Home Blog Page 1863

{DAAWO MUQAALKA} Ciyaal weero markale laga Cabsi qabo ineey ka aas aasmaan Muqdisho.

0

Sunday22 Sep 2024 {HMC} Ciyaal weero markale laga Cabsi qabo ineey ka aas aasmaan Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dalka Siri Lanka oo ay ka Billaabataya Doorashada Madaxtinimada.

0

Sunday22 Sep 2024 {HMC}Dalka Siri Lanka oo ay ka Billaabataya Doorashada Madaxtinimada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Egyptian medical team arrives in Mogadishu to offer surgeries for Somali citizens

0

Sunday 22 Sep 2024 {HMC} An Egyptian medical delegation has arrived in Somalia to perform various operations and treatments for Somali citizens, reported DSEE NEWS on Friday.

The Somali Minister of State for Health Maryam Mohamed Hussein welcomes the Egyptian delegation upon their arrival at Aden Abdullah International Airport (Photo courtesy of DSEE NEWS)

The Somali Minister of State for Health Maryam Mohamed Hussein welcomed the delegation upon their arrival at Aden Abdullah International Airport.

This team of surgeons and medical consultants will conduct orthopaedic surgeries, tumour removals, and heart surgeries at De Martino General Hospital in Mogadishu to benefit 700 patients in the Horn of Africa.

In recent years, Egypt and Somalia have strengthened ties, signing multiple memorandums of understanding in 2022 focused on health, higher education, media and cultural and religious cooperation.

In July, Egypt launched its first direct flights between Cairo and Mogadishu to enhance relations with the Horn of Africa. And, in August, Egypt announced the opening of a new Egyptian embassy headquarters in the Somali capital.

SOURCE

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {22.09.2024}

Axad 22-Sept-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Itoobiya oo cadaysay hiigsiga ay ka leedahay kala qeybinta Soomaalida.

0

Axad 22-Sept-2024 {HMC} Prof. Brook Hailu oo la-taliye sare u ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka shifay khatar badan oo ka jirta gudaha Soomaaliya iyo hiigsiga Itoobiyaanku ay ka leeyihiin kala qeybinta Soomaalida.

Ninkaan ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in dowladda Itoobiya ay garab ka heleyso qaar kamid ah maamul goboleedyada Soomaaliya, kuwaas oo sida uu sheegay qarka u saaran inay ku biiraan dalka Itoobiya oo xiriirka u jaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay cod ka heystaan, kaas oo u saamaxaya in maalmaha soo socda ay xilka ka qaadaan Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Wareysiga laga qaaday masuulkaan ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa muujinaya in Soomaaliya ay halis ku jirto oo ay ku dhacayso dabinada loo dhigay, hadii dadka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed aysan baraarugin.

La-taliyaha Abiy Axmed ayaa ku faanay inay Itoobiya taageereen shacabka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hiiraan State, sida uu ku sheegay wareysigaan dadka gobolladaas wuxuu sheegay inay la dhacdan yihiin qorshaha Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maamul goboleedka Puntland oo mar hore ay ku kala tageen siyaasadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay hadda ka fekerayaan sidii ay ugu soo biiri lahaayeen Itoobiya.

“Xasan Sheekh wuxuu cadaadis kala kulmayaa maamul goboleedyadiisa, wax kasta waa uu ku fashilmay, dhowaana waxaad arki doontaan isagoo tabar dhigay,” ayuu yiri Prof. Brook Hailu oo la-taliye sare u ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu wado qorshe culus oo looga soo horjeedo imaashaha Gobolka ee Ciidamada Masar, kaasi oo suurtagal ka dhigaya in xilka laga qaado Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, hadii uu ku sii madax-adeygo qorshaha uu ku soo dhaweysanayo Masaarida.

Ninkaan oo si yaab leh u hadlay ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay diyaarisay qorshe uu sheegay inay ugu biirayaan maamul goboleedyada qaar, halka tobanaan sano kadibna la arki doono Galmudug iyo HirShabeelle oo ku soo biiraya Itoobiya, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Kenyan pharmaceutical manufacturer makes first export to Somalia

0

Sunday 22 Sep 2024 {HMC} A local pharmaceutical manufacturer has made its first medicines export a year after setting up the factory in Kenya.

SQUARE Pharmaceuticals Kenya EPZ Ltd on Friday dispatched 5, 500 boxes (pack of 30’s) of human medicines to Somalia.

The exports included Angilock 50/12.5 Tablet (Losartah 50mg and Hydrochlorothiazide 12.5mg).

The SQUARE Pharmaceuticals Kenya EPZ Ltd director Dr Iruki Kailemia said the first export will develop confidence among doctors and pharmacists about the quality of local pharmaceuticals.

“We have today achieved a historic milestone with this flagging off ceremony celebrating the first ever export of its pharmaceuticals from our Athi River, EPZ manufacturing plant in Kenya,” Kailemia said.

Kailemia spoke during the ceremony at the company’s factory premises in Export Processing Zone, Athi River, Machakos County on Friday.

He said though the company had been operating in Kenya since 2004, the medicines’ production plant became operational in 2023 when it was constructed at the zone.

“This achievement confirms the company’s continued commitment to delivering innovative and high-quality healthcare solutions on a global scale,” Kailemia said.

“SQUARE Pharmaceuticals EPZ Ltd extends its heartfelt thanks to its employees, partners and customers who have been instrumental through their support and loyalty to reach this milestone. We as a company are envisioned to supplying other African and European countries from this (Kenya’s) plant.”

Kailemia thanked the government for its continued support and for ensuring that they have a conducive environment to do business.

“Government agencies such as the Export Processing Zone Authority helped us in every step when it was required including the export permit. We have already employed 250 local people,” Kailemia said.

He said they had a plan to increase the numbers to 1, 000 direct employees as they increase their operations at the Zone.

Kailemia said they were in the process of setting up a liquid and injection project at the same plant.

SOURCE


By GEORGE OWITI

Fadeexad ka dhalatay gudiga xajka uu magacaabay wasiir Mukhtaar Roobow xilli uu….

0

Axad 22-Sept-2024 {HMC} Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa soo saartay liiska guddiga adeegga Xajka ee sanadka soo socda ee sanadka soo socda 2025-ka.

Guddigaan ayaa ka kooban 10 xubnood, waxaana guddoomiye looga dhigay Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta Ibraahim Nadaara.

Wasiirka Diinta Mukhtaar Roobow walaalkiis oo lagu magacaabo Ibraahim Roobow Cali ayaa loo magacaabay xoghayaha guddigaan ka shaqey doona adeega Xajka.

Waa sanadkii labaad oo Mukhtaar Roobow uu walaalkiis u magacaabay xilkaan, waxaana sanadkii hore qeylo dhaan ka soo saaray dad badan oo diidanaa qaabka loo qeybsaday xubnaha guddiga.

Inta badan xubnaha guddigaan la soo magacaabay waa kuwii shaqeeyey sanadkii hore, waxaana ka mid ah culimo waaweyn, magacaabista guddigaan ayaa ku dhaqan geleysa sida uu u soo saaray Wasiir Mukhtaar Roobow oo awood buuxda u leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore balan-qaaday inay sanadka soo socda yarey doonto qiimaha qofka Soomaaliga ah uu ku soo xajiyo, maadaama uu yahay qiime aad u sareeya.

Hoos ka akhriso magacyada xubnaha guddiga

Natiijo hordhac ah oo kasoo baxday doorashada Sri Lanka

0

Axad 22-Sept-2024 {HMC} Natiijo hordhac ah oo saaka kasoo baxday doorashadi madaxtinimada ee Sabtidi shalay ka dhacday dalka Sri Lanka ayaa muujineysa in codadka ilaa hadda la tiriyay uu ku horreeyo hoggaamiyaha u janjeera dhanka fikirka maarkisiyada ee Anura Kumara Dissanayake.

Dissanayake ayaa ku guuleystay boqolkiiba 53 codadka ilaa iyo hadda la tiriyay, sidaasi waxaa Axadda maanta ah shaaciyay guddiga doorashada. Waxaa kaalinta labaad ku jira hoggaamiyaha mucaaridka Sajith Premadasa oo leh 22%, halka kaalinta saddexaad uu ku jiro madaxweyne Ranil Wickremesinghe.

Anura Kumara ayaa haddii uu guuleysto waxaa sugeysa shaqo adag oo ay ugu horreyso kor u qaadidda dhaqaalaha fadhiidka ah ee dalkaasi dhaca koofurta Aasiya, kaas oo aanan wali kasoo kabsan qalalaaso dhaqaale oo dalka ragaadiyay 10-ki sano ee lasoo dhaafay.

Doorashadan ayaa ah tii ugu horreysay oo dalkaasi ka dhacda tan iyo marki uu dumay nidaamki dhaqaale ee Sri Lanka sannadki 2022-kim markaas oo dalka laga waayay sarrifka lacagaha qalaad, taasoo keentay in dad ay awoodi waayaan in ay soo iibsadaan waxyaabaha aas-aasiga u ah nolosha sida gaaska, dawada iyo cuntada.

Xisbullah oo gantaallo ku duqeysay Isra’il Xilli xaalada bariga dhaxe ay kasii darayso.

0

Axad 22-Sept-2024 {HMC} Ururka Xisbullah ee dalka Lubnan ayaa sheegay in tiro gantaallo ah ay Axaddii shalay ku weerartay saldhig millatari oo ku yaalla gunta Isra’il, maalin kaddib marki ay duqeyn cirka ah oo ay Isra’il ku garaacday caasimadda Beyrut ay ku dishay ugu yaraan 37 qof oo uu ku jiro Ibrahim Caqiil oo ahaa taliye sare oo ka tirsan garabka ugu sarreeya millatariga Xisbullah.

Ma cadda in gantaallada Xisbullah ay ku weerartay Isra’il ay ku dhaceen bartilmaameedkooda. Waaxda gargaarka degdegga ah ee Isra’il ayaa sheegtay in dhaawac fudud uu kasoo gaaray nin ku sugnaa tuulo ku taalla aagga la weeraray.

Warbaahinta gudaha Isra’il ayaa ku warramay in gantaallo laga soo tuuray Lubnaan ay ka hor tageen oo ay burburiyeen hubka lidka gantaallada meel u dhaw magaalada Xayfa.

Xisbullah waxay sheegtay in ay Isra’il ku garaacday daraasiin gantaallo ah oo ay ku jiraan gantaallada Fadi 1 iyo Fadi 2 oo ah gantaallo cusub oo ay kooxda sheegtay in aysan hadda ka hor adeegsan.

Waxay kaloo sheegeen in bartilmaameedku uu ahaa saldhiga ciidamada cirka Isra’il ee Ramat David eek u yaalla koofur bari ee magaalada Xeyfa.

Weeraro isugu jiray duqeyn cirka ah iyo qaraxyo loo adeegsaday aalado is-gaarsiineed oo ay Xisbullah dibadda kasoo iibsatay oo ka dhacay Lubnaan, ayaa waxaa guud ahaan ku dhintay 39 qof, halka ay ku dhaawacmeen 3,000 oo ruux.

Ra’isulwasaaraha Lubnan Najib Mikati ayaa sheegay inuu joojiyay safar uu ku imaan lahaa magaalada New York oo uu uga qeybgali lahaa shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Hirshabeelle oo Biloowday Howgal Lagu Burburinayo Isbaarooyinka.

0

Sabti 21-Sept-2024 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Booliska HirShabelle ka sameeyeen waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgalkan oo ahaa bartilmaameed ayaa waxaa lagu soo qabtay koox burcad ah oo isbaaro soo dhigtay halkaasi, waxaana la geeyay saldhigga degmada Jowhar.

Taliyaha saldhigga Bashiir Xasan Xalfooy oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkan oo lagu soo qabtay 4 nin oo burcad ah, wuxuuna sheegay inay saaka ka war heleen, kadib ay ciidamo u direen, sidaasna lagu soo qabtay.

“Waxaa saaka nasoo gaartay in niman burcad ah ay waddada ku jiraan dadka ay dhibaateynooyaan kadib ciidamada amniga ayaan u dirnay, waxaana lasoo qabtay iyaga oo qoryahoodii haysto iyo waxa ay dhaceen” ayuu tiri taliyaha saldhigga magaalada Jowhar.

Bashiir Xasan Xalfooy ayaa sidoo kale xusay in cid kasta oo isbaaro dhigato ay ka hortegi doonaan, ayna ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

“Dadka dhaca gaystay ee waddada u gala shacabka nooc kasto oo ay yihiin tallaabo ayaa laga qaadayaa sharcigana waan la tiigsaneynaa” ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Dadka isbaarada dhiganaayo dagaal ayaa naga dhexeeyo awooddooda haku tashadaano saacad kastana inaan umadda wixii dhibaayo ka qabanayo annaga ayaa mas’uuliyaddeeda qaadnay”.

Ammaanka waddada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ayaa muddooyinkii dambe aad u xumaa, waxaana sidoo kale weeraro ka gaysta maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.