Khamiis 10 Oct 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Waxaa Caawa Warka So Jeedinaayo Wariye: Mustaf Cali Cadow
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY
Khamiis 10 Oct 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Waxaa Caawa Warka So Jeedinaayo Wariye: Mustaf Cali Cadow
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY
Khamiis 10 Oct 2024 {HMC} Beel kamid ah Beelaha Dega soomaliland oo Beeniyey eedeeymo lee jeediyey.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Thursday 10, Oct 2024 {HMC} Presidents Abdel Fattah Al-Sisi of Egypt, Isaias Afwerki of Eritrea, and Hassan Sheikh Mohamud of Somalia met in the Eritrean capital Thursday for a Tripartite Summit focused on strengthening relations between the three countries and addressing regional security concerns.
The summit, hosted by President Afwerki, signals a new alliance between the three nations. The Egyptian delegation included Abbas Kamel, chief of Egypt’s General Intelligence Service, and Foreign Minister Badr Abdelatty.
The meeting comes amidst rising tensions between Somalia and Ethiopia over Ethiopia’s illegal maritime agreement with Somaliland, a breakaway region of Somalia. The agreement has raised concerns among international stakeholders, including the African Union (AU), which has a mission in Somalia (AUSSOM).
Somalia is preparing to determine the composition of its upcoming AU Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) following the expiration of the current mission. Hussein Moalim, Somalia’s national security advisor, stated that Somalia will not allow Ethiopian troops to participate in the new mission unless Ethiopia withdraws from the agreement it signed with Somaliland earlier this year.
“Somalia would not consider Ethiopian troops to be part of the new mission unless it withdraws from the illegal memorandum of understanding signed with [Somalia’s breakaway region of] Somaliland earlier this year,” Moalim said Thursday in an interview with VOA Somali.
Somalia views the memorandum of understanding, signed in January, as a violation of its sovereignty and territorial integrity. The agreement grants Ethiopia access to a 20-kilometer stretch of the Red Sea coastline in exchange for potential recognition of Somaliland’s independence.
The agreement has led to a diplomatic rift between Somalia and Ethiopia, including the expulsion of the Ethiopian ambassador from Mogadishu and threats to remove thousands of Ethiopian troops stationed in parts of south and central Somalia.
Egypt and Eritrea both support Somalia’s sovereignty and oppose the agreement.
Egyptian President Abdel Fattah Al-Sisi has previously affirmed his country’s support for Somalia’s unity and stability, citing the country’s ongoing instability.
“We don’t support Somalia because of Ethiopia. We support them because they have been in a state of instability for 30 years,” President Al-Sisi said during a conversation with dignitaries on the sidelines of a ceremony for the graduation of a new batch of police academy graduates on Sunday.
President Al-Sisi’s comments follow a week of increased attention on Egypt’s role in supporting Somalia’s stability. Two weeks ago, a cargo ship carrying a significant amount of military aid from the Egyptian Armed Forces arrived in Somalia.
“We know our interests and we will choose between our allies and our enemies. Thank you, Egypt,” said Somalia’s Defence Minister Abdulkadir Mohamed Nur, emphasizing the strengthening of defence ties between the two countries.
The military support, one of the largest modern arms shipments Somalia has received from its international allies, marks a further step in solidifying Somalia’s growing influence on the global stage. This was the second military aid shipment sent from Egypt.
In August, Egypt and Somalia signed a defence pact and military cooperation protocol during a visit by Somali President Hassan Sheikh Mohamud to Cairo. The agreement reaffirms the commitment of both countries to strengthening bilateral ties and bolstering regional security.

Mohamed Samir
Khamiis 10-10-2024 {HMC} Weerar hubeysan ayaa lagu qaaday xarunta shirkadda tignoolajiyada iyo qalabka militari Israa’iil ee Elbit, xaruntan la weeraray ayaana kutaalla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.
Ciidamo katirsan booliiska dalka Sweden ayaa si deg deg ah u gaaray goobta weerarka lagu qaaday, waxa ayna booliiska war ay soo saareen ku shaaciyeen in falkan weerarka ah loo xiray wiil yar oo 15-sanno jir ah , kaas oo rasaas ku furay xaruntan.
War kasoo baxay booliiska dalka Sweden ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax khasaare nafeed ah ah oo ka dhashay rasaasta lagu weerarray xarunta shirkadan, waxa ayna xuseen booliiska in ay socdaan baaritaanno ku aadan weerarkan .
Booliiska Sweden ayaa dhawaan sheegay inay sare u qaadayaan ammaanka hantida iyo xarumaha diblomaasiyadda Israa’iil ee gudaha Sweden , kaddib weerar aan khasaare geysan oo maalmo kahor ka dhacay safaaradda Israa’iil ee Sweden.
Weerarkan lagu qaaday xarunta shirkadda Israa’iil laga leeyahay ayaa warbaahinta taageerta Israa’il ku sheegeen in ay ka dambeeyeen kooxda Foxtrot oo ay sheegeen inay fuliyaan howlgallada Yurub ee ka dhanka ah Israa’iil iyagoo taageerraya Iran.
Khamiis 10-10-2024 {HMC} Ciidamada booliiska maamulka Jubbaland, ayaa gacanta kusoo dhigay maandooriye badan oo xashiish ah, kaa oo lagu safrinayay doon, waxaana howlgalka doontan lagu qabtay ay ka dhacday xeebta Calanley ee magaalada Kismaayo.
Maandooriyahan ay booliiska qabteen oo ahaa kiishash Xashiish ah oo gaaraya 76 kiilo ayaa lagu soo badhigay xeebta Calanley, waxa ay sidoo kale ciidamada booliiska qabteen labo doon oo siday xashiishka la safrinayay.
Ciidamada booliiska maamulka Jubbaland , ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay shan nin oo kamid ah ragii waday xashiishkan tiraa badan , kuwaas oo la sheegay in ay rabeen in ay si qarsoodi ah ku soo galiyaan gudaha magaalada Kismaayo.
Hoggaanka qorsheynta iyo tababarada, ahna Afhayeenka qaybta booliska gobolka Jubbada Hoose, Dhame Shukri Faarax Ducaale ayaa sheegay in laamaha amniga heleen xogta doontan waday xashiishka badan, ayna sidaasi ugu suurto gashay in gacanta kusoo dhigaan xashiishka iyo raggii waday.

Khamiis 10 Oct 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Waxaa soo jeedinayo: Cabdi Rahmaan Macalin muuse
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN
Khamiis 10 Oct 2024 {HMC} Weerar lagu qaaday ceelasha shidaalka Israa’iil ee ku yaalla Mediterraneanka
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis 10-10-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiraxmaan Macalin & Sahra Gabre
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
Khamiis 10 Oct 2024 {HMC} Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Seattle Gobolka Washington ee dalka Maraykanka.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee SeaTac ku soo dhaweeyey qaar ka mid ah hoggaanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Washington oo si weyn ugu diyaar garoobay soo dhoweynta Wasiir Al-Cadaala iyo wafdigiisa oo qeyb uu ka ahaa xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Washington DC ee Mudane Abuukar Goley.
Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Seattle Marwo Sahra Faarax oo in ka badan 30 sano u adeegaysay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolkaas iyo xubno kale oo hormuudka Jaaliyadda ah ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta wafdiga wasiirka.
Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed Washington uga mahadceliyey soo dhaweynta wafdigiisa safarka shaqo ku jooga dalka Mareykanka, isagoo ka balan qaaday inuu waqti iyo kulamo la qaadan doono, warbixina uu ka siin doono xaaladda dalka.

Khamiis 10 Oct 2024 {HMC} Waxaa sii kordhaya dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee dalka Koonfur Afrika loogu geesanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi nolosha u raadsaday, waxaana saacadihii lasoo dhaafay dalkaasi dil iyo dhaawac loogu geestay wiilal Soomaaliyeed.
Kooxo burcad hubeysan ayaa xalay dukaan kuyaalla deegaanka Khayelitsha ee hoostaga magaalada Cape Town , ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Cabdi Xasan Cali, burcada ayaana wiilkan ku weeraray dukaankii uu ka shaqeenayay kuna dhax toogtay.
Dilka kaddib ayaa la sheegay in burcada hubeysan ay goobta isaga baxsadeen, ciidamo katirsan booliiska magaalada Cape Town oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa bilaabay baaritaanno, waxa ayna ciidamada sheegeen in ay ku raad joogaan dadkii dilka ka dambeeyay.
Dhinaca kale koox kale oo burcad ah ayaa xalay deegaanka Springs ee hoostagta magaalada Johannesburg ku dhaawacay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Xuseen Qalaafe, burcada ayaana la sheegay in dukaanka uu joogay wiilka ay dhaawaceen ay dhac ka geesanayeen.
Dilalka , dhaawaca iyo dhaca loo geesanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika , ayaa noqday kuwa dalkaasi joogta ka ah, mana jiraan wax muuqda oo laamaha ammaanka dalka Koonfur Afrika ka qabtaan dhibaatooyinka Soomaalida dalkaasi loogu geesto.