Khamiis june,27 2024 (HMC) Muxuu yahay xalka dhibaatada reer Muqdisho soo foodsaarta xilliyada roobabku da’aan?
{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Biixi oo Markale Cadeeyey qaabka loo galayo Doorashada.
Khamiis june,27 2024 (HMC) Madaxweyne Biixi oo Markale Cadeeyey qaabka loo galayo Doorashada.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
Warar dheeraad ah oo laga helayo dagaal beeleed ka socda gobolka Mudug
Khamiis 27 June 2024 {HMC} – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka uu dib uga qarxay dagaal u dhexeeyo labada maleeshiyo beeleed, kaas oo hadda la socda galbeedka gobolkaasi.
Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Maygaagta, waxaana uu u dhexeeyaa laba beelood oo isku haysta dhul daaqsimeed ku yaalla halkaasi.
Labada dhinac oo horay ugu dagaalamay aaggan ayaa mar kale saaka is fara saaray, kadib gurmadyo ay heleen, waxaana dagaalka la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in xaaladda ay faraha ka baxday, isla markaana uu jiro khasaare balse aysan cadeyn karin maadaama uu weli socdo dagaalka.
Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada Galmdugu iyo Puntland oo ku aadan dagaalkaas u dhexeeyo laba beelood oo kasoo kala jeeda maamulladaasi.
Gobollada dhexe waxaa ka socda dagaal beeleedyo kala duwan, kuwaas oo gaystay khasaare aad u xoogan, kuwaas oo ka qarxay meelo kala duwan oo kamid ah gobolladaasi.
Si kastaba, dagaalladan ayaa kusoo aaday, ayada oo weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan Galgaduud iyo Mudug, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda.
Madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya oo ku eedeeyey madaxa sirdoonka dalka inuusan xog nuxur leh u gubdin Madaxweynaha
Khamiis 27 June 2024 {HMC} Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa si kulul u weeraray hay’adda sirdoonka qaranka oo uu ku andacoonayo in ay ku fashilantay in ay ku wargeliso madaxweyne William Ruto waqtigii loogu talo galay mudaaharaadyadii waaweynaa ee dhacay Talaadadii.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku andacoodey in Taliyaha NIS Nuurdin Xaaji uu ku guul dareystay in uu Madaxweynaha la socodsiiyo baaxadda mudaaharaadka si looga baaqsado dil, dhimasho iyo burbur.
“Anigu waxaan la danqanayaa madaxdeyda, maxaa yeeley madaxweyne William Ruto warkaan kuma soo gaarin,” Gachagua ayaa yiri.
Wuxuu intaa ku daray in haddii uu ku guul daraystay gudashada waajibaadkiisa uu Xaaji iscaliso.
“Hadii Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ay laba bilood ka hor Madaxweynaha u sheegi lahayd sida ay dadku u arkaan Hindise Sharciyeedka Maaliyadda 2024-ka, dad badan oo Kenyaan ah ma dhinteen, hanti ma burburteen, xafiisyadiina lama burburiyeen, fowdo ma dhacdeen. , laakiin shaqada ayay ka seexdeen.”ayuu intaas raaciyey Gachagua
Madaxweyne xigeenka ayaa hadalkan ka sheegayisagoo ka hadlayey hoyga uu ka degan yahay magaalada Mombasa ee gobolka xeebta ee dalka Kenya.
Dowladaha Somalia iyo Itoobiya oo Aqbalay iney Ka Wada Hadlaan Xiisada Ka Dhaxeysa
Khamiis 27 June 2024 {HMC} Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa aqbalay codsigii Turkiga ee ahaa in ay labada dowladood miiska wadaxaajoodka uga heshiiyaan khilaafka ka dhashay is-afgaradkii ay Addis Ababa la gashay maamulka Somaliland.
Warar laga helay Illo wareedyo waxay sheegayaan in Ankara ay hogaamiyeyaasha Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ku martiqaadey dalkeeda si ay si rasmi ah ugu bilowdaan wadahadalada heerkoodu sareeyo.
Itoobiya ayaa dib u dhigtay in maanta 26-June qalinka lagu duugo heshiis rasmi ah oo la xiriira is-afgaradkii dhexmaray iyaga iyo Somaliland waxaana xukuumadda Abiy aqbashay inay la xaajooto Soomaaliya kaddib tanaasul labada dhinac ka yimid.
Madaxweyne Hassan ayaa Turkida ka aqbalay in uu ka soo dabco go’aankii ahaa inaan la wada hadlayn inta Abiy ka laabanayo heshiiska uu la galay Muuse Biixi
Abiy ayaa isna wuxuu joojiyay inuu dhamaystiro heshiiskii oo loo madlanaa in 26-ka June la saxiixo.
30-ka bishan June ayaa shir heer Wasiirro-arrimo dibadeed ku bilaabmaya loogu balamay inuu Soomaaliya iyo Itoobiya uga furmo magaalada Ankara ee dalka Turkiga sida ay sheegayaan ilo wareedyo muhiim ah.
Muuse Biixi ayaa xalay cadeeyay in dhankiisa wax kasta diyaar yihiin balse uu ka war sugayo inta Itoobiya ay u yeereyso
Ogolaanshiyaha laga helay labada dhinac ayaa hoos u dhigay xasarada siyaasadeed iyo walwalka dhanka ammaanka ee cirka isku tolay tan iyo bilowgii sanadkan aan ku jirno 2024-ka.
Dalka Mareykanka oo Israel uga digay in ay Dagaal toos ah la gasho Xisbullah
Khamiis 27 June 2024 {HMC} Sarkaalka ugu sarreeya ciidanka kala duwan ee Mareykanka, Charles Brown ayaa si cad u sheegay inuusan Mareykanka awoodin inuu caawiyo Israa’iil haddii ay dagaal toos ah la gasho Xisbullah
“Iran ayaa dagaalka ku biiri doonta haddii ay aragto in Xisbullah ay halis weyn ku jirto, Xaaladdaasoo kale, ma awoodno inaan difaacno Israa’iil sidii aan yeelnay bishii April, sidaa darteed, waxaan uga digaynaa Israa’iil inay ballaariso baaxadda dagaalka.” ayuu yiri Charles Brown.
Kumanaan dagaalyahanno ah oo ka socda kooxaha ay Iran taageerto ee Bariga Dhexe ayaa diyaar u ah inay tagaan Lubnaan si ay ugu biiraan kooxda Xisbullah, haddii dagaalka ay kula jirto Israa’iil isu beddelo dagaal adag oo toos ah, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kooxaha ay Iran taageerto iyo falanqeeyayaasha taasoo mareykanka walwal badan ku heysa.
Tobankii sanno ee la soo dhaafay, dagaalyahannada ay Iran taageerto ee ka kala socda Lubnaan, Ciraaq, Afgaanistaan iyo Pakistan ayaa si wada jir ah ugu dagaalamay Suuriya, kuwaaso qayb ka ahaa dagaalladii halkaa ka dhacay.
Dhinaca kale, Codka siyaasiyiinta iyo dadweynaha diiddan xukuumadda Netanayahu ayaa sare u kacay gudaha Israa’iil.
Ra’isul Wasaarihii hore ee Israa’iil,Ehud Barak ayaa yiri “Sida kaliya ee lagu soo celin karo dadka la afduubay waa in la joojiyo dagaalka… Netanyahu waa ra’iisul wasaare guul-darraystay oo keenaya burbur istaraatiiji ah, waana in si walba loo beddelaa.”
Madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, Tamir Pardo ayaa isna sheegay “Netanyahu ma laha wax istaraatiijiyad ah ama aragti mustaqbal, waxa kaliya ee uu daneynayo waa inuu sii joogo xukunka, Netanyahu wuxuu inoo horseedayaa masiibo, guusha uu ka hadlayana waxay la macno tahay inuu lumiyo askar badan, Shacabku waa inay dariiqyada u soo baxaan oo u sheegaan Netanyahu iyo dawladdiisa inay naga fogaadaan.”
Aas-aasaha website-ka WikiLeaks Julian Assange oo dib ugu laabtay dalkiisa hooyo isaga oo xor ah
Khamiis 27 June 2024 {HMC} Aas-aasaha website-ka WikiLeaks Julian Assange ayaa Arbacadi shalay gaaray dalka uu kasoo jeedo ee Australia isaga oo xor ah, kaddib marki lagu sii daayay heshiis uu la galay dacwad-oogayaasha Mareykanka, kaas oo dhigayay in uu aqbalo inuu Mareykanka ka galay danbi jaasuusnimo, kuna baddasho xorriyaddiisa.
Arrintaas ayaa so oaf-jartay 14 sano oo Assange uu eedeysane ahaa, muddadaasi oo marna uu baxsad ahaa, mar uu magan-galyo ku deganaa safaarad ku taalla Ingiriiska iyo mar uu ku xirnaa xabsiga London.
Taageerayaasha wariyahaan 52-jirka ah ayaa si farxad leh u soo dhaweeyay sii deyntiisa, balse sheegay in dacwadihi lagu qaaday ay tusaale u yihiin khatarta ay wajaheyso xorriyadda saxaafadda.
Assange aroornimadi hore ee shalay diyaarad khaas ah ku tagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Canberra, halkaas oo si qiiro leh ay ugu soo dhaweeyeen qoyskiisa. Waxaa isku duubay xaaskiisa Stella, iyo aabihiis, John Shipton, ka hor inta uusan hawada feerin isagoo ku faraxsanaa soo laabashadiisa.
Website-kiisa WikiLeaks ayaa sannadki 2010-kii baahiyay boqollaal kun oo dukumintiyo sir qaran ah oo uu leeyahay millatariga Mareykanka.
Dukumintiyadaasi ayaa u badnaa kuwa millatariga Mareykanka ee dagaalladi Afghanistan iyo Iraq. Dusinti sirta milatari ee Mareykanka ee Wikileakes ayaa noqday kugu ugu ballaarnaa ee taariikhda Mareykanka.
Assange ayaa marki hore sannadki 2010-ki lagu xiray dalka Britain kaddib marki ay maxkamad ku taalla Sweden u jartay waaran lagu soo qabanayo, kaddib marki lagu eedeeyay danbi kufsi ah oo marki danbe laga laabtay.
Kaddib ayuu u cararay oo uu iska dhiibay safaaradda Ecuador ee London, kalkaas oo uu ku noolaa muddo 7 sano ah. Ugu danbeyntii sannadki 2019-ki ayaa laga soo xiray safaaradda, oo loo diray xabsiga Belmarsh ee magaalada London.
Dhinacyada ku dagaallamaya Sudan oo lagu eedeeyay in ay gaajada u adeegsadeen hub dagaal
Khamiis 27 June 2024 {HMC} Khubarro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Arbacadi shalay ku eedeeyay dhinacyada ku lugta leh colaadda sokeeye ee Sudan, in ay gaajada u adeegsanayaan sida hubka lagu dagaallamo.
Warkan ayaa yimid xilli ay sii xoogeysanayaan digniinaha ay hey’adaha caalamiga kasoo saarayaan baahida daran ee ka jirta Sudan, taas oo ay ku sheegeen in ay qarka u saaran tahay in ay macluul isu baddasho.
Khubarrada warbixintan soo saartay oo si gaar ah ugu shaqeeya Guddiga Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa yiri:
“Ciidanka Millatariga Sudan iyo Kooxda Gargaarka Deg-degga labaduba waxay cunnada u isticmaalayaan hub ahaan waxayna gaajo ku dilayaan dad rayid ah, baaxadda gaajada iyo barakaca aan ku aragnay Suudaan maanta waa wax aan horay loo arag,” ayay yiraahdeen.
Khubarrada ayaa ka digay in macluusha ay hadda aad u soo dhawaatay ka gadaal marki si ula kac ah loo hor istaagay cuntooyinka gargaarka bani’aadannimo si dadka loo gaajeysiiyo, in la weeraray ururrada bulshada rayidka ah halka qaar badan oo ka mid ah dadka dhaq-dhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha la xiray.
Warbixin uu soo saaray machadka Clingendael ayaa bishii hore lagu sheegay, in ku dhawaad 2.5 milyan oo qof oo ku nool Sudan ay gaajo u dhiman karaan dhammaadka Sebtembar, iyadoo qiyaastii 15% dadka ku nool gobollada Darfur iyo Kordofan ay u badan tahay inay yihiin kuwa ugu daran.
Warbixinta ayaa labada dhinac ku boorrisay inay “joojiyaan xannibaadda, bililiqada iyo ka faa’iidaysiga gargaarka bani’aadamnimada.”
Sudan ayaa gunta u gashay dagaal sokeeye bishii April ee sannadki hore, kaddib marki muran u dhaxeeyay millatariga iyo kooxda sida milatariga oo kale u tababaran ee loo soo gaabiyo RSF uu isu baddalay gacan ka hadal.
14 bil oo dagaal ah, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dalka Sudan lagu dilay 14,000 oo ruux, halka ay ku dhaawacmeen 30,000 oo kale. Malaayiin ayaa ku barakacay ama u qaxay dalal dibadda ah.
Dalka Bolivia oo ka badbaadday isku day afganbi
Khamiis 27 June 2024 {HMC} Madaxweynaha dalka Bolivia Luis Arce ayaa sheegay, in Arbacadi shalay ay fashiliyeen isku day afganbi oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan millatariga dalkaasi, kuwaas oo muddo kooban heystay madaxtooyada iyo aqalka baarlamaanka, ka hor inta aysan dib uga soo laaban.
Goor sii horreysay oo shalay ah, ayay cutubyo ka tirsan milatariga oo uu hoggaaminayay Jeneral Juan Jose Zuniga, oo dhawaan laga xayuubiyay xilka taliyaha ciidanka xoogga, ayaa isugu soo baxay fagaaraha u dhaw qasriga Plaza Murillo, oo ay ku yaallaan madaxtooyada iyo Congress-ka.
Goob-joogayaal ayaa sheegay, in ay arkeen gawaari gaashaaman oo albaabka madaxtooyada xoog ku galaya iyo askar orod ku sii galeysa.
Kolonyo baabuurta gaashaamman ah oo ay saarnaayeen askarta qabsatay madaxtooyada Bolivia, ayaa iyaga oo si saf ah ku socda dib uga soo laabtay qasriga madaxtooyada, xilli ay boqollaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha ay si dhaqso ah ku buuxiyeen fagaaraha ku yaalla bannaanka qasriga madaxtooyada.
Iyaga oo lulaya calanka kuna heesaya astaanta qaranka Bolivia, ayaa waxaa u gacmo-haatiyay madaxweynaha oo ay hareeraha ka joogeen wasiirradiisa. Madaxweyne Arce ayaa u mahadceliyay dadki isugu soo baxay fagaaaraha. Wuxuu wacad ku maray inuu meel adag ka istaagi dooni afganbiga, isaga oo markiiba taliye cusub u magacaabay ciidanka millatariga.
Saacado yar kaddib, booliska Bolivia ayaa xiray jeneraalki ka danbeeyay isku-dayga afgani, kaddib marki uu xeer-ilaaliyaha guud uu furay dacwad ka dhan ah jeneraal Juan José Zúñiga.
Isku-daygi afganbi ee Arbacadi ayaa yimid, kaddib bilooyin ay kacsaneyd xiisadda siyaasadeed ee Boliva, kaddib marki ay madaxweyne Arce iyo madaxweynihi hore Evo Morales ay isku qabsadeen maamulka xisibiga talada haya. Arrintaasi ayaa dhalisay bannaanbaxyo sii xoogeysanaya oo ay taageerayaasha Morales dhigayaan.
Morales ayaa xakunka xoog looga tuuray sannadki 2019-ki, kaddib kacdoon dadweyne oo Bolivia ka dhacay, kaddib muddo tobnaan sano ah oo uu dalkaasi dhaca bartamaha Koofurta America soo xakumayay.
Wuxuu hadda doonaya inuu u tartamo doorashada madaxtinimada ee Bolivia ka dhaceysa sannadka 2025-ka.
Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo Gacanta Kusoo Dhigay Askar jebisay amar ay bixisay Dowladu
Arbaco june,26 2024 (HMC) – Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir oo kaashanaya hey’adaha ammaanka caasimadda Muqdisho ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9 Askari.
Askartaan ayaa ka kala tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda, kuwaas oo jebiyey amarkii shalay ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya.
Amarka ay askartaani jabisay ayaa ahaa in aan la ridi karin rasaas loogu dabaal-dagayo maalmaha xoriyadda Soomaaliya, maadaama ay marar hore khasaare nafeed geysteen xabadaha ay askartu u rido dabaal-degga maalmaha xoriyadda.
“Waxaa socota baaris, maadaama uu jiraan khasaare ka dhashay xabadihii sharci darada ahaa ee la riday xalay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska Soomaaliya.
Booliska Soomaaliya ayaa warkaan ku sheegay in askartaan markii uu soo dhamaado baaritaanka ku socda la horgeyn doono Maxakamadda awooda u leh inay qaado kiiskaan.
“Hay’addaha ammaanka waxa ay baadi goob ugu jiraan tiro intaan ka badan iyo gaadiid xabado riday xalay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay booliska gobolka Banaadir.
Ugu dambeyntii booliska ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara in la jebiyo amar soo baxay, sidoo kale waxaa shacabka looga codsaday qoraalkaan inay booliska ama hey’adaha kale ee ammaanka la soo wadaagaan xogta qof kasta oo caqabad ay u arkaan.
“Waxaan shacabka Caasimadda ku nool ka codsanaynaa in ay nala soo wadaagaan cid walba oo amniga lidi ku ah, adiga oo nagala soo xariiraya xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo wacaya 991,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.
Ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa muddooyinkaan kordhiyey howlgallada iyo shaacinta dembiilayaal lasoo qabtay, taas oo ka dhigan in wax badan ay iska bedelayaan amniga caasimadda.



