Home Blog Page 21

Madaxweyne Laftagareen ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.

0

Sabti  21 March 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidamadaan oo kamid noqon doona howlgallada lagu xaqiijinayo Amniga ayaa tababaray saraakiisha ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM.

Laftagareen ayaa ku boggaadiyey ciidanka dadaalkooda, wuxuuna ku dhiirrigeliyay inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda ee ah ka hortaga cid waliba oo lid ku ah dowladnimada koonfur galbeed.

May be an image of one or more people and text

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay xoojinta tayada iyo tirada ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud.

Tababarka loo soo xiray Ciidanka ayaa ku soo aadaya xilli khilaaf xooggan uu ka dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Koofur Galbeed.

 

Sheekh Mustafa Xaaji ayaa ka digay garab istaagga dadka qaar ay u muujinayaan Israa’iil .

0

Sabti 21 March 2026 {HMC}  Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digay garab istaagga dadka qaar ay u muujinayaan Israa’iil isaga oo sheegay in arrintaas ay kahor imaanayso Diinta Islaamka isla markaana aanay bannaaneen.

Sheekha ayaa shaaciyay in aanay bannaaneen in la isku soo jeediyo balaayo kaasii jeeddo oo uu ku fasiray inay lasoo dhawaysto Yuhuudda oo qudheeda iska xakamayn la’dahay duqaymaha Iiraan iyada oo loo sameeyay goobo badan oo lagu difaacayo.

Waxa uu fariin u diray dad qaarkood Baraha Bulshada lasoo istaagay in ay garab taagan yihiin Israa’iil, arrintaasi ayuu tilmaamay in ay wax u dhibayso Diinta iska daayaan wax weliba oo aan u wanaagsaneen Adduun iyo Aakhira sida uu fariintiisa ku muujiyay.

“Diin ahaan ma bannaana in aynu hiil u noqono Israa’iil, Balaayo aan inoo dhawayn yaynaan soo dhawaysan, Madax & Majo waxaa habboon in aynu faraha la gelin arrin naga wayn oo hadhow iska difaaci karin” ayuu yiri Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun oo ah Caalim Soomaaliyeed

Waxa uu tilmaamay in Iiraan iyo xulufada kasoo horjeedda midkood aanay diir-naxa u lahayn Sunniyiinta balse loo baahan yahay in la caddeeyo cidda la dulmiyay taasina uu alle ku caddeeyay qur’aanka Kariimka ah.

“Dulmiga alle ma jeclo, Iiraan maanta waala dulmiyay innaga oo rumaysay in aysan khayr u wadin Ahlu Sunna ayaa haddana leenahay waala dulmiyay, Alle waxa uu yiri waligiin Dulmi ha taageerina” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun.

Sababta colaadda loo badiyay ee loo gaarsiiyay dalalka Muslimiinta ayuu ku sheegay Sheekh Mustafa in dhul loo raadinayo Israa’iil, waxa uu soo jeediyay in laga fogaado soo dhawaysashada Yuhuudda, Maraykanka & Xulufada kale ee la safan.

Ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Howlgal Kadhan AS ka Fuliyay Deegaanka Gaalooga.

0

Jimco 20 March 2026 {HMC} Wararka naga soo gaaraya Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay saaka waaberigii hore howlgal qorsheysan ka fuliyeen tuulada Raama-Hudo oo ka tirsan deegaanka Gaalooga, taas oo qiyaastii 20 illaa 30-km u jirta magaalada Baydhabo.

Afhayeenka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed, ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaasi lagu beegsaday sida uu hadalka u dhigay fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan As .

Waxa uu xusay in ciidamada ay gaarsiiyeen khasaare xooggan, inkastoo uusan faahfaahin dheeraad ah ka bixin tirada khasaaraha rasmiga ah.

Sidoo kale, saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallo lagu xoojinayo amniga deegaannada ku xeeran Baydhabo, oo ah xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, xaalad kacsanaan ah ayaa laga soo sheegayaa duleedka magaalada Baydhabo, halkaas oo wararku tilmaamayaan in kooxo mucaarad ah oo ka soo horjeeda Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ay ciidamo ku urursanayaan.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in ciidamo ka soo baxay Buurhakaba ay ku biireen dhaq-dhaqaaqyadan, iyadoo la rumeysan yahay in ujeedkoodu yahay inay hor istaagaan doorashooyin la qorsheenayo in laga qabto deegaannada maamulka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Koonfur Galbeed ay shalay galinkii dambe weerar ku qaadeen kooxahan, taas oo muujineysa sii korarka xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka jirta gobolka.

Ilaa iyo hadda ma jiro war madax-bannaan oo si buuxda u xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay howlgalka iyo dagaalladii u dambeeyay, balse xaaladda guud ee Baydhabo iyo nawaaxigeeda ayaa u muuqata mid kacsan oo u baahan feejignaan dheeraad ah.

Xiisadda ka taagan Koofur Galbeed oo Xiisadda sii daba-dheeraatay .

0

Jimco 20 March 2026 {HMC}  Xiisadda ka taagan deegaanno dhowr ah oo Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed katirsan uguna horraysa Magaalada Baydhabo waxa ay saamayn taban ku reebtay arrimaha Gargaarka bani aadamnimo iyo qoysaska barakacayaasha oo qudhooda cabsi soo wajahday.

Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo ku sugan Magaalada Baydhabo, mas’uuliyiin kala duwan oo qaarkood ka socda hay’ado Magaaladaas u tagay qiimaynta xaaladaha bani aadamnimo iyo tirakoobka dadka barakacayaasha waxa ay ku xayirmeen Xarunta Gobolka Baay.

Qoysaska Barakacayaasha ah ee Duleedka Magaalada Baydhabo ku sugan ayaa qudhooda waxa ay gaabis ka dareemeen kaalmadii koobnayd ee loo gayn jiray halka deegaannada qaar ay noqdeen furimo dagaal oo ay isku hor fadhiyaan dhinacyada hubaysan.

Xiisadda sii daba-dheeraatay ayaa saamayn kale kusii yeelatay Dadkaan ku go’doonsan Magaalada Baydhabo ee deegaan ahaan kasoo jeedin Magaaladaas balse u tagay arrimo shaqo sida ay qaarkood inoo sheegeen.

Waxaa gaabis uu u yimid dedaalladii lagu doonayay in lagu qaban-qaabiyo kulan weyne Beesha Caalamka loogu soo bandhigi lahaa xaaladaha bani aadamnimo ee Koofur Galbeed iyada oo arrintaas ay duugtay xiisadda siyaasadeed ee soo korortay.

Barakacayaasha ku sugan Gudaha iyo bannaanka Magaalada Baydhabo ayaa wajahaya xaalado dhinaca nolosha ah maadaama wax la’aan iyo colaad isugu darsantay kana mashquuleen dadkii caawinayay xeryaha ay degen yihiin sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo xilkas ah.

Dowlada Maraykanka oo bariga dhexe u diray Ciidamada.

0

Sabdi 21 March 2026 {HMC} Maraykanka ayaa soo bandhigay ciidan katirsan cutubka 82aad ee Hawada uga booda Diyaaradaha si ay u fuliyaan howlgallada culus ee lagu beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin dadka ay xiligaas bartilmaameedsanayaan.

Ciidankaan ayaa loo diray Bariga sida uu sheegay Teleefishinka CBS News isaga oo intaas ku daray in aanay la ogayn halka ay caga-dhiganayaan iyo cidda ay beegsanayaan maadaama mar weliba oo ay safraan howlgal culus ay fuliyaan.

Washington oo ku guuldaraysatay howlgallada dhulka ah ee Iiraan ka dhanka ah ayaa la sheegay in ay qaadayso tallaabooyin hadal hayn cusub abuuri kara mar haddii ciidankooda cirka ay gaari waayeen guullo muuqda oo ka dhan ah Tehran.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa maalin kahor qiray in uu guuldaraystay qorshihii ciidamada dhulka ku gali lahaa Iiraan ayaa xusay in ay wadaan dedaallo kale balse uusan sheegin nooca qorshahaas iyo waqtiga la fulinayo.

{DAAWO MUQAALKA} MW Xasan sheekh oo Shir deg deg ah iskugu yeeray odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed

0

sabti 21 March 2026 {HMC}MW Xasan sheekh oo Shir deg deg ah iskugu yeeray odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed

HOOS KA DAAWO MUQAALKA DAGAALKA BARIGA DHAXE

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyey Xiisada ka taagan Koofur Galbeed.

0

sabti 21 March 2026 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyey Xiisada ka taagan Koofur Galbeed.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA DAGAALKA BARIGA DHAXE

 

{DAAWO MUQAALKA} Dagaal u dhaxeeyo Ciidamada Koofur Galbeed iyo kuwa Mucaaradka oo ka socda Duleedka Baydhabo

0

sabti 21 March 2026 {HMC} Dagaal u dhaxeeyo Ciidamada Koofur Galbeed iyo kuwa Mucaaradka oo ka socda Duleedka Baydhabo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA DAGAALKA BARIGA DHAXE

 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamadii Koofur Galbeed ee Ka Baxsaday Baraawe oo lagu soo Dhaweeyey Kismaayo

0

sabti 21 March 2026 {HMC}Ciidamadii Koofur Galbeed ee Ka Baxsaday Baraawe oo lagu soo Dhaweeyey Kismaayo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA DAGAALKA BARIGA DHAXE.

 

UK oo digniin culus u dirtay Dowladda iiraan.

0

Jimco 20 March 2026 {HMC} Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, Yvette Cooper, ayaa uga digtay dhiggeeda Iiraan, Abbas Araghchi, inuusan weerarin saldhigyada UK intii lagu jiray wicitaan taleefoon oo dhacay Khamiistii, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK.

Arrintan ayaa timid kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ay faahfaahin ka bixisay wicitaankaas, iyadoo Abbas Araghchi uu uga digay in oggolaanshaha Maraykanka inuu isticmaalo saldhigyada Britain ay ka dhigan tahay “ka qaybqaadasho gardarro”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK ayaa sheegtay in intii wicitaanka socday, Yvette Cooper ay cambaaraysay “weerarrada aan masuuliyadda lahayn ee Iiraan”, oo ay ku jiraan duqeymaha ka dhanka ah “kaabayaasha tamarta muhiimka ah”.

Waxay sidoo kale ku baaqday “in si degdeg ah dib loogu soo celiyo xorriyadda maraakiibta” ee marinka Hormuz, waxayna “si cad u sheegtay” in hawlgallada difaaca ee UK ay yihiin “jawaab ka dhan ah gardarrada Iiraan” ee ka dhanka ah dalalka Khaliijka.