Home Blog Page 1847

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub.

0

Arbaco 25-Sep-2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula yeeshay madasha shirka Qaramada Midoobay ee New York, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber.

Ra’iisul Wasaare Xamse Barre iyo Wakiilka Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa EU iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.

Waxa ay isla soo qaadeen labada masuul caqabadaha soo wajahaya gobolka Geeska Afrika, iyagoo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo amniga iyo nabadda gobolka, lagana horgago xasaradaha.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb galaya madasha shirka Qaramada Midoobay ee New York, ayaa halkaasi kulamp duceedyo kula qaadanaya madax kala duwan oo New York u tagay ka qeybgalka shirka.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Booliska Pakistaan Oo Toogtay Nin Aflagaadeeyay Diinta Islaamka.

0

Arbaco 25,Sep 2024 {HMC}  Ciidamada Booliska Pakistaan Oo Toogtay Nin Aflagaadeeyay Diinta Islaamka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Bulshada Yaridka Gaalkacyo oo DFS Usoo Jeediyay Waxkabadalka Dastuurka

0

Arbaco 25,Sep 2024 {HMC} Bulshada Yaridka Gaalkacyo oo DFS Usoo Jeediyay Waxkabadalka Dastuurka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wafdi ka socdo Puntland oo gaaray Dagmadda Carmo ee Gobolka Bari.

0

Arbaco 25,Sep 2024 {HMC} Wafdi ka socdo Puntland oo gaaray Dagmadda Carmo ee Gobolka Bari.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Sidee loo heshiisiin Sidee loo heshiisiin karaa dadka Somaliyeed.

0

Arbaco 25,Sep 2024 {HMC} Sidee loo heshiisiin karaa dadka Somaliyeed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {25.09.2024}

Arbaco 25-Sep-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

SSC Khaatumo oo digniin adag u dirtay maamulka Puntland

0

Arbaco 25-Sep-2024 {HMC} Maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo ayaa si kulul uga horyimid talaabo uu qaaday maamulka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka SSC Khaatumo Najiib Barkhadle Warsame ayaa xadgudub iyo meel ka dhac ku tilmaamay in Puntland ay sheegato qeybo ka mid ah dhulka SSC Khaatumo.

”Waa wax aan sinaba loo aqbali karin, in maamulka aanu deriska nahay ee Puntland, uu sheegto dhulka Dowladda SSC-Khaatumo qaar ka mid ah, waa xad-gudub iyo meel kadhac dawladda SSC-Khatumo ay uga digayso maamulka Puntland” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta SSC Khaatumo Najiib Barkhadle Warsame.

Wasiir Warfaafinta SSC Khaatumo ayaa sidoo kale uga digay hay’adaha arintaan ka qayb qaadanaya iney ka fogaadaan wax walba oo keeni kara khatar amni oo ka dhalan karta murun dhuleed, wuxuuna xusay in SSC Khaatumo ay diyaar u tahay inay difaacato dhulkeeda iyo dadka degan.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiir Najiib Barkhadle Warsame ayaa kusoo aadaya, iyadoo Puntland ay qorsheyneyso iney ka hirgelineyso qaybo ka mid ah Sool iyo Cayn Mashaariic ay ka heshay dowlada Jarmalka, taasoo ay fulineyso Hay’adda Uniceif ee Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA} Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shiinaha ka codsaday in soomaaliya ay ka teegerto dhinaca…..

0

Arbaco 25,Sep 2024 {HMC}  Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Shiinaha ka codsaday in soomaaliya ay ka teegerto dhinaca…..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA}Madaxwayne kuxigeenka dowlad-goboleedka Puntland oo si wayn loogu soo dhaweeyay dalka Finland.

Arbaco 25,Sep 2024 {HMC} Madaxwayne kuxigeenka dowlad-goboleedka Puntland oo si wayn loogu soo dhaweeyay dalka Finland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Soomaaliya iyo Booliska caalami ah oo ka shiray kahortaga dambiyada caalamiga ah.

0

Arbaco 25-Sep-2024 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Moalim Fiqi, ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee INTERPOL, Jürgen Stock, si loo xoojiyo doorka Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah dambiyada caalamiga ah iyo argagixisada. Soomaaliya, oo ah difaac koowaad, ayaa door muhiim ah ka ciyaarta ka hortagga in khatarahan ay ku fidaan gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Intii lagu guda jiray kulanka, Wasiir Fiqi wuxuu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah loola shaqeeyo INTERPOL si loo xoojiyo awoodda booliska Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, dembiyada internetka, iyo ka ganacsiga sharci darrada ah ee hubka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay maaraynta hubka, taasoo sababtay in laga qaado cunaqabatayntii hubka ee mudada dheer jirtay, taas oo guul weyn u ah sugidda amniga adduunka oo idil.

Xoghayaha Guud ee INTERPOL, Jürgen Stock, ayaa bogaadiyay horumarka ay Booliska Soomaaliyeed ka gaareen la dagaallanka dambiyada abaabulan, wuxuuna ballan qaaday inay sii xoojin doonaan wada shaqeynta laamaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan booliska, si kor loogu qaado awooddooda dagaalka ka dhanka ah dambiyada caalamiga ah. Wasiir Fiqi waxa kale oo uu soo bandhigay mudnaanta istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya ee sanadaha soo socda, isagoo diiradda saaray iskaashiga dhinaca amniga.