Axad 29-Sep-2024 {HMC} Wasiir Xaange oo lagu soo Dhaweeyey Gobolka Minesota.
{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Dowladda oo Burburiyey Maxkamad iyo Xarumo AS ay lahaayeen.
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Ciidamada Dowladda oo Burburiyey Maxkamad iyo Xarumo AS ay lahaayeen.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Madaxweyne Geelle oo la dhigay Isbitaal iyo xaaladiisa oo adkaatay.
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xaalad caafimaad loo dhigey Isbitaal ku yaalla dalka Faransiiska.
Madaxweynaha oo isku diyaarinayay inuu magaalada New-York ee dalka Maraykanka kaga qayb-galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa xanuunsaday, iyadoo la dhigey Isbitaal ku yaalla Faransiiska.
Ilo-Wareedyo kala duwan oo ku sugan gudaha dalka Jabuuti ayaa xaqiijiyay Xanuunka Madaxweyne Geelle, iyadoo shacabka dalkaasi uu warkani si weyn ugu dhex faafay.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dawladda Jabuuti kaasoo ku saabsan xaaladda madaxweynaha balse wararka qaar ayaa sheegaya in xaalkiisu culus yahay.
Ilo wareeedyo aya sheegaya in madaxweynaha uu la ildaran yahay faalig ama dhiig ku furan, balse soo noqnoqday iyo dhiigkar aan degaynin.
Ismaaciil Cumar Geele waa 77 jir dhashay sanadkii 1947kii, kuna dhashay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya. Waxa uu qabsaday xilka madaxweyne ee dalka Djibouti sanadkii 1999kii, 25 sano ka hor, markii uu xilka ka degay adeerkii Xasan Guuleed Abtidoon oo isna ku dhashay degaanka Qulujeed ee degmada Saylac, ee Somaliland isna oo ahaa madaxweynihii ugu horeyey ee sanadkii 1977kii ilaa iyo 1999kii.
Djibouti waa dalka kali ah ee ilaa iyo madaxbanaanidiisii ay soo mareen laba madaxweyne, isla markaana dadkiisu haysan madaxbanaani xaga xoriyada hadalka. Goleyaashiisa deegaanka iyo Wakiilada waa kuwo aan awood lahayn oo toos looga maamulo madaxtooyada.
Djibouti waxa lagu tilmaamaa dalka Afrika ee hal qoys ka taliyaan. Ismaaciil haddii uu meesha ka baxo wax talada sii haysan doona isla qoyskiisa oo awoodaha dalka gacanta ku haya heer kasta.
Dad shacab ah oo lagu afduubtay xadka ay wadagaan gobolka Bakool iyo dowlad deegaanka Soomaalida.
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta dad shacab ah lagu afduubtay deegaan dhaca xadka ay wadagaan gobolka Bakool iyo dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo ay weerar ka gaysteen maleeshiyaad hubeysan.
Dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in maleeshiyaadka ay yimaadeen deegaan u dhow degmada Rabdhuure, isla markaana ay halkaasi ka kaxeysteen illaa 8 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan dhalinyaro, carrruur iyo dad waa waynba.
Maleeshiyaadka afduubka gaystay ayaa lasoo wariyay inay isku soo ekeysiiyeen ciidanka Liyu Boolis ee dowlad deegaanka, kadibna ay xoog ku wateen dadkaasi rayidka ah.
Lama oga halka ay la aadeen, waxaana arrintan ay cabsi xoogleh ku abuurtay dadka shacabka ee ku dhaqan gobolka Bakool, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhacdadan afduubka ah ay salka ku heyso xiisad la xiriirta aano qabiil oo ka taagan halkaasi, taas oo muddooyinkii u dambeeyay kasii dareysay, waxaana jiray dad kala duwan oo horay loogu afduubtay halkaasi.
Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Bakool iyo sidoo kale mas’uuliyiinta dowlad deegaanka oo ku aadan shacabka lagu afduubtay halkaasi.
Xaalad kacsanaan ahaa weli laga dareemayaa aagga degmada Rabdhuure oo ah halka laga kaxeystay shacabka, waxaana soconayo dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan maleeshiyaadka ku sugan halkaasi.
{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirma Arimaha Gudaha oo ka qeyb galaya shir ka Furmaya Turkiga
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Wasiirma Arimaha Gudaha oo ka qeyb galaya shir ka Furmaya Turkiga
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Taliyaha Taraafikada Baydhabo oo Amar kasoo saaray Gaadiidka isticmaala wadooyinka
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Taliyaha Taraafikada Baydhabo oo Amar kasoo saaray Gaadiidka isticmaala wadooyinka
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirma Arimaha Gudaha oo ka qeyb galaya shir ka Furmaya Turkiga
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Wasiirma Arimaha Gudaha oo ka qeyb galaya shir ka Furmaya Turkiga
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Duqa Magaalada New york oo Maxkamad Lasoo taagay.
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Duqa Magaalada New york oo Maxkamad Lasoo taagay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Odayaasha Beesha Mareexaan oo Dagaalka Laandheer ku eedeeyey Beelaha Hiraab iyo Irir Samaale…
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Odayaasha Beesha Mareexaan oo Dagaalka Laandheer ku eedeeyey Beelaha Hiraab iyo Irir Samaale…
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Haweenka Beesha faramage samatalis oo booqasho ugu tagay ugaaska Beesha Xawaadle ugaas yuusuf
Axad 29-Sep-2024 {HMC} Haweenka Beesha faramage samatalis oo booqasho ugu tagay ugaaska Beesha Xawaadle ugaas yuusuf



