Axad 29-Sep-2024 {HMC} Mareeykanka oo Shaaciyey Xiliga uu ciidamadiisa uu kala Baxaayo Dalka Ciraaq.
{DAAWO MUUQAALKA} Maxay tahay sababta loo xeerayo wadooyinka Waa weeyn ee Dalka kenya.?
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Maxay tahay sababta loo xeerayo wadooyinka Waa weeyn ee Dalka kenya.?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29.09.2024}
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo::Mustaf Ali Addow
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Miski Gabadhii taliyaha booliska hirshabelle ee Muqdisho lagu dilay – Dhacdo xanuun badan
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Miski Xasan Dhicisow oo aheyd gabadha Taliyaha qeybta guud ee Booliska HirShabeelle iyo saaxiibteed Foos ayaa shalay kamid noqday dadkii ku geeriyooday qaraxii ay AS ka geysteen Muqdisho, gaar ahaan dhabarka dambe ee guriga Hooyooyinka ee degmada Xamarweyne.
Miski iyo Foos waxaa halkaas ku celisay qadarta Alle, waxaana sidii ay u geeriyoodeen ka warbixiyey wiilal ay qaraabo ahaayeen oo la socday gabdhahaas.
Waxay ahaayeen koox dhalinyaro ah oo wadatay hal gaari, waxay istaageen banaanka maqaayadda Geeldoox oo ku taalla dhabarka dambe ee Guriga weyn ee Hooyooyinka, waxaana gaariga ka degay wiilashii oo maqaayadda qado u doontay.
Wiilashii oo hadda nool, kana badbaaday qaraxaas ayaa ka sheekeeyey qisadaan xanuunka badan, waxayna sheegeen in labada gabdhood ay diideen inay maqaayadda u raacaan oo lasoo qadeeyaan, waxayna ku hareen gaariga oo taagnaa banaanka maqaayadda, wadada dhinaceeda.
Mid kamid ah wiilasha ayaa u soo laabtay gabdhaha, isagoo u keenay cabitaan, balse waa ka diideen oo ma cabin, wiilkii ayaa ku laabtay maqaayadda si uu u soo qadeeyo, intaas kadib waxaa dhacay qaraxa oo ahaa mid gaari lagu soo raray.
Inkastoo nooca gaariga qarxay, in dhagarqabihii keenay uu saarnaa iyo inuu ka degay inta meesha dhigay aan weli si rasmi loo xaqiijin, hadana waxaa hubaal ah in qaraxa lagu soo raray gaari soo istaagay goobta, kaasi oo galaaftay noloshii Miski Dhicisow iyo saaxiibteed Foos, dhalinyaro ay ku jiraan.
Gabdhahaan ayaa gaariga laga soo dhex bixiyey iyagoo gubanaya, waxayna ku geeriyooday isla goobta, meydkooda ayaana lagu soo aasay qabuuraha Muqdisho.
Miski Xasan Dhicisow, gabadha Taliyaha Booliska Soomaaliya ee deegaanada HirShabeelle waxaa naloo xaqiijiyey in berri ay u socotay dalka Turkiga, halkaas oo Jaamacad ay ka dhiganeysay.
Markii ay geeriyoodeen Miski iyo saaxiibteed, inta aysan musiibadu ku dhicin waxay soo salaameen Ayeeyadeed, Hooyada dhashay Taliye Xasan Dhicisow, waana soo macasalaameysay, maadaama berri ay Turkiga u socotay, balse waa Shahiiday waxaana dishay gacan ka xaq daran.
Dhacdooyinka noocaan ah iyo kuwo kasii xanuun badan ayaa ka dhaca magaalada Muqdisho, inkastoo hadda la xakameeyey inta badan weerarradii AS, hadana khatar badan ayaa ka jirta caasimadda.
Tobnaan qof o Nepal ugu dhintay daadad
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Ugu yaraan 66 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Jimcihi ilaa Sabtidi shalay daadad iyo dhul go ka dhacay, iyadoo ay xirmeen waddooyinka ugu muhiimsan dalka taasoo keentay in ay carqalad ku timaaddo isu socodka gaadiidka cirka iyo dhulka.
Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay kororto kaddib marki lasoo wariyay in la la’yahay ku dhawaad 7 qof. Saraakiisha wasaaradda arrimaha gudaha ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dadka dhaawaca ah ay gaarayaan 60 qof..
Dadka dhintay ayaa intooda badan ku noolaa dooxada Kathmandu oo hooy u ah dad gaaraya 4 milyan oo ruux isla markaana ah caasimadda waddanka.
Shaqaalaha gurmadka oo adeegsanaya diyaaradaha qummaatiga u kaca iyo doonyaha caagga ah ayaa isku dayaya in ay dadka kasoo badbaadiyaan saqafka kore ee guryaha, kaddib marki ay biyaha garqiyeen guryaha joogga gaaban iyo gaadiidka intaba.
Wabiyada dalkaan ku hoos yaalla buurayaha Himilaya ayaa karkaarrada jabsaday kaddibna ku fatahay deegaannada, taasina waxay ka danbeysay kaddib marki ay guud ahaan gobolka Koofurta Aasiya ay ka da’een roobabka sannadka ee maansuunka.
Axmed Madoobe oo dalka ku soo laabtay iyo qorshe culus oo kasocda Magalada Kismaayo.
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo dhowr jeer dib u dhacay labadii billood ee la soo dhaafay ayaa la fillayaa in horaanta bisha October uu ka dhaco magaalada Muqdisho.
Madaxda shirkaas ka meer meereysay inay ka soo qeyb galaan waxaa kamid ah Madaxweynaha Jubbaland, balse hadda waxaa la sheegay inuu qorsheystay inuu ka soo qeyb galo.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, kadib howlo u gaar ah oo dalka dibaddiisa uga maqnaa maalmihii lasoo dhaafay.
Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo maanta ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda iyo dadweyne kala duwan.
Maalmaha soo socda waxaa lagu wadaa in Axmed Madoobe uu yimaado Muqdisho, si shirka golaha wadatashiga qaranka uu uga qeyb galo.
Madaxda dowladda federaalka ayaa juhdi badan gelisay, welina aan ka daalin, sidii shirka la isugu keeni lahaa madaxda dowlad goboleedyada dalka.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa kamid ah madaxda diidan inay Muqdisho yimaadaan, balse dowladda federaalka ayaa weli ku dadaaleysa xalka iyo in shirkaasi dhaco, si talo mideysan looga yeesho arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Ajendaha ugu weyn ee shirka lagu wado in madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay Muqdisho ku yeeshaan ayaa ah doorashooyinka iyo qaabka loo qabanayo, waxaana xusid mudan in dhamaan hoggaamiyaasha dowlad goboleedyada uu muddo xileedkii ka dhamaaday.
Hogaamiyasha Dunida oo si wayn uga falceliyay dilka Xasan Nasrallah
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Kaddib marki ay Xisbullah Sabtidi shalay xaqiijisay dilka hoggaamiyahoodii Hassan Nasrahallah, ayay xalay rag hubeysani rasaas kor u ridayeen gudaha caasimadda, halka goor hore la xiray inta badan goobaha ganacsiga, iyada oo ay taageerayaasha Xisbullah sheegeen in ay galeen xaalad naxdin ah.
Bayaan ay soo saartay shalay ayay Xisbullah ku xaqiijisay dilka Nasrallah, kaddib duqeyn cirka ah oo ay habeenki Jimcihi Isra’il ku bartilmaameedsatay xarunta dhexe ee Xisbullah ee koofurta magaalada Beyrut.
Dhanka kale hoggaamiyaha gobolka iyo kuwa caalamka qaarkood ayaa ka falceliyay dilka hoggaamiyaha Xisbullah.
Wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay, in jidka Nasrallah “uu sii socon doona, hadafkiisana lagu xaqiijin doonaa xoreynta Qudus”.
Madaxweyne Joe Biden ayaa Sabtidii ku tilmaamay weerarka Israel ay ku dishay Hezbollah Hassan Nasrallah “cabbir cadaaladeed” kaddib afartan sano oo uu malgeeyayay buu yiri falal argagixiso. Wuxuu kaloo sheegay in muddadi uu hoggaaminayay Xisbullah, ay kooxdu mas’uul ka aheyd dilka kumannaan Mareykan ah.
Madaxweynaha Turkiga Racep Tayep Erdogan ayaa isna qoraal uu soo dhigay barta X kaga hadlay xaaladda gobolka. Isaga oo aanan xusin magaca Nasrallah, ayuu Erdogan sheegay in uu cambaareynayo weeraradi ugu danbeeyay ee Lubnan, kuwaas oo uu ku sheegay in ay qeyb ka yihiin siyaasadda Isra’il ee xasuuqa, qabsashada iyo duullaanka.
Dunida Muslimka ayuu ugu baaqay in ay muujiyaan mowqif ka badan go’aan qaadasho.
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28.09.2024}
Sabti 28-Sep-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu Soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :Abdirahmaan Ahmed Maaskaro
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa Ka Jiro in Guddoonka Golaha Shacabka uu Qabtay Mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ?
Sabti 28-Sep-2024 {HMC} Maxaa Ka Jiro in Guddoonka Golaha Shacabka uu Qabtay Mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyey Soomaaliya iyo Caalamka.
Sabti 28-Sep-2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.



