Home Blog Page 1889

Shacab kusii jeeday magaalada Baydhabo oo lagu xanibay garoonka diyaaradaha…..

0

Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Wararka aan ka heleyno garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho , ayaa sheegaya in saakay la xannibay diyaarado dad rakaab ah u qaadi lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dad badan oo shacab ah oo saakay aroortii galay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kuna sii jeeday magaalada Baydhabo , ayaa loo sheegay in la joojiyay in wax diyaarado ah aadaan dhinaca Baydhabo, waxaana dadka lagu wargaliyay in guryahooda ku laabtaan.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaana la sheegay in diideen in garoonka ka dhoofaan diyaaradaha saakay kusii jeeday magaalada Baydhabo, lamana sheegin ilaa hadda sababaha diyaaradahaasi loo xannibay, mana jiro wax war ah oo laamaha amniga iyo maamulka garoonka kasoo saareen arrinkan.

Diyaaradaha la diiday in magaalada Baydhabo u dhoofaan ayaan la ogeyn in ay raaci lahaayeen siyaasiyiin kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed, hasa ahaatee waxaa lasoo tabiyay in dadka garoonka joogay ay u badnaayeen dad shacab ah.

Khilaaf meel xun gaaray oo u dhaxeeya madaxtooyada Soomaaliya iyo Madaxweyne Laftagareen , ayaa sabab looga dhigayaa xannibaadan cusub ee dowladda kusoo rogtay diyaaradaha maalin kasta u duula magaalada Baydhabo.

Masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay ka xun yihiin xannibaada la saaray shacabka kusii jeeday magaalada Baydhabo, waxa ayna cadedeeyeen in aan loo dul qaadan karin dhibaatadaasi ayna qaadi doonaan tallaabooyin adag.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli uu guul darro kusoo dhammaaday kulamo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre magaalada Baydhabo kula soo qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed kaas oo ka biyo diiday in Muqdisho yimaado uuna qaaato rabitaanka Villa Soomaaliya.

Mustafe Cagjar oo cadeeyay masiirka dowlad deegaanka Soomaalida.

0

Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa si yaab leh uga hadlay masiirka Soomaalida deegaanka iyo jahwareer uu sheegay in looga dan leeyahay suura-xumeynta xukuumadda uu hoggaamiyo.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ganafka ku dhuftay doodda sheegaysa in Soomaalida dowlad deegaanka aysan aheyn Itoobiya, “shacabka deegaanka Soomaaliddu waa Soomaali, waana Soomaali ka tirsan dalka Itoobiya maamul ahaan,” ayuu Mustafe Cagjar ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qofkii ku nool dowlad deegaanka Soomaalida ee yiraahda Itoobiya kama tirsanina uu jahwareersan yahay, maadaama shacabka deegaanka iyagoo Soomaali ah ay haddana kamid yihiin dalka Itoobiya, sida uu sheegay.

Hoos ka aqriso qoraalka

Inkasta oo sawaxan iyo jaahwareerin badan oo looga goleeyahay suuraxumeeynta Xukuumadda Isbadalka ee DDS iyo u xilqarinta nidaamkii dad-qalatadda ahaa ee ay badashay uu si joogta ah isaga socdo, hadana waxaan muran ku jirin in maanta Deegaanka Soomaalida uuna jirin qof lagu qasbo inuu ku hadlo wax uuna raali ka ahayn.

Waxaa hubaal ah in afkaaro kala duwan oo qaarkood lid isku yihiin lagaga dhawaaqo magaaladda Jigjiga dhexdeeda, oo Xorriyadda hadalku ay taaba-gashay.

Mar hadii la yidhaa aan doodno oo si xor ah u hadalno, iyana waxaa meesha taal in dood toosan iyo tu deel-qaaf ku jiro labaduba imanayaan. Waxaa haboon in tii sax loo arkana la taageero, tii qalad loo arkana la naqdiyo. Hadal kasta oo la yidhaana lagala xisaabtamo cidii ku hadashay ee aan wadar dhan lagu weerarin hadal qof ka qaloocday.

Shacabka Deegaanka Soomaaliddu waa Soomaali. Waana Soomaali ka tirsan dalka Itoobiya maamul ahaan. Ciidii tidhaa Soomaali manihina way qaldan tahay; cidii tidhaa Itoobiya kama tirsannina way jaahwareersan tahay.

Shacabka DDS, Shacabka Soomaaliyeed ee kale meel kasta oo uu ku nool yahay waxay u hayaan wanaag iyo abaal.

Si guud, Odayaasha Deegaanku waxay ka hadleen waa xaqiiqdaas jirta. Waxaa kale oo ay ka hadleen in nabad iyo nolol ay rabaan oo ayna diyaar u ahayn cid kasta oo carqaladeeynaysa amniga Deegankooda.

Nuxurka hadalkoodu wuxuu ahaa in cid kale ayna wakiil ka noqon karin masiirka iyo danaha shacabkooda.

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Ka jiro in Duullimaadka Diyaaradaha Muqdisho & Baydhabo Manta la Hakiyay?

0

Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Maxaa Ka jiro in Duullimaadka Diyaaradaha Muqdisho & Baydhabo Manta la Hakiyay?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Nearly 300 inmates escape after floods bring down prison walls in northeast Nigeria

0

Tuesday 17 Sep 2024 {HMC} Nigerian authorities said 281 inmates escaped after devastating floods brought down a prison’s walls in the country’s northeast.

A major dam collapsed on Sept. 10, unleashing severe flooding that left 30 people dead and over a million displaced, and prompted evacuations across the state of Borno.

Officers attempted to evacuate the city of Maiduguri’s main prison last week when they found out that the prisoners had escaped, Umar Abubakar, spokesperson for the Nigeria Correctional Services said in a statement Sunday night.

“The floods brought down the walls of the correctional facilities including the Medium Security Custodial Centre, as well as the staff quarters in the city,” Abubakar said.

Security personnel were able to recapture seven of the inmates and an operation is still ongoing to locate the rest, he said.

The collapse caused some of the state’s worst flooding since the same dam collapsed 30 years ago. The state government said the dam was at capacity due to unusually high rains.

Two years ago, heavy flooding in Nigeria killed more than 600 people across the country.

West Africa has experienced some of the heaviest flooding in decades this year, affecting over 2.3 million people, a threefold increase from 2023, according to the U.N.

SOURCE VOA

{DAAWO MUQAALKA} Ciriiri iyo Mashquul ka jira wadooyinka waa Weeyn ee Magaalada Baladweyne.

0

Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Ciriiri iyo Mashquul ka jira wadooyinka waa Weeyn ee Magaalada Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {17.09.2024}

Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Hay’adda SoDMA oo gadiid sida shixnad gargaar ah udirtay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe

0

Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Hay’adda SoDMA oo gadiid sida shixnad gargaar ah udirtay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Tirada Dadka ku dhintay Fatahaad ku dhufatay Bartamaha Midowga yurub oo Korortay.

0

Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Tirada Dadka ku dhintay Fatahaad ku dhufatay Bartamaha Midowga yurub oo Korortay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Degmada Baraawe oo awaamiir Kasoo saaray Shirarka aan Dowlada Ka war qabin.

0

Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Maamulka Degmada Baraawe oo awaamiir Kasoo saaray Shirarka aan Dowlada Ka war qabin.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA