladda Lubnaan waxay sheegtay in ku dhawaad 1.2 milyan ay gudaha dalka barakacayaal ku yihiin iyadoo dad ka badan 400,000 oo intooda badan ay Suuriyaan yihiin ay u qaxeen dalka dariska la ah ee Suuriya.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in rubuc ka mid ah dadka Lubnaan ay Israel ku amartay in ay ka baxaan guryahooda iyadoo xaalada bani’aadannimo ay ka sii dareyso sida ay sheegeen hay’adaha OCHA iyo tan Qaramada Midoobay ee arrimaah bani’aadannimada.

Tuulooyin ka badan boqol oo ku yaal koonfurta Lubnaan ayaa dadka loo sheegay in ay ka baxaan.

Dagaal Sababay khasaaro oo ka dhacay Baladweyne.

0

Jimco 11-10-2024 {HMC} Dagaal ka bilow aroornimadii hore ee saakay magaalada Baladweyne ayaa goordhow soo dhamaaday kaas oo ka dhacay lama galay xarunta taliska guutada 5-aad Qeybta 27aad ee CXD.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay askar kala taabacsab Maamulka Hirshabelle iyo Hiiraan State, waxaana jira khasaaro la xaqiijiyay oo ka dhashay dagaalka dhacay saakay oo jimco ah.

Hal askari oo dhaawac uu kasoo gaaray rasaasta la is weydaarsanayay ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray kaas oo la geeyay isbitaalka guud ee gobalka Hiiraan ee Magaaladda Baladweyne.

Faragalin ay odayaasha dhaqanka sameeyeen ayaa la sheegay in lagu kala qaaday ragii saakay wada dagaalamay ee is hor fadhiyay tan iyo habeen kii xalay ahaa.

Saraakiisha amniga ee magaalada Baladweyne ayaanan wali ka hadlin dagaalkaan saakay ay ku waabariisteen shacabka magaaladda, halka Hiiraan state ay guulo ka sheegteen dagaalka.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {11.10.2024}

Jimco 11-Oct, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Yaasiin Ali Ahmed

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {10.10.2024}

Khamiis 10-October-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Abdirahman Macalin Muse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Kenya expects more IMF funding by year-end.

0

Thursday 10, Oct  2024 {HMC} Kenya expects more money from the International Monetary Fund by the end of the year and is in talks with the Fund about combining the seventh and eighth reviews of its support programme, its central bank governor said on Wednesday.

The East African country and the IMF reached a staff-level agreement on the seventh review of its $3.6 billion programme in early June.

But the review is yet to be approved by the Fund’s executive board after the government was forced to scrap proposed tax hikes and draw up spending cuts in late June in response to mass protests that turned deadly.

“We are in the final stages of an agreement (with the IMF). The fiscal framework has been agreed,” Governor Kamau Thugge told a news conference, a day after the Central Bank of Kenya cut its benchmark lending rate (KECBIR=ECI), opens new tab by another 75 basis points.
Kenya’s government has asked the IMF to conduct an official assessment of corruption and governance issues.

While not directly linked to the next disbursement, the assessment is an attempt to build goodwill with the Fund as it tries to get finances back on track.

Thugge also said on Wednesday that the central bank had been buying dollars on the foreign exchange market to boost Kenya’s buffers against potential short-term shocks.

The bank has previously said it has no preferred level for the shilling and only intervenes on the forex market to smooth out volatility.

Thugge said the exchange rate was being supported by dollar inflows from agricultural exports, remittances and foreign investor interest in local securities given high interest rates.

He reiterated the bank’s forecast for economic growth of 5.5% next year.

On Tuesday the bank lowered its 2024 growth forecast to 5.1% from 5.4% after slower growth in the second quarter.

Thugge said on Wednesday there could be scope for local interest rates to fall further given that the shilling exchange rate was stable.

Reporting by George Obulutsa Editing by Alexander Winning

Maxay ka wada-hadleen Afwerki, Siisi iyo Xasan Sheekh?

Khamiis 10-10-2024 {HMC}  Asmara — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii shalay booqasho ay uga billaabatay dalka Eritrea, xilli ay jirto xiisadda kacsan ee gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa oo aad u xumaaday.

Dhiggiisa Masar Abdel Fattah al-Sisi — oo dawladdiisu ay Soomaaliya kula safan tahay is-mari waaga Itoobiya — ayaa sidoo kale maanta gaaray Asmara, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Sisi.

Xasan oo goor dambe oo Arbacadii ah gaaray Asmara ayaa waxaa u billowday booqasho saddex maalmood ah oo uu ku casuumay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, isagoo hoggaaminaya wafdi uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi, sida ay Wasaaradda Warfaafinta Eritrea ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay X.

Waxa ay sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wadahadli doonaan wanaajinta xiriirka laba geesoodka ah iyo “arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dal danta u ah”.

Xafiiska Sisi ayaa sheegay in booqashadiisa Asmara ay diiradda saari doonto sidii loo dhisi lahaa xiriirka Eritrea iyo in uu wax ka qabto “dadaallada lagu dhisayo xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas, hab taageersan horumarka una adeegaya danaha shucuubta gobolka.”

Sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta Eritrea, saddexda hoggaamiye ayaa yeelan doona shir madaxeed saddex geesood oo looga hadlayo xoojinta xiriirka saddexda dal iyo sidoo kale arrimaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

Xiisada Geeska Afrika ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo markii Itoobiya ay bishii Janaayo heshiis muran badan dhaliyey la saxiixatay maamulka Somaliland, kaasi oo siinaya marin badeed ay muddada dheer raadineysay.

Heshiisku ayaa dhigayaa in Itoobiya oo aan bad lahayn ay Somaliland ka kiraysato dhul xeebeed ay ka sameysato saldhig ciidan iyo deked, balse waxa uu ka caraysiiyey dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ku falcelisay in ay ku dhowaato Masar oo ay is-hayaan Itoobiya, ayada oo labada dal ay saxiixeen heshiis militari oo weyn bishii August.

Qaahira ayaa waxya muddo is-hayeen Addis-Ababa, sababo la xiriira biyo-xireenka Dib u Curashada Weyn ee Itoobiya ay ka sameysay webiga Nile, kaasi oo ay sheegtay inuu halis ku yahay biyaha soo gaara.

Xiriirka Addis Ababa iyo Asmara ayaa sidoo kale dhowaanahan sii xumaanayey, inkasta oo ciidamada Asmara ay ku taageereen ciidamada dawladda Itoobiya dagaalkii arxan darrada ahaa ee 2020-2022 ee ka dhanka ahaa fallaagada Tigrayga.

Bishii hore shirkadda Ethiopian Airlines waxay sheegtay inay joojinayso duullimaadyadii ay ku tagi jirtay Asmara sababo la xiriira “xaalado shaqo oo adag”.

Eritrea oo loogu yeero “Kuuriyada Waqooyi” ee Afrika, waxaa gacan bir ah ku maamulayay Isaias tan iyo markii ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ka go’day Itoobiya 1993-kii kadib in ka badan 30 sano oo dagaal ah.