Home Blog Page 1878

𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐌𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐁𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐢𝐢𝐬𝐢𝐢 𝐎𝐬𝐥𝐨, 𝐍𝐨𝐫𝐰𝐚𝐲, 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲?

0

Khamiis 19 -09-2024 {HMC} Godey — Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa dhawaan soo gabagabeeyay booqasho aad muhiim u ahayd oo uu ku tagay magaalada Oslo ee dalka Norway, taas oo ay ujeedadeedu ahayd sare u qaadista wada-shaqaynta istiraatiijiga ah ee u dhaxaysa Xafiiska Hantidhowrka Guud (XHG) iyo saaxiibbada caalamiga ah. Booqashadan ayaa muujineysa sida ay Hantidhowraha Guud ee JFS uga go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee kor loogu qaadayo dowlad wanaagga iyo isla-xisaabtanka.

Hantidhowraha Guud iyo wafdigiisa ayaa, intii uu ku jiray booqashadaas, la qaatay kulan miro-dhal ahaa Hindisaha Horumarinta Hay’adaha Hantidhowrista Guud ee Caalamiga ah ee INTOSAI IDI, kaas oo diiradda lagu saaray ahmiyadaha istiraatiijiga ah ee qaab-dhismeedka taageerada laba-geesoodka ah, gaar ahaan qorsheynta istiraatiijiga ah iyo arrimaha la xiriira maareynta tayada. Kulanka ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyey muhiimadda “Mashruuca Taageerada Saaxiibbada” (Peer-support Project), kaas oo ah heshiis wada-shaqayn oo u dhaxeeya XHG, IDI iyo Ururka Hay’adaha Hantidhowrada Guud ee Afrika ee ku hadla af Ingiriiska (AFROSAI-E). Heshiiskan waxa uu ku eg yahay sanadkan 2024, balse waxaa doodaha kulanka qayb ka ahaa in la sii wado, lana sii xoojiyo iskaashigaas sanadaha soo socda.

Intaas waxaa dheer in wafdigu uu la kulmay wakiillo sare oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway (MFA) iyo Wakaaladda Horumarinta iyo Iskaashiga Norway (NORAD). Dhamaan wada-hadallada dhacay waxaa xudun u ahaa sii wadida taageerada ay Norway ku bixiso dib-u-habaynta dowlad wanaagga iyo hindisayaasha horumarinta maamulka maaliyadda guud ee dalka. Kulamada dhacay waxay fursado hor leh siinayeen sahminta meelaha ay Dowladda Norway sare uga sii qaadi karto kaalmada horumarineed ee Dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo awoodda XHG, iyada oo diiradda la saarayo horumarinta joogtada ah ee hay’adaha dowliga ah iyo maaraynta hufan ee khayraadka.

Booqashada waxaa, sidoo kale, qayb ka ahayd in Hantidhowraha Guud uu tagay Xarunta Baarlamaanka Norway, halkaas oo isaga iyo wafdigiisuba ay kula kulmeen Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Baarista iyo Arrimaha Dastuurka. Inta ay booqashadaasi socotay, labada dhinacba, waxay dul-istaageen sida ay uga go’an tahay dhiiragelinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo xoojinta dowlad wanaagga, waxa ayna diiradda saareen muhiimadda ay hay’adaha kormeerku u leeyihiin xaqiijinta la xisaabtanka dowladda, iyada oo uu Hantidhowraha Guud ka mahadceliyey waaya-aragnimada ay ka heleen Baarlamaanka Norway.

Si kastaba ha ahaatee, booqashadu ma ahayn oo kaliya in Hantidhowraha Guud ee JFS uu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee uu XHG la leeyahay Norway, balse waxa uu bidhaamiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay dhisto haykalkeeda dowladnimo, iyada oo la kaashaneysa daneeyayaasha muhiimka ah oo dhan. La macaamilka joogtada ah ee daneeyayaasha sida IDI, MFA, NORAD iyo Baarlamaanka Norway waa qayb aad muhiim ugu ah dadaallada socda ee uu XHG ku xoojinayo maaraynta maaliyadda guud iyo horumarinta dowlad wanaagga Soomaaliya.

What will Nasrallah say? It’s hard to say, but expect a severe tone.

0

Thursday 19, Sep 2024 {HMC} Usually before speeches from Hezbollah leader Hassan Nasrallah, who is giving a televised address at 15:00 BST, I could manage to get some sense of what is expected from him through my sources.

But this time no one can predict what he may say.

The schedule for the speech was announced right after the first wave of pager explosions and before the second wave of blasts yesterday.

A high-ranking source close to Hezbollah tells me that part of the reason I’ve had no preview into the content of the speech is because this is still an active situation.

“But you can expect that his tone will be much [more] severe,” the source tells me.

“He definitely needs to reassure his people in different levels and layers of the group and Hezbollah supporters that things are under control.”

I spoke with several people close to Hezbollah and all of them acknowledged that Nasrallah’s job today is not easy. He needs to address hundreds of the group’s young members, many of whom will now be left with permanent damage from these explosions. Several have lost their eyes and hands.

Usually, such important speeches are broadcast in one of the Hezbollah venues in Dahieh, in the suburbs of Beirut, with hundreds of his supporters and the group’s high-ranking people gathered.

But today it will be only on TV. No gathering. The security concerns are high, not only in the areas controlled by Hezbollah but in other parts of Lebanon.

SOURCE BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Safiirada Dalalka Carabta ee ku sugan Soomaaliya oo Sameeystay isbaheysi cusub.

Khamiis 19 -09-2024 {HMC} Safiirada Dalalka Carabta ee ku sugan Soomaaliya oo Sameeystay isbaheysi cusub.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Hay’adda SODMA oo gar gaar gaarsiisay Dad ku nool Degmada Balcad.

Khamiis 19 -09-2024 {HMC} Hay’adda SODMA oo gar gaar gaarsiisay Dad ku nool Degmada Balcad.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Nuur dheere” Baladweyne Magaalo Madax ayey aheyd Sidaan Xal uma aha.”

Khamiis 19 -09-2024 {HMC} Gudoomiye Nuur dheere” Baladweyne Magaalo Madax ayey aheyd Sidaan Xal uma aha.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Shiikh Umul Oo Booqday Masaajidka Lagu dilay 6 Dhalinyaro Soomalia ah.

Khamiis 19 -09-2024 {HMC} Shiikh Umul Oo Booqday Masaajidka Lagu dilay 6 Dhalinyaro Soomalia ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {19.09.2024}

Khamiis 19-Sept-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Mire indha yare “waan Idiinkaga Mahad Cilinaa sida aad Garab istaaga inoogu muujiseen”

Khamiis 19 -09-2024 {HMC} Mire indha yare “waan Idiinkaga Mahad Cilinaa sida aad Garab istaaga inoogu muujiseen”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Reer Soomaaliland oo Laguu baaqay in ay Bartaan Dastuurka Maamulkaasi.

Khamiis 19 -09-2024 {HMC} Dadka Reer Soomaaliland oo Laguu baaqay in ay Bartaan Dastuurka Maamulkaasi.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dhinacyada ku dagaallamaya Sudan oo sheegay in ogol-yihiin xal-nabadeed

Khamiis 19 -09-2024 {HMC}  Ciidamada Suudaan iyo xoogaga RSF ayaa sheegay Arbacadi sheegay in ay diyaar u yihiin in xal nabadeed laga gaaro dagaalka sokeeye ee Sudan ka socda muddada 17-ka bilood ah.

Hadalka kasoo baxay garabyada ku dagaallamaya Sudan ayaa u muuqdo mid ay uga jawaabayaan, baaq uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden Talaadadi u diray millatariga Sudan iyo kooxda RSF, oo uu ku boorriyay in ay dib u wada hadlaan.

Madaxa ciidanka qalabka sida ee Sudan, Abdel Fattah al-Burhan ayaa Arbacadi sheegay in dowladda Sudan ay u farantahay dhammaan dadaallada wax ku oolka ah ee hadafkoodu yahay in lagu dhammeeyo dagaalka. Waxaa isna saaka oo Khamiis ah bayaan kaasi la mid ah soo saaray hogaamiyaha RSF Mohamed Hamdan Dagalo.

Hase yeeshee, labadan nin ayaa midbo midka kale ku eedeeyay guuldarrada soo afjaidda dagaalka lagu hoobtay ee Sudan, kaas oo tan iyo bishi April ee sannadki 2023-ki ay ku dhinteen in ka badan 12,000 oo qof.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii ugu baaqay dhinacyada isku haya Suudaan in ay dib u wadahadlaan si loo soo afjaro dagaalka sokeeye.

Mareykanka ayaa horay ugu eedeeyay labada dhinac in ay galeen dambiyo dagaal, waxaana uu cunaqabateyn saaray 16 qof iyo hay’ado ku lug leh dagaalka. Mareykanka wuxuu sheegay in uu indhaha ku hayo dagaalka isla markaana ay suuragal tahay in uu soo rogo cuna-qabateyn dheeraad ah.