Home Blog Page 222

Turkiga oo cadaadis kala kulmaya badda madow Kadib Weeraradii Maraakiibta Ruushka.

0

Arbaco 24, Dec 2025 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa cadaadis kala kulmaya badda madow, muddo dheer oo maraakiibta Turkiga ay ka faa’iideysanayeen xaaladda Ukraine oo ay ahaayeen maraakiib aan caqabad kala kulmin inay ku xirtaan dekedaha Ukraine ,

hadda waxay u muuqataa taas inay tahay waxaan sii socon karin, kaddib markii shalay weerarkii afaraad oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu qaaday markab uu Turkiga leeyahay isla xilligii uu ka soo baxay deked ku taalla Ukraine , waxay weerarradan dhaceen wax ka yar labo toddobaad gudahood.

Weerarrada ay la kulmayaan maraakiibta Turkiga , ayaa dhacaya , xilli labo toddobaad ka hor la qarxiyay labo markab oo Ruushka uu leeyahay , kuwaasoo ku burburay badda madow. Ma cadda haddii Ruushka uu aargoosi u beegsanayo maraakiibta Turkiga oo ku xirta dekedaha Ukraine.

Sacuudiga oo isku diyaarinaysa in ay hoos ugu dhigto xoolaha ay ka soo iibsato dibadda

0

Arbaco 24, Dec 2025 {HMC} Boqortooyada Sacuudiga ayaa isku diyaarinaysa inay si tartiib ah hoos ugu dhigto xoolaha ay ka soo iibsato dibadda, tallaabo si toos ah mustaqbalka u taaban doonta dalalka xoolaha u dhoofiya Sacuudiga, gaar ahaan Soomaaliya oo ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee xoolaha looga dhoofiyo.

Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah istaraatiijiyadda Sacuudiga ee ku wajahan gaarista isku-filnaansho dhinaca cunnada ah.

Si himiladan loo hirgeliyo, Sacuudigu wuxuu ballaariyay mashruuc lagu dhisayo xarunta ugu weyn xoolaha ee bariga dhexe, mashruuc markii hore horraantii sannadkan lagu qiyaasay in lagu maalgeliyo 2 bilyan oo doolar, balse hadda lagu kordhiyay ilaa 9 bilyan oo doolar. Sida ay baahisay Saudi Expatriates, mashruucan oo laga hirgelinayo magaalada Hafr Al-Batin ayaa isugu jira xarumo casri ah oo lagu horumarinayo taranka xoolaha, warshado wax-soo-saarka hilibka ah oo wajigiisa koowaad dabooli doona 30% baahida hilibka cas ee Boqortooyada, iyo sidoo kale xarumo maalin kasta soo saari doona ilaa 140,000 litir oo caano ah.

In ka badan 13,000 oo shaqaale ah ayaa la filayaa inay wajiga koowaadba ka howlgalaan mashruucan, iyadoo Sacuudigu u arko tallaabadan mid muhiim u ah yareynta ku-tiirsanaanta xoolaha dibadda laga soo dhoofiyo, islamarkaana xoojinaysa amniga cunnada iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Dowlada Soomaaliya oo Mareykanka iyo Venezuela ugu baaqday in ay wada hadlaan

0

Arbaco 24, Dec 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay kulan ay yeesheen golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo diiradda lagu saarey xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa Mareykanka iyo Venezuela.

Wakiilka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ayaa sheegay in ay ku baaqayaan wada hadal iyo in dhinacyada ay muujiyaan mas’uuliyad.

Waxa uu ku baaqay in Qaramada Midoobay ay door hoggaamineed ka qaadato sidii loo gaari lahaa xal ku yimaada wada xaajood ay yeeshaan Mareykanka iyo Venesuela.

Soomaaliya ayaa muujisay in ay dhexdhexaad ka tahay xiisadda, isla markaasna ay dooneyso in is afgarad laga gaaro qoddobada la isku hayo.

Maxay salka ku heysaa Xiisadda Mareykanka iyo Venesuela?

Xiisadda Mareykanka iyo Venezuela ayaa sii xoogeysatay bilihii la soo dhaafay, kaddib markii maamulka madaxweyne Donald Trump uu kordhiyay cadaadiska siyaasadeed, dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed la saarayo dowladda uu hoggaamiyo Nicolás Maduro.

Mareykanka ayaa Venezuela ku eedeeyay in ay hoy u tahay shabakado waaweyn oo ka ganacsada daroogada, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah amniga caalamka, gaar ahaan qaaradda Ameerika.

Washington ayaa sheegtay in dakhliga laga helo shidaalka Venezuela ay kala qeybsadaan Dowladda iyo kooxo ka ganacsada daroogada dalkaasi.

Dhinaca kale, dowladda Venezuela ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, iyadoo ku tilmaantay kuwo siyaasadaysan oo uu Mareykanku u adeegsanayo marmarsiiyo uu ku doonayo inuu ku burburiyo dowladda dalkaasi.

Dalalka caalamka sida Ruushka iyo Shiinaha ayaa saacadihii la soo dhaafay soo jeedinayay in dhinacyada wada hadalaan si loo gaaro xal.

Laba Askari boolis ah oo lagu dilay qarax ka dhacay Moscow

0

Arbaco 24, Dec 2025 {HMC} Saddex qof – oo ay ku jiraan laba sarkaal oo booliis ah – ayaa ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Moscow, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ruushka.

Labo askari oo ka tirsan booliiska waddooyinka ayaa arkay qof laga shakiyay meel u dhow gaari booliis oo marayay waddada Yeletskaya Street ee magaalada, markii ay u tageen tuhmanaha si ay u xiraan, waxaa la qarxiyay walxaha qarxa, guddiga baaritaanka Ruushka ayaa sidaas sheegay.

Labada askari ayaa u dhintay dhaawacii soo gaaray, waxaana la socday shaqsi kale oo goobta taagnaa.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya laba maalmood ka dib markii Jeneraal sare oo Ruush ah lagu dilay qarax baabuur oo Isniintii ka dhacay caasimadda.

Lt Gen Fanil Sarvarov ayaa dhintay ka dib markii walxaha qarxa – kaas oo lagu xiray baabuurkiisa- la qarxiyay.

Maraykanka oo duqeymo cirka ah ka fuliyay Gobolka Bari

0

Arbaco 24, Dec 2025 {HMC} Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka ayaa duqeymo culus ka fuliyay buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno katirsan kooxda Daacish.

Duqeymahan ayaa yimid xilli ay socdaan howlgallo ka dhan ah Daacish oo ay wadaan ciidamada difaaca Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu xaqiijiyay in duqeymahaasi dhaceen 22-ka Diseembar 2025, isla markaana ay ka fuliyeen agagaarka Buuraha Golis, qiyaastii 88 km koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso.

AFRICOM ayaa sheegay in duqeymahaasi lagu beegsaday kooxda ISIS-Somalia, ayna fuliyeen iyagoo la kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taliska ayaa sidoo kale xusay in Maraykanka, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka ay sii wadi doonaan tallaabooyinka lagu wiiqayo awoodda Daacish ee khatar ku ah amniga Soomaaliya, gobolka iyo danaha Maraykanka.

Koonfur Galbeed oo Baaq u diray Hay’adaha Gargaarka si Loo Taageero Dadka ay Abaartu Saameysay

0

Arbaco 24, Dec 2025 {HMC}  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa soo saaray baaq madaxweyne oo ku aaddan xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanno ka mid ah Koonfur Galbeed, taas oo saameyn ba’an ku yeelatay nolosha shacabka, gaar ahaan reer guuraaga iyo beeraleyda.

Baaqan oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha, kuna taariikheysan Baydhabo 24-ka Diseembar 2025, ayaa lagu sheegay in abaartu ay sababtay dhibaatooyin dhinaca nolol-maalmeedka ah, isla markaana ay jirto baahi degdeg ah oo loo qabo gargaar bani’aadannimo si loo badbaadiyo dadka ay xaaladdu saameysay.

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan Wasaaradda Gargaar iyo Maareynta Masiibooyinka Koonfur Galbeed (KGGS), inay dardargeliyaan dadaallada gurmadka, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed, ganacsatada iyo qurba-joogta inay ka qeyb qaataan taakuleynta iyo garab istaagga walaalahooda ay abaartu saameysay, si loo yareeyo saameynta masiibadan dabiiciga ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa adkeeyay in dowladdu ka go’an tahay ilaalinta nolosha shacabka, isla markaana ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo gargaar degdeg ah iyo xal waara oo lagaga hortagayo dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha soo noqnoqda.

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu kormeer Shaqo ku joogay Laftagareen Degmooyinka Xudur iyo Waajid halkaas uu ku soo arkay dad la dhiban xaalado bini’adamnimo oo aad u daran una baahan gargaar deg deg ah.

{DAAWO MUQAALKA} Mareeykan oo qabiilada Soomaalida Ugu Baaqay inleey la dagaalamaan AS

0

Arbaco 24, Dec  2025 {HMC} Mareeykan oo qabiilada Soomaalida Ugu Baaqay inleey la dagaalamaan AS

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

Booliska Soomaaliya oo soo qabtay askari ka tirsan Ciidanka DF

0

Arbaco 24, Dec 2025 {HMC} Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhiga Dharkenley, ayaa gacanta ku dhigay eedaysane D/le Xusen Idow Cabdu Laahi, kaas oo lagu soo qabtay fal khal-khal-galin amni ah, oo uu ka sameeyay goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah isagoo xabdo ka dhex furay, sida lagu sheegay warka ka soo baxay Booliska.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in eedaysnaha uu hadda ku jira gacanta ciidanka Booliska, waxayna sheegeen in loo gudbin doonaa Maxkamadda ku shaqada leh.

Qoraalka Booliska ayaa sidoo kale lagu wargaliyay dhammaan Ciidamada Qalabka sida in ay ku ekaadaan Goobahooda shaqo inta Doorashada ka dhamaaneyso.

Maalin ka hor ayaa Booliska Soomaaliya waxaa ay soo xireen 11 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo la sheegay in hub sharci darro ah ay ku dhex wateen caasimada Muqdisho.

{DAAWO MUQAALKA} Nabadoonkii uu ka Billowday Dagaalkii Jalalaqsi oo lasii Daayey.

0

Arbaco 24, Dec  2025 {HMC} Nabadoonkii uu ka Billowday Dagaalkii Jalalaqsi oo lasii Daayey..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu wa weeyn Soomaaliya Caalamka 24-12-2025

0

Arbaco 24, Dec  2025 {HMC} Wararka Ugu wa weeyn Soomaaliya Caalamka 24-12-2025

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA