Home Blog Page 20

Xog:.Xildhibaanada BFS ee ka soo jeeda Jubbaland, Puntland iyo KGS oo shir ku yeelanaya Nairobi.

0

Axad 21 March 2026 {HMC}  Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shir ay yeelanayaan xildhibaano ka kala socda labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ka tirsan maamullada Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa la sheegay in uu yahay mid diiradda lagu saarayo xoojinta wada shaqeynta siyaasadeed iyo mideynta mowqifyada siyaasadeed ee saddexdan maamul, xilli uu dalku marayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

Wararka ayaa tilmaamaya in xildhibaanada kulmaya ay ka arrinsan doonaan xaaladda guud ee siyaasadda dalka, gaar ahaan khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada.

Sidoo kale, kulanka ayaa la filayaa in lagu falanqeeyo sidii loo heli lahaa mowqif mideysan oo ay saddexdan dhinac uga jawaabaan arrimaha taagan, loona xoojiyo iskaashiga siyaasadeed ee mustaqbalka.

Shirkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka jira gudaha iyo dibadda dalka, kuwaas oo la xiriira jihada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo doorashooyinka la filayo.

 

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Muqdisho kula kulmay Odayaal & Waxgarad kasoo jeeda DG Koofur Galbeed

0

Axad 21 March 2026 {HMC}  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Koofur Galbeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Waxa uu kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen dedaallada looga hortagayo isku dhacyo dhiig ku daata iyo wax weliba oo sababi kara burburka maamulkaas sida hadalka loo dhigay. Aadan Madoobe ayaa Odayaasha iyo Waxgaradka uu la kulmay la wadaagay dhacdooyinka taagan inta uu ogyahay maadaama uu isku dayay in uu tago Baydhabo lagana hortaagay isla markaana dhowr jeer uu waanwaan sameeyay.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Dedaha & Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo kamid ah xubnaha ay sida wayn isku hayaan Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Sidoo kale waxaa qayb ka ahaa Xildhibaanno iyo xubno kale oo dhammaantood madasha kusoo bandhigay talooyin la xiriira sida looga hortagi karo xaaladaha aan wanaagsanayn ee saansaanta colaad muujinaya ee ka taagan Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Iiraan oo ka jawaabtay hanjabadii Trump.

0

Axad 21 March 2026 {HMC}  Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in milatariga dalkaas ay beegsan doonaan kaabayaasha tamarta ee lala xiriiriyo Mareykanka ee ku yaalla guud ahaan gobolka Khaliijka, haddii la weeraro xarumaha shidaalka iyo tamarta ee Iran.

Digniintan ayaa timid ka dib markii uu Madaxweyne Donald Trump soo saaray digniin kama dambays ah, isagoo sheegay in Mareykanku uu “burburin doono” xarumaha korontada ee Iran haddii Tehran ay ku guuldareysato inay dib u furto Marinka Hormuz muddo 48 saacadood gudahood ah

Khasaare xooggan oo ka dhashay weerar ay Iiraan ku qaaday Israa’iil.

0

Axad 21 March 2026 {HMC}  Axad, gantaal ay Iran ridday ayaa ku dhacay Arad, oo ah magaalo yar oo ku taalla koonfurta Israa’iil, kadib markii nidaamyada difaaca hawadu ay ku guuldareysteen inay qabtaan gantaalka. Adeegyada gurmadka degdegga ah ee Israa’iil ayaa sheegay in 88 qof la geeyay isbitaallada kadib weerarka, iyadoo 10 ka mid ah ay qabaan dhaawacyo halis ah.

Tobannaan kale oo qof ayaa ku dhaawacmay magaalada Dimona ee koonfurta Israa’iil, oo qiyaastii 13 km u jirta xarun nukliyeer ah.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku tilmaamay dhacdadan “fiid aad u adag” oo dalka soo maray.

Sacuudiga oo Hortagay saddex gantaal oo nooca balastikada ah oo lala beegsaday Riyad

0

Axad 21 March 2026 {HMC}  Maanta oo Axaddda, maalintii 23-aad ee dagaalka ka socda Bariga Dhexe, wasaaradda gaashandhigga Sacuudiga ayaa ku dhawaacday inay ka hortagatay saddex gantaal oo nooca balastikada ah oo lala beegsaday gobolka Riyad oo ah caasimada Sacuudiga.

Qoraal ay ku daabacday barteeda X, ayey ku sheegay in “Saddex gantaal oo balastiko ah ayaa loo soo riday dhanka gobolka Riyadh. Mid ka mid ah gantaaladaas waa la soo riday, halka labada kale ay ku dhaceen aag aan dad degganayn,” iyadoo intaas ku dartay in shan diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn la qabtay isla markaana lagu burburiyay hawada dalka tan iyo saqdii dhexe

{DAAWO MUQAALKA} MW Lafta Gareen ”Koofur Galbeed waa lagu Soo Duulay waxana ladiinka Rabaa Dadkiina inaa Difaacdaan’

0

sabti 21 March 2026 {HMC} MW Lafta Gareen ”Koofur Galbeed waa lagu Soo Duulay waxana ladiinka Rabaa Dadkiina inaa Difaacdaan’

HOOS KA DAAWO MUQAALKA DAGAALKA BARIGA DHAXE

 

{DAAWO MUQAALKA} ZMaamulka Xudur oo ku dhawaaqay ineey taagerayaan Dowladda Soomaaliya kana soo hor jedaan Lafta Garen

0

sabti 21 March 2026 {HMC}Maamulka Xudur oo ku dhawaaqay ineey taagerayaan Dowladda Soomaaliya kana soo hor jedaan Lafta Garen

HOOS KA DAAWO MUQAALKA DAGAALKA BARIGA DHAXE

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya Caalamka 21-03-2026

0

sabti 21 March 2026 {HMC} Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya Caalamka 21-03-2026

HOOS KA DAAWO MUQAALKA DAGAALKA BARIGA DHAXE

 

Wajid Community Holds Post-Eid Rally, Voices Support for Federal Government

0

Friday  20 March 2026 {HMC} Residents of Wajid district in the Bakool region held a large rally today following Eid prayers, expressing their position on the situation and recent violence in South West Somalia.

The gathering brought together members of the community who used the occasion to call for stability, unity, and strengthened governance in the region.

During the rally, the Wajid community clearly expressed its full support for the Federal Government of Somalia and its ongoing efforts to advance national priorities.

Participants particularly welcomed the implementation of the recently completed constitution and emphasized their support for the transition to elections based on one person, one vote.

The demonstration reflects growing public engagement in national political processes and continued support for reforms aimed at strengthening democratic institutions in Somalia.

Source Sonna

Somali Ambassador Presents Credentials to Finland’s President, Strengthens Bilateral Ties.

0

Friday  20 March 2026 {HMC}The Somali Ambassador to Sweden, Abdikarin Ahmed Mohamed, has presented his credentials to the President of Finland, Alexander Stubb, following a formal ceremony held at the Presidential Palace in Helsinki.

The ceremony marked a significant step in strengthening diplomatic relations between Somalia and Finland, as both sides reaffirmed their commitment to deepening cooperation across key sectors.

During the meeting, discussions focused on enhancing diplomatic ties and expanding cooperation between the two governments, particularly in social development sectors and areas of mutual interest.

The engagement reflects Somalia’s ongoing efforts to broaden its international partnerships and strengthen diplomatic representation across Europe.

Following the ceremony, Ambassador Abdikarin Ahmed Mohamed—who will oversee Somalia’s diplomatic missions in both Finland and Sweden—was welcomed at the Somaliliitto headquarters by members of the Somali Community Unity Organization.

The gathering brought together traditional elders, youth, intellectuals, and representatives from local councils in Helsinki and Vantaa, highlighting the strong role of the Somali diaspora in fostering bilateral relations.

The appointment of the Somali Ambassador to Finland is seen as a new beginning for the Somali community, expected to facilitate stronger engagement between the embassy and citizens, while addressing challenges previously faced by Somalis residing in the country.

Source Sonna