Home Blog Page 1888

DFS oo war cusub kasoo saartay diyaaradii Baydhabo ku socday ee…..

0

Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Waxaa saakay saacado dib loo dhigay diyaarado rakaab u qaadi lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, kaddib amar kasoo baxay laamaha ammaanka iyo sidoo kale hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay dedaalo badan oo la sameeyay ayaa saacado kaddib sahashay in la fasaxo diyaaradihii magaalada Baydhabo u duuli lahaa, waxaana rakaabkii markii hore loo sheegay in duulimaadka la baajiyay ku farxeen in la fasaxay.

War goordhaw kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) , ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax duulimaadyo ah oo kusii jeeday magaalada Baydhabo oo maanta la baajiyay, waxa ayna hay;adda sheegtay in aysan wax hakkad ah ku imaan duulimaadyadii tagi jiray Baydhabo.

”Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineeysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbedel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaad-yadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka..

Warkan sheegayay in la hakiyay duulimaadyadii maalinlaha ee aadi jiray magaalada Baydhabo , ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf meel xun gaaray oo u dhaxeeya Madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu taagan yahay.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {17.09.2024}

0

Talaado 17 -09-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali Axmed & Sahro Gabre

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO SAWIRADA} Ninkii Nabadoonka Tooreyda ku dilay oo Maxkamada Baladweyne kasoo Muuqday.

0

Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Maxkamadda Gobolka Hiiraan,qeybta ciqaabta, laanta tashiga, ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga garmaqalka ciqaabta ah ,ee Namabarkiisu yahay 0045/2024 kaas oo eedeysane ka yahay Cabdi Xuseen Muxumed ina Madiino Cismaan Jabriil oo ku eedeysan dilka marxuum Nabadoon Xassan Maxamuud Jimcaale (Xassan Yare)

Ugu horreyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hiiraan Mudane Cali Xuseen Sabriye ayaa Eedeysanaha u akhriyey eedda uu xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu ku soo eedeeyay eedeysanaha.

Si waafaqsan qod.114 XHC. Xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa Maxkamadda hor keenay baaraha kiiskan iyo Cadeeymihiisa waxaana su’aalo weydiiyay dhinacyada dacwada iyo Maxkamadda.

Sidoo kale maxkamadda ayaa dhageeysatay dooda eedeeysanaha iyo Qareenkiisa si waafaqsan Q 116 XHCS

Ugu dambeyn Maxkamadda Gobolka Hiiraan ayaa soo Gabagabeeysay Galdacwadeedkaan ayadoo sheegtay in ay go’aan ka soosaari doonto.

{DAAWO MUQAALKA} Shacabka Puntland oo cabasho ka ah Itoobiyaan Buux dhaafiyay Magaalooyinkaasi.

0

Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Shacabka Puntland oo cabasho ka ah Itoobiyaan Buux dhaafiyay Magaalooyinkaasi.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Looga Hadlay Kulankii manta Barlamaanka Ssc Khaatumo.

0

Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Maxaa Looga Hadlay Kulankii manta Barlamaanka Ssc Khaatumo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Yaa Fasaxay Rakaabkii ku Xayirnaa Garoonka Muqdisho oo Baydhabo ku Wajahnaa?

0

Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Yaa Fasaxay Rakaabkii ku Xayirnaa Garoonka Muqdisho oo Baydhabo ku Wajahnaa?.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maamo Nadar” Haweenka Gobolka Hiiraan waxaa ay diyaar u yahiin Dagaalka AS.”

0

Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Maamo Nadar” Haweenka Gobolka Hiiraan waxaa ay diyaar u yahiin Dagaalka AS.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Sheekh Maxamed Bukhaari oo ka hadlay siirada nabi Muxamed iyo Maalinta uu dhashay

0

Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Sheekh Maxamed Bukhaari oo ka hadlay siirada nabi Muxamed iyo Maalinta uu dhashay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Xal miyaa laga gaaray xiisaddii garoonka Bosaso ka dib tabashadii ciidamada PSF ee Puntland?

0

Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Xal miyaa laga gaaray xiisaddii garoonka Bosaso ka dib tabashadii ciidamada PSF ee Puntland?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA