Home Blog Page 1891

Falastiiniyiin badan oo lagu dilay marinka Gaza.

0

Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Saraakiisha caafimaadka Falastin ayaa sheegay, in ugu yaraan 16 qof lagu dilay duqeyn ay ciidamada Isra’il Isniinti ku garaaceen Marinka Gaza, iyada oo dadka la dilay ay ku jiraan shan dumar ah iyo afar carruur ah.

Isbitaalka Al Cawda oo la dhigay qaar ka mid ah meydadka ayaa sheegay in duqeyn lagu bartilmaameedsaday guri ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseyraat lagu dilay 10 qof oo ay ku jireen afar dumar ah iyo laba carruur ah.

Weerarkaasi ayaa sidoo kale lagu dhaawacay 13 kale sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.

Weerar kale ayaa lala eegtay guri ku yaalla magaalada Gaza ayaa lagu dilay lix qof oo ay ku jireen laba carruur ah iyo haweeneey, sida uu xaqiijiyay Adeega Waaxda Difaaca.

Isra’il ayaa sheegtay in ay beegsato kaliya kooxaha hubeysan isla markaana ku eedeysay Xamaas iyo garabyada kale ee hubeysan ee Falastiiniyiinta in ay ka dhex dagaallamaan meelaha ay daganyihiin rayidka.

Hase yeeshee millatariga Isra’il ayaanan inta badan ka hadlin duqeymaha ay ku baaba’aan inta badan dadka rayidka ah ee u badan dumarka iyo carruurta.

Nin isku dayay in uu khaarijiyo Trump oo dacwado lagu soo oogay

0

Talaado 17 -Sept-2024 {HMC} Ninka looga shakisanyahay in uu isku dayay khaarijinta madaxwynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, xilli uu ku sugnaa beetiisa lagu ciyaaro golf-ka ee gobolka Florida ayaa Isniinti lagu soo oogay laba danbi.

Ryan Routh, oo ah 58 jir, ayaa shalay kasoo hor muuqday maxkamad heer federal ah oo ku taalla magaalada West Palm Beach, halkaas oo ay dacwad-oogayaashu ku soo oogen danbiyo kala ah in uu qori heystay isaga oo danbiile ah iyo in uu tirtiray nambarka aqoonsiga hubka.

Rowe ayaa la xiray 40 daqiiqo kaddib marki uu isku dayay in uu dilo madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, oo hadda u ordaya xilka madaxtinimada isaga oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga.

Waxay aheyd marki labaad oo uu Donald Trump ka badbaadayo isku day dil muddo laba bil gudahood.

Isku daygi hore ee lagu khaariji rabay Trump ayaa dhacay 13-ki bishi July, kaddib marki wiil dhalinyaro ahaa oo marki danbe ay ciidamada amniga dileen uu meel sare kasoo toogtay Trump, kaddibna ka dhaacay dhegta.

Weerarkaas ayaa waxaa duubay kaamirooyinka telefishannada Mareykanka oo tabinayay hadal-jeedin uu Trump kula hadlayay taageerayaashiisa gobolka Pennsylvania.

{DHAGEYSO} Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {16.09.2024}

Isniin 16 -09-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

0

Isniin 16,Sep-2024 {HMC} Waxaan halkan idin kugu so gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta  Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DANBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka Jira Saraakiil ka tirsan koofur Galbeed iyo Ciidamo Itoobiyaan ah in laga Celiyey Baraawe.?

0

Isniin 16 Sep 2024 {HMC}  Maxaa ka Jira Saraakiil ka tirsan koofur Galbeed iyo Ciidamo Itoobiyaan ah in laga Celiyey Baraawe.?3.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Abdirashiid oo bogaadiyay Howlgalada ay wadaan Ciidamada Boliiska Gaarka Koonfur Galbeed.

0

Isniin 16 Sep 2024 {HMC} Xildhibaan Abdirashiid oo bogaadiyay Howlgalada ay wadaan Ciidamada Boliiska Gaarka Koonfur Galbeed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Ergayga arimaha siyaasada Geesaka africa ee ONLF oo ka hadlay xaalada Soomaaliya iyo Jubaland

0

Isniin 16 Sep 2024 {HMC} Ergayga arimaha siyaasada Geesaka africa ee ONLF oo ka hadlay xaalada Soomaaliya iyo Jubaland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Abuukar ”Dhibaatada Baadweyne ka jirto Waxaa Sababay Maamulka”

0

Isniin 16 Sep 2024 {HMC}Abuukar ”Dhibaatada Baadweyne ka jirto Waxaa Sababay Maamulka”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Arday Baratay Xirfadda caafimaadka oo munaasabad qali jebin ah loogu qabtay Muqdisho

0

Isniin 16 Sep 2024 {HMC} Arday Baratay Xirfadda caafimaadka oo munaasabad qali jebin ah loogu qabtay Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Amniga K/Galbeed”Gacan Bir ah ayaan ku Qabaneeyna Cida Amaan Darada wado.”

0

Isniin 16 Sep 2024 {HMC}Wasiir Amniga K/Galbeed”Gacan Bir ah ayaan ku Qabaneeyna Cida Amaan Darada wado.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA