Home Blog Page 1846

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu yahay Dalabka Cusub ee Dowladda itoobiya u Dirtay Midowga Afrika.?

0

Arbaco 25,Sep 2024 {HMC} Muxuu yahay Dalabka Cusub ee Dowladda itoobiya u Dirtay Midowga Afrika.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 25-09-2024

0

Arbaco 25-09-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Daacad & Sahra Gabre

Farsamadii ::Mohamed Baryare

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

Gantaalada ridda Dheer oo Lagu garaacay Magaalada Tel Aviv

0

Arbaco 25-Sep-2024 {HMC}  Ururka Xisbullah ayaa saakay qaaday weerarkii u horreeyay oo ay ka geysteen Tel Aviv , kaddib markii gantaalka riddada dheer ee ballistic-ga ah “Qadr-110” ay la beegsadeen xarunta dhexe ee hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad oo ku taalla duleedka Tel Aviv, iyagoo sheegay weerarkan inay uga jawaabayaan qaraxyadii nidaamka isgaarsiinta Xisbullah.

Ma jiro khasaare weerarkan laga soo bandhigay, xilli Israa’iil ay sheegatay in nidaamkooda difaaca uu ka hortagay gantaalkan oo ah gantaalkii u horreeyay ee riddada dheer oo ay Xisbullah ku weerarrayso Tel Aviv, tan iyo inta Israa’iil ay ballaarisay duulaankeeda Lubnaan.

Waa markii u horreysay oo la oggaanayo inay ururka Xisbullah heysato gantaalka ballistic-ga ah ee Qadr-110 oo ay soo saarto dowladda Iran, horey waxaa loo oggaa kaliya Xuutiyiinta dalka Yemen inay gantaalkan ku hubaysay Iran.

Qadr-110 , wuxuu leeyahay madax qarxa oo leh culeys 1,000 kg , taa oo ka dhigan inuu burbur xoog leh ka geysan karo masaafada uu gaari karo oo u dhaxeysa 1,350 km illaa 1,950. Isku darka culeyskiisa guud ayaa sidoo kale ah 17, 480 kg.

Wuxuu u muuqdaa weerarkan sidoo kale farriin ay ku sheegayso Xisbullah inay wali xoogan tahay, tan oo walaac ku ah Israa’iiliyiinta oo ka fakaraya haddii hal gantaal uu nidaamka difaaca celiyay ka warran boqollaal gantaal oo ka badan tirada uu celin karo nidaamkan, markaa oo ay arki karaan burbur weyn oo gaara, iyadoo wax walba ay ka sameynayso Israa’iil si aan xad lahayn gudaha Lubnaan ,.

Sidoo kalena khasaarihii ugu sarreeyay uu gaaray Xisbullah , wali kooxda reer Lubnaan waxay u muuqataa inay ka foganayso dagaal dhab ah oo ay la gasho Israa’iil, laakin si cad marxaladan waxaa muuqanaysa inuu Netanyahu sameyn doono wax walba si uu dagaalka ugu soo jiido Xisbullah.

Abdiraxmaan Abdishakuur oo cambaareeyay Safarkii saakay loo diiday xildhibaan wiilkiisa dhintay

0

Arbaco 25-Sep-2024 {HMC}  Waxaa saakay loo diiday in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofo Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cismaan ( Ciiro ) oo kusii jeeday magaalada Baydhabo uu sheegay in uu uga qeyb gali lahaa tacsida wiil uu dhalay oo geeriyooday.

Ciidamo katirsan hay’adda nabadsugida Soomaaliya ayaa xildhibaanka u diiday in uu garoonka ka baxo uuna aado magaalada Baydhabo, waxa ayna xildhibaanka danta ku qasabtay in uu dib uga soo laabto garoonka Aadan Cadde markii ay dhooftay diyaaradii uu raaci lahaa.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul u cambaareeyay safarka saakay loo diiday xildhibaan Ciiro in Baydhabo ugu baxo, waxa uuna xusay in tani xadgudub ku tahay xurriyadda safarka iyo sidoo kale dastuurka dalka u yaalla.

”Waxaan canbaaraynayaa safarka ay maanta hay’adda Nabadsugidda ka xanibtay xildhibaan Maxamad Sheikh C/llaahi (Ciro) oo u safrayey magaalada Baydhabo. Waa xildhibaankii labaad oo safar loo diido. Xorriyadda safarka waxa ay ka mid tahay xuquuqda aasaasiga ah ee dastuurku u damaanad qaaday muwaadinka, kumana sii jiro xildhibaan xasaanad leh” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in safar u diidista xildhibaannada iyo hanjabaada Madaxweynaha ee muujineyso saan saan halisteeda leh, isagoona xusay in ku takrifalka awoodda iyo xadgudbka yahay kii dalkeena u horseeday bur burka iyo kalataga.

”Safar u diidista xildhibaannada iyo farriimaha hanjabaadda ah ee Madaxweynuhu ka soo jeedinayo Masjidka ee ah in saqda dhexe guryaha la iskugu soo daadanayo waa saansaan halisteeda leh. Ku takrifalka awoodda dowladda, ku tumashada xuquuqda muwaadinka, xorriyad ka xayuubinta, caga-juglayska, maquuniska iyo kalitisnimadu waa sababihii keenay burburka dowladda, welina caqabadda ku ah dhismaheeda;; ayuu yiri xildhibaanka.

Khilaafka u dhaxeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo Villa Soomaaliya ayaana sababay in xildhibaannada qaar laga hor istaago in ay u safraan magaalada Baydhabo, taas oona xildhibaannada mucaardaka walaac ka muujiyeen sida ay madaxda dowladda hadda u dhaqmayaan.

Garoonka Aadan Cadde oo Laga Ciliyay Xildhibaan Ka Tisan BJFS

0

Arbaco 25-Sep-2024 {HMC}  Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa saakay loo diiday in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, xildhibaankan ayaana la sheegay in uu kusii jeeday magaalada Baydhabo oo laga soo doortay.

Ciidamo katrirsan hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ayaa u diiday Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cismaan ( Ciiro ) in uu ka dhoofo Muqdisho, waxaana xildhibaanka lagu wargaliyay in uusan u dhoofi karin magaalada Baydhabo uu kusii jeeday.

Maalmo kahor ayaana sidaan oo kale ciidanka nabadsugida ugu diideen in magaalada Baydhabo aado xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdullaahi, waxaana labo maalin kaddib xildhibaannada loo ogolaaday in ay aado magaalada Baydhabo.

Dowladda Soomaaliya ayaana ka hadlin sababaha ay xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed loogu diidayo in ay u dhoofaan magaalada Baydhabo, waxa ayna arrintan muujineysaa in wali khilaaf xooggan ka dhax jirio Villa Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Khilaafka u dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo Madaxweyne Laftagareen ayaana gaaray meeshii ugu xumeyd muddooyinkan, waxaana marar badan fashilmay waan waan lagu doonayay in khilaafka labada dhinac ka dhax jira xal loogu helo.

{DAAWO MUQAALKA} “Waxaa rajaynayaa Khaatumo Garacad dakadooda noqoto”Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdillaahi.

0

Arbaco 25,Sep 2024 {HMC} “Waxaa rajaynayaa Khaatumo Garacad dakadooda noqoto”Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdillaahi.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaano iyo Masuuliyiin Maanta loo Diiday ineey ka Baxaan Garoonka Aadan Cadde.

0

Arbaco 25,Sep 2024 {HMC}  Xildhibaano iyo Masuuliyiin Maanta loo Diiday ineey ka Baxaan Garoonka Aadan Cadde.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} WAR DEG DEG AH:-Buuq ka dhax Billowday Xarunta Golaha shacabka.

0

Arbaco 25,Sep 2024 {HMC}  WAR DEG DEG AH:-Buuq ka dhax Billowday Xarunta Golaha shacabka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Nin u dhashay kuuriyada waqooyi oo QIrtay inuu Dilay Saaxibtiis.

0

Arbaco 25,Sep 2024 {HMC}Nin u dhashay kuuriyada waqooyi oo QIrtay inuu Dilay Saaxibtiis.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Magaalada Gaalkacyo oo laga Daah Furay ololaha Talaalka Cudurka Jadeecada.

0

Arbaco 25,Sep 2024 {HMC} Magaalada Gaalkacyo oo laga Daah Furay ololaha Talaalka Cudurka Jadeecada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA