Home Blog Page 1864

Golaha Wasiirada Somaliland oo yeeshay shir xasaasi ah

0

Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Golaha wasiirada xukuumadda Somaliland oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Hargeysa ayaa kasoo saaray qodobo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda maamulkaasi iyo arrimaha doorashooyinka.

Shirka oo uu guddoomiyay madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa marka hore warbixinno kala duwan looga dhageystay wasiirada arrimaha gudaha iyo maaliyadda oo faah-faahin dheeri ah ka bixiyay arrimaha ammaanka iyo sidoo kale dhaqaalaha guud ee Somaliland.

Sidoo kale shirka golaha ayaa waxaa looga hadlay diyaargarowga doorashooyinka guud ee dhacaya 13-ka bisha November, ayada oo shacabka loogu baaqay inay u diyaargaroobaan doorashooyinkaas iyo difaaca qaranka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay shirka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

Nuxurka qodobbo laga soo saaray shirkii golaha wasiirrada ee Maanta

Fadhigii 132-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta lagu naaqishay arrimo door ah oo la xidhiidha Amniga, dhaqaalaha dalka iyo u diyaar-garowga doorashooyinka.

Ugu horrayn, waxa shirka warbixin la xidhiidha xaaladda guud ee Amniga dalka ka dhegaystay wasiirka wasaaradda arrimaa gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, sidoo kale waxa warbixinta xaaladda dhaqaalaha dalka iyo diyaarinta oddoroska miisaaniyadda 2025 lagaga dhegaystay wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire.

Geesta kale, golaha wasiirradu waxa uu dood iyo falanqayn ka yeeshay qabyo-qoraalka xeerka Ciqaabta guud, sidoo kale, waxa wasiirka warfaafinta, Mudane Cali Xasan Maxamed iyo garyaqaanka guud ee qaranka, Mudane Cabdisamad Cumar Maal golaha usoo bandhigeen qabyo-qoraalka xeerka warbaahinta Somaliland, kaas oo beddelaya xeerkii hore loo odhan jirey, Xeerka Saxaafadda LR.27/2004, iyaga oo sharraxaad dheer golaha ka siiyey nuxurka iyo ahmiyadda uu leeyahay xaarkan cusub iyo waxyaabaha uu kaga duwan yahay xeerka uu beddelayo, iyada oo doodda labadan xeer halkaas kasii socon doonta fadhiyada soo socda.

Ugu dambayntii, golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu si qoto dheer ua dooday diyaargarowga doorashooyinka qorshaysan 13-ka Bisha November, sannadkan 2024-ka, sidoo kale waxa uu goluhu ugu baaqayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland inay u diyaargaroobaan doorashooyinka iyo difaaca qaranka.

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {21.09.2024}

Sabti 21 Sep 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Hirshabeelle Oo Biloowday Howgal Lagu Burburinayo Isbaarooyinka.

0

Sabti 21 Sep 2024 {HMC} Hirshabeelle Oo Biloowday Howgal Lagu Burburinayo Isbaarooyinka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyey Soomaaliya iyo Caalamka.

0

sabti 21, Sep-2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} Digniin Adag oo Loo jeediyay Dadka Raashinka dhacay keena Soomaaliya.

0

Sabti 21 Sep 2024 {HMC} Digniin Adag oo Loo jeediyay Dadka Raashinka dhacay keena Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Deni oo Shalay Hub Farabadan ka helay Itoobiya ayaa Maanta Jeediyay Hadal u muuqday Hanjabaad.

0

Sabti 21 Sep 2024 {HMC} Madaxweynaha Maamulka Puntiland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta meel Fagaaro ah ka yiri “Soomaaliya halla badbaadiyo intaan mar kale Carta lagu laaban”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

RW Xamse oo New York, uga Qeyb galaayo Kalfadhiga heerka sare ee madaxda caalamka ee Golaha Guud ee QM.

0

Sabti 21 Sep 2024 {HMC} Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa toddobaadkan kaga qaybgali doona magaalada New York, Kalfadhiga heerka sare ee madaxda caalamka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.

Madaxweynaha Soomaliland oo Kulan Xasaasi ah la Qaatay James Swan

0

Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay ergeyga xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan oo Hargeysa booqasho ku yimid.

Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda gobolka , doorashooyinka loo diyaar-garoobayo ee deegaannada Somaliland kusoo foolka leh iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa maamulka Somaliland iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa.

Ambassador James Swan, ayaa ku amaanay Madaxweynaha maamulka Somaliland sida loo qorsheenayo doorashooyinka isku sidkan, waxa uuna xusay in Qaramada Midoobay ay si dhaw ula socon doonto doorashada Madaxweynaha ee bisha November ka dhaceysa Somaliland.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka qorshaynta iyo horumarinta qaranka Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda, Marwo Rooda Jaamac Cilmi, halka dhinaca Ergeyga ay wehelinayeen saraakiil xafiiskiisa katirsan oo ay kamid yihiin Obinna Okamgba, Nikolai, Dana Palade, Ahmed Qalinle, Dahir Mohamed Dahir, Mustafa Khaire

Nigeria’s inflation rate dips, but Nigerians still feel the pinch

0

Saturday 21 Sep 2024 {HMC} The high inflation rate in Nigeria dropped slightly in August, but a decline in the value of the nairia and a continued increase in fuel prices are eroding the slight gains and threatening to reignite the inflationary trend.

Michael Anthony, an engineer and father of four, still faces high costs despite the small drop in inflation, which fell from 33.40% in July to 32.15% in August. His household expenses remain steep, with no real relief in sight.

“In the month of July, I bought a bag of rice at the rate of 65,000 naira, but … three days ago, I bought a bag of rice for 95,000 naira,” he said. “If you want to buy anything, price has risen because of the price of fuel. I’m worried that inflation rate might rise again.”

At a market in a suburb of Abuja, food trader Blessing Ochuba is also struggling. With customers unable to buy in bulk, she’s cutting back her stock and adjusting prices to stay in business.

Ochuba said patronage has been slow despite the reported dip in inflation rate.

“People that normally buy in bags, they now buy like half or quarter … because they can no longer afford to buy for now,” she said. “I used to buy like 10 bags of rice, but now I cannot afford to buy five. Honestly, I did not see the coming down, everything is going higher.

“It’s on the high side, and it is really affecting us.”

Despite lower inflation, Nigeria’s currency has weakened from 1,200 to 1,600 to the dollar, and gasoline prices have soared from 620 to nearly 1,000 naira per liter over the past three months.

Development economist Hauwa Mustapha credited a government policy in which food imports were not subject to excise duty for 90 days for the slight inflation drop.

“I think that helped a lot, and that also helped for them to boost the supply of food. … It does not indicate a long-term recovery,” she said, adding that a lasting recovery will depend on government measures.

“What the government can do to manage inflationary pressure for both short term and long term, I think for now, is to concentrate policy action in the area of food supply,” Mustapha said.

“Thankfully, we are approaching the harvest season. Typically, in Nigeria, we also know that we experience a lot of post-harvest loss. This is … the time for the country to manage the harvest, particularly control [and] minimize post-harvest losses, so that we can keep the food supply steady.”

Experts say the government’s next steps will determine whether this inflation dip signals a recovery or just temporary relief.

SOURCE VOA

Iran oo soo Bandhigtay Diyaarad lagu Magacaabo Shahed-136B,

0

Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Dowladda Iran ayaa maanta soo bandhigtay diyaarad cusub oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo lagu magacaabo Shahed-136B, diyaaradan ayaana cabsi badan ku abuurtay waddamada reer Galbeedka iyo kuwa Iran cadaawada kala dhaxeeyo.

Diyaaradan Iran maanta soo bandhigtay ayaa la sheegay inay weerarro ka fulin karto masaafo dhan 4,000 km, taasoo laga yaabo inay ka dhigto diyaaradda u horreysay ee nooca aan duuliyaha lahayn oo gaarta masaafo 4,000 km.

Sidoo kale , dowladda Iran waxay soo bandhigtay gantaallo Ballistic ah oo uu ku jiro gantaal cusub oo magaciisa lagu sheegay Jihad , kaaso leh madaxyo la furfuri karo , wax u muuqda inay Iran mustaqbalka isku diyaarinayso hub nukliyeer ah.

Dowladda Iran ayaa sidoo kale soo bandhigtay hub kale oo casri ah ay ku jiraan gantaalo meel fog gaari kara, waxa ayna Iran digniin adag u dirtay dowladaha cadawada ka dhaxeyso ay ugu horeeeyaan Israa’iil.

Diyaaradan casriga ah ee dagaalka waxay soo bandhigtay dowladda Iran ,iyadoo u dabaal-deggaysa sannad-guurradii 44 -aad ee ka soo wareegatay duullaankii uu hoggaamiyihii Ciraaq, Saadam Xuseen ku qaaday dalka Iran.