Home Blog Page 1842

RW Xamse Abdi Barre oo Mareykanka kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

0

Khamiis 26-Sep-2024 {HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulan kula yeeshay, Molly Phee, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika.

Kulanka dhaxmaray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Kaaliyaha Mareykanka ee Arrimaha Afrika ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka argagixisada, amniga gobolka Geeska Afrika

Waxa ay sidoo kale Xamse Barre iyo Molly Phee kawada hadleen qaabka ay labada waddan ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay iskula shaqeyn lahaayeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ay xubinnimadeeda qaadan doonto sannadka cusub.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New Yourk ayaa kulamo kula qaadanaya madax kala gedisan, waxa uuna kala hadlayaa xaalada Soomaaliya iyo sidii dowladda taageero dheeraad ah u heli laheyd.

Ciidanka Doowladda oo Weerar Ku Qaaday Goob aay Ku Shirayeen AS

0

Khamiis 26-Sep-2024 {HMC} –  Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ku beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab, kuwaa oo la sheegay in xilliga ay ciidamada beegsanayeen ay ku sugnaayeen deegaan hoostaga gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamo katirsan guutooyin Gorgor iyo 14-ka October ay fuliyeen howlgal lagu beegsaday dagaallamayaal iyo horjoogayaal Al Shabaab katirsan, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Jowhar-Awdheegle oo 5 KM u jirta degmada Awdheegle.

Howlgalka ciidanka xoogga dalka fuliyeen ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay kooxda Al Shabaab isugu yimaadeen, waxaana goobtaasi ka socday shirar iyo abaabul dagaal ay wadeen saraakiisha iyo xubnaha kale ee katirsan Al Shabaab ee goobtaasi lagu weeraray.

Ciidanka Guutada 175-aad ee Gorgor iyo Guutada 146-aad ee 14-ka October ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgalkan qorshaysan, waxaana wararku sheegayaan in howlgalkan khasaaro kala duwan lagu gaarsiiyay xubnihii katirsanaa Al Shabaab .

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Loo Magacaaway Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi.

0

Khamiis 26-Sep-2024 {HMC} –  Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kualankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi.

Taliyaha cusub ee ciidanka Booluuska Soomaaliya ee Goluhu ansixiyey, ayaa ah sarkaal aqoon iyo khibrad u leh arrimaha ciidammada, isaga oo intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2018 soo noqday Taliyaha Ciidanka Amniga Puntland ee PSF.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale looga hadlay qodobo kale oo muhiim ahaa.

Magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayay, waxa ayna magacaabistan imaaneysaa xilli taliyihii hore ee ciidanka booliiska xalay loo magacaabay in uu noqdo wasiir kuxigeen.

{DAAWO MUQAALKA} Maxuu ka yiri Wasiirka Amniga Gudaha Gudaha magacaabista Taliyaha cusub ee Booliska General Asad.?

0

Khamiis 26-Sep-2024 {HMC} Maxuu ka yiri Wasiirka Amniga Gudaha Gudaha magacaabista Taliyaha cusub ee Booliska General Asad.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Xiligan Kuso Beegay Magacaabista Taliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliya?

0

Khamiis 26-Sep-2024 {HMC} Maxaa Xiligan Kuso Beegay Magacaabista Taliyaha Cusub ee Booliska Soomaaliya?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Chinese embassy in Somalia marks 75th anniversary of People’s Republic of China

0

Thursday 26-Sep-2024 {HMC} The Chinese Embassy in Somalia hosted a reception on Tuesday in Mogadishu, the country’s capital, to mark the 75th anniversary of the founding of the People’s Republic of China.

The event was attended by members of the Somali Parliament, ministers, diplomats and representatives of regional organizations.

Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe, speaker of Somalia’s lower house of the parliament, congratulated China on its 75th anniversary, expressing wishes for continued achievements and prosperity for its government and people. He also said that China’s support to Somalia and other African countries has been pivotal in their socio-economic transformation.

“On behalf of the Federal Government of Somalia, I extend warm congratulations to the People’s Republic of China on its 75th anniversary and to the Chinese Embassy in Somalia,” said Salah Ahmed Jama, Somalia’s deputy prime minister. He expressed optimism about strengthening ties between the two nations.

Chinese Ambassador to Somalia Wang Yu reflected on the longstanding friendly relations between China and Somalia. “We will continue to enhance mutual political trust and firmly support each other on core interests and major concerns. China will also work with the international community to support Somalia in safeguarding its national sovereignty and territorial integrity,” Wang said.

“I am confident that through joint efforts, the China-Somalia strategic partnership will thrive and bring more tangible benefits to both peoples,” he added.

SOURCE

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye Samaale “Xisbiga KULMIYE Waa Xisbi Laba Koob Oo Hore Qaadey Hadana Qaadaya Kii Saddexaad”

0

Khamiis 26-Sep-2024 {HMC} Gudoomiye Samaale “Xisbiga KULMIYE Waa Xisbi Laba Koob Oo Hore Qaadey Hadana Qaadaya Kii Saddexaad”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} ‘Gaadiidleyda Gobolka Hiiraan Oo War Kasoo saaray go’aanka Isbaaro Lagu Qaadayo

0

Khamiis 26-Sep-2024 {HMC} ‘Gaadiidleyda Gobolka Hiiraan Oo War Kasoo saaray go’aanka Isbaaro Lagu Qaadayo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.09.2024}

Khamiis 26-Sep-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wafdi u Socda Nabadeeynta Magaalada Boosaaso oo Gaaray Puntland

0

Khamiis 26-Sep-2024 {HMC} Wafdi u Socda Nabadeeynta Magaalada Boosaaso oo Gaaray Puntland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA