Axad 22 Sep 2024 {HMC} Agaasimaha ciidanka gaarka ah ee PSF ayaa sheegey in baabuur ‘Land cruiser ah’ oo isagu leeyahay ayna la socdeen qoyskiisa lagu rasaaseeyay magaalada; xilli ay ka soo laabteen xagaa bax, faahfaahin kale ma bixin.
{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Lafta Gareen oo Mashruuc muhiim ah ka Furay Baydhabo.
Sunday 22,Sep 2024 {HMC} Madaxweyne Lafta Gareen oo Mashruuc muhiim ah ka Furay Baydhabo..
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Fadaalka oo faahfaahin ka bixisey howlgalladii ugu dambeeyey oo ay sameyeen ciidamada XDS.
Sunday 22,Sep 2024 {HMC} Dowladda Fadaalka oo faahfaahin ka bixisey howlgalladii ugu dambeeyey oo ay sameyeen ciidamada XDS.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Waa jariimo weyn iyo Danbi in Laga ganacsado Hubka Gudoomiye Shuute
Sunday 22,Sep 2024 {HMC} Waa jariimo weyn iyo Danbi in Laga ganacsado Hubka Gudoomiye Shuute
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Ugand oo war kasoo saartay Diyaarad ay lee dahay oo ku dhacday Gudaha Soomaaliya
Sunday 22,Sep 2024 {HMC} Dowladda Ugand oo war kasoo saartay Diyaarad ay lee dahay oo ku dhacday Gudaha Soomaaliya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Gudaha Magaalada Boosaaso oo La Rasaaseeyay Agaasimaha Ciidanka PSF iyo……
Axad 22-Sept-2024 {HMC} Gaari uu lahaa agaasimaha ciidanka PSF General Maxamuud Cismaan ayaa lagu rasaaseeyay gudaha magaalada Boosaaso, sida uu xaqiijiyay agaasimaha.
General Maxamuud oo la hadlay telefishanka SBC ayaa sheegay in gaariga la rasaaseeyay uu ahaa Land Cruiser ah ama loo yaqaano Layla Calaawi, xilli uu marayay magaalada.
Xilliga la rasaaseeyay gaariga waxaa saarna qoyska agaasimaha, oo uu sheegay in markaas ay kasoo laabteen safar xaggaa bax ah.
Agaasimaha PSF ma faah-faahin khasaaraha iyo sida ay dhacdadu u dhacday, wixii kasoo kordha dhacdadana waxaa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah.
Dhacdadan ayaa imaneysa xilli ay magaalada Boosaaso ka taagan tahay xiisad xooggan oo u dhaxeysa hoggaanka ciidanka PSF iyo xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Dhawaan ayey aheyd markii ay xiisadda PSF iyo maamulka ay horseeday inuu maalmo xirmo garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, kadib markii ay PSF u digtay diyaaradaha adeegsada garoonka.
Inkasta oo shaqadii garoonka ay sidii caadiga aheyd kusoo laabatay, haddana waxaa magaalada Boosaaso ka taagan xiisadda u dhaxeysa hoggaanka ciidanka PSF iyo xukuumadda Saciid Deni, taas oo haatan mareysa meel xasaasi ah.
Laamaha Amniga XFS oo Ka Shiray Ka Hortaga Hubka Sharcidarada
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) , ayaa guddoomoyey shir looga hadlayay sidii ay hey’adaha amniga dalku u xakameyn lahaayeen hubka sharcidarrada ah, kaas oo khatar ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo mamnuucaya iibinta iyo faafinta hubka sharcidarrada ah.
Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay sidii hey’adaha amniga loogu adkeyn lahaa inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada hubka sharcidarrada ah, kuwaas oo gacan ka geysanaya hurinta colaadaha qabiillada iyo taageeridda kooxaha argagixisada ah ee Khawaarijta .
Wasiirka Amniga Xukuumadad Soomaaliya ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay kaalin weyn ka qaataan soo celinta hubka sharcidarrada ah ee gacanta maleeshiyaadka ku jira, si loo hubiyo amniga guud ee dalka.
{DAAWO MUQAALKA} Waraka ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka.
Sunday 22,Sep 2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN
{DAAWO MUQAALKA} “Wasaaradda Deegaanka waan ku garab taaganahay Ololaha isbeddelka deegaanka.”Wasiir Maxamed Barre
Sunday 22,Sep 2024 {HMC} “Wasaaradda Deegaanka waan ku garab taaganahay Ololaha isbeddelka deegaanka.”Wasiir Maxamed Barre
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Muusa Biixi oo sheegay in isfahanka Itoobiya uu muhiim u yahay horumarka gobolka
Axad 22-Sept-2024 {HMC} Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in isfahanka ay xukuumadiisu la gaadhay Itoobiya, uu horseedi doono horumar dhaqaale iyo iskaashi oo gobolka ka dhaca.
Madaxweynaha oo waraysi gaar ah siiyay muuqbaahiyaha Al Carabiya, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in ay mideeyaan danahooda muhiim ka ah.
“Waxa aanu saxeexnay isfahan, kaasi oo aanu uga gol leenahay in aanu gaadhno danaha qarankayaga, oo aanu aqoonsi helno, Itoobiya-na waxa u daran in ay badda gaadho, waxa aanu midaynay danahayaga, waxa aananu diyaar u nahay in aanu helno aqoonsi” ayuu yidhi Biixi.
Waxa uu sheegay in uu aaminsanyahay in heshiiska labada dhinac uu muhiim u yahay horumarka, iskaashiga ganacsiga iyo degenaanshaha gobolka Geeska Afrika, waxa uu intaa ku daray in dhawaan ay Itoobiya iska arki doonaan saxeexida heshiiska kama dabays ta ah.
Mar la waydiiyay in uu hubo in Itoobiya ay aqoonsandoonto Somaliland, ayuu sheegay in uu xaadir ahaa markii isfahanka la saxeexayay, iyo wada xaajoodyadii ka horeeyayba, sidaas darteedna ay hubaal tahay aqoonsiga Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa dhawaan dibulumaasiyiinta shisheeye ee Somaliland ku sugan ku wargaliyay in la dhamaystirayo heshiiska, oo dhawaan la saxeexi doono inkasta oo aanu sheegin taariikh rasmi ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa dhankiisa sheegay in dowladiisu ay gacan saar la yeelan doonto jabhadaha Itoobiya, hadii ay Itoobiya ka noqon waydo heshiiska Somaliland. Itoobiya ayaa hadalka Fiqi ku tilmaantay “Khayaali”.



