Home Blog Page 1823

{DAAWO MUUQAALKA} Dalada SOMA Oo Baladweyne ka Daah Furtay Kulan Looga Hadlayay Ilaalinta Xaquuqda Aadanaha.

Talaado 1,10-2024 {HMC} Dalada SOMA Oo Baladweyne ka Daah Furtay Kulan Looga Hadlayay Ilaalinta Xaquuqda Aadanaha.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Rag qaraxyo ka fulin rabay Muqdisho oo Laqabtay.

Talaado 1,10-2024 {HMC} Ciidamada Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Gacanta kuso dhigtay Rag Doonayey in ay qaraxyo ineey ka Geeystaan Magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} DFS oo dhagax dhigtay dhismaha waaaxda gurmadka deg dega ee isbitaalada Martiini iyo Banaadir

Talaado 1,10-2024 {HMC} DFS oo dhagax dhigtay dhismaha waaaxda gurmadka deg dega ee isbitaalada Martiini iyo Banaadir

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Dalada SOMA Oo Kulan ka Daah Furtay Baladweyne.

0

Talaado 01-10-2024 {HMC} Dalada Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA ayaa Magaalada Baladweyne Manta ku qabatay Kulan Looga Hadlayay Awood Dhisida Saxafiyiinta ee La Socodka Xaquuqda Aadanaha iyo Xorriyada Hadalka.

Kulanka waxaa ka qeeyb galay 15-qof oo iskugu jirtay Wariyaal, Boolis iyo Bahda Garsoorka Magaalada Baladweyne. Gudoomiyaha Wariyaasha Gobolka Hiiraan Mudane Jamaal Cali Cabdi oo daah furay Kulanka ayaa sheegay in Magaalada ay ka dhaceeyn Xad-gudubyo badan oo Bulshada la gaarsiiyay manta ayuu sheegay in Fursad weyn ay u tahay in Dalada Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA ay isku keentay Booliska iyo Wariyaasha sidii arimahan loo yareeyn lahaa.

Sidoo Kale Gudoomiye Jamaal ayaa dadka ka qeeyb galayo kulankan ugu baaqay in Dowlada ilaaliso Xaquuqda aadana, Si gaar ah Wariyaasha Baladweyne ku nool oo ku shaqeeyo Marxalad Adag oo Maamulo is-diidan ah, Si dhibaato aysan u gaarin.
Cabdirisaaq Axmed Hussein oo kamid ahaa macalimiiinta Cashirada Bixineeysay ayaa si Kooban uga Hadlay Ahmida Kulanka iyo ujeedka Laga leeyahay.

Cabdirisaaq Axmed Hussein oo kamid ahaa macalimiiinta Cashirada Bixineeysay ayaa si Kooban uga Hadlay Ahmida Kulanka iyo ujeedka Laga leeyahay. Waxaana uu sheegay in dhamaan dhinacyada goobta fadhiyo laga doonayo in Xaquuqda aadanaha ilaaliyaan.

Cabdifitaax Xaanshi Cismaan oo ku hadlayay Magaca Garsoorka ayaa sheegay in kulankan uu Ahmiyad gaar ah iyo Wada shaqeeyn u yahay Wariyaasha iyo bahda Cadaalada iyo Arimaha Garsoorka. Waxaana ay Balan qaadeyn in Xogta garsoorka ay Wariyaasha ku heli doonan si fudud.

Kulanka inta uu socday Wariyaasha iyo Booliska ayaa ka dooday Arimaha Xaquuqda Aadaha, Waxaana Booliska iyo Bahda Garsoorka ay goobta ka sharaxeeyn Kiisas ka dhacay Magaalada iyo sida lagu xaliyay.

Yuusuf Xuseen Ibraahin oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Baladweyne ayaa SOMA kaga Mahadceliyay isku Xirta iyo Wada shaqeeynta Booliska iyo Wariyaasha Baladweyne. Sargaalka ayaa sheegay in sanadkan 2024 aysan jirin Wariye Lagu xiray ama lagu xad gudbay Baladweyne taasi oo ah sida uu sheegay guul weyn oo la gaaray.

Sidoo kale Wariyaashii kulanka ka qeeyb galay oo ka kala socday Idaacadaha Magaalada ku yaalla ayaa Soo dhaweeyay kulankan, iyaga oo Dalada Warbaahinta Soomaaliyed ee SOMA Ka codsaday in la joogteeyo kulamadan Nuucan oo kale ah, si meesha looga Saaro Tacadiyada Wariyaasha ay la kulmaan.

Dalada Soomaaliyed ee SOMA oo taageero ka heleeyso Xafiiska UNSOM ayaa qabatay shirkan, waxaana Kulanka Gaba gabadiisa Lagu Balamay in laga wada shaqeeyo Sidii loo ilaalin lahaa xaquuqda Aadanaha.

{DAAWO SAWIRADA} Nisa oo Soo Bandhigtay Shabakad Ka Tirsan AS

Talaado 01-10-2024 {HMC}  Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa NISA oo howlgal culus ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa maanta gacanta kusoo dhigay shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnayd Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay taliska Nabad-Sugidda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay lagu qabtay 5 xubnood oo ku howlanaaa falal amni darro ah.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabkad ka kooban Shan xubnood, kuwaasi oo ku howlanaa falal amni darro inay ka gaystaan magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay NISA.

Sidoo kale waxaa hay’addu ay sheegtay in sidoo kale ciidamada ay soo qabteen hub uyo qaraxyo ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneysay inay ka gaysato gudaha caasimada.

“Sirdoonka Qaranka oo haayay xogta Shabakadaan ayaa ku guulaystay inuu mid mid u soo qabto, waxaana sidoo kale shabakadaan lagu qabtay Hub iyo Qaraxyo Khawaarijtu ay u qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan Shacabka Muqdisho” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo ay qoraalka lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana shacabka loogu baaqay inay qaataan doorkooda, si looga hortego amni darrada.

Maalmihii u dambeeyay laamaha ammanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xoojiyay howlgallada ay ka wadaan caasimada, si looga hortego weerarada kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliya oo Xilka Lagu Wareejiyay

Talaado 01-10-2024 {HMC}  Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka ka dagaya ee Ciidanka Booliiska Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin.

Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo taliyaha Booliiska ayaa u kuurgalay hannaanka shaqo ee hoggaannada iyo fadhiyada madaxabannaan ee ciidanka booliiska, waxa uuna wasiirka boggaadiyay shaqada ay hayaan taliska ciidanka booliiska.

Fartaag ayaa u kala wareejiyey galka guud iyo hoggaaminta shaqada Ciidanka oo uu si buuxda ula wareegey xafiiska taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed, taliyaha cusub ee ciidanka Boliiska S/guuto Asad Cusmaan Cabdulaahi.

Taliyaha ayaa faray saraakiisha in ay dardargeliyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

{DAAWO MUUQAALKA} G/maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Puntland oo isimada dhaqanka ku wareejiyey Nin Xukumane ah.

Talaado 1,10-2024 {HMC} G/maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Puntland oo isimada dhaqanka ku wareejiyey Nin Xukumane ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} “Adeegyo Caafimaad iyo Waxbarasho ayaan ka hirgilinaynaa meelaha laga xureyay AS” Wasiir Beenebeene

Talaado 1,10-2024 {HMC}“Adeegyo Caafimaad iyo Waxbarasho ayaan ka hirgilinaynaa meelaha laga xureyay AS” Wasiir Beenebeene

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 1 10 2024

Talaado 1,10-2024 {HMC}Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta  Hiiraanweyn.

Waxaa soo jeedinayo: Mustaf Cali Caddow

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN

{DAAWO MUUQAALKA} Maamulka Gobolka Banaadir oo mamnuucay in la jaro dhirta nacfiga leh.

Talaado 1,10-2024 {HMC}Maamulka Gobolka Banaadir oo mamnuucay in la jaro dhirta nacfiga leh.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA