Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Tirada Dadka ku dhintay Fatahaad ku dhufatay Bartamaha Midowga yurub oo Korortay.
{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Degmada Baraawe oo awaamiir Kasoo saaray Shirarka aan Dowlada Ka war qabin.
Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Maamulka Degmada Baraawe oo awaamiir Kasoo saaray Shirarka aan Dowlada Ka war qabin.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maxay yihiin Qoyska laga raadiyay DNA-da ee laga helay Somaliland.?
Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Maxay yihiin Qoyska laga raadiyay DNA-da ee laga helay Somaliland.?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Warar kasoo baxaya xariga Xildhibaan Maxamed Abiib xilli uu….
Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Koomiishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland oo booqasho ugu tagay Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan uu xildhibaanku u helo cadaalada uu xaqa u leeyahay.
oraal kasoo baxay koomiishanka kadib booqashada ayaa lagu sheegay in uu Xildhibaan Abiib u sheegay in aanu garanayn waxa loo xidhay, isla markaana qalabkiisii iyo alaabtiisii ay booliisku la wareegeen, dhinaca kale waxa uu xusay in si wanaagsan loola dhaqmay markii la qabanayay iyo imika oo uu jeelka Madheera ku xidhanyahayba.
“Koomiishanku waxa uu walaac ka muujinayaa xidhnaanshaha xildhibaanka oo golaha wakiilada ee uu ka tirsanaa ay diideen in laga qaado dhawrsanaanta, sidookale, in aan la tixgalin qodobka 27 (2) oo dhigaya xuquuqda horgaynta maxkamada awooda u leh muddo 48 saacadood ah” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Golaha Wakiilada Somaliland ayaa saaka markale cod caqlabiyad ah ku diiday waraaq uga timid xeer ilaaliyaha guud, xeer ilaaliyaha ayaa diiday in uu golaha hor yimaado, waxaana jira xildhibaano ku baaqaya in uu goluhu kalsoonida kala noqdo.
Hoos ka akhriso qoraalka koomiishanka oo faah faahsan:-

{DAAWO MUQAALKA} Ruushka iyo UKraine oo markii ugu horaysay maxaabiis kala wareejistay.
Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Ruushka iyo UKraine oo markii ugu horaysay maxaabiis kala wareejistay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Madaxweynihii hore ee Mareeykan Donald Trump oo ka badbaaday iskuday Dil.
Talaado 17 Sep 2024 {HMC} Madaxweynihii hore ee Mareeykan Donald Trump oo ka badbaaday iskuday Dil.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} ” Ciidankan wexeey haaystaan waayo Aragnimadii ay kula Dagaalami lahaayeen Cadowga Itoobiya”
Talaado 17 Sep 2024 {HMC}” Ciidankan wexeey haaystaan waayo Aragnimadii ay kula Dagaalami lahaayeen Cadowga Itoobiya”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Maraykanka oo walaac ka muujiyay Diyaaradaha Sahanka Ruushka Weerarada Fuliya
Isniin 16 Sep 2024 {HMC} Maraykanka oo walaac ka muujiyay Diyaaradaha Sahanka Ruushka Weerarada Fuliya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Mareykanka oo soo farageliyay xiisada udhaxeyso SOOMAALIYA iyo ITOBIYA.
Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday in aysan aqoonsan doonin heshiiska badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland, waxayna ku baaqday in xal diblomaasi laga gaaro xiisadda Addis-Ababa iyo Muqdisho.
Hehsiiska is-afgaradka, oo Itoobiya marin u siinaya xeebaha Badda Cas ee Somaliland, ayaa caraysiiyey dowladda Soomaaliya oo ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah madax-banaanideeda.
Mawqifka Maraykanka ayaa waxaa muujiyay danjirahooda Soomaaliya Richard Riley, wuxuuna shaaciyey dadaallo dhex dhexaadin ah oo xaaladda loogu qaboojinayo hab diblomaasiyadeed.
“Aad ayaan uga warqabnaa, waxaana si wada jir ah uga shaqeyneynaa in aan xaqiijino in xal diblomaasiyadeed laga gaaro xaaladdan hadda jirta,” ayuu yiri Riley, oo wareysi lagula yeeshay xarunta safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.
“Waa xaalad nasiib darro ah, aadna u abuuraysa khalkhal, kana bilaabantay is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan ma aqoonsanin, waxaana isku dayeynaa in aan ku xalino dariiqo diblomaasiyadeed.”
Muranka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa soo shaac baxay horaantii sanadkan markii Itoobiya ay heshiiska is-afgaradka la saxiixatay Somaliland, oo ah gobol ku dhawaaqay inuu ka madax bannaan yahay Soomaaliya, balse aanay cidna aqoonsaneyn.
Heshiiska ayaa dhigaya in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah badda Somaliland oo ay kireysato, halka Somaliland ay sheegtay in ay aqoonsi ka heleyso Itoobiya, inkasta oo Addis-Ababa aysan weli xaqiijin middaas.
Soomaaliya ayaa heshiis kasta oo lala galo Somaliland, ayada oo aan fasax laga haysan, u aragta xagudub lagu sameeyo madax-banaanideeda qaran.
Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kasii dartay, ayada oo uu baaqday wareegii 3-aad ee shirka lagu dhex-dhexaadinayo dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya, kaasi oo la filayay in maanta uu ka furmo magaalada Ankara.
Si rasmi ah loma ogga, sababta shirkaasi oo Turkigu dhex-dhexaadinayo uu u baaqday, laakiin fallanqeeyayaasha ayaa sheegaya in iskaashiga militari ee Soomaaliya iyo Masar oo Addis Ababa ay ka xanaaqday uu labada dhinac sii kala fogeeyay.
Sidoo kale, Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa hadallo xanaf leh hawada isku marinayay maalmahan.
Wasiirka Arrimaha dibeeda Somalia, Axmed Fiqi ayaa dhammaadkii toddobaadkii hore ka sheegay Muqdisho in Soomaaliya ay ka fikirayso inay xiriir la sameyso ama ay taageerto jabhadaha dagaalka kula jira dowladda Ethiopia, hadalkaasi oo si weyn ay u cambaareysay dowladda Ethiopia.
Dowladda Ethiopia ayaa iyadu wali u muuqata inay ku adkeysanayso heshiiskii is-afgarad ee ay la gashay Somaliland, iyadoo sidoo kale ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ay dhaq-dhaqaayo ka wadaan.
Soomaaliya oo si rasmi ugu biirtay hay’ad Caalami ah.
Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Magaalada Veina dalka Austria waxaa ka qabsoomay meertada 68-aad ee shirweynaha Hay’adda Atoomikada Adduunka ee IAEA kaas oo ay ka qayb galeen ergooyinka dalalka xubnaha ka ahi.
Shriweynaha ayaa lagu ballaariyey haya’adda iyadoo dalal cusub ay xubno ka mid ah noqdeen. Dalalka xubnaha Wakaalada Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah qaybta ka ah ay gaaray ilaa 178 dal.
Dalalka ku biiray maanta wakaalada tamarta Nukliyeerka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan IAEA, ayaa waxaa ka mid ah dalka Soomaaliya oo markii ugu horreysay tan iyo asaaskii hay’addaas hadda ku biirtay.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Xamse Adan Xaadow, oo ka mid ahaa waftiga Soomaaliya ee ka qayb galay shirkaasi ayaa sheegay in Soomaaliya ay horrey ugu gudbisay hay’adda doonisteeda xubinimada haya’addaas.
Hay’addan IAEA, ayaa u xilsaaran ururka Qaramada Midoobay ilaalinta Nukliyeerka iyo la socodka xaaladdaha Atoomikada adduunka.
Maxay Soomaaliya ugu dhigan tahay?
Xoghaye Xaadow, wuxuu sheegay in ku biirtistooda hay’addan ay muhiimad gaara u leedahay dalka Soomaaliya
“Waxay uga dhigan tahay horumar weyn, asaaskeena dowladdnima adkayn doontaa sababtoo ah adduunka tamar nabdoon in la isticmaalo waa muhim, dhibka Nukliyeerkana in laga hortago waa muhim, marka muhiimad gaara ayey noo leedahay waxayna ku soo aaday waqti xasaasi ah” ayuu yiri Xaadow.
Wuxuu sheegay inay taariikh u tahay Soomaaliya in macdanta dalku leeyahay la hormariyo taas oo u sheegay inay qayb muhiima ka qaadan doonto in si sharci ah oo waafaqsan nidaamka calaamiga ay kula soo baxaan.
“Macdanka Yuraaniyamta kaliya maha, waa macdan kasta. Shidaalka ayaa qayb ka ah wasakhda sida qashinka lagu soo daadiyo dalka. Waxkasta oo haraa wasakha ah ayaa ka mid ah,” ayuu yiri Xoghaye Xaadow.
Wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya oo ah dal soo kabanaya ay u baahan tahay koronto nabad qab leh isagoo tilmaamay in adduunku maanta u guuray koronto ama tamarta Nukliyeer ah.
Faa’iidada Soomaaliya ugu jirta ku biirista hay’addan
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka wali korontadoodu ku tiirsan tahay kuwa laga dhaliyo matoorada, wuxuu xoghaye Xaadow sheegay inay doonayaan inay doonayaan in ay ka gudbaan mustaqbalka iyagoo kaashanaya hay’addan ay ku biireen ee caalamiga ah.
“Haya’adu waxay ka gaysanaynaa gacan tusaale ahaan inaan galangal u yeelanaynaa deeq bixiyaasha ku bixiya tamarta la cusboonaysiiyo, waxaan fursad u helaynaa khuburada, waxaan fursad u helaynaa Tiknoolajiyada hay’addan ay horumarisay. Waa baahi waqtigeedi taagan” ayuu yiri Xamse.
Dhanka kale waxa uu sheegay xoghayuhu in daraasado ay muujinayaan in Soomaaliya lagu soo daadiyo wasakh badan oo qaarkeed ah mid ka soo hartay wax soo saarka Nugleyrka ku biirista ya hay’adaana ay xal u noqon karto ka hor tagista arrinkaas.
“Waxay naga taraysaa marka kowaad inaan ogaano yaa wax daadiya, oo an xogta helno oo hay’addu xog bay aruurisaa oo xogtaa aan helno, ka dibna cida dhulkeena wasakhda ku shubi karta an ogaano ka dibna hay’addu naga caawiso sidii loga hortagi lahaa” ayuu yiri Xaadow.
Maxay tahay Hay’adda IAEA?
Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah (IAEA) waa urur ay ku midaysan yihiin dawlado badan oo doonaya in ay horumariyaan isticmaalka nabdoon ee tamarta nukliyeerka iyo in la joojiyo isticmaalkeeda ku aadan dhinaca milatariga.
Waxaa la aasaasay 1957-kii, waana sida urur madax-bannaan oo ku dhex jira nidaamka Qaramada Midoobay.
Hay’addan ayaa u warbixino siisa Golaha guud iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyadoo si furan ula socota xaaladaha dunida ee khataraha Nukliyeerka.
Xarunta hay’adda Tamarta Nukliyeerk ee calamiga ayaa ku taalla magaalada Vienna ee dalka Austria.
IAEA waxaa loo abuuray iyadoo laga jawaabayo welwelka sii kordhaya ee caalamiga ah ee ku wajahan hubka nukliyeerka, gaar ahaan iyada oo ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya quwadaha aadka ugu horreeya nukliyeerka, sida Maraykanka iyo Midowga Soofiyeeti.
Madaxweynihii hore ee Maraykanka Dwight D. Eisenhower, ayaa khudbad uu jeediyey waxaa uu ku dalbaday in la abuuro hay’ad u xilsaadaran ka hortaga fidista Nukliyeerka.
Ka dib ansixintii heshiiska ka hortagga faafinta hubka Nukliyeerka ee 1968 dii, IAEA waxaa la siiyay awoodda kormeeridda barnaamijyada nukliyeerka iyo xarumaha lagu hayo intaba.
Soomaaliya haatan mala ah xarun iyo tamar nukleyr inta la ogyahay, balse sida ay sheegtay dawladdu, waxay ugu gol leeyihiin ku biirista ururkaan sidii mustaqbalka ay ugu fududaan lahayd shuruucda ku aadan tamarta laga dhaliyo nukleyrka.



