Home Blog Page 204

Sawirkii u danbeeyey ee Laga Soo qaaday Madaxweynihii Venezuela.

0

Sabdi 3, Jan  2026  {HMC} Trump ayaa hadda bartiisa Truth Social ku baahiyay sawir cusub oo uu sheegay inuu muujinayo “Nicolas Maduro oo saaran markabka USS Iwo Jima” — kani waa markabkii uu horay ugu sheegay Fox News inuu hoggaamiyaha Venezuela u soo qaadayo dhanka dalka Mareykanka.

Sawirka ayaa muujinaya qof u eg Maduro, oo indhaha ka xidhan (eye mask), dhegaha ay ugu jiraan sameecadaha dhegaha, isagoo ku labisan dhar nooca fudud ah oo midabkiisu yahay cawl.

Trump oo Sheegay in uu maamuli doono Venezuela.

0

Sabdi 3, Jan  2026  {HMC} Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in Mareykanku uu “maamuli doono” Venezuela ilaa “waqti aan ka samayn karno kala guur awoodda ah oo ammaan ah, habboon, isla markaana xikmad ku dheehan tahay.”

Trump ayaana sii raaciyey in ciidanka Mareykanku ay weerareen “qalcad ciidan oo si weyn loo xoojiyay” oo ku taal bartamaha magaalada Caracas si Maduro “sharciga loo horkeeno.”

Wuxuu hawlgalkan barbardhigay hawlgaladii ciidan ee hore loogu qaaday dalka Iiraan — oo ay ku jiraan kuwii lala beegsaday bartilmaameedyada nukliyeerka.

“Ma jiro dal adduunka ah oo gaari kara waxa Ameerika samaysay ee ku guulaysatay,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in dhammaan awoodihii ciidanka ee Venezuela “laga dhigay kuwo aan waxba qaban karin” intii uu weerarku socday. Wuxuu kaloo raaciyay in layrarkii magaalada Caracas la damiyay intii uu hawlgalku socday “sababo la xiriira aqoon gaar ah” oo ay Ameerika leedahay.

Trump wuxuu sheegay in Maduro iyo xaaskiisa labaduba ay “hadda wajahayaan cadaaladda Ameerika,” isagoo intaas ku daray in dacwad lagaga soo oogay degmada koonfurta New York sababo la xidhiidha “ololahooda argagixisada maandooriyaha ee dhimashada leh” ee ka dhanka ah Mareykanka iyo muwaadiniintiisa.

Dowladda Soomaaliya oo Taageertay Howlgalka Yemen uu ka wado Sacuudiga.

0

Sabdi 3, Jan  2026  {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay doorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee taageeridda wada-hadalka qaran ee Yemen, gaar ahaan martigelinta shirweyne ka dhacaya Riyadh.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in hindisahani uu xoojinayo wada-hadal nabadeed oo lagu ilaalinayo midnimada, madax-bannaanida iyo xasilloonida Yemen, isla markaana ay taageersan tahay dhammaan dadaallada lagu gaari karo nabad waarta.

Muxuu kaga jawaabay Madaxweyne Xasan Shiikh eedeynta Trump u jeediyay Bulshada Soomaaliyeed?

0

Sabdi 3, Jan  2026  {HMC}   Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas Soomaalida ku tilmaamay qashin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadalkaasi yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana gef ku ah sharafka iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

“Ma nihin qashin. Waxaan nahay binu-aadam leh dhaqan, hido iyo taariikh fac weyn. Soomaalidu waa dad howlkar ah, caqli badan, kana qeyb qaatay horumarka dalal badan oo caalamka ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa xusay in Soomaalidu, inkastoo ay la kulmeen caqabado ay ka mid yihiin colaado iyo duruufo dhaqaale, haddana ay muujiyeen adkeysi, karti iyo rabitaan ay ku dhisayaan mustaqbal wanaagsan

Hadalka Trump ee Soomaaliya ku ilmaamay “qashin” ayaa sababay caro ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah bulshada caalamka, kuwaas oo xusay inuu yahay mid cunsuriyad iyo xaqiraad ku saleysan.

Askari ka tirsanaa Ciidamada Madaxtooyada Jubbaland oo lagu filiyey xukun dil toogasho ah .

0

Sabdi 3, Jan  2026  {HMC}Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah u fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu riday dable Aadan Ibraahim Axmed Macoow, kaas oo ka tirsanaa ciidamada madaxtooyada Jubbaland.

Xukunka dilka ah ayaa ka dhashay fal uu Aadan Ibraahim horey ugu dilay Allaha u naxariistee Cabdifataax Cumar Shariif, oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland, Dilkaasi ayaa dhacay 24-kii Juun 2025, kaddib muran soo kala dhexgalay labada askari.

Sida ay sheegayaan wararka rasmiga ah, muranka labada askari ayaa ku billowday kabo ciidan oo ay isku qabsadeen, taas oo ugu dambeyn isku beddeshay gacan ka hadal, halkaas oo Aadan Ibraahim Axmed Macoow uu mindi ku dilay saaxiibkiis Cabdifataax Cumar Shariif.

Kaddib baaritaanno socday muddo, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland ayaa saddex jeer u fariisatay dhageysiga dacwadda, iyadoo ugu dambeyn go’aamisay in eedeysanaha lagu xukumo dil toogasho ah, taas oo ah qisaasta marxuum Cabdifataax Cumar Shariif.

Maanta ayay maxkamaddu si buuxda u fulisay xukunkaas, iyadoo goobta fulinta xukunka ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan laamaha ammaanka iyo cadaaladda. Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Cali, xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland, ayaa warbaahinta u akhriyay xukunka, isagoo xaqiijiyay in qisaasta si sharci ah loo fuliyay.

Fulinta xukunkan ayaa imaaneysa xilli maamulka Jubbaland uu marar badan ku celceliyay in uu adkeynayo ilaalinta sharciga, isla markaana aan marnaba la aqbali doonin dambiyada ka dhex dhaca ciidamada qalabka sida.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya Caalamka 03-01-2026

0

Sabti 3, January 2025 {HMC}  Wararka Ugu waa weeyn Soomaaliya Caalamka 03-01-2026

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

SNA, in collaboration with international partners carry out planned operation, eliminated over 20 As militants

0

Saturday 3, Jan  2026  {HMC}The Somali National Army’s Danab special forces, in collaboration with international partners, carried out a planned special operation last night, which took place in the Buula Fuleey area of ​​Bay region, one of the largest and most important areas of the As militants.

The forces targeted places where terrorist leaders were based, and during the operation, more than 20 members, including leaders and militias, were killed.

The forces also destroyed a radio station belonging to the AS  terrorists located in the area.

This operation comes two days after some of the group’s top leaders were targeted in the Middle Juba region, and yesterday, the militants were defeated in an attack they launched in Wargaadhi area of ​​the Middle Shabelle region.

Source sonna

Prime Minister Hamza visits recreational areas, praises visible progress of the Galmudug capital

0

Saturday 3, Jan  2026  {HMC} The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Mr. Hamza Abdi Barre, who is on a working trip to Dhusamareb, visited the city’s recreational areas last tonight, praising the progress and visible changes that have taken place in the capital of Galmudug State.

 

The Prime Minister, who met with the community, urged them to further strengthen their role in consolidating peace, promoting development, and strengthening social cohesion.

PM Hamza noted that the security and stability in Dhusamareb are the basis for economic and social development, and he praised the businessmen and people of the city for their participation in the reconstruction and development of the Galmudug capital.

Source  sonna

{DAAWO MUQAALKA} Duqeeymo Culus iyo Qaraxyo laga maqlay Dalka Venezuela

0

Sabti 3, January 2025 {HMC} Duqeeymo Culus iyo Qaraxyo laga maqlay Dalka Venezuela

{DAAWO MUQAALKA} Dagaalo Culus oo ka socda Yeman iyo Koofurta looga dhawaaqayo Dowlad Madax Banaan.

0

Sabti 3, January 2025 {HMC} Dagaalo Culus oo ka socda Yeman iyo Koofurta looga dhawaaqayo Dowlad Madax Banaan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA</strong