Home Blog Page 2254

Itoobiya oo ka hadashay Ciidamadeeda Soo galay Soomaaliya iyo halka uu marayo heshiiskii ay la gareen Somaliland

SKhamiis 27 June 2024 {HMC} Dawaldda Itoobiya ayaa ka jawaabtay eedayn ay dhawaan Soomaaliya u gudbisay Qaramada Midoobay oo ku saabsan in ciidamo Itoobiyaan ah ay ‘si sharci darro ah ugu tallaabeen dhinaca Soomaaliya.’

Waxay sidoo kale ka hadashay qorshaha ay ciidamadooda u joogaan Soomaaliya, iyo cidda iska go’aanka iyo xilliga ay ka baxayaan iyaga oo sheegay inay muddo sii joogi doonaan.

Nebyu Tedla, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya oo waraysi siiyay laanta Amxaariga ee BBC-da ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha Soomaaliya ee ka dhanka in ciidan Itoobiyaan ah ay si sharci darro ah u galeen gudaha Soomaaliya.

“Arrintaas waa waxba kama jiraan. Sida aad ka warqabto Soomaaliya waxa noo jooga ciidammo ka tirsan ATMIS iyo kuwo aan ka tirsanayn ba. Arrintanna waxba kaga ma duwana. Waanu la hadalnay saraakiisha sarsare ee ciidankeenna ee aaggaasi ku sugan. Xogta ay nala wadeegeen waa mid aan ka duwanayn sidii hore. Waxa uu ahaa dhaqdhaqaaq caadi ah oo laga ga hor tagayay halis amniga ka dhan ah oo laga yaabo in ay dhacdo sidii horaba u dhacday.”

Doodda la xidhiidha bixitaanka ciidammada ayaa in muddo ah soo jiitamaysay laga soo bilaabo heshiis is af-garad ahaa oo ay bilowgii sannadkan wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle oo ka hadlayay kulan xaaladaha Soomaaliya looga hadlayay oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen masuuliyiinta Qaramada Midoobay iyo kuwo ka socday Midowga Afrika waxa uu Itoobiya ku eedeeyay in askarteedu ay “si sharciga baalmarsan u galeen gudaha Soomaaliya”.

Itoobiya waxa ay muddo dheer ka mid tahay waddamada ciidammada nabad-ilaalineed ee hawlgalka ATMIS ee jooga gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo tiro ahaan gaadhaya 3000 oo kun oo askari balse waxaa jira ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu qiyaaso inta u dhaxaysa 5000 ilaa 7000 oo aan ka tirsanayn hawlgalka kuwaasi oo ku sugan qaybo dalka ka mid ah.

“Sida aad ka warqabto dawaldda Soomaaliya ka sakow Villa Soomaaliya ma aha mid maamusha dalka oo dhan. Ciidankeennu waa mid mar walba isbed-beddel lagu sameeyo, gaar ahaan kuwa aan ka tirsamayn hawlgalka ATMIS. Waa middaas uun, laakiin ma jiro hawlgalka soohdinta ka tallaabsan oo aan fulinnay,” ayuu yidhi afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.

Goorma ayay baxayaan ciidammada Itoobiya ee jooga Soomaaliya?

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda doonaysa in labada nooc ee ciidammada ah Itoobiyaanka ah ay isaga baxaan Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah.

Dhawaan ayay ahayd markii la Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin oo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiinayay barta X (oo horey loo oran jiray Twitter) ayaa sheegay in dhammaadka bisha Diiseembar ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xiriirra khilaafka labada wadan u dhaxeeya.

Afhayeenka u hadlay dawladda Itoobiya ayaa iska fogeeyay in uu jiro codsi uga yimid dawladda Soomaaliya oo ay Itoobiya kaga dalbanayso in ay ciidammadeeda ka saarto Soomaaliya.

“Sidaan kuu sheegay codsigu ma aha mid ka imaanaya Soomaaliya oo keliya. Haddii se uu yimmaado, marka aan ka soo baxno masuuliyadda na la saaray, Beesha Caalamku haddii ay danaynayso joojitaanka ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya, diyaar ayaan u nahay in aan waajibkayaga gudanno. Laakiin inta ka horraysa ma doonayno in aan arrimhaasi galno. Annaga waa noo fududahay. Marka aniga iyo adigu aan u wada hadalayno sidii laba qof oo Itoobiyaan ah, ciidankeenna in aan soo celinno oo aan dejinno aag dagaalka ka caaggan/ buffer zone waa noo fududahay. Sidaas darteed, ciidanka cusub ee Soomaaliya loo diri doono weli waa xilli hore oo ay adag tahay in la saadaaliyo.”

Itoobiya waxa ay sheegtay in bixitaanka ciidamadeedu aanu qusayn keliya Soomaaliya balse ay tahay arrin u taalla Beesha Caalamka. Isaga oo ka hadlaya arrimahan Nebiyu Tedla waxa uu yidhi:

“Hawlgalka nabad-ilaalinta ee aan ku joogno Soomaaliya. Ma aha mid keliya khuseeya dawladda Soomaaliya. Waa masuuliyad caalami ah. Waa hawlgal uu maamulo Midowga Afrika oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay. Sidaas daraadeed, marka ay arrimaha noocan ah yimaaddaan, geestayada si rasmi ayaan uga wada hadalaynaa waxna waa la iska weyddiinaynaa. Sidaas oo ay tahay, hadda ma jiraan codsi rasmi ah oo odhanaya Itoobiya ha la baxdo ciidankeeda jooga Soomaaliya oo naga soo gaadhay dawaldda Soomaaliya, Midowga Afrika ama Qaramada Midoobay.”

Ururka Alshabaab ayaa la xasuusan yahay in sannadkii la soo dhaafay uu hawlgallo ka fuliyay gudaha Itoobiya. Afhayeenka ayaa sheegay in Itoobiya ay qasab ku tahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo amnigeeda ay ku ilaashan karto oo ka dhan ah Soomaaliya.

“Sida aad og tahay, arrimaha ka jira Soomaaliya haddii ay halis ku noqdaan amniga qaran Itoobiya ma aha mid ay cid uga fasax qaadanayso. Waxa aan qaadaynnaa tallaabo noo gaar ah.”

Halkee marayaa isafagaradkii Somaliland iyo Itoobiya?

Sida la aamminsan yahay khilaafka ka dhex taagan dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxa xuddun u ah isfahan ay Itoobiya la gaadhay Somaliland bilowgii sanadkan. Is af-garadka oo Itoobiya u oggolaanaya in ay xeebaha jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ay ka hesho dekad iyo saldhig ciidan ayaan ilaa hadda si rasmi ah loo dhaqangelin.

Waxa Wax Laga weyddiiayay afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nebiyu Tedla halka uu marayo isafgaradka iyo goorta loo beddeli doono heshiis rasmi ah.

“Arrintaasi waxba hadda kaaga ma sheegi karo. Laakiin, dabcan maalmaha soo socda wax waan ka dhihi doonnaa, marka wakhtigiisa la gaadho waan shaacin doonnaa,” ayuu yidhi Nebiyu Tedla.

Dawladda Soomaaliya ayaa xilli sii horraysay amartay in la xidho qunsuliydaha Itoobiya ee ku yaalla Hargaysa iyo Garoowe balse afahayeenka u hadlay dawladda Itoobiya ayaa sheegay in ay qunsuliyadaha ku yaalla magaalooyinkaasi ay weli shaqaynayaan.

“Isafagaradku halka uu marayo waan ogaan doonaa. Laakiin hadda waxa aan kuu sheegi karaa in danjirahayagii Soomaaliya aanu hadda joogin Muqdisho oo shaqo kale loo egmaday. Safaaraddu way furan tahay. Lama xidhin. Diblumaasiyiinteennu way shaqaynayaan. Safiirkeenna wada tashi ayuu u yimid Addis Ababa. Wakhti xaadirkanna dhinacaas safiir uma diraynno,” ayaa uu yidhi afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Xilli sii horraysay oo Arbacadii ah xafiiska raysal wsaaraha Itoobiya ayaa beeniyay warqad wadata sumadda xafiiskiisa oo lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaysa in Itoobiya ka noqotay is af-garadkii ay la gaadhay Somaliland. Qoraalkan ayaa lagu yidhi ‘Xafiiska Rayasl wasaaruhu waxa bulshada uga digayaa xogaha hadda la wareejinayo baraha bulshada ee ku saabsan is af-garadkii Somaliland.’

Xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex oogan Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kor u sii kacaysay muddooyinkii u dambeeyay. Muranka la xidhiidh is af-garadka ay wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya oo bar-bilow u ah khilaafka labada dal iyo qorshaha bixitaanka ciidamadda Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaan weli xal rasmi ah loo helin.

{DAAWO MUUQAALKA} Gacanna cadowga ayaan kula dagaalameynaa gacanna xorriyadda ayaan ugu dabaal degeynaa

Khamiis june,27 2024 (HMC) Gacanna cadowga ayaan kula dagaalameynaa gacanna xorriyadda ayaan ugu dabaal degeynaa

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Mareykanka oo ka hadashay go’aankii uu qaatay Madaxweyne William Ruto

Khamiis june,27 2024 (HMC) Dowladda Mareykanka oo ka hadashay go’aankii uu qaatay Madaxweyne William Ruto

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Xidhitaanka tababarr arday la xifdisiinayo Quraanka kariim

Khamiis june,27 2024 (HMC)  Xidhitaanka tababarr arday la xifdisiinayo Quraanka kariim

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Deegaannadii AS laga xoreeyay ayaa laga xusay toddobaadka Xorriyadda.

Khamiis june,27 2024 (HMC)  Deegaannadii AS laga xoreeyay ayaa laga xusay toddobaadka Xorriyadda.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Macalimiinta Quraanka Dhiga ee Ssc Khaatumo iyo arday quraan ku xifdinaya mudo afartan cisho

Khamiis june,27 2024 (HMC)  Macalimiinta Quraanka Dhiga ee Ssc Khaatumo iyo arday quraan ku xifdinaya mudo afartan cisho

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Bulshada Baladweyne oo bilaabay olole lagu dhisayo Waddooyinka ku burburay Fatahaadii Wabiga.

Khamiis june,27 2024 (HMC)  Bulshada Baladweyne oo bilaabay olole lagu dhisayo Waddooyinka ku burburay Fatahaadii Wabiga.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} ABIY Ahmed oo war culus kasoo saaray heshiiska BADDA, kuna adkeystay…

Khamiis june,27 2024 (HMC)  ABIY Ahmed oo war culus kasoo saaray heshiiska BADDA, kuna adkeystay…

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Lamaanihii ku riyoon jiray in ay Xajka aadaan ee markii ay tageen geeridu haleeshay

Khamiis 27 June 2024 {HMC} Waxaa jira lamaane muslin ah oo ka yimid dalka Maraykanka oo sanadkaanq qayb ka noqday dadkii ku dhintyau Xajka. Si gabadhoodu ay sheegtayna lamaanahaa ayaa waxaa ku dhacay qalal uu sababy kulaylka daran ee ka jiray Sacuudiga sanadkaan, kadib markii muddo ka badan laba saacadood hoos lugaynayeen qorraxda.

Lamanahaan ayaa kala ahaa Alhaji Alieu Dausy Wurie, oo da’diisu ahayd 71 sano iyo Haja Isatu Wurie, oo da’deedu ahayd 65 sano.

Waxayna ka soo jeedeen halka loo yaqaano Maryland oo ku taalla dalka Maraykanka.

Waxay ka mid noqdeen dad lagu qiyaasay 1,300 oo ruux oo sanadkaan ku dhintay Xajka.

Heerkulka Sacuudiga aya sanadkaan marar badan gaaray wax ka badan 50 digree.

Gabar ay dhalaan lamaanahan dhintay oo lagu magacaabo Saida Wurie  ayaa sheegtay in kooxdii waalidkeed u waday xajka aysan bixin adeegyadii ay balan qaadeen, sida in ay waalidkeed siin doonaan cunto iyo biyo ku filan.

Lamaanahaan oo asal ahaan ku dhashay dalka The Sierra Leone ayaa la waayay maalin Axad ah oo ku beegneed 16 kii June, markaas ayaa ahayd laba todobaad uun markii ay Sacuudiga gaareen.

Maalmo kadib, gabadha ayaa loo sheegay geerida ku timid waalidkeed.

Gabadha oo aad uga careysan dhibka soo gaaray waalidkeed ayaa sheegtay in Xajku uu aad muhiim ugu ahaa labadeeda waalid, uuna mid walba bixiyay lacag gaareysa $11,500 oo doolar Maraykanka ah.

“Waaligood wa aay jeclaayeen in ay mar uun aadaan Xajka,” ayay tiri gabadhu iyada oo hadalkeeda sii raacisay, “Xiiso xad dhaaf ah ayay u qabeen Xajka.”

Lamaanah ayaa waxay ka wada safrene Maraykanka ku dhawaad 100 qof oo kale oo iyana xajka u socday, waxaana waday shirkad dadka Xajka geysa oo ka waday gobolkoodu Maryland.

Sida ay sheegtay gabadhoodu, “Wax badan oo kamid wixii shirkaddu balan qaaday ayasan keenin”.

“Dhawr maalin oo kaliya ayay heleen cunto ay cunaan, inkasta oo wixii loo balan qaaday ay ahayd in ay cunto u helaan si maalinle ah.”

Iyaga oo aan haysan adeeg ku filan oo uu jirana kulayl aad u daran, ayay lamaanuhu u sheegeen gabadhooda Wurie “In ay maalinkii mar wax helayaan” ayna isku dayayaan in ay biyo ku filan cabaan.

Fariintii ugu dambeysay ee ay is waydaarsadeen – kadib wicitaano dhawr ah – gabadhu waxay sheegtay in waalidkeed u sheegeen in ay muddo ka badan laba saacadood ay lugaynayeen.

Wax yar kadib xilligaas,, ayaa qof ka socda shirkadda u xaqiijiyay geerida waalidkeed.

Iyada oo caawimaad ka helaysa qolada qaabilsan Xajka, ayaa gabadha waxa u suuragashay in ay aqoonsao qabuuraha lagu duugay waalidkeed inkasta oo aysan wali ogaan buqcad rasmiga ah ee lagu duugay waalidkeed,

“Su’aalo badan ayaa naga dhex guuxaya waxaanan u baahanahay jawaabo,” ayay tiri Wurie, iyada oo sheegat in ay rajo ka qabto in ay gaarto dalka Sacuudigu, si ay u soo ogaato halka lagu aasay waalidkeed.

Waxa kale oo ay sheegtay in shirkadda Xajku u balan qaaday in ay u keeni doonto dal ku gal sax ah safarkana diiwaan galin doonto, balse taasna ay ku guul dareysteen.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, intii u badneed Xujeyda Makka ee sanadkaan, ma aysan haysan ruqsado rasmi ah.

Diinta Islaamka ayaa qabta in qofka muslim ka haduu awoodo jir ahaan iyo dhaqaale ahaanba in uu xajka tago in looga baahan yahay gudashada camalka Xajka.

Sida ay sheegtay dawladda Sacuudiga sanadkaan dad gaaray hal miyan iyo sideed boqol oo ruux ayaa tagay xajka.

Wasiirka caafimaadka ee Sacuudiga Fahad Al-Jaljel ayaa sheegay in ay bilaabeen dadaalo dadka lagu wacyigalinayo oo ku saabsan kulaylka.

Sacuudiga ayaa sidoo kale helaya dhaliilo badan oo ku aadan in ay xajka ka dhigin meel amni u ah Xujeyda, gaar ahaan kuwa aan diiwaan gashnayn.

Go’aanka madaxweynaha kenya uu ka qaatay sharcigii canshuur kordhinta oo la soo dhaweeyay

Khamiis 27 June 2024 {HMC} Washington ayaa soo dhaweysay go’aanka madaxweynaha Kenya uu meesha kaga saaray canshuur kordhintii keentay dibadbaxyo khasaare xooggan gaystay oo ka dhacay guud ahaan dalka Kenya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa taleefoon kula hadlay madaxweyne William Ruto, isagoo uga mahad celiyay go’aanka uu qaatay iyo ballanqaadkiisii ​​ahaa inuu wadahadal la yeelan doono dibadbaxayaasha.

Mar sii horreysay, madaxweyne Ruto ayaa sheegay in dadku ay caddeeyeen in aysan dooneyn in la samaeeyo canshuur kordhin.

Waxa uu hadlayay maalin kadib markii ugu yaraan saddex iyo labaatan qof oo Kenyan ah lagu dilay mudaaharaadyo ay horkacayeen dad dhalinyaro u badan, kuwaas u daatay xaruunt baarlamaanka. Dibad-baxayaasha ayaa sheegay inay weli qorsheynayaan inay dhigaan dibadbaxyo kale maanta oo Khamiis ah.