Home Blog Page 205

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa fuliyey hawlgal militari oo culus ka fuliyay deegaanka Buula Fuuleey ee gobolka Baay .

0

Sabdi 3, Jan  2026  {HMC}  Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal militari oo culus ka fuliyay deegaanka Buula Fuuleey ee gobolka Baay, halkaas oo ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka AS .

War rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada gaarka ah ee Danab, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ay fuliyeen hawlgal si heer sare ah loo qorsheeyay, kaas oo bartilmaameedkiisu ahaa xarumo muhiim ah oo ay maleeshiyaadka AS ku lahaayeen deegaanka Buula Fuuleey.

Intii uu hawlgalku socday, ciidamada ayaa beegsaday goobo ay deggenaayeen horjoogayaal iyo dagaalyahanno ka tirsan maleeshiyaadka AS , waxaana la xaqiijiyay in lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Sidoo kale, hawlgalka ayaa lagu burburiyay idaacad ay maleeshiyaadka AS ku faafin jireen dacaayadooda, taas oo ku taallay isla deegaankaas.

Dowladda Soomaaliya weli ma soo bandhigin magacyada xubnaha AS ee la dilay, mana jirto wax sawirro ah oo laga sii daayay horjoogayaasha ama maleeshiyaadka lagu khaarijiyay hawlgalkan.

Hawlgalkan ayaa imanaya iyadoo laba maalmood ka hor weerar la mid ah lagu beegsaday maleeshiyaadka AS ee ku sugan gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo lagu dilay qaar ka mid ah horjoogayaashii ugu sarreeyay kooxda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay in ay ka go’an tahay ciribtirka maleeshiyaadka AS , iyadoo xoojineysa hawlgallada amni ee ka socda gobollada dalka.

 

Xildhibaanno katirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si wadajir ah uga hor yimid tobanneeyo ruux oo lagu xiray Boorama .

0

Sabdi 3, Jan  2026  {HMC} Xildhibaan Maxamed Abiib iyo Mukhtaar Xasan Maydhane ayaa si wadajir ah uga hor yimid tobanneeyo ruux oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada ammaanka Somaliland ay ku xireen Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

Waxa ay labada Xildhibaan sheegeen in sababta dadkaas loo xiray ay tahay in ay qaateen Calanka Falastiin halka Dadka Magaalada Hargaysa Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ay u fasaxday Calanka Israa’iil.

Sharci darro iyo xadgudub ayay ku tilmaameen in Dadka Awdal loo xiro Calanka Falastiin oo kuwa Hargaysa loo ogolaado kan Yuhuudda, waxa ay dadka ugu baaqeen in ay ka dhiidhiyaan oo diidaan awood-sheegashad lagu samaynayo.

“In Qofkii Boorama ku qaata Calanka FLSTN la xiro, Qofkii Hargaysa ku qaatana Calanka SRL loo fasaxo Diintee & Dastuurkee ayay ku jirtaa? Dadkayaga waxa aan leeyahay ka dhiidhiya oo diida, Cirroow shalay waxa aad seeriga u wadatay ayaa maanta anagane seeriga u qaadanaynaa, waxba yaa naloo soo dirin Madaxweyne ku xigeen oo isaga ayaa dulman” Ayuu yiri Xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane

Abiib & Maydhane ayaa sheegay in aanay amni darro ka jirin Gobolka Awdal balse Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ay abuurayso oo xirayso Dadka Rayidka ah si ay u kiciso dareenka Bulshada, waxa ay ku goodiyeen in ay hoggaaminayaan kacdoon ka dhan ah dadkaas xirxiran.

Waxa ay ku goodiyeen in ay raaci doonnaan dhabbaha ay raacday Sool oo hadda ah Dowlad-Goboleed ay aqoonsan tahay Dowladda Federaalka, Abiib iyo Maydhane ayaa Odoyaasha ugu baaqay in ay jiho wanaagsan u jeediyaan Mustaqbalka Reer Awdal.

Madaxweynaha Maraykanka oo sheegay in ciidankiisa In ay qabteen MW Venezuela & Marwadiisa

0

Sabdi 3, Jan  2026  {HMC}Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka Bulshada waxa uu ku xaqiijiyay in duqaymihii cuslaa ee ka dhacay Magaalada Caracas ee caasimadda Venezuela Nicolas Madura iyo Marwadiisa.

Trump ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dalkaas laga bixiyay Madura iyo Xaaskiisa isla markaana loo qaaday Waddankaas dibaddiisa, waxaa lagu wadaa in uu faahfaahin ka bixiyo sida uu howlgalkaas u dhacay iyo goobta lagu hayo.

Maamulka Donald Trump ayaa muddo raadinayay soo qabashada Madaxweynaha Venezuela Nicolas Madura, Dalal badan oo Washington ku garab taagnaa beegsigiisa sida Cuba iyo Colombia ayaa cambaareeyay weerarkaas lagu qaaday Caracas.

La soco wixii kasoo kordha hadalka Trump & Xaaladda Venezuela.

Maxay Hiyiin qaraxyada Kadhacay Caasimadda Venezuela ?

0

Sabdi 3, Jan  2026  {HMC} Ugu yaraan 7 qarax oo aad u culus ayaa laga maqlay Magaalada Caracas ee caasimadda u ah Dalka Venezuela iyada oo ay dadku hurdada kasoo salaleen maadaama jugtaas kaddib ay maqleen guuxa diyaarado dhawaqoodu sarreeyo.

Warbaahinta gudaha iyo tan Dibadda ayaa baahisay in goobo kala duwan la beegsaday, waxaa heegan la geliyay ciidamada ammaanka Dalkaas si ay jawaab uga bixiyaan duullaanka lagu soo qaaday dalkooda sida hadalka loo dhigay.

Goobaha la weeray intooda badan waa xeryo ciidan oo ku yaalla meelo u dhow Caasimadda, waxaa tagtay korontada iyada oo la joojiyay isu socodka Dadka iyo Gaadiidka si loo ogaado xogta guud ee qaraxyadaas.

Muuqaal kooban oo la baahiyay waxaa ka muuqday Mooto Fekon iyo Gaari lagu celinayo afaafka hore ee goobaha lagu hubiyo Gawaarida galaysa Madaxtooyada Dalkaas, ujeedka waa in xaaladda soo korortay ay cabsi abuurtay.

Venezuela ayaa Dowladda Maraykanka ku eedeysay in ay ka dambaysay weerarkaan oo ay ku beegsatay Dad rayid ah iyo xarumo ay leeyihiin ciidamada, waxaana intaas dheer in la beegsaday goobo ilaa haatan aan xogtooda lasoo gudbin waxa lagu qabanayay.

La soco wixii kasoo kordha

{DAAWO MUQAALKA} Xaalada Caafimaad ee Madaxweyne Trump oo laga Deeyrinaayo.

0

Sabti 3, January 2025 {HMC} Xaalada Caafimaad ee Madaxweyne Trump oo laga Deeyrinaayo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada gaarka ah ee Danab oo hawlgal gaar ah ka fuliyay deegaanka Buula Fuleey ee gobolka Baay

0

Sabti 3, January 2025 {HMC}Ciidamada gaarka ah ee Danab oo hawlgal gaar ah ka fuliyay deegaanka Buula Fuleey ee gobolka Baay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

Hoggaamiyaha Golaha Koonfurta Yemen ee Imaraadka taageero oo Ku dhawaaqay in la Afgambiyay Maamulkiisa.

0

Jimco 2, Jan  2026  {HMC} Hoggaamiyaha Golaha Koonfurta Yemen (STC), Aidarous al-Zubaidi oo Imaaraadka uu tageeerro , ayaa ku dhawaaqay in la bilaabay marxalad kala-guur ah oo socon doonta laba sanno, taas oo kaddib lagu qaban doono afti lagu go’aaminayo madax-bannaanida koonfurta Yemen.

Waxaa kaloo uu beesha caalamka ugu baaqay in ay kafaala-qaaddo wada-hadallo u dhexeeya dhinacyada ay khusayso arrinta Yemen, gaar ahaan koonfurta iyo waqooyiga, si loo helo jid cad, isla markaana loo dejiyo hannaan dammaanad qaadaya xuquuqda dadka reer koonfurta.

Hadalkan ayaa yimid kaddib dagaallo ka dhacay gobolka Hadramout, kuwaas oo u dhexeeyay isbahaysiga Sacuudigu hoggaaminayo iyo ciidamo ka tirsan Golaha Koonfurta. Intii ay dagaalladu socdeen, ciidamo daacad u ah guddoomiyaha gobolka Hadramout, Salem al-Khanbashi oo taageerro ka helaya Sacuudiga ayaa la wareegay saldhigga ciidan ee ugu weyn gobolka, kaas oo ay hore u maamulayeen ciidammada Golaha Koonfurta.

STC, ayaa ku guul darraystay qorshe ay doonaysaan inay kula wareegto guud ahaan Koonfurta Yemen, kadibna ku dhawaaqdo in Koonfurta ay ka go’day waqooyiga Yemen oo ay madax bannaani shaaciyaan, tan oo bilowgii hore u muuqatay wax suragal ah markii STC ay qabsadeen dhul ballaaran oo ka tirsan gobolka Hadramout, balse wax walba ayaa is beddelay markii Sacuudiga uu arkay inay ciidanka soo gaareen xadkiisa,taa oo ku qasabtay inuu farageliyo kana saaro gudaha Yemen , ciidanka Imaaraadka ee taageerrayay STC.

Hadda waxay ku dhawaaqistan soo baxday xilli uu cadaadis saaray Sacuudiga — ciidanka Golaha Koonfurta Yemen , kuwaasoo iyagoo aan gaarin qorshahooda soo hormariyay inay ka jaraan dhulka ay heystaan inta kale ee Yemen.

Iran oo si adag uga Jawaabtay Hanjabaada Mareykanka.

0

Jimco 2, Jan  2026  {HMC} La taliyaha sare ee hoggaamiyaha Iiraan, Cali Shamkhani, oo loo arko mid ka mid ah ragga beddeli kara Cali Khamenei, ayaa ka jawaabay hanjabadii ka soo baxay Trump oo uga digay Iiraan haddii ay iskudaydo inay xoog u adeegsato bannaanbaxyada ka socda magaalooyinka Iiraan inuu Mareykanka soo faragelin doono.
Shamkhani, ayaa yiri ;

“Shacabka Iiraan si wanaagsan ayay u yaqaannaan Mareykanka marka uu adeegsanayo; waxaan badbaadinayna shacabka , waa wax ku dhammaanaya wixii ka dhacay Ciraaq, Afgaanistaan illaa Qasa , balse gacan kasta oo faragelin ah oo ku soo wajahan amniga Iiraan, marmarsiiyo kasta ha wadata ee, waa la jari doonaa ka hor inta aysan gaarin ujeeddadeeda, iyadoo lagu jawaabi doono tallaabo keeni doonta qoomammo.”

Ciidamada Yemen ee caalamku aqoonsan yahay oo uu sacuudiga Taageero ayaa qabsaday Saldhigyo Muhiim ah.

0

Jimco 2, Jan  2026  {HMC} Ciidamada dawladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, kana helaya taageerada Sacuudiga, ayaa maanta ka qabsaday saldhigyo istiraatiiji ah ciidanka Golaha Koonfurta Yemen (STC), oo Imaaraadka uu taageerro.

Goobaha ay ciidamadu kala wareegeen STC waxaa ka mid ah saldhigga Guutada Gaashaaman ee 37-aad, oo ku yaalla deegaanka Al-Khasha ee gobolka Hadramout.

Saldhiggan ayaa lagu tilmaamay mid leh muhiimad istiraatiiji ah, maadaama uu door weyn ka ciyaaro gudbinta sahayda, isla markaana uu ku yaallo marinno muhiim ah oo isku xira gudaha Hadramout, gobolka ay haatan ka socdaan dagaallada ugu culus.

Mastermind Behind October 14 Bombings Killed in Targeted Strike; NISA and International Partners Eliminate High-Value Targets

0

Friday 2, Jan  2026  {HMC} The National Intelligence and Security Agency (NISA), working in close coordination with international security partners, has officially confirmed the death of the mastermind behind the terrorist group’s explosive operations. In a press statement released on Thursday, the agency announced the success of a precision operation conducted on December 10 in the Jilib district of the Middle Jubba region, which resulted in the elimination of two senior leaders of the Kharijites.

The primary target of the strike was Abdullahi Osman Mohamed, known by the operative name “Engineer Ismail.” He was classified as one of the most dangerous figures within the hierarchy of the terror group, serving as the chief architect of the explosives department. Additionally, he held command over the clandestine “Amniyat” intelligence wing and the Al-Kataib media unit. As a high-value target with a five-million-dollar bounty on his head, his neutralization represents a severe blow to the group’s operational capabilities. Intelligence reports identify him as the primary orchestrator of the devastating October 14 truck bombing, alongside numerous other attacks that have claimed the lives of innocent Somali citizens and destroyed public property.

Alongside the explosives chief, the operation also successfully neutralized Abdikarim Mohamed Hersi, known as “Qoorleex.” Hersi was a prominent figure within the group’s propaganda apparatus, specifically tasked with managing misinformation and radicalization campaigns in the Jubba regions. His removal is expected to disrupt the group’s ability to coordinate operations and disseminate extremist messaging in southern Somalia.

The Federal Government described the mission as a highly sophisticated and successfully executed targeted strike. By eliminating these senior commanders, the security forces have effectively dismantled a critical node in the terror network’s infrastructure, removing the imminent threat these individuals posed to the safety and security of the Somali nation.