Home Blog Page 192

Sheekh Umal yaa si qotodheer uga hadlay xiriirka Israa’iil ay la samaysay Somaliland.

0

Jimco 9 Jun 2026 {HMC}  Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa si qotodheer uga hadlay xiriirka Israa’iil ay la samaysay Somaliland, Dadka soo dhaweysanaya Yuhuudda, Khilaafaadka iyo in la kala goyn karo Soomaaliya.

Waxa uu ka digay halista Adduun iyo tan Aakhiro ee ka dhallan kara in laga fogaado Dadka Muslimiinta loona sii dhawaado Yuhuudda oo Diinta in badan ka hadashay dhibaatada ay leedahay sida uu Khudbaddiisa ku sheegay Sheekh Maxamed Umal.

Sheekha waxa uu soo hadal qaaday in kala goynta Dhulka Muslimiintu degn yahay ay tahay mid aanay bannaanayn isaga oo tusaale usoo qaatay Soomaaliya maadaama dadkooda ay yihiin Isku Af, Isku diin & Isku dhaqan, Siyaasiyiinta ayuu sheegay in ay ka fogaadaan wax weliba oo dadka kala fogayn kara.

“Shareecada Islaamka ma bannayn in Dhul Dad Muslim ah Degen yahay oo hal dowlad maamuli karto oo aan kala fogayn lama kala qaybin karo, waayo waxaa dhici karta in uu cadaw soo dhex galo ama dhulkooda dhumiyaan sida Andalus ku dhacday oo kale, Aayado & Axaadiith ayaa kusoo uruurtay in laga fogaado khilaafka iyo kala taga” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Kala goynta Soomaalida ayuu ka digay maadaama arrintaan ay noqon karto sida tusbax go’ay oo kale haddii Somaliland lagu dhinac istaago gooni goosadka ay raadinayso, waxa uu intaas ku daray in ay xitaa sii kala go’I karto.

“Haddii aad dhahdid Somaliland ha go’do maxaa diidaya in ay sii kala go’do? Irid furantay waaye oo haddii aad taageertid ilaa waxa ay gaaraysaa in Nin weliba reerkiisa uu gaar ka dhigto, mar haddii sidaas ay imaan karto ma bannaano” Sidaasi waxaa hadalkiisa sii raaciyay, Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed.

Sheekh Maxamed waxa uu ku biirayaa tiro culimo ah oo meelo kala duwan ku sugan oo si cad uga hor yimid faragelinta Israa’iil ay ku samaysay Soomaaliya, dadka qaar oo Calanka Yuhuudda ku dhex qaatay Hargaysa & hadallo gaf ah oo shaqsiyaad kasoo yeeray iyo sida ay diinta ka leedahay soo dhaweysashada Israa’iil.

Ciidanka Israa’iil ayaa Gaza ku toogtay 14 qof oo Falastiiniyiin .

0

Jimco 9 Jun 2026 {HMC} Ciidanka Israa’iil ayaa Magaalada Gaza ku toogtay 14 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen 5 Carruur sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka oo gurmad u fidiyay dadkaan inkasta oo ay u dhinteen dhaawaca kasoo gaaray rasaastaas.

Meelaha ay ciidanka Yuhuudda ay weerareen ayaa ahaa teendhooyinka ay degen yihiin Dadka ay guryahooda burburiyeen ciidamadaas cadawga ah, waxaana sii kordhaya maalinba maalinta ka dambaysa beegsigooda ka dhanka ah Dadka.

Aagga Al-Mawasi ee Koofurta Gaza waa meesha ugu badan ee Dadka rayidka ah ay ku toogteen ciidamada Israa’iil, xeryaha Barakacayaasha dadka degen ayaa sheegay in ay xitaa carruurtooda haddii ay madaxa nuuxiyaan la tooganayo.

Wixii ka dambeeyay Bishii Oktoobar sanadkii dhowaan tagay ee 2025 oo la saxiixay xabbad-joojinta waxa ay ciidanka Israa’iil ay dileen ugu yaraan 425 qof oo Falastiiniyiin ah, halka ay dhaawaceen 1,206 kale sida ay diiwaangelisay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ee Gaza.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo sheegtay in laburburuyey Warshad Qaraxyada u diyaarinaysay AS

0

Jimco 9 Jun 2026 {HMC} War kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Maraykanka oo ka dhacay Gobolka Jubada Dhexe Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Dowladda ayaa sheegtay in howlgalkaan lagu beegsaday Warshad ‘AS’ u diyaarin jirtay Qaraxyada isla markaana lagu dilay 18 xubnood oo halkaas ku sugnayd sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Howlgalka waxa uu si gaar ah uga dhacay Degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xustay in dadka lagu dilay weerarkaan ay ku jireen injineerro ‘AS’ u diyaarinayay Qaraxyada sida hadalka loo dhigay.

“Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa fuliyay howlgal qorshaysan, kaas oo ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, Duqaynta ayaa lagu dilay 18 dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen injineerro ku lug lahaa farsamaynta qaraxyada iyo dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.

Gobolka Jubada Dhexe oo si buuxda ay u maamusho ‘AS’ waxaa maalmihii lasoo dhaafay ku kordhay duqaymaha Diyaaradaha oo si wadajir ah u fulinayaan ciidamada kumaandooska Danab iyo Maraykanka, waxaa kaalin lixaad leh ka qaadanaya Ciidanka NISA.

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia

0

Friday 9 Jan 2026 {HMC} The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People’s Democratic Republic of Algeria, the People’s Republic of Bangladesh, the Union of the Comoros, the Republic of Djibouti, the Republic of The Gambia, the Republic of Indonesia, the Islamic Republic of Iran, the Hashemite Kingdom of Jordan, the State of Kuwait, the State of Libya, the Republic of Maldives, the Federal Republic of Nigeria, the Sultanate of Oman, the Islamic Republic of Pakistan,

the State of Palestine, the State of Qatar, the Kingdom of Saudi Arabia, the Federal Republic of Somalia, the Republic of the Sudan, the Republic of Türkiye, the Republic of Yemen, and the Organization of Islamic Cooperation;

Recalling the earlier statement of 27 December 2025, by the Foreign Ministers rejecting Israel’s recognition of the “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia;

Express their strong condemnation of the recent illegal visit by the Israeli official to
“Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026.

State that the said visit constitutes a clear violation of the sovereignty and territorial integrity of the Federal Republic of Somalia, and undermines established international norms and United Nations Charter.

Reaffirm their unwavering support for the sovereignty, unity, and territorial integrity of the Federal Republic of Somalia.

Underline that encouraging secessionist agendas are unacceptable and risk exacerbating tensions in an already fragile region.

Emphasize that respect for international law, non-interference in internal affairs of sovereign states, and adherence to diplomatic norms are essential for regional and international stability.

Commend the Federal Republic of Somalia’s commitment to peaceful international engagement, constructive diplomacy and adherence to international law.

Express their commitment in continuing to support diplomatic and legal measures taken by Somalia to safeguard its sovereignty, territorial integrity and stability in line with international law.

Stress that Israel should fully respect Somalia’s sovereignty, national unity and territorial integrity and honor its obligations in compliance with international law, and demand immediate revocation of the recognition issued by Israel.

FAAH FAAHIN Howlgal Qorsheeysan oo Caawa Laga Fuliyay Dagmada Saakoow.

0

Jimco 9 Jun 2026 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa caawa fuliyay hawlgal gaar ah oo si heer sare ah loo qorsheeyay, kaasi oo ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Hawlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday xaruntii ugu weynayd ee Khawaarijta ku lahayd degmadaas, taas oo ay u adeegsan jireen farsamaynta iyo diyaarin qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Hawlgalkaasi wuxuu ku soo dhammaaday guul, iyadoo gebi ahaanba la burburiyay warshaddii lagu farsameyn jiray qaraxyada.

Intii hawlgalka uu socday, waxaa goobta lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen shaqsiyaad loo adeegsaday farsamaynta iyo diyaarin qaraxyada lagu gumaado ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, isla caawa, tuulada Gabad Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa laga fuliyay duqeyn dhanka cirka ah, taas oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah. Duqeyntaasi ayaa lagu beegsaday goobo ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen, waxaana la gaarsiiyay khasaare culus oo lagu wiiqay awooddooda argagixiso.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkaynaya go’aankooda ah in ay sii wadaan hawlgallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

F G Warkan waxaa Lagu baahiyay Warbaahinta Dowladda Soomaaliya.

WAR DEG DEG AH: Dagaal Culus oo ka socda saakoow oo ka tirsan Gobolka Jubada dhexe.

0

Khamiis 8 Jun 2026 {HMC} War deg deg ah Dagaal Culus ayaa haatan ka socda Halka lagu magacaabo saakoow oo ka tirsan Gobolka Jubada dhexe.

Ciidanka Xogga dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab oo diyaarado & Dallaayado ku boodaaya ayaa caawa galay saakoow.

ma jirto faahfaahin dhammaystiran oo laga helaayo laakiin qablanka Rasaasta Culus ayaa laga maqlayaa oo ay sii dheertahay Godadkii AS oo loo daatay caawa.

Imaaradka Carabta oo ka haray dalalka Islaamka oo mar kale garab-istaagay midnimada Soomaaliya.

0

Khamiis 8 Jun 2026 {HMC} Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
08 Janaayo 2026:

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Boqortooyada Urdun, Dowladda Kuwayt, Dowladda Liibiya, Jamhuuriyadda Maldives, Jamhuuriyadda Nayjeeriya, Saldanadda Cumaan, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Baakistaan, Dowladda Falastiin, Dowladda Qatar, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Suudaan, Jamhuuriyadda Turkiga, Jamhuuriyadda Yemen, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka;

Dhammaan dowladahaan iyo ururradaan ayaa si adag u cambaareeyey dhaqdhaqaaqa Israa’iil iyo booqashadii ugu dambeysay ee sharci-darrada ahayd ee masuul Israa’iili ah uu 6-dii Janaayo 2026 ku tagay Gobol ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna ku sifeeyeen xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, midnimadeeda iyo wadajirka dhulkeeda, isla markaana wiiqaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Dowladahaan ayaa mar kale xaqiijiyey taageeradooda aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhulkeed, iyagoo ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay ka qaybgalka caalami ah ee nabadda, diblomaasiyadda wax ku oolka ah iyo u hoggaansanaanta qodobbada sharciga caalamiga ah, waxayna caddeeyeen in go’aankeeda midnimada iyo difaaca madax-banaanida dhulka Jamhuuriyadda ay ku garab taagan yihiin.

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo Xoogan ku soo Bandhigtay Dagmada Matabaan.

0

Khamiis 8 Jun 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka, Saraakiisha Qeybta 27’aad, iyo Saraakiisha Qeybta 21’aad, ayaa degmada Matabaan kula dardaarmay cutubyo Ciidanka XDS, oo loo diyaariyay hawgallo ka dhan ah Kooxda Al shabaab.

Ciidankaan oo ay u soo dhamaatay Tababar heer sare ah oo muddo u socday ayaa soo bandhigay awood iyo karti, iyo u diyaarsanaantooda Hawlgallada lagu sifaynayo Kooxda Al shabaab ee ka socda dhamaan Gobalada Dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilahaan dambe wadda guluf wayn oo ay khawaarijta uga sifaynayso deegaano kala dawan.

Khudbadii Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kooban {AKHRISO}

0

Khamiis 8Jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay Dowladdu ku wajahayso faro-gelinta shisheeye iyo tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, taasi oo uu ku kacay maamulka Israa’iil.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa shacabkeeda iyo saaxiibadeeda caalamka ay qaadayso tallaabooyin diblomaasiyadeed iyo sharci oo looga hortagayo xadgudub kasta oo ka dhan ah midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, taas oo ay barbar socoto dhageysiga iyo ka garowsiga dhammaan tabashooyinka Gobollada Waqooyi.

HOOS KA AQRI QODOBADA UU KA HADLAY mADAXWEYNAHA.

Ka garaabidii Dowladda Kacaanka: Madaxweyne Xasan Shiikh: “Waxa aan ka garaabayaa dul kasta oo nidaamkii kacaanku u gaystay Woqooyi, waxa aan diyaar u nahay wada-hadal Soomaaliyeed oo lagu xallinayo wax kasta oo naga qaldamay.”

Fariinta Israaiil: Madaxweyne Xasan Shiikh oo la hadlaya Israa|l: “Soomaaliya ma aha dal la qaybin karo, la qabsan karo ama la iibsan karo, waxba nagama faa’iideysaan keliya waxa siu kordhaya go’doonka aad caalamka kaga jirteen.”

Arinta Ictiraafka Somaliland: Madaxweyne Xasan Shiikh: “Walaalaha Somaliland citiraafku wuxuu idinka jiraa Dowladda Federaalka ah, idin kama jiro meel kale; si la mid ah Koonfur-suudaan & Eriteriya oo dalalkii ay ka tirsanaayeen ay oggolaadeen.”

Talaabada DFS Ay qaadeyso: Madaxweyne Xasan Shiikh: “Waxa aan qaadaynaa tallaabooyin adag oo aan kaga hortegeyno aqoonsi-beenaadka Israa|l ee qayb ka mid ah dalkeena.”

Arinta Midnimada Madaxweyne Xasan Shiikh: “Wax kasta oo lagu midoobayo ayaa naga diyaara xataa xukunka walaalaha Woqooyi-yow.”

Kala gooynta Somaliya: Madaxweyne Xasan Shiikh: “Soomaaliya laguma kala-goyn karo warqad uu qoray Netenyaahu oo denbiile ah, YH nooma danaynayso ee waxay dooneysaa in ay soo rarto Falastiin, saldhig amni-darrona samayso.”

Xiriirka uu La sameeyay Madaxda Somaliland Madaxweyne Xasan Shiikh: “Xiriiro o badan ayaan la sameeyey Madaxda Somaliland balse igama ay hoos qaadin xataa waxa aan isku-dayey in aan joojiyo Dagaalkii Gobolka Sool…nasiib-darro na lama dhegeysan, xalkeennu wuxuu ku jiraa innaga.”

Mahadcelinta Trump: Madaxweyne Xasan Shiikh:” Waxa aan si kal & laab ah ugu mahadcelinayaa Dowladda Mareykanka si gaar ah Madaxweyne Trump; garab-istaagga uu u muujiyey Soomaaliya, waxa aan leenahay beerka kaa ogsooni.”

 

Trump oo caawa u hanjabay Dowladda Iiraan.

0

Khamiis 8 Jun 2026 {HMC} Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale caawa u hanjabay Dowladda Iiraan,

Trump ayaa yiri “ Haddii ciidanka Iiraan ay dilaan hal qof oo ka mid ah dadka bannaanbaxyada dhigaya, isla markiiba Mareykanka si xooggan ayuu u weerarri doonaa Iiraan, wayna ka shallaayi doonaan.

illaa hadda dadka dhintay waxay u geeriyoodeen is riix riix ka dhex dhacay dadka bannaanbaxaya, ma jirto cid ciidankooda ay dileen.”