Talaado 17 Sep 2024 {HMC} 2 Sano kadib Maxaa u qabsoomay Dowlada Soomaliya?
{DAAWO MUQAALKA} Maxkamada Darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida Oo Digniin Adag Ujeedisay Ciidamada Dowlada.
Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Maxkamada Darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida Oo Digniin Adag Ujeedisay Ciidamada Dowlada.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Soomaaliland oo Shaacisay Wadamada Caqabada ku ah Heshiiska Itoobiya ay la Galeeyn.
Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Soomaaliland oo Shaacisay Wadamada Caqabada ku ah Heshiiska Itoobiya ay la Galeeyn.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn
Talaado 17, Sep 2024 {HMC}Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN
Maxeey Ka Wada Hadleen Aqalka sare ee Soomaliya iyo QM?
Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qarabada midoobay Mudane Raisedon Zenega iyo Madaxa arrimaha siyaasadda ee UNSOM mudane Rohan Titus.
Guddoomiyaha iyo Ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qarabada midoobay waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, howlaha ballaaran ee horyaalla Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad, dib ueegista Dastuurka KMG ah.
Waxa ay sidoo kale labada masuul kawada hadleen arrimaha shuruucda doorashada dalka iyo kaalinta Qaramada midoobay ay uga garab siin karto howlaha ballaaran ee horyaalla Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Guddoomiyuhe Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in Aqalka Sare u taagan yahay gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, inuu qaato kaalintiisa Dastuuriga ah ee isku xirka labada heer dowladeed iyo xal u helidda khilaafaadka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya laguna dhammeeyo khilaaf kasta wada hadal, heshiis iyo afgarad, isla markaana QM ay garab ku siiso Aqalka Sare gudashada waajibaadkaas.
{DAAWO MUQAALKA} Dowlada Soomaaliya Oo War Kasoo Saartay in la Xayiray Diyaaradahii Baydhabo.
Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Dowlada Soomaaliya Oo War Kasoo Saartay in la Xayiray Diyaaradahii Baydhabo.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA}”Waa muhiim inan hormarino Tiknoolajiyada iyo eray bixinta Afka Hooyo’ Saalax Axmed Jaamac
Talaado 17 Sep 2024 {HMC} ”Waa muhiim inan hormarino Tiknoolajiyada iyo eray bixinta Afka Hooyo’ Saalax Axmed Jaamac
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Bangiga Horumarinta Afrika oo ansixisay $6.6m deeq ah oo lagu taageerayo Soomaaliya
Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Bankiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa ansixisay deeq lacageed oo dhan $6.6m si loogu taageero dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).
Dhaqaalahan ayaa loogu talo galay in lagu xoojiyo awoodda dowlad goboleedyada Soomaaliya, si ay u dhistaan qaab-dhismeedkooda maaliyadeed, iyadoo ujeeddadu tahay in kor loo qaado kobaca dhaqaale ee loo wada dhan yahay.
Mashruucan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa tayada hay’adaha maaliyadda, oo ay ku jiraan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyo Xarunta Warbixinta Maaliyadda (FRC).
Ujeeddada guud ee laga leeyahay ayaa ah, si loo sameeyo hirgelinta ka hortagga lacagaha la dhaqo iyo tallaabooyinka maalgelinta argagixisada.
“Tani waa taageero ku timid waqtigii ku habboonaa, taasoo kor u qaadi doonta maamulka, isla xisaabtanka, xirfadaha, iyo horumarinta tignoolajiyada iyada oo la kobcinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay.” ayuu yiri Ahmed Attout, Agaasimaha Horumarinta Maaliyadda ee AfDB.
Mashruucan ayaa waxaa si toos ah uga faa’ideysan doona hay’adaha maaliyadda dalka, sida Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, iyo Xarunta Warbixinta Maaliyadda.
{DAAWO SAWIRADA} Qubaro dhanka sharciga oo u Dhashay Suudaan oo Gaaray Muqdisho
Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Hassan Moallin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Professor Ahmed Isma’il iyo Professor Mohamed Al faatih oo ah khuburo sharci oo ka yimid dalka Suudaan.
Wasiir Hassan Moallin oo ay wehliyaan Garsoore Sheekh Saalax Dhiblaawe oo ka tirsan Maxkamadda sare ee dala iyo howl-wadeenno ka tirsan qeybaha Sharciyada iyo Garsoorka iyo khuburada ayaa yeeshay kulan diiradda lagu saaray is-dhaafsiga waaya-aragnimada arrimaha sharicga iyo Garsoorka ee Suudaan iyo Soomaaliya.
Wasiir Hassan Moallin oo soo dhaweeyay aqoonyahannada ayaa uga mahadceliyay booqashada ay ugu yimaadeen, waxuuna dalka Suudaan u rajeeyay dib-u-kabasho dhammeystiran
Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa leh xariir walaaltinimo qota dheer oo soo jireen ah, sidoo kale Suudaan waxey kamid tahay dowladaha sida hagar la’aanta ah u taageeray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, xilligii ay ugu baahida badnaayeen.

DFS oo war cusub kasoo saartay diyaaradii Baydhabo ku socday ee…..
Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Waxaa saakay saacado dib loo dhigay diyaarado rakaab u qaadi lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, kaddib amar kasoo baxay laamaha ammaanka iyo sidoo kale hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.
Sida aan wararka ku helnay dedaalo badan oo la sameeyay ayaa saacado kaddib sahashay in la fasaxo diyaaradihii magaalada Baydhabo u duuli lahaa, waxaana rakaabkii markii hore loo sheegay in duulimaadka la baajiyay ku farxeen in la fasaxay.
War goordhaw kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) , ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax duulimaadyo ah oo kusii jeeday magaalada Baydhabo oo maanta la baajiyay, waxa ayna hay;adda sheegtay in aysan wax hakkad ah ku imaan duulimaadyadii tagi jiray Baydhabo.
”Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineeysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbedel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaad-yadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka..
Warkan sheegayay in la hakiyay duulimaadyadii maalinlaha ee aadi jiray magaalada Baydhabo , ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf meel xun gaaray oo u dhaxeeya Madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu taagan yahay.



